"XOORKII LAGA DHAMAY XAGAAGII HORIYO,
XUSUUSBAA GEELLA LAGU XERGEEYAA......."
Hobolkee amabase hoballadee ayaa ugu cod wanaagsan Soomaalida ? waxan
filayaa inaad hore u maqashay su'aashan oo kale, nasiibdarose ma jirto
jawaab kali ah oo ay dhamaan dadku isu raacaan. Sababtu waxay tahay
ayaan filayaa fanka oo ah sida cuntada oo kale, dadkuna kala dhadhan
duwanyahay. Bal ka waran hadaad qoraalkan akhrisato, dabeedna aad
adigu su'aasha garsoore ka noqoto ?.
AYAAN BI'INOO BADA ILA DHURA. Diyaar ma u tahay heesihii hore, kuwii
dhexe iyo kuwii danbe ee Magool, waa kuwane dhexda xidho oo jilbaha
dhig.
Aan ku bilowno Magool oo jacayl dhabadhabeeyay, shinbirrona
fariimaynaysa:
Shinbiryahow ma duushaa Ma dabaylo raacdaa
Dadka ma u adeegtaa Oo ma u dadaashaa
Dalanbaabi baan ahay Daalaa-dhacaayee
Kala qaad dibnaha oo Dal yaqaan ma tahayoo
Degmadii fogaatiyo Meeshii laguu diro
Dawgeed ma garataa!!!!!!!!!!
(Waah-waah, NABAADKAANA MUUDSOO NAA MAXAAD TIDHI????)
Markan waa Magool oo haasaawaha jacayl la dalandalinaysa Samatar, si
qayaxana ugu leh: waar ninyahow, DAGAAL HORTII HUB SAMAYSO, XAAS
HORTIINA XOOLO DHAQO. Caashaqana iska ilow!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Samatar:Cashaduu Illaahay Caradeena joojee.....
Cimrigeed aduunyada Waxa jiray col iyo nabad
Caydh iyo nin xoollole Iyo laba is caashaqay
Caawana kamay tagin Caynkaynu ku ogayn
Adna calafka kuu qoran Cuno seegi maayee
CAASHAQA HA BAAYICIN!!!!!!!!!!
Magool:................................
Cashadii timaadaba Dadka ruux cadibanoo
Waayuhu ku ciiriyo Mid carruusayaa jiroo
Caad igama saaree Cilmiyada Illaahay
Anigoo an caasiyin Cabsi haygu galinine
Noloshaydaa caydhiyo CILMI GUUR AAN KU FADHIYIN
Ku caarcaari maayee CAASHAQA ISKA ILOW!!!!!!!
Aaaaaaax, maansha horaba loo yidhi: AF, AF LOO WAAYAY BAA BA'AY!
Magool miyaanad nabsi ka cabsanaynin, inan rag sidaas looma galo'e ?
Ka rog oo hadana saar, HAGARDAAMADA GUURKA, HAWEENKAA KA MASUUL AH!
ma runbaa ? Waa Magool oo markan jacaylku soo ritay, laqanyadiisiina
laabta u fadhido:
Magool:...Naftaad baaxadsooraha Bukaan uga maciintaa
Kuu beeraqaysee Ha ka goyn barriidada
Nimba waa mare, mus ma kula koray, imisaan Magooley ragga sidan ka daa
ku idhi!, oo waliba waxaa ay ku sii dartay:
Magool:Waxaa goranyo-cawshuba
Ubadka u carbinaysaa.....
Ana ciirsi adigaan
Noolaha cariga jira
kaa caleemo saartee
Ugub caashaq keeniyo
cawo dhalad hadaan ahay
CAAFIMAADSAN KUU YEEL!!!! (Oof-oof, waxaasaa coda)
Oo horta maxaa Magool badi dadku ku jeclaadeen ? Ma indhaha ay sida
layaabkale uga ciyaarsiiso, ma luqunta sida goray-haldhaaga hadba ay
gees u wareejiso, mise jiiddida luuqda ee lagu daba harraaday ? waa
yaab, waa yaab....
Mar ay Kuluc haasaawaha jacayl la daadihinaysay waayo-waayo, waxay is
yidhaahdeen "I MAAWEELI IYO I MADADAALI":
Kuluc: Marwoy hoy inaabti
Heedhe Magooley,hoy inaabti
Marwoy hoy-hooy
Magool: Waa maxay mudanow,hoy-hooy
Kuluc: I madadaali, daali
I maaweeli, weeli
Magool: Maxaa ku daaray
Kuluc : Mooyi!!!
Miyaad i moogtay
Magool : Maya!!!
Kuluc: Mid kula midaboo
Kula mid ah
Ma arag,
Indho dhagana may maqal
Ma jirto
Ifka soomanay mariney (Sorry brothers/sisters, I
did not mean to remind you the good old days, please don't cry!!)
Bal ka waran haddaan wax ka maqalo Tubeec iyo Magool oo dabshidkii iyo
nayruuskii caashaqa ku gudo jira:
Tubeec: Nayruusku waa ciid
Waa nagi aduunyadu
Waa nuur kalgacalkuye, naruuroy
Waa nuur kalgacalkuye, nasteexoy.....
Magool: Nayruusku waa ciid
Waa nagi aduunyadu
Waa naar kalgacalkuye, nasiidow
Nabaraa i gaadhoo
Ma nuuxnuuxsan karayee...
Waar bahalku noocyo badanaa, cajaa'ib!
Waryaa hada Magool siti-faadumada iyo nabi-amaankana way ku qaadaaye
iska jir:
......
Intii raacday nabigee
Rafiiqiisii noqotee
An rumaysay noqonee
Ku saliya rasuulkii (Rami salii calal xabiibi muxamed, wacalal aali
wasacbii wasalam).
Hore ayaan u sheegay inaanay ahayn heesaha Magool wax tiro lagu soo
koobi karo, tayo ayaabay waliba ku darsadeen, markaa WABIYO ISU OOMAN,
ADIGUBA DHARAARAAD KA QOSLAYSAY DHOOSHA, MINANKIINII HADAAN IMI
iyo waliba kuwa kale oo farabadan aan habeen kale u dhigto(hadii Eebe
idmo).
Adiga garsoore halkee xaal kula marayaa, ma u garatay in Magool tahay
BOQORADA CODKA ee fanka Soomaalida.
Ka baxaye bulshoy qabo!
M A Obsiya
I'm still struggling to separate Magool's art from her politics, IMO, she
has commited the ultimate sin of prostituting her talents (which ought to
be a national asset), to the warlords.
Is she a talented artist who happens to also be a clanist ?
or is she a basic clanist who happens to possess great artistic talents ?
Was she the victim of a rare and unusually euphoric circumstancies ?
should her fans be concerned about this ?
( Xisaabi xil maleh haddaan la xumeyn )
Of course I still love and will always love her music, I just wish she was
not so narrow minded..
Hmmm..., sorry but can't separate the two sides of the unit.
--
CAVE _ * _ _ * _ _ * _ _ * _ _ * _ _ * _
ARTS \/0 0\/ \/0 0\/ \/0 0\/ \/0 0\/ \/0 0\/ \/0 0\/
etc.. ( ) ( ) ( ) ( ) ( ) ( )
/ ! ! \ / ! ! \ / ! ! \
Dear Obsiye;
Waad ku mahadsantahay maqaalkaan xiisaha leh ee aad soo bandhigtay.
Waxaa la yiri Muslinow run sheeg Muslinowna ka qaado. Waxaan u
qaadanayaa iney daacad kaa aheyd, walow laga dharagsanyahay xaarkii ey
qasatay magool. Godka maalmamahan waxaa ku yaraa contraversika oo aan
u arko iney lagama maarmaan tahay, si la isku fahmo xanta qolo kastana
kuwa kale u ogaadaan.
Magool waxey meel kaga dhacday in alla intii u sacaba tumi jirtay,
waxey bi'isay magacii fanaaniintii loo han weynaa.
See hadaba u noqon kartaa Boqoradii Codka ee Soomaalida. Waxaa ka
habooneyd inaad tiraahdo BOQORADII CODKA EE MOORYAANTA. Runtii
dadbadan baa joojiyay dhageysigii codka Magool.
Waxaad meel kaga dhacday markii aad ku qodobtay Hasan Aden Samatar oo
ah fanaan dhameystiran, oo Somali ah.
Obsiyow Soomaalinimo ma qaar ha laga reebaa? Ruuxii u bareera xumaan
qabiili seebaa loogu qeymeyn karaa Boqoradii codka Umada Soomaliya?
Nasiib wanaag waligey Magool codkeeda ma jecleyn! Hadiise aan codkeyga
baxsanayo haweenka Soomaalida waxaan u codeyn lahaa; Sahro Ahmed,
Miyaaney ku qaadin codka hidaaya allaha ah ee aan la iska yeelyeeleyn!
Miyaanad jiriricoon Xusuusi kugu soo duxin codkii dananayay ee Sahro
markaad maqashu.
Saasoo ey tahay hadii aan maqlo Sahro iney Qabiil la safatay
dagaaladii Sukeeye, waan kala noqonayaa u codeynteyda.
Obsiye Walaale Xaal bey kaa rabtaa bahweynta Somalida?!
Garashooy?
Bal adba!
Gacmadhere
N.B. Inta aan cod la siin fanaanka waa inuu noqdaa ruux u dhaxeeya
Somalida oo idlil. Hadii kale waa iney u codeeyaan kooxdoo
doortay/kooxdey dooratay oo kaliya.
The word clanist, coined by me to describe the hobby of those who
have interest in learning clan structures, can not be confused with
primordial clan instincts. The latter phenomena is found in almost any
Somali and as such Magool is no exception.
If, as alleged, professors Jima'ale and Samatar respond to those
instincts, how could we expect Magool who is not schooled in formal
education to understand the fine demarcation lines of her profession and
politics? We shouldn't. Therefore, Magool can not be publically
persecuted until such time Somalis institute such social attributes that
emphasize professional ethics and others.
BTW, how come we do not criticize former Daarood Waaberi artists who
have been for over twenty years glorifying Siad Barre? And how come
Isaaq artists who literally made Siad Barre the hero he was claim now
that Siad Barre was a dictator? One such Isaaq, though not an artist, is
Gen. Jama Ghalib who wrote a book entitled "The Cost Of
Dictatorship..."
So long.
The Udub_la_asley, Chief Clanist
Somali National Clan Studies Association.
Many times I tell myself that she nothing less than a bitch, but then I push
the play button and start shaking my head for when I hear her saying things
like "Shinbiryohow ma duushaa..Ma dabayla raacdaa...! That is where I stand
on Magool..Right in the middle of love and hate. As a singer I will always
love her voice, but as a human being she is nothing less than a useless
de-trop to me and I throw her on the scrap-heap garbage.
Wasn't she one the singers who sang most of the propaganda songs for Siyad
Barre in his hey-days..I still recall songs like...Maanta maanta maanta,
madaxweyneheenna maanta...maanta maanta magaciis ha raagee maanta.
And now what?
Obsiiye, thank you for remindin us Magool and her days as a loved somali
singing angel, but no thanks for reminding us her life as the clan bitch.
Ka baxay
AA HAYBE...The Xubeer of Calmadow
MUHAMMED HUSSEIN (mhus...@osf1.gmu.edu) writes:
> In article <DoEt9...@freenet.carleton.ca> ah...@FreeNet.Carleton.CA (Mohamed Ahmed M. Atto) writes:
>>Is she a talented artist who happens to also be a clanist ?
>
>
> If, as alleged, professors Jima'ale and Samatar respond to those
> instincts, how could we expect Magool who is not schooled in formal
> education to understand the fine demarcation lines of her profession and
> politics?
As Somalis, most of what we know about ourselves, we've learned throught
the oral literature of artists like Magool who were "not schooled in formal
education", therefore personally speaking, I expected our real artists
to be the ultimate truth tellers.., I hope they know this, and if they
don't then we should tell them and tell them really quick..
IMO, When it comes to Somali affairs, we should realize the foreign aspect and
influence in the formally educated understandings..
am I a dreamer ?
In the 1960's, the Reer Mudugh people coined a not so popular saying
which went like this:
"Is waashey sidii Xaliima Khaliif Magool".
Does anybody know what it meant or how it came about?
The Udub.
>I'm still struggling to separate Magool's art from her politics, IMO, she
>has commited the ultimate sin of prostituting her talents (which ought to
>be a national asset), to the warlords.
>Is she a talented artist who happens to also be a clanist ?
> or is she a basic clanist who happens to possess great artistic talents ?
>Was she the victim of a rare and unusually euphoric circumstancies ?
>should her fans be concerned about this ?
>( Xisaabi xil maleh haddaan la xumeyn )
>Of course I still love and will always love her music, I just wish she was
>not so narrow minded..
>Hmmm..., sorry but can't separate the two sides of the unit.
Dear Atto,
I honestly do not have any information about these allegations against
Magool. Nevertheless, as long as you have stated that you still love
and will always love her music, then I guess we are on the same boat.
BTW, I did not intend to discuss the article about the Somali clan
politics and the warlords. Therefore, I would really appreciate if we
can concentrate purely on Magool's artistic talents.
Thank you all
>Dear Obsiye;
>Waad ku mahadsantahay maqaalkaan xiisaha leh ee aad soo bandhigtay.
>Waxaa la yiri Muslinow run sheeg Muslinowna ka qaado. Waxaan u
>qaadanayaa iney daacad kaa aheyd, walow laga dharagsanyahay xaarkii ey
>qasatay magool. Godka maalmamahan waxaa ku yaraa contraversika oo aan
>u arko iney lagama maarmaan tahay, si la isku fahmo xanta qolo kastana
>kuwa kale u ogaadaan.
Haye-haye, waar bal ii waran Warsame. Walaal waxaan anigu ogaa Magool
oo ku qaada Hadaan helay kii i hananlaa, Dhib ka caafimaadnee waa in
aynu ciidnaa, Haasaaweheenii ka hadh baan ku leeyahay iwm. Maxaa
Warsamow iga danbeeyay, bal warka ii balballaadhi.
BTW, do you think this is a controversial topic ? Magool way COD
wanaagsantahay caawa iyo bariba, and I do not see anything
controversial about that, unless you want to make it so.
>Magool waxey meel kaga dhacday in alla intii u sacaba tumi jirtay,
>waxey bi'isay magacii fanaaniintii loo han weynaa.
Walaal, COD wanaagsani ayuunbaan ku ogaa inanta'e, maxay samaysay, ma
cunaha ayay doobi ka soo baxday oo way COD xumaatay, mise xabeeb ayay
yeelatay ?
>See hadaba u noqon kartaa Boqoradii Codka ee Soomaalida. Waxaa ka
>habooneyd inaad tiraahdo BOQORADII CODKA EE MOORYAANTA. Runtii
>dadbadan baa joojiyay dhageysigii codka Magool.
Qofka codkiisu ma wax marna la jeclaado, marna la joojiyo ayaa ?
Sidaasi waa DOOKH-CARAS, inta Magool codkeeda jecel waa u BOQORADII
CODKA, waxan kale ee aad ku dartay ee MOORYAANTA, walaal anigu garan
maayo'e bal ii soo turjun.
>Waxaad meel kaga dhacday markii aad ku qodobtay Hasan Aden Samatar oo
>ah fanaan dhameystiran, oo Somali ah.
Wagagac, WAAR MA ANAA WAALAN, MISE CADAN AYAA LAGA HEESAYAA ?
Walaal ma anigaa Samatar ku qodbay, mise heesta ayay wada qaadaan. Ma
waxad i leedahay, wax-alliyaaliyo waxa cajalad dunida taala soo ururi
oo dabeedna ka masax inta Samatar ku jiro. Hadiise adiga Samatar
sidaas kuugu boqranyahay, bal waadiga Toronto jooga'e suuqa u yara
laabo.
>Obsiyow Soomaalinimo ma qaar ha laga reebaa? Ruuxii u bareera xumaan
>qabiili seebaa loogu qeymeyn karaa Boqoradii codka Umada Soomaliya?
HAAAAAAAAAAA, imikaad soo dhowaatay oo aan wax kaa gartay. walaal sida
runta ah wakhtigan lagu jiro aad ayay u adagtahay in wax-alliyaaliyo
waxa aad ka hadasho aad qabiil ka ilaalin karto, hase yeeshee fanka
ayaa ugu roon, isna inaan qudhunkan soo dhex galino ma fiicna, hadii
kale godkan SCS-ta oo faa'iidooyin badan yeelan lahaa wuxu noqon meel
laysu KHUUKHIYO, sida imikaba in badani u aragto. Mida kale, anigu ma
ogi waxa ay Magool samaysay, hase ahaatee, waxaan sheegay uun in ay
marka COD laga hadlo (Hada waa COD kali ah) iigu muuqato BOQORADA
CODKA, waxaanan hubaa in dad badani ila qabaan.
>Nasiib wanaag waligey Magool codkeeda ma jecleyn! Hadiise aan codkeyga
>baxsanayo haweenka Soomaalida waxaan u codeyn lahaa; Sahro Ahmed,
>Miyaaney ku qaadin codka hidaaya allaha ah ee aan la iska yeelyeeleyn!
>Miyaanad jiriricoon Xusuusi kugu soo duxin codkii dananayay ee Sahro
>markaad maqashu.
Sahra Ahmed waa hobollad aan aad iyo aad u qadariyo, ahna kuwa ugu
horeeya, hase yeeshee waataan hore u idhi fanku waa qof iyo
dhadhankii. Mar aan sanadkii ina dhaafay dhamaadkiisii wadankii yara
gaadhay ayaan maalin-dhan ka raadinayay Hargeysa, nasiib-daro lamaan
kulmin oo way maqnayd, waxase la ii sheegay inay u shaqayso hay'ada
laanqayrta cas "Red cross", kana tirsantahay kooxda Xasan Ganay, ayada
iyo hoballo kale oo ay ka mid yihiin Aamina Cabdillaahi, Tiriig
Xaashi, Saynab Cige, Bunsi Dheere, Boon Xirsi iyo Sarreeye oo xaga
majaajilada aad caan ugu ahaa, iyo kuwa kale oo aanan imika wada
xusuusan.
>Saasoo ey tahay hadii aan maqlo Sahro iney Qabiil la safatay
>dagaaladii Sukeeye, waan kala noqonayaa u codeynteyda.
Dee sidaasi Warsamow waa DOOKH..., marka hore ma CODKA inanta ayaad
jeclayd, mise cideeda iyo waxa ay shaqsi ahaan samayso ?, sawtii mar
uu qiimaha iyo macnaha fanka ka hadlayay Yuusuf X. Aadan yidhi:
HADAAN GABAYGA UURKOO BUKIYO ARAMI KAA KEENIN
AMAAN UMAL JACAYL IYO XANUUN KUGU IGBAARAYNIN
AFKUUNBAAD KA LEEDEE TIXDUBA ARAR MA YEESHEENE !
Warsame fanku ma aha wax marna qofka soo jiita, marna la joojiyo.
>Obsiye Walaale Xaal bey kaa rabtaa bahweynta Somalida?!
Wadh-wadh, ka dar oo dibi dhal, waliba waylana raaci !, sidani waa
BAROORTU ORGIGA KA WAYN !. Walaal sowtaan moodayay inuu xaalku sabab
lahaan jiray, ujeedana loo bixin jiray ? Ma waxa laysu qabsanayaa
Magool CODKEEDA waan jecelahay oo boqoradii codka ayay u tahay dad
badan ?. Walaal dee meesha waynaga North America oo la yidhi xoriyada
hadalka "Freedom of speach" ayaa taala aynu nimide, ayaynaan sidaas
isu cabudhinin, fankuna sidiisaba cabudhinta kuma fiicna.
>Garashooy?
>Bal adba!
Garashooy? what, do I take this as a compliment ? tani jawaabta ku
fiicani waxay tahay:
Garashadu haday ruux la tahay suu u garanaayo
Garaadkiisu suu qabo hadii loola garan waayo
Gardaruu u qaataa ninkii yidhi garaadkiise......
Toojaba waxaa lagu godlaa siday u gaar tahay
GURRANIDU mar waa u dhalasho iyo gacanba qaabkeed
Marna waa calool garac sidiyo xaal ku soo galay
Kol hadaanay maankaaga gadin talona kaa goynin
GURRANAANTA qaab lagu saxoo loo gudbaa jira !
>Gacmadhere
>N.B. Inta aan cod la siin fanaanka waa inuu noqdaa ruux u dhaxeeya
>Somalida oo idlil. Hadii kale waa iney u codeeyaan kooxdoo
>doortay/kooxdey dooratay oo kaliya.
CODKA waxaan moodayay inuu fanaanku u dhasho'e ma waxa siiya dadka.
Kooxahan aad sheegaysana anigu garan maayo Warsame !. Mawduucanina
uguma talo galin in lagaga hadlo qabiil iyo siyaasada Soomaalida
marna, markaa aan ku koobnaano MACAANKA FANKA, hadii kale waa
"fantashiruu-fil-ardi".
> Ka baxaye bulshoy qabo!
> M A Obsiya
>
MAGOOL
La iskuma hayo inay ahayd fannaanad weyn oo aad somali badan codkeeda
jeceshay. Dabcan haddaan da'i ka daba imaan weli codkeedu sidii hore
ayuu u wanaagsanaan waana laga yaabaa in dad badani weli jeclaadaan.
Waxaase run ah in ay cadkeedii macaanaa ee somali u wada riyaaqsanayd
ay u isticmaashay si aan dad badan oo wax-garad ah ku habbonayn taas
oo ah inay hees(o) qabiili ah qaaday. In badan waan maqlay hadallo
Magool wax lagaga sheegayo oo lagu cambaaraynayo wixii ay geysatey hase
ahaate wax la taaban karo ma helin week-end-gii lasoo dhaafay ka hor.
Xaafad aan booqasho u tegey ayaa iyadoo la iska sheekaysanayo ayaa
sheekadii Magool soo gashay. Waxaa meesha joogay qof qiyaastii labo
sano ka hor xamar ka yimid ilaa iyo intii dagaalka sokeeye dhacayeyna
aan xamar dhinacna u dhaafin oo weliba ku noolaa qaybta uu haysto
Caydiid. Heesihii ay Magool qaadday oo ay tirtiridda "Faqashka" ku
taageeraysey ayaa wax la iiga sheegay waxaana ka mid ahaa:
SAGAALKA IRIIR SAMAALE
FAQASH BAA KU SAA'IDA EE
SAARAAY SAARAAY
WAA FAQASHE SAARAAY
SAARAAY SAARAY
WAA FINISHE SAARAAY
Haddaba inkastoo Magool cod wanaagsan tahay, qofkee damiir leh oo
dhegeysan kara cajalad ay ku wada duuban yihiin heesta kore iyo
Imadadaali-daali ......?
Qabqablayaasha dagaalka wax ka af macaan oo ka soomalisan majiraan
markay khudbaynayaan, ee ma waxa ay sheegaan baan rumaynaa mise waxa
ay noo geysteen baan miisaan saarnaa? Magool cod-wanaaggeeda waxaa
dacar ka dhigaya waxa ay ku kacday loogase hanweynaa. Magool la mid ma
ahayn qof kasta oo iska caadi ah ee qof qaran bay ahayd. Bal miisaan
saar meessha ay Baxsan ka lahayd " Garabkiinnaan soconnaaye
Geyshkayagoow guuleysta" 1964-kii iyo Magool ......... 1991 kii.
Malahayga Magool waxaa calankeedu inuu foorarsado bilowday ayaamihii u
dambeeyey ee Siyaad Barre iyadoo la ii sheegay welise aanan dhegeysan
in ay qaadday hees ay ku durayso tii Saado Cali ee "Land-Cruiser
Gado", laguna ammanayo Siyaad Barre. Hase ahaatee muddo yar ka dib
ninkay ammaanaysey (Ina Siyad Barre) ayayba somalinnimadii ka saartay
(heesta kore) Bini aadan oo dhan waa gafaa waxaase ugu khayr roon kii
ka noqda gafka (Nabi Muxamed NNKHA) marka Magool iyo intii gefteyba
toobadda alle waa u furantahay, waxaana rajeynayaa inay hadda
dareentay faraqa ku kala jira qoys iyo qaran sida aan ka aarkayba
cajalad laga soo duubay shirkii qabqablayaashu ku qabsadeen Addis
Ababa iyadoo aad mooddo inay danbigeedii dareentay kana murugoonaysa
waxa ay ku kacday.
ALLOW UURKA IYO AFKA NOO MIDEE
CUSMAN SALAD
If your hero is morgan her hero is aidid,
if you are a self claimed talented artist she is well known celebrity and
a FINE artist! does that bother you? it is so pathetic to see you run
after her all the time, shouldn't you forget earlier discussions?
BTW, I have heard you are selling Morgan's self portrait in your next
exhibit is that true? may be it was un cultivatin sculpture, i dunno.
_____________________________________________Abdouladif_____________________
Hey shmomed, stop twisting the logic, any reasonable person knows that my
condition is a defensive retaliatory symptom, her's was the cause, you know
that, I'm sure you know that..(I did not start the fire..),
and besides, not long ago both Magool, Morgan and Aidiid shared the same hero,
which was none other than the late Siyad Barre, and this ain't no joke
either, I've got the audio tapes and I've got the videos too..
> if you are a self claimed talented artist she is well known celebrity and
> a FINE artist!
I never claimed to be a "talented" artist, all I said was that I am a Cave
Artist with near eccentric propensity to sculpt humongously curvacious
Venuses :)
> BTW, I have heard you are selling Morgan's self portrait in your next
> exhibit is that true? may be it was un cultivatin sculpture, i dunno.
Listen, you are getting into my nerves now, I am not in the business of making
icons, okay ? venuses ! I said I sculpt venuses, damn'it !!!
btw, I suggest you leave my friend OJ Ofleh alone, or else...
--
CAVE _ * _ _ * _ _ * _
ARTS \/0 0\/ \/0 0\/ \/0 0\/
etc.. ( ) ( ) ( )
Dear Obsiye;
Waa maxay "wagagac" "haaheeyo" iyo, Fatuud. Waxaas "booto" ayaan u
naqaan. Just ra'yigaaga oo mutuxan soo jeedso, alalgta iyo bashbashta
reeb. Khaldaan kalena waan ku arkay sheekadaase Iskool gaara miyaa la
idiinka dhigaa? Annagaa wax aragnay! Yaad la sheekeysataanoo baas oo
aad ku af barateen!
Bal adba!
Walaalle maxaa keenay inaad boorka isku qariso. Ma maqashay qaadaa iyo
qarshaa...? Ma garan karo waxa uu dookhaado ku raaci karo Ruux dhagar
ka galay qeyb ka mid ah Bulshada Somaliyeed. Dookh bukaan baa la
yiraahdaa kaas. Ma maqal Magool waxey sameysay xitta kuma bixineysu!
Cimrigaaga oo raaga Geel dhalaayoo ku tusaa.
Hadiise inkiraad iyo buuq kale aad isku daydu inaad galiso. Waa adiga
iyo hortaada. Waa gartii Gedi Baabow- ma gastay.
Waxaan qabaa kii adiga ku dhakra anna inuu ii soo socdo. Ninka ragga
aktaada ka day, bey yiraahdaan reer Muduga, marka akteydaan walaale
kaa dayey!
Walaalle carcarta kaa soo baxeysa ayaa igu filan, Magool waligaa
jeclow, anigase iga dhimatay. Barashana wanaagsan.
Alla Barashu!
Barashu wacanaa!!!
Bi'i waa adoonyooy
Maxaad laba bogleysaa
Hawlahaagu badanaa
Hawlahaagu badanaaaa!!!
Soomaali ciddii loo boqraayo ayagoon ka tagin qabiilkooda waa inuusan
aflagaadeyn qabiilooyin kale. Walaalle saw adiga maaheyn Abwaankii noo
soo laliyay Maansadii cajiibka aheyd ee Shiindhaafka Afrika?!
Shalay Amaantaa.....Shalay amaantaadii
Ara dheeraa deerteey...Meel fog bey gaartaye
Hata ley in eebowtooy....Hadda ha ceeboobin
Arin hooba awkaa
Sheenoo
Aroodiis ki kooytoo
Inkaar ii du'aa waa
Iinki aasiyowtooy!
Waa dardaarankii Abwaan Sahal Macalin, si fiican u dhuux.
Gacmadhere
: I never claimed to be a "talented" artist, all I said was that I am a Cave
: Artist with near eccentric propensity to sculpt humongously curvacious
: Venuses :)
Is that right, then don't flatter yourself it was my mistake!
:
:
:
: btw, I suggest you leave my friend OJ alone, or else...
:
he is more of my friend than he is to you, except one you two
share the same cup of gin & juice with same straw and later you
transmit your incurables to the healthy boy! I advise you to stay away
from him or else I will notify to his legal guardians.
By the time you baptized him I will never be able to rescue him duder**
__________________________________________________Abdouladif________________
The best resolution for the conflict of ideals between the norms we
expect from Somali intellectuals, and this may include Artists, and
those dictated by the clan instinct is to go thru a transition period in
which we experiment with compromise ideals. This will require complete
overhaul of future Somalia's educational system. In other words, if "the
foreign aspect and influence" of our educational system could not change
the psyche of the intellectual, then why bother. Therefore, any future
educational and/or professional system in Somalia must have an
influential effect on our thinking. Influence to what direction?
Recall, Magool has risen to a star in an environment where everybody has
to please the Siad Barre. If there were private enterprises whose
invisible hands guided its owners to those aisles with the maximum
return, Magool would not care about the Habar Gidir probable ascendancy
to "G.S". This is so because the Habar Gidir is not an invisible hand
with rewards. It might rather be an invisible hand that leads to a dead
end.
Now, without systems that reward individual achievements, and with
sytems whose only individual security is enshrined in the clan system,
how could we expect Magool to not sing the clan song? I gather this is
the same question I have raised in my previous post. It seems to me that
we do not want to face it.
I agree with you on this one, Udub (god forbid !), but then I thought we
all came to the "cave' for the (daily, weekly or monthly) soothing
psycho-therapeutic fix that we get when we `say' what we `think'..
Believe me, everytime I scripple my `emotional' graffiti on the walls of
this cave, I kinda feel like if I'm laying on the "couch", answering to some
weird Jungian questions, shivering in terror and having nightmares, yeah
nightmares, like the one when a monster looking Magool was standing on top
of my grave and chanting " DIE ! Die !! " with this ghoulish tone..
Scary stuff..
--
CAVE _ * _ _ * _ _ * _
ARTS \/0 0\/ \/0 0\/ \/0 0\/
etc.. ( ) ( ) ( )
Afkaaga cano lagu qabey waxaad nasoo xasuusisey waayo waayo.
sidaad horey usoo carabaabtey, cidina iskuma waafaqsana,
cida ugu codka wanaagsan heesaha soomaalida,waayo ninba
dhadhan gooniyah buu leeyahay oo si gooniyah beey usaameysa.
adiga ku aragnay ku dhageeysaney halka Xaliimo khaliif,
kaaga talo, waa hubaal oo nina caad kama sara doorka,
Magool kaga jirto masrax soomaalida laakiin saxiib,
Caraboow miyaad iloowday .
Anigoo guweeyn jirin, anigoo guudka leydabo,
Anigoo rag wuxuu galo iyo garan waxa uu gudo,
Anoo jooga gurigii gacalo hooyadeey,
Adaa ilasoo galey jacaylkee,
Markaan ka gudoomay samihii hadaad goysey,
nabadii, ma ogtahay in aad iga gardaran tahay.
Muusoow cishqigu ninba meel ku ood aniga hadii la iweeydin lahaa,
koley Faadima cabdilaahi(Maandeeq) cid masiisteen.
Laakin kubishaaraysoo Magool cidi madiidi karto,
Sidii ruux daliganoo doqoniimo haysaa,
Adigoo idiidan ku don doonayaa,
Dana waan ismoodoo dabeey adiga,
oo nool ninkale lamadagaayee,
dadnimada aqoonsoo jacelkaan,
ladiiray waa indhu kudaalen,
ma ii jiir naxeysaa.
walee muusoow cishqigu waa balaayee alaha naga bayriyo.
War muuse deeleydii bari dhaweeyd aad Suugaan wadaagteen xagee bey kadhacday
Malah gantaalihii Suugaan baa ku asiibay.
Muusow saxiib heesihii Magool iyo MOOGE\Cabdikhadar hassan(alle ha u wada
naxariistee)wax makahaysaa maad iisoodiri saxiib hadaad awoodid an dawo
kadhigteeWaxaa laga yaabaa in heesahu ay yara qalad yihiin, markaa karaali
naqo aqoon taa intaagaartee,bal heesah halkaa kasiiwad, xaga tartankan
koley culumadii suugaantaa joogtoo laweeydiin doona.
Saxiib nabadgalyo iyo badbaado du shaada alaha yeelo.
M hassan
--------------
Bye
HOOOOOOOLD YOUR HORSES, ALL OF YOU!
NIMBA MEESHA BUGTAA, ASAGA AYAY BALBASHAA!!!!!!!!!!!!!!!!
Caydiid, Morgan, Mooryin, Habar-gidir iyo jini-jaan (what is this ?) ,
Heeso jacayla halkee ayay dadkani ka soo galeen ? , Magool hadii aanad
jeclayn, miyaanan qoraalkayga bilowgiisii ku afeef dhigan oo odhan,
dadku isu wada dhadhan maaha ? , Magool Codkeeda ayaan ka hadlaye,
maxaa shaqsiyadeeda aad ka doonteen ?. Maansha horaba loo yidhi, NIN
MEELI U CADAHAY, MEELI U MADOW. Intiina wali jecel heesaha Magool waa
u boqoradii codka, shaqsiyadeeda anuu kama hadal, inta aan jecleyney
marka horeba maad jecleyn, kuwa fanka aragtida siyaasadeed ee qofka ku
qiimeeyowna waad lunsantihiin.
Ma ogayn anigu waxa ay Magool samaysay, markii ugu horaysey ee aad
maqaalka iigu soo carabowdeen in wax iga danbeeyeen, waxaaban mooday
in inantii cunaha wax ka noqotay. Marse hadii ay tahay waxa lagu
eedaynayaa inay hees qabiil ah qaaday (so what ?), ayada ayay jirtaa.
Anigu marka horeba maan odhan inanta waxan u jeclahay guur, ee waxan
sheegay uun in aan jecelahay codkeeda, dad badanina ila qabo. Qofku
hees qabiili ah ayuu qaaday, heesihiisa oo dhan laguma noco, ama
gabayga uu tiriyey ayaa qabyaalad leh laguma noco suugaanta. Sayidka
waan akhristaa maansooyinkiisa, hadana qabiil uuna Soomaali caayine
wuu yaryahay, qaar uu naago ku sheego iyo qaar uu gaallo ku sheego
intaba. Shaqsiyada sayidku waa gaar, maansoolenimadiisuna waa gaar.
Kuwa gaas-dhagoolaha maansada ah aan mar kale ugu celiyo maansadii
Yusuf X. Aadan iyo macnaha fanka:
Hadaan gabayga uurkoo bukiyo arami kaa keenin
Amaan umal jacayl iyo xanuun kugu igbaaraynin
Afkuunbaad ka leedee tixduba arar ma yeesheene!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Ka gudub, markii aan arkay sida qoraalkaygii oo ula jeedadiisu aanay
dhaafsiisnayn inaan isku wakhti dhaafsho dhamaadka todobaadka
"week-end" iyo inaan madadaalo uga dhigo dhalinta walaalahay ee godkan
soo gala , loo rogay siyaasad iyo afaf aanan waligey meel lagaga
hadlayo maqal. Waxaan gartay inaan xidho mawduucan. Ninkii doonaya
inuu qabiil iyo hadrad ka sheekeeyowna furo meel kale oo aad kaga
hadasho. Qofka afka qaldaanka ka cabanayowna, Horta waa su'aale ma
aniga ayaa ku soo doontay, mise adiga ?, sheekadii ILA TALINA waan
ogaa siday ku danbaysay, aniguna tiiyoo kale wakhti uma hayo'e. Waxa
iga talo ah, inaanad marka hore kaftanka dad aanad af-garanayn soo
galin ee aad la sheekaysato dadka ku af-garanaya, doodana dibada ka
joog adiga oo mahadsan!.
Stop: Dadka qaan-gaadhka ah, ee garanaya macnaha cishqiga, waxaan
kula talinayaa inay soo dhowaystaan masar ay ilmada iskaga biiyaan,
hadii kale aniga hadhow ha i eedaynin marka uu "key board"-ka
computer-ku kaa qoyo, waa DHOOF CAASHAQ iyo BOQORADII CODKA:
Kuluc: Jacaylkan i dhaawacay Jacaylkan i dhaansaday
Jacaylkan i dhalan-rogay Jacaylkii dhabta ahaa
Soo dhowaatay halistii Hadaad iga dhaqaaqdee
Bal inaan ku dhiirado Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhitaysanee Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa Dhakhso iigu soo noqo
SOO NOQOOOOOOO!!!!!!!!!!!!!!!!!
Magool: Amba dhiigu kama fulo Dhambaal wadaha beerkoo
Midan dhaxal u yeeshoo I dhex-dagay ma guuree
Waxan dhuuni ka cunaa Waa dhandhanaansi kaliyee
Way dhaamisaa weel ILMADA IGA DHICI BAA
Dhabankayga qoysee Dhawr nabad ku sii joog
Ha dhantaalin caashaqa Dhakhso waan u soo noqon
SOO NOQOOOOOOON!!!!!!!!!!!!!!!!!
(AAMUS BAAN KU JAWAABAY).
MAQAAXIDU SIDAAS AYAY INOOGU XIDHANTAHAY,
IDINA "FANTASHIRUU-FIL-ARDI".
Doodaydii waan xidhay,
M A Obsiya
somebody oughta love this!
Scenario
I am a doctor and I treat only "reer Ina Mako", and contribute clan
campaign to "reer Ina Mako", then I am a bigot, therefore Magool is a
clan bitch.......I love it man!!!!!!!!!!!!!!
Ani kooy__________________________________Abdouladif_______________________
: Ka baxay
:
>M hassan
Walaal Makhtal
Marka hore ku mahadsanid faalladaada faxalnimadu ku dheehantahay, ee
aan naxligu la socon. Makhtalow waxa aad ka mid tahay dadkii aan
qoraalka Magool ugu talo galay, ee aan lahaa ha isku shashafeeyaan
heesaha jacaylka ah. Makhtalowse yaabaye, heesihii jacaylka ahaa ee
ilaa caruurnimadii aan soo dhagaysan jirnay ayaa loo rogay siyaasad
iyo afaf aanan waligey maqal (Najayna-Najayna), maansha horaba loo
yidhi "NIMBA MEESHA BUGTAA, ASAGAY BALBASHAA".
Taasi ka soo gudbaye, horta saaxiib Makhtalow aniga waad iga dookh
wanaagsantahay, maxaa yeeley inanta Faadumo Cabdillaahi (Maandeeq) ,
cid kale iska daayoo waxa gacanta u taagay oo hablaha heesa oo dhan
kala soo baxay aabaha suugaanta ee maanta nool Maxamed Ibraahim
Warsame (Hadraawi). Iyadoo ay sidaas tahay, aniga qudhayda waxay ka
mid tahay shanta hablood ee aan heesahooda gurigayga laga waayin.
Waxay intaa ku sii darsatay Maandeeq qalbi furnida iyo jacaylka ay
dadka oo dhan u qabto. Mar aan maalin dhowayd daawanayay cajalad ay
dhowaan ku duubtay Djibouti, ilmo ayaa igu soo joogsatay. Markii la
su'aalay waxa ay shaqsi ahaan aduunka ugu jeceshahay, waxa ay tidhi
"Aduunku waxa uu u baahanyahay NABAD IYO JACAYL, wax-alliyaaliyo waxa
dad is jecelna waan ku farxaa", LOVE AND PEACE(nabad iyo caano), don't
you think that is what Africa really needs today?. Bal aan waxoogaa
ku laabkiciyo'e maqal tan:
Ayaamaha jacaylkaa
Ii baaqay oo
U hilloobayoo
Ilayn male ilow
Ollol reemayeey........taasi soo dhaaf
Cishqi waa hawaayi
Sida haada duuloo
Adigoon wax haynin
Hamuun kugu bilaabee
Sidii hogosha roobka
Aduunbaa ii hilaacay
Ahaahaaahaa sidii hogosha roobka.............................(Subxaan)
Laysma gaadhin wali;
Warqadaada kii sidaan
Sida wali xushmeeyaa
Ruuxa kaa war keenaan
Waji furan salaamaa............Walaal Makhtal, aan inantan maalmo kale
u dhigano, mawduuc gaar ahna u furno, wax wakhti yar lagaga gun
gaadhayo maahee, waan ku yara baaq-baaqay uun.
Silsiladii Deeleyda ee aad i soo waydiisay, ninyahow waanu yara
dagdagnay oo waxanu markiiba galay Shiinleydii, bahashaasna waa kii
Cabdi Iidaan(Alla ha u naxariistee) ka digey oo maaha wax aayar laga
baxayo. Waxanu is-aragnayuun anagoo bahashii dhex dabaalanayna meel
aanu ka baxnana la. Hase ahaatee Shaxda aniga ayaa godkii u dambeeyey
dagay, markaa hadii sidii dhaqanku ahaa hablo la isku siinayo, aniga
ayaa inan geedkaa leeg u geed-fadhiisan lahaaye la soco!. Dee laakiin
dhalinyartiina kale waxba nagumaydaan soo kordhin, xagiina ayaanay ka
liicday sida runta ah.
Wakhtiga ayaa igu yar Makhtaloowe, heesaha jacaylka ah ku raaxayso,
hana u rogin siyaasad. Wakhti kale iyo mawduuc kale( kan waan
xidhayaaye) ha inoo ahaato, heesaha kale ee aad iga soo codsatayna
anaa markale ku soo siin.
Ka baxaye bulshoy qabo!
M A Obsiya
>--------------
>Bye
Shall we put a chip in your brain this time that will allow you only
to listen the oral litteratures that your parents aprove {you to listen}?
I think it is time.
: am I a dreamer ?
with a good imaging system that lets you censor those of Magool ONLY!
______________________________________________Abdouladif_____________________
( ) ( ) ( ) ( ) ( ) ( )
/ ! ! \ / ! ! \ / ! ! \
No matter whether i like or dislike Magool. The heart of matter
and the undeniable truth is that Magool is nothing but fat, ugly and
stinking whore.
No offense just proven fact.............
later.......
Ax yaa qaraami. Waa runtaa Mr. Hassan qofba cod gaara ayaa xiiise galiya taasi-
na kuma xidhna qabiilka iyo cida uu qofkaasi yahay. Anigu shaqsiyan waxaan
aaminsanahay in qofkastoo hobol ihiba ka dhashay qabiil isla markaana uu la mid
yahay dadka intiisa kale, lamana yaabayo in Magool reerkay ka dhalatay raacdo
oo ay isku aragto inay gudato waajibkeeda ah NOQO REERKAAD KA DHALATAY MAALIN-
TA AY QADHAADHTAY, marka kale ee aanay dhibaatadu jirina ahoow cid kasta oo
dani kuugu jirto. Taasina codkeedii wax alla wax ay u dhimaysaayi ma jirto aya-
an filayaa...waayo codku maaha wax la iska uun helo ee waa hibo Rabi bixiyo.
Magoolna inta umad afsoomaaliga fahamtaa ay nooshahay waa la dhagaysan doonaa
oo codkeedu marnaba naaqusmi maayo. Heesaha wali maskaxdayda ka sii qaylya ee
ay Magool qaaday waxaa ka mid ah:
Hareertaadaa gogoshaa ma ku haabataa gacan
Habeenkii kolkay tahay malaykaa horkeenaa
Hambalyada salaantiyo ma heshaa waraaqaha...
Balse annigu adigaan kula dookh ahoo waxaa had iyo jeer i cajabisa Maandeeq
oon u arko hoobolada (rag iyo dumarba) inay ugu cod fiicantahay oo aan hawadee-
da loo soo dhawaan doonin. Labadaa heesood ee kor ku xusana waa kuwa aan
ugu jeclahay een had iyo jeer, marka aan ku raaxaysanayo musica, dhagaysto.
Gaar ahaan heesta ay Cigaal la qaaday ayaa aad ii cajabisa.
Kaalinta labaad ee dumarka waxaan galin lahaa Magool oo iyana Muuse xusay. Ta
sadexaad iyo afraadna Sahra Axmed iyo Hibi Maxamed. Xaga ragga waxaan aad uga
helaa Qalinle oon u haysto codkiisa cid leh in aanay soo mari doonin fanka
afka soomaliga. Kaalinta labaad sadex qof ayaa iigu jira; Maxamed Mooge, Max'd
Saleebaan iyo Cumar Dhuule. Kaalinta afraad ee ragga waxaa ii raaca Axmed Moo-
ge oon hadiyo jeer ku xasuusto heesta caanka ah ee uu la qaaday Shanka-rron:
Cambihii Jamaamiyo gacmo? jilib ku yaalaay
Ubixii Janaadiyo jawharaad la moodyeey
Jidhkaagaa udgoonbaa isoo jiidanaayeee
.....................
Kaalinta shanaad waxaa iigu jira Xasan Aadan Samatar:
Habooneey naftaydan histibaad ku noqotoo adaa ii hilaacee,,,
Hadaad diiday hadalkayga habee.....
Ha socdo fanku
Abdoulkader
: walee muusoow cishqigu waa balaayee alaha naga bayriyo.
: War muuse deeleydii bari dhaweeyd aad Suugaan wadaagteen xagee bey kadhacday
: Malah gantaalihii Suugaan baa ku asiibay.
: Muusow saxiib heesihii Magool iyo MOOGE\Cabdikhadar hassan(alle ha u wada
: naxariistee)wax makahaysaa maad iisoodiri saxiib hadaad awoodid an dawo
: kadhigteeWaxaa laga yaabaa in heesahu ay yara qalad yihiin, markaa karaali
: naqo aqoon taa intaagaartee,bal heesah halkaa kasiiwad, xaga tartankan
: koley culumadii suugaantaa joogtoo laweeydiin doona.
: Saxiib nabadgalyo iyo badbaado du shaada alaha yeelo.
: M hassan
: --------------
: Bye
: Marka hore ku mahadsanid faalladaada faxalnimadu ku dheehantahay, ee
: aan naxligu la socon. Makhtalow waxa aad ka mid tahay dadkii aan
: qoraalka Magool ugu talo galay, ee aan lahaa ha isku shashafeeyaan
: heesaha jacaylka ah. Makhtalowse yaabaye, heesihii jacaylka ahaa ee
: ilaa caruurnimadii aan soo dhagaysan jirnay ayaa loo rogay siyaasad
: iyo afaf aanan waligey maqal (Najayna-Najayna), maansha horaba loo
: yidhi "NIMBA MEESHA BUGTAA, ASAGAY BALBASHAA".
Mudane Obsiiye arrintu marka hore waa sidaad u sheegtay. Dadbuu qabiilka iyo
codku iskaga qasan yahay. Kuwaana Ilaahay ha ukala saaro. Ninkii bukaana isagaa
bukaankiisa u dhinta ama Rabi ka bogsiiyaa. Qofkastana sidii u roon uun in loo
rajeeyaa haboon. Hadaan u soo laabto dookhaaga; run ahaantii dadka badankoodu
waxay isku raacsan yihiin in Magool ay tahay qofka ugu codka fiican. 80-dii
ayuu radio Hargeysa afti qaaday oo uu dadbadan waydiiyey cidda ay ugu codka
jecel yihiin. Kaalinta koowaad waxaa qaadatay baan maqlay Magool. Markale
oo 90ka bilowgiisii ahaydna BBC-du afti ay qaaday dadku waxay u bateen Magool
iyo Maandeeq markaa shaki kuma jiro in Magool qofka kaalinta koowaad ku jira
ay tahay hadii kalena Maandeeq uun ay ku xigto. Adiguna aad baad ugu mahadsan
tahay maqaalkaa jacaylkii waayo waayo na soo xasuusiyey....laakiinse rag badan
oon ogahay way ka soo kici laayiine madaafiicda waaweyn bal maqaalada danbe ka
yareeyoo xabadaha kuwa yaryar isticmaal ileyn rag badanoo Jacayl-tebyo haysaa
inagu jiree...nin saaxiibkaya oo imika i ag fadhiyaa qalbi-xabxab buu ka qaaday
waanad igu banaantahay buu ku leeyahaye halkaa ka wad.
Markan Saaxiibkaybaan u wareejinayaa keyboard ka e isna maqal arag warkiisana
hoo:
Waad salaamantihiin dhalinyaro.
waxaan ahaa dhalintii ku ababay Magool iyo Maandeeq iyoi hoboladii kale ee
caanka ahaa (Baxsan, Ladane, Ina Cumar dhoog iyo qaarbadan oonan soo koobayn).
waxaan hadaba filayaa in mala Obsiiyoow adna aad tahay da'dii berigaa noolayd
oo qolooyinkaa kale ee durdurinayaa ay uun yihiin qolooyinkan imika uun bara-
arugay ee ku toosay sabankan saancadka badan...oo hadii kale dee laba wax oon
isla falgalinba iskumay qaseen. Si kastaba ha ahaatee madadaaladu halkaa haka
socoto....nala socoo hilibka kiisa baruurtu kuyara badan tahay soo badi...gee-
dahana ha soo iloobin:
waan waan waanban duulaa
duruuraha caweeyaa
damaq caashaq rogayaa
darbiyada fadhiistaa.
Doolaniye caashaqu
siduu ii dabaalaan
dabinkeeda waayaa
waan doonayaayoon...
Ha socoto Maayada Jacaylku
Aaden Xaruuri oo ag fadhiya Mr Bile.
Waan waan waan waaban duulaa...waanan duulaa...
: ku laabkiciyo'e maqal tan:
Hmmm !..., speaking of 'Xisaabi xil maleh' Mudane Atto, ma maqashay sheekada
wanka geesaha lahaa ee marka idaha laga shidhaysanayana *madaxa* soo taagi
jiray, marka riyaha laga shidhaysanaya *badhida* soo jeedin jiray ?
Do you recall that stupid hypothesis of yours about two years ago right
here on scs ? If you do, and I am sure you do, should you not be the last
one on earth to criticize Magool for being a clanist when you *YOURSELF* also
committed a similar sin ? Don't you think Atto *then* prostituted his talents
(which ought to be the cave's treasure by the way) in order to attain momentary
state of psychological gratification ? Or the rules were not as stern then
specially when it comes to the cave artist ? I would love to join you my friend...
but Naah ! Naah ! just can't tell the sheep from the goat....two years and still
counting...any public apology on the way ? did I see you nod ?
--
=Mustafa=
Dear Mustafa:
I could use some of your analogy of the "wanka geesaha lahaa" to make
Atto understand that, given his double standards and its not so
"artistic" electronic lynching of anything Non-Daaroodian, sooner or
later swift boomerang may eat his body. When Abdouladif responded with
"if Morgan is your hero, then Aidid is her hero", the self-styled artist
whose objectivity is taken for granted, at least by the not-so-alert
readers, cried foul. And was it not the same logic, "if Aidid is your
hero, then Morgan is mine too", that Atto has been using for so long to
justify his emotional investments in "symbols" he argues Jess and Aidid
have created for him? Yes, but this time it is Magool that has been
suggested by Abdouladif to have responed in her own defense of Atto's
obnoxious claims that "she" has first attacked him. What a cheap double
standard?
"Any public apology on the way", you ask to which you have correctly
responded by asking "Did I see you nod?". There it goes.
Atto's smearing of the now-gone Musse whom he addressed as "a Mooryaan
in Medical school" when Musse posted an article on health matters
attests to the degree of Atto's inherent "hatred", if I may charge as
such for now until he apologises, towards some sectors of the society.
Some may argue, and with reason, that his name calling of Musse was a
personal fight between the two, but how could we accept that argument
when the only reason Musse got that labelling was as a result of his
refusal to consider Atto's Morgan as a national hero?
Atto should know better. But then, as they say "Waano abuur baa ka
horreysay".
Welcome back Mustafa.
So long.
The Udub_la_asley, Chief Clanist.
Mudane Mustafe:
No, that was not a stupid hypothesis, the article was about "Clanism and
the role of myth", and it was specifically intended to those Irir
Supremacist including Magool, who were hypothesizing in the idea that the
Darods were a " soon to be exterminated stupid minority clan" that ruled the
politics of the "at last liberated peace-loving and wiser other Somali
majority clans.."
In other words, I was trying to point out the paradox in their "hypothesis",
and wondering (provocatively) about how is it possible for a "stupid
minority" to dominate and oppress a "wiser majority" for so long ?
I guess they got my point.
Of course I don't believe in this "majority/minority" nonsense, and once we
all agree on this, then we can all throw the 'dominance' issue out of
the window..
BTW, I see no point in asking someone to apologize for his or her opinions,
thats like getting *mad*, we should always get *even* and use the
hot-keys to burst their fantasy bubbles..
C'mon Mustafe, you are not comparing my words with those of magool's, are
you ?
Soo dhawaaw, minanku minankaaga waaye :)
If you do, and I am sure you do, should you not be the last
> one on earth to criticize Magool for being a clanist when you *YOURSELF* also
> committed a similar sin ? Don't you think Atto *then* prostituted his talents
> (which ought to be the cave's treasure by the way) in order to attain momentary
> state of psychological gratification ? Or the rules were not as stern then
> specially when it comes to the cave artist ? I would love to join you my friend...
> but Naah ! Naah ! just can't tell the sheep from the goat....two years and still
> counting...any public apology on the way ? did I see you nod ?
>
> --
> =Mustafa=
--
CAVE _ * _ _ * _ _ * _
ARTS \/0 0\/ \/0 0\/ \/0 0\/
etc.. ( ) ( ) ( )
Dear Udub:
I guess we can forever argue and debate about our points of view
on the Somali problem, but IMO the main difference between you and me is
the way in which we've `cyber-reacted' to Aidiid's actions:
I (and thats *me* I'm talking about) believe in the strategy of retaliating
with equal and opposing force, to the end.
and I think Udub preferes the tactic of placating and "doing business" with
the agressor. And yes, in this civil war I do see Aidiid as the main
agressor..
As for the rest of the article, Shmomed, Muuse and all, what amazes me
the most is your seemingly expert ability to totally ignore the sense of time
and use the calender as, may I say, a deck of cards..(which one came first:
Magool's hate songs or my postings on this forum ? ) and the shameless
manner in which you tend to disrespect the truth.. (you conveniently failed to
mention Muuse's poems..) which were the reasons behind all the quarrel..
Muusoow soo adiigi horey udigay oo yiri cidii ay khuseeyso
ha cabaan sharoobooyinka(dawooyin) aad soo gudbisay
ma intaad cishqigii aan sanadah qalbiga ka gufeeyney
nagu kaakicisay baad hadan sidaas sahalka ah kusoo sirtay!!!
Muusoow saxiib runtii waxaad nasoo xasuusisay waayo waayo!!
Mana haboona in siyaasad aan lagaraneeynin meel ay ka socoo
iyo meel aay ku socoto lagu qaldo suugaantii suubaneeyd ee
Soomaalidu hiddaha ulahaayd ee waligeed soojirtay
Adigaa soo carabaaboo waatii Sayidkiiba Soomaali Tolkiiba
ha ahaatee gabay ku wada caayey, waana kalajaad suugaanta
Sayidka iyo shaqsiyadiisa. Soomaaliduna hadaan been lasheegeynin
waligeedba weey is caayi jirtay ama gabay ha ahaadee ama buraanbur.
kuudoono ha ahaadee waxa ann maanta suugaan ahaan uhaysanona waa
taas un . Markaa codka layaabka nleh ee EEBBE ku maneeystay Magool
nin kama qaadi karo hadaan leys dulmineeynin codkuna sidaad soo
sheegtay waa hibbo EEBBE ninkuu doono buu siiyaa , hadaan anigu
leclahay Mandeeq ma aha in aan xaqiro hibada EEBBE siyey Magool
Codka magoolna lamid ma aha Magool cideey tahay iyo waxay aaminsantahay
ee waa waxa cidwalba oo maqadsha ay kusoo jidato, balweeydii cidan aan
dariska nahay ee Itoobiyu fanaanada Soomaaliyeed ee ay dhageeystaan
waxaan caaw kugu dhaafayaa
Jacaayl dhiig malagu qoray
Sidii dhuux maloo shubay
Qofna saanta dhabankiyo
waa inoo laba wiig dabadeed imtixaanaa isugayee
Saxiibkaa M hassan
--------------
Bye