Adigoo socdaal ah ayaa waxaad ku timid meel dariiqu laba u qaybsamo.
Labada dariiq mid wuxuu tagaa tuulo dadkeedoo dhammi been sheegaan, kan
kalena wuxuu ku gaynayaa tuulo dadkeedoo dhammi ay run sheegaan. Wax
calaamad ah oo kuu kala sheegaya waddooyinkaasi ma jiraan, waxaana aad
doonaysaa in aad kala ogaato. Qof ayaad la kulantay dawga soo haya. Waxaad
waydiin kartaa hal su'aal oo keliya, si aad tuulooyinka u kala ogaato.
Maxaad su'aali lahay?
Nabaadiino,
Cabdullaahi Abuukar.
Ps, waxaan uruurinayaa xujooyin kuwan u dhigma, waanan jeclaan lahaa
haddii qaarkiin ay nala qaybsadaan kuwa ay yaqaanaan afkay doonto ha ku
qornaatee... mahad badan.
--
soo dhawaada hee
A.Ali
Abdullahi Abukar <cc...@torfree.net> wrote in article
<Ep4swD.4u...@torfree.net>...
Bal aan isku dayo. Cabdinaasir isha kama ridine.
Waxaan ka soo qaadayaa in qofka soo haya dawga ama jidka uu ka yimid tuuladii
uu degganaa. Waxuu ka yimid tuuladii beenta dadkeedu sheegi jireen ama tii
runta laga sheegi jiray. Waxaan hubinayaa in qofkaasi been ii sheego iyo
in uu run ii sheego. Hadduu been sheego waxuu ka yimid tuuladii beenta
ku caan baxday, haduu run ii sheeganay waxuu ka yimid tuuladii runta laga
sheegi jiray.
Waxaan wydiinayaa su'aal aan jawaabteeda hubo in aan aqaan. Sida:
Qurraxdu ama cadceeddu ama qundhacadu ma bari bay ka soo baxdaa ?
Jawaabtiisu hadday noqoto " HAA", waxuu ka yimid tuuladii runta.
Haddayse noqoto jawaabtiisu " Maya", waa beenlow Rabbi iyo Islaamba kadeecaye
dhag haw balaq siin. Waxuuna ka yimid tuuladii beenlowyada.
Nabaaddiino,
Burhan Jama
---------------------------------------------------------------------
| ************ I AM WRITING MY VIEWS NOT MY EMPLOYER'S ************** |
| ******************************************************************* |
| Qolabaa Calankeedu waa caynoo, Annagaa keennu waa cirkoo kale ee, |
| Aan caadna lahayn eeee Caaaaaashaqa eeeeeeeee |
---------------------------------------------------------------------
Waad mahadsan tahay. Waxaa ninku doonayaa in uu kala ogoodo tuulada
beenlowyaasha iyo tuulada runlowyaasha. Ma aha ninka lala kulmay tuulada
uu ka tirsan yahay... Weli wax isha ka rida lama hayo :-)
Nabaadiino,
Cabdullaahi
: Adigoo socdaal ah ayaa waxaad ku timid meel dariiqu laba u qaybsamo.
: Labada dariiq mid wuxuu tagaa tuulo dadkeedoo dhammi been sheegaan, kan
: kalena wuxuu ku gaynayaa tuulo dadkeedoo dhammi ay run sheegaan. Wax
: calaamad ah oo kuu kala sheegaya waddooyinkaasi ma jiraan, waxaana aad
: doonaysaa in aad kala ogaato. Qof ayaad la kulantay dawga soo haya. Waxaad
: waydiin kartaa hal su'aal oo keliya, si aad tuulooyinka u kala ogaato.
: Maxaad su'aali lahay?
: Nabaadiino,
: Cabdullaahi Abuukar.
: Ps, waxaan uruurinayaa xujooyin kuwan u dhigma, waanan jeclaan lahaa
: haddii qaarkiin ay nala qaybsadaan kuwa ay yaqaanaan afkay doonto ha ku
: qornaatee... mahad badan.
: --
--
Mudane Cabdullaahi Abuukar:
Sii wif, soo wif, saakana weykan!!!!!!
Waxaan markii hore ka soo qaaday in qofka iga hor yimid uu ka
yimid tuuladuu dagganaa. Marka hadduu been ii sheego tuulada uu
ka yimid waa tii beenta laga sheegi jiray, lan kalana waa tii runta.
Iima aadan kala caddeen taas. Balse aan kar rogoo laba saaree, iga qabo tan.
Waxaan weydiinayaa qofka dawga maraya su'aal jawaabteedu mar walba run
tahay. Waxaan weydiinayaa:
Haddii aan ku weydiin lahaa jidka taga tuulada dadkeedu runta sheegaan,
maxaad ku jawaabi lahayd?
1) Hadduu runlow yahay, waxuu run ka sheegayaa jawaabiisii runta ahayd
oo uu ku jawaabi lahaa. Waxuuna ii sheegayaa jidka taga tuulada dadkeedu
runta sheegaan.
2) Hadduuse been low yahay, waxuu been ka sheegayaa jawaabtiisii beenta
ahayd oo uu ku jawaabi lahaa (been X been = run ).
Labadaraalaba jawaabta aad helaysaa waxaa tilmaamaysaa jidkii aadayey tuulada
dadkeedu sheego marwalba runta.
Nabaaddiino
Anigu waxaan su,aashaydu waxay noqonlahayd sidaan.
Walaal maxaad katimi tuuladii runsheegayaashu degenaayeen mise tankale
ayaad katimi.
Asalaamu Calaykum Waraxma
Dr.Adam Garad
Haddii qofku been sheegayo, ma kala ogaan kartid labada tuulo. Waxaan anigu
weydiiyey su'aal run kali ah jawaabteedu noqan karto. Waa adag tahay miyaa
in la fahmo ??
Cabdullaahi Abuukar, NACK/ACT.
Thanks.
Burhan
: Haddii aan ku weydiin lahaa jidka taga tuulada dadkeedu runta sheegaan,
: maxaad ku jawaabi lahayd?
: 1) Hadduu runlow yahay, waxuu run ka sheegayaa jawaabiisii runta ahayd
: oo uu ku jawaabi lahaa. Waxuuna ii sheegayaa jidka taga tuulada dadkeedu
: runta sheegaan.
: 2) Hadduuse been low yahay, waxuu been ka sheegayaa jawaabtiisii beenta
: ahayd oo uu ku jawaabi lahaa (been X been = run ).
: Labadaraalaba jawaabta aad helaysaa waxaa tilmaamaysaa jidkii aadayey
: tuulada dadkeedu sheego marwalba runta.
Waan ka xumahay Burhan iyo akhyaarta kaleba in aan la soo daaho jawaabta
halxiraalahan. Waxaan filayaa in aad Burhaan aad markan dhabanka ka
dhirbaaxday :) Waaban ka helay qaabka ah been X been = run. Hase ahaatee,
jawaabaha aan hayey ee suuragalka ah waa sidan...
Jawaabta 1aad: Labada jiho middood baad tilmaantay, markaasaad ku tiri:
"Ma tuuladaas baad ka timid?" Haddii qofkaasi ku jawaabo "haa", waxaad
tilmaamaysaa tuuladii runta, hadduu ku jawaabo "maya" waxaad tilmaamaysaa
tuuladii beenta.
Jawaab 2aad: Waxaad su'aashay: "Dariiqee qof tuulada kale ka mid ah uu
dhihi lahaa dariiqaasaa loo maraa "tuulada runta" (ama ku beddel tuulada
beenta)? Qofkii aad waydiisaba, celceliska jawaabaha aad helayso waxay
yeelanayaan 1 mid ah oo been ah.
Mar kale, mahadsanidin Burhan, Cabdinasir iyo Dr. Garad.
Nabaadiino,
Cabdullaahi Abuukar.
--