Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Nin Qabiil...

5 views
Skip to first unread message

omarm

unread,
Mar 8, 2002, 9:29:13 PM3/8/02
to
Somaaliyeey

                 (Be a member of the S.A.T - Somalis Against Tribalism)
 
 
 
 

Soomaaliyey,

Sida aan dhammaanteen lawada sococnno cudurka inna haya ee aan maanta la baaba’san nahay waa
qabiil ama qabyaalad. Sagaal sano ayaa laga joogaa markii aan dawlad ku sheegteenii qabiilka ku
salaysnayd aanu u siibnay xididdada. Balse kama aanu raysanee waxaan halkii ka sii ambaqaadnay
qabiilkii iyo qabyaaladdii. Taasoo burburisay dhammaan wixii ummadda Soomaaliyeed ay lahayd.
Maantana aanu sidaan u dhan nahayba yar iyo weynba u sacabba tumayno annagoo eedda u
tuurayna cid kale oo sokeeye ama shisheeye. Miyaan la isku waafaqsanayn qodobbadaan soo socda:
 

  • ·In Qabiilku yahay kan meeshaan inna dhigay? Miyaa la isku diidan yahay in saaxiibtinimadii iyo
   ceesho-millixdii ka dhexeysay ummaddeenna uu beddelay isbahaysi qabyaaladeed?
  • In wadajirkii Soomaaliyeed iyo is-dhexgalkii bulshadeed uu tirtiray qabiil, oo maanta aanu jirin qof
   aanay waxyeeladii qabyaaladdu taaban.
 
  • ·Isweyddiiyoo qabiilka aad ka dhalatay weligaa wax ma ku tareen? Mise iskadaa wax ay ku taraane
   waaba kugu daneysteen?
 
  • ·Metalanba haddiiba tolkaa la siiyo waxa ugu qiimaha badan ee dunida yaal, ma ku heshiin lahaayeen
   lafaha hoose iyo jilibyada uu ka kooban yahay tolkaa? Laftee baa xaq u leh in ayinta badan
   qaadato, teebaase xaq u leh in loo yareeyo qaybta? Sababtee (WHY?).
 
  • ·Soomaaliyeey Qabiilkee qabaa’ilka kale ka fiican amaba ka sarreeya?
  • ·Qabiilkee xaq u leh in uu u taliyo ummadda Soomaaliyeed guud ahaan?
  • ·Qabiilkee gaaray isku-fillaansho taama oo ka maarma in uu wax la wadaago Soomaali inteeda  kale?
  • Ma u malaynaysaa in Soomalida lagu xukumi karo ama wax loogu qaybin karo qabyaalad iyo dhalasho(ethnicity)? Jawaabtu ma tahay maya-maya?
  • ·Ummadda Soomaaliyeed ma tahay ummad isku-midab, isku-diin, isku-af, isku-dhaqan, oo weliba iswada dhalay? Waxa keliya oo aanu ku kala duwan nahay ma tahay magacyo dhalanteed ah oo odayaal hore oo reer miyi ah ay inoo kala bixiyeen (waa qabiil)?
  • Soomaaliya maanta waa waddanka keliya ee aan dawlad dhab ah lahayn. Miyuusan ahayn qabiilku  kan hortaagan dib u nooleynta qarannimadeenna.
  • ·Qabiilku miyuusan ahayn kan na baday sharaf-jabka, qaxootinimada iyo dan darrada nagu habsan ee adduunku u aqoonsaday Soomaali si ay u dhan tahay?
  • Qabyaaladdu miyaysan ahayn tan ay maalin walba u geeriyoodaan tira badan oo Soomaali ah oo wax ay galabsadeen ama ay galeen aanay jirin. Qabiilku sow ma aha kan ammin darida, cabsida joogtada ah, gaajada xanuunka badan, iyo darxumada u keenay ummaddeenna. Kan aqoon yahannadeenii ka dhigay dan laawayaasha?
  • Qabiilku miyuusan ahayn kan inoo diiday in aan heshiinno oodhisanno dugsiyo, isbitaallo, jidad iyo warshado iwm. Qabiilku sow ma aha kan dhaqankeennii ku salaysnaa Islaamnimada ku beddelay mid shisheeye oo lid ku ah diinteenna.
  • Ma u baahan nahay cid naga qabata oo naga dhex saarta qabiilka mar qura ha ahaadeen shisheeye ama sokeeye. 


Haddaba,haddii qabiilku intaas iyo in ka badan oo xummaan ah uu noo geestay, adiguna aad nagu waafaqday, miyaanay kula gudbooneen in aan wadajir ula dagaallanno cadowga keliya ee nagu dhex jira magaciisuna yahay qabiil? Jawaabtu waa Allaa I lehe haa-oo-haa. Marka si aan dagaalka u bilowno waa in aan ka bilowno nafteenna iyo guryaheenna. Ku soo biir boqolaalka Soomaaliyeed ee ku dhaqaaqay dib u soo celinta Soomaalinimadeenii nalagu yaqaanay.

1.Ku-Dhawaaq in aad ka baxday qabiilka laguugu yeero. Adigoo aan ka baqayn Alle mahee cid kale, waxaad si cad oon cabsiyi ku jirin ugu sheegtaa kuwa kugu tirinaaya in aad qabiilkooda tahay, in aad ka baxday oo aad Soomali tahay oo weliba aadan cid kale ka sii ahayn. Iska fur silisiladda qabiilka ee qoorta kuu suran oo ka xorow adigoon cid kale ka sugin in ay kaa bixiso. Markaa ka dib ayaad ummaddaada kalena ka furddaamin kartaa qoolka uu geliyay qabiilka iyo kuwa aaminsan qabyaaladda.

2.Jooji kaftanka qabyaaladeed. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Waayeelku kaftankuu ku dana dhameystaa.” Kuwa ku kaftamaaya qabyaaladda ka fogow. Waayo waa badow aan sheeko kale aqoon, amaba waa aqoon-gaabyo dan la’ani hayso. Marka iska jooji in aad la jiibiso oo aad adiguna iyaga ka mid noqoto. Si cad ugu sheeg in aad tahay Soomali ay ummaddiisu u siman tahay. Ogow Soomaalinimadu way ka wax tar badan tahay qabiil hoose. Oo Soomaali oo dhan wixii ay kugu biirin weyday qabiil keliya kuma siiyo. Kaftanka qabyaaladeed wuxuu dhidibka u sii aasaayaa qabyaaladda. Qabiilka oo lagu kaftamaa waxay la mid tahay  jinsiyadda oo lagu kaftamo. Duniduna kaftan jinsiyadeed (racial jokes) waa ay iska reebeen. Meelaha qaarna waaba dambi. Waayo waxay ogaadeen xumaanta iyo nacaybka ka dambeeya. Maxaad isugu soo koobeysaa qabiil qura adigoo ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay ku walaaleysanayso.

3.Jooji murti-qabyaaladeedka. Haddii aad tahay gabyaa ama heesaa, ka ilaali murtidaada qabyaaladda. Waayo, “Dhawaaqu meel dheer ayuu gaaraa dhagaxna meel dhow.” Ha u gabyin,  ha u heesin, ha u buraanburin qabiil. Xirfaddaada u leexi wanaag iyo Soomaalinimo waayo mar haddaad abwaan ama fannaan ama musikiste tahay waxaa dhab aha in aad Soomaali oo idil abwaan/fannaan/musikiste u tahay ee aadan qabiil keliya u ahayn. Badi murtida iyo maaweelada qaran oo Soomaali oo idil kaa dhegeysan karto.

4.Ha u hoggaamin ummadda qabyaalad. Haddii aad damacdo in aad ummadda hoggaamiso waxaad tahay birta dhexe ee miisaanka. Waxaa kula gudbboon in aad marka hore tahay nin-qaran oo aadan adeegsan qabyaalad si aad wax u maamusho. “Nin-Qabiil ma hoggaamiyo Qaran.” Ka bilow naftaada, carruurtaada, ehelkaa iyo qaraabadaa la dagaalanka qabyaaladda. Markaad saafi ka noqota qabiil u soo leexo in aad Soomaali hoggaamiso. Sidoo kale ha taageerin hoggaamiye adoo u taageeraya waa nin qabiilkaa ah darteed oo kelya. Waxaa ka  habboon in aad doorato mid kaga habboon in uu hoggaamiyo ummadda. Qabiiliistuhu, wuxuu aqoon u leeyahy in uu hoggaamiyo qabiil qura ee ma awoodo in uu hoggaamiyo ummadda oo idil oo  isku duuban.

5.Garddaro qabyaaladeed ha taageerin. Cid xaq-darro ku socata ha ku taageerin ficilkooda. Ha ka mid noqon kooxo u kacay in cid kale ay soo mooraduugaan oo ay soo dhacaan iyagoo qabyaalad adeegsanaaya. Ha hor kicin oo ha hoggaamin kooxo la mid ah kooxahaas. Ha ka qaybqaadan duminta ama waxyeelidda qaran-nimada guud.

6.Ka fogow ka-qaybgalka iyo qabanqaabinta shirarka qabyaaladeed.Waqtigaaga ku bixi meelaha dantaada gaarka iyo tan guud ee ummaddaada ay ku jirto. Ka qayb gal shirarka dib u dhisidda qaran-nimada ummadda Soomaaliyeed. Waxaad ku dedaashaa in aad ka sheekeyso macaanka qarinimadu leedahay iyo kharaarka qabiilku leeyahay. Runta kaga dhawaaq meelaha la isugu yimaado adigoo dhaleeceynaya qabyaaladda.

7.Maalkaaga iyo muruqaaga ka mamnuuc qabyaalad. Waad ogtahay in wixii aad ku bixiso qabyaalad in aanay adna dan kuu ahayn ummaddaada dan u ahayn. Weliba Akhiro waxaa laguu haystaa wax kasta oo xumaan-qabyaaladeed oo ka yimaada maalkaaga iyo muruqaaga oo aad ku bixiso taageero qabiil.

8.Iska daa dacaayadaha nacaybka(hateful criticism). Dacaayadaha riqiiska ah af ama qoraal ee bulshadaSoomaaliyeed ee aad ka mid tahay iska jooji. Caaddifaddaada kontorool. Waxaad ka digtoonaataa in ay caadifadda qabiilku ku beer-qaaddo. Ha u jixin-jixin qabiil gaar ah adigoo u  jixin-jixi kara qaranka Soomaaliyeed oo idil. Ogow, dhammaan ummadda Soomaaliyeed waa  kuu siman yihiin. Gaf loo geysto qayb ka mid ah ummadda Soomaaliyeed waxay la mid tahay mid loo geystay dhammaan ummaddu sida ay u dhan tahay.

9.Saaxiibbo badan sameyso. Sameyso saaxiibbo badan oo kala duwan adigoo adeegsanaayaa dabiicadda, nooca-sheekad, aqoonta iwm. Iska ilaali kuwa la wareegaaya qabyaaladda iyo  nacaybka qayb ka mid ummaddeenna.Waayo qof aad ku saaxiibteen qabyaalad waa qof aad ku saaxiibteen godob iyo dhagar ummadeed. Saxiibadaa waa kuwa kugu garab-gala wanaagga. Waa kuwa aad ceeshoo-milix tihiin ee ma aha kuwa aad kula saaxiibtay qabyaaladda. U noqo oo cafis ka doon saaxiibadaadii hore ee waayo-waayo kuwaas oo ay idin kala geysay colaaddii uu abuuran qabiilku muddadii colaadda ummadda.

10.Taageer cid kastoo wadda wadajirka Soomaaliyeed. Taageer oo ka mid noqo ururda samawadayaasha Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan. Ku biiri fikradahaaga waayo waxaad tahay xubin lagama maarmaan ah oo ka tirsan ummadda Soomaaliyeed.
 
 

  Haddii aad fuliso arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaad ka xoroowday qabiil
          waxaana aad ka mid noqotaySomalis Against Tribalism (S.A.T).
Wixii faahfaahin ah ama aragti iyo aaraar ah ku soo dir: e-mail(om...@vif.com)

               M A H A D S A N I D I   I N
 
 
 
 

0 new messages