Waxaan ahay qadhaadh iyo macaan
meel ku wada yaale
Midigtayeda iyo bidixdayedu waa
laba mataanoode midi waa martida
soorta iyo maanto daadihisee
Midaina waa mindiyo xiirayo ??????
Markaasaan wax aan is idhaahdaa wax uu ninkii heesta sameeyay ula
jeeday nacybka iyo jeceelka u dhexeeya labada qof (lab iyo dhadig)
waayo ragu marka hore way is wanaajiyaan marka danbe see wax ay la
soo baxaan wax xilleh, * saaxiibaday M/??na oo ila joogta caawa waliba
goordanbe waxay leedahay Nin Soomaaliyeed wuu wanaagsan yahay, laakiin
mar hadii la iska dhex baxo wanaagu shaqadooda kuma jiro. Bal Wilashiiyow
maxaad ku odhan lahaydeen?
Note
waa goordanbe markaa waa inoo iyo barito hadii illaahay yidhaa.
bal hablaha la soo hadla halkan bay naga wareeriyeene markii aan idhi
magacydiina sheegana way diideen.
Nabad galyo.
saynab iyo xaawalyda kale oo dhan.
Qurdayaanu leenahay qalabakayaanu sidanaa
Hadydaan waxna qababan ?????????
--
\\\|///
\\ ~ ~ //
( O o )
Waad ku mahadsan tahay su'aasha waafiga ah ee aad golaha keentay.
Intii bilaa macne laga doodi lahaana waxaa habboon in hadalo mira dhala
la isdhaafsado. Waxay aniga ila tahay, in haddii ragga iyo haweenka
Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqani doonayaan inay is fahmaan ay
xaqiiqooyin badan oo la garab maraayo la isla falanqeeyo. Su'aalaha ugu
horeeya ee halkaas ka dhalan karana waxaa ka mid ah:
1. Maxaa is afgaran waaga keenay?
2. Waxyaabaha la isku hayaa ma ka duwan yihiin kuwa waddankeenii
gudihiisa ka jira ee ragga iyo haweenku isku hayaan?
3. Cabashadu dhinacee ayey u badan tahay?
4. Labada jaanib, midna ma qirsan yahay inuu khalad ku socdo amaba mid
hore u dhacay oo aan la iska cafiyi karini jiro.
5. Haddii aynu faraha iska qaadno oo cariga ilaahay u kala foof tagno,
ma kala raysanay (are we better off in other words)? ..Su'aalahani
boqolaal waa gaarayaan haddii aan sii wadno. Balse aan dhinac kale
leexdo.
Xanta Ragga:
1. Haweenkii way kibreen, oo waxba ma maqlayaan !!
2. Ma rabaan xataa inay cunto kariyaan...(sidaanu u baranay)
3. Haddiiba waxyar la isku qabto----911 or else!
4. Si xun bay u ilbaxeen, oo dhaqankiiba waa ka tageen.
5. Dhaqankii hooyonimo haweenku ma oggola oo raggii ayey dhinac ordayaan.
6. Waxay badankoodii noqdeen "Haween u Dood"..feminists.
Xant Haweenka:
1. Cabiidsigii Soomaaliya ayaa weli ragga madaxa uga jira.
2. Ma oggola sinaanta ragga iyo haweenka
3. Weli waxaa maskaxda uga jira inaan guriga u fadhino.
4. Lama aamini karo.
5. Badankoodu guur ma rabaane haweenka ayey lugoynayaan. Bal xantiina
idinkaa oge inta kale raaciya.
Waxaan intaas ku darayaa, ka dib marka arrimahaas kore iyo wixii kale ee
aan ku dari karno la isla meel dhigo. In qof walbaaba xasuusto inaan
jamac la isku guursan ee fardi la isku guursado. Waxaan ula jeedaa waxaa
laga yaabaa inaad arragtid nin intaas haweenka Soomaaliyeed wax ka
sheegaaya, hase ahaatee iskiis nolosha ugu khasaaray oo aan gabadhiba
rabin, hase ahaatee raggii sharafta lahaa didinaya.
Midda kale marka ruuxu guur doon yahay, qof walbaaba wax buu qiimeeyaa,
sida quruxda, maalka, diinta, tacliinta, nasabka iwm. Markaas siday
aniga ila tahay, ha laga wada hadlo qof walba wixii dookhiisa ah ee yaan
wakhtiga la isaga dhammayn waxyaabo aan xaqiiqada sal ku lahayn.
Intaas ayaan kaga baxay.
Khayr Inshaa Allaah.
Faarax
Saynabay gacmo wada jirbay wax ku gooyaan raga iyo dumarkuna waa sidaase
la soco.
marka hore waa salaamantihiin dhamaantiinba.
Hadii aan fiirino wax yare suaalhaagii midka mid ah , ma waxay
aniga ila tahay mise si kale ,
aniga wax aan u malaynayaa in ay keentay
nolosha qurbuhu is afgaranwaa waayo Ragii way diideen in ay is badalaan
oo ay iska daafaan wax yaabihii hore qaarkood,
dumarkiina kama ay roonane
wax ay yidhaahdeen waar baabuurta iska ilaaliya ileen biil nama siisaane
taasi oo ragii ku riday niyad xumo ama ay u qaateen in la nacay.
taasi wax ay keenatey shekoo
laga wareero taasi oo ah Masayr (hinaase) taas markii
ay badatay wax yimiday (911( sheekidii hadi ay halkaa goodhey ma wanaagsana
kuwaasi waa ku wii isku soo guursaday soomaaliya ama carabta. hadaba sheeko
oo taa ka wayn wax ay tahay kuwii halkani isku bartay maxaa u kala baqaayaan
wiilsha miyaa masuulka ha mise gabdhaha ?
nabad galyoo walaalkiis
saynab
Jamal
Waxaan maqli jiray "Dumar been baa lagu soo xero geliyaa, runna waa lagu
dhaqaa". Waxay ila tahay in waqtigaas laga baxay oo, siday ila tahay, ay
dhamaatay waagii hablaha la isa siin jiray, iyagoo aan raalli ka ahayn.
Sidaa aawadeed, cid aan iyada ahayn eed kuma laha wixii ka soo gaara.
Waxay ila tahay, inuu mashaakilkaba ka kacay markii aanu ina edeertii/kii
wax ka daynay, dookhii iyo kalgacalkiina la ilaaway.
Nabadgelyo
Cabdullaahi Abuukar.
Zeineb wrote:
: * saaxiibaday M/??na oo ila joogta caawa waliba
: goordanbe waxay leedahay Nin Soomaaliyeed wuu wanaagsan yahay, laakiin
: mar hadii la iska dhex baxo wanaagu shaqadooda kuma jiro. Bal Wilashiiyow
: maxaad ku odhan lahaydeen?
: Note
: waa goordanbe markaa waa inoo iyo barito hadii illaahay yidhaa.
: bal hablaha la soo hadla halkan bay naga wareeriyeene markii aan idhi
: magacydiina sheegana way diideen.
:
: Nabad galyo.
: saynab iyo xaawalyda kale oo dhan.
: Qurdayaanu leenahay qalabakayaanu sidanaa
: Hadydaan waxna qababan ?????????
: --
Waad ku mahadsantahay soo bandhiga doodan waligeed la isku hayso oo ah
magabdhaa mise waa wiilasha qolada khaldani. 100 % waxaan kugu
raacsanahay in dhalainyaradeena wiilasha ahi badankoodu jecelyihiin inay
gabdhaha la raaxaystaan kadibna ay guursadaan gabar aan waligeed nin
arag. Arrintaas waxay ila tahay waxaa suuro galiyey bulshada Soomaalida
oo aynu ka dhalanay oo gabadhhii guur la'aan nin kula seexatana ku
eedeeya inay bulshada kamid ahayn isla markaasna ninkii arintaas sameeya
ayan waxweyn kasoo qaadin. Dhinaca shukaansiga oo aad tiri "marka la iska
dhexboxo", taas waxaan oran lahaa adduunkan guur kaliya la isuma
shukaansado oo waxaa dhici karta inuu wiil kaa helo isla markaasna aysan
qorshaha guur ugu jirin, ninkaasi markuu isku dayo inuu kula heshiiyo
haddaad kayeeshid oo aad qalbiga gashatid inuu ku guursanayo khaladka
adiga dhinacaaga ayuu ka imaaday. Zeinebey gabdho badan oo Soomaali ah
waxaan ku arkay inay xoogaa "Naive" yihiin oo ragga ku xiranyihiin, anigu
waxaan dhamaan gabdheheena qurbaha jooga kula talin lahaa inay ka
dabaashaan oo ay ragga la tartamaan haday noqon lahayd xag dhaqaale ama
xag cilmiba. Waxaad arkaysaa gabar aad iyo aad u caqli badnaan leheyd
laakiin xishood iyo cabsi ay danaheedii ka reebayaan.
Dhinaca jecelka, aniga waxay ila tahay waa hadba meeshaad adduunka ka
joogtid. Wadamada reer galbeedka jacayla waxaa ka horeeya waxyaabo aad u
badan taas oo keentay furiinka xad dhaafka ah, qof walba ma jecla inuu
wax furo ama la furo laakiinse noloshii ayaan kuu saamaxayn inaad qof
kale siduu rabo uyeeshid adigoo taadii kabadin waayey. Dunida sadexaad
jacayku waa xoog badanyahay oo waxaad arkaysaa dad oramnaya jacaylkaa wax
walba ka horeeya oo wax walba isugu dulqaadanaya.
Abdi Osman.
Zeineb Ali Farah (db...@FreeNet.Carleton.CA) wrote:
: Sida uu qafkastoo Soomaali ihi uu u dhagesto heesa ayaan Mararka
: qaar ka mid ah wakhtiyadaas aan heesaha dhagesaniyo wax niyda igga
: soo dhacda Heestan.
: Waxaan ahay qadhaadh iyo macaan
: meel ku wada yaale
: Midigtayeda iyo bidixdayedu waa
: laba mataanoode midi waa martida
: soorta iyo maanto daadihisee
: Midaina waa mindiyo xiirayo ??????
: Markaasaan wax aan is idhaahdaa wax uu ninkii heesta sameeyay ula
: jeeday nacybka iyo jeceelka u dhexeeya labada qof (lab iyo dhadig)
: waayo ragu marka hore way is wanaajiyaan marka danbe see wax ay la
: soo baxaan wax xilleh, * saaxiibaday M/??na oo ila joogta caawa waliba