1) Maxey nimanka soomaalidu meelkasta oo joogaan jaad u cunaan ooy ma'
shaqaysta yaal u yihiin? Maxeyse iyagoon wax ogeyn iskaga dhigaan iney
waxwalba oguihiin? Maxaase dadka soomaaliyeed dhaga adeyga ugu wacan?
2) Maxaa niman waaweyn iyo kuwa yar ee muqdisho jooga looga waayey
ninkali oo fikira oo dadka wax fiican u sheega? Maxaase nimanka
soomaalida naxariistii ka qaadey? Maxese qori ayna sameysan oo nincadi
sameeyay iskugu dilayaan oo iskugu faanayaan?
3) Mida kale kuwan Soomaaliland sheeganayaa ee waxbaa ladooranayaa
halkan ku soo qorey ma internet ka ayaa dawlad lagu dhisaa? Maxeyse ka
fikirayaan miyaaney lahey aqli ay isku qabtaan oo yiraahdaan waar
dawladi madhismayso? Miyaaney ogeyn waqooyi jaad uun baa lagu cunaa meel
jaad lagu cunayo maalintii oo dhan goorma ayaa lashaqeyn oo dawled
ladhisi ? Hadii ay is leeyihiin waxaa jira wadan maxey u noqon waayeen
ooy dalka qurbaha ka qabanayaan?
4) waxaan fahmi waayay iney nimanka soomaalidu sidan u aqli
yaraayeen.Waayo waxaan daawadey show soomaaliya ka sheekaynayay ninkii
madex waynaha sheeganayay isoo jaad iska soo dhergiyey oo wax uu ku
hadlayo ogeyn ayuu halkaa ka nacnaclahaa.Ma u maleynaysaan inay ku waasi
waden dhisi doonaan?
Aflagaado ma jirto ee hadii aad jawaab u hayso su aalahan si maskaxi ku
jirto uga soo jawaab, anigu wixii caytama u ma jawaabo, waayo qofkii
caytamaa jawaab ma istaahilo.
)):Fosia Ofleh
Walaal Fosia ,
Weligaa ma maqashay "Hasha geela cunta ee cabaada!" ;-))
--
jama
--
Walaal Fosiya,
Waxaan u maleenayaa sababta ka dambeysa "mashaqeeste-nimadaan" haysata
ragga (iyo haweenkaba) in ay tahay sababo badan, haddaan soo gaabiyana tan
ugu weyni ay tahay (guud ahaan qurbaha, gaar ahaanna Canada) shaqo la'aan
guud oo ka jirta dalka ay ku nool yihiin.
Ragga Soomaliyeedi uma dhalan caajisnimada, haddii ay shaqo helaan intooda
badani way shaqeeystaan si buuxda oo aan kala har lahayn, markay shaqo
la'aantu dheeratana, sida nimanka dalalka kale ayey balwadda door bidaan
si ay isu illowsiiyaan welwelka iyo walbahaarka saboolnimada.
Dhinaca raamsiga Qaadka :
Abaayo :), maxaad u kala saaraysaa ragga iyo haweenka, miyaadan ogeyn
in haweenka Soomaliyeedi cunaan qaadka (ninkii arkayoow farta taag !)
weliba si aad ah ?
Madaxweynihii aad ku aragtay TV-ga ma u fiirsatay hablihii
fadhiyey maxfalka mushxaraddii ka dheceysey ?
Adiga aan su'aal ku weydiiyee ii sheeg walaal:
Maxay haweeka Soomaalidu u jecel yihiin nimanka beenta iyo
isqaad-qaadka ku madadaaliya ? qaarkoodna horta maxaa qoto gaabidan ugu
wacan ?
Tusaale:
Nin shaqeysta, oo ay shaqadiisu tahay "Nadiifiye/janitor" iyo midaan shaqo
heyn oo ku nool xadidda "caydha" iyo waxyaalo kaleba oo baabuur dhalaalaya
oo uu malaha soo xadayna wata, waqti badanoo uu telaffanka ku hadlana
haysta, haddi la kala dooriyo maxay hablaha Soomaliyeedi u diidaan kan
shaqeysta ee dhulka xaaqa oo ay u doortaan kan aan shaqeysan ee
af-miishaarka ah ?
Fosia Ofleh (ojo...@direct.ca) writes:
> Waxaan la yaabay sadex waxyaabood!
>
> 1) Maxey nimanka soomaalidu meelkasta oo joogaan jaad u cunaan ooy ma'
> shaqaysta yaal u yihiin? Maxeyse iyagoon wax ogeyn iskaga dhigaan iney
> waxwalba oguihiin? Maxaase dadka soomaaliyeed dhaga adeyga ugu wacan?
>
>
> 2) Maxaa niman waaweyn iyo kuwa yar ee muqdisho jooga looga waayey
> ninkali oo fikira oo dadka wax fiican u sheega? Maxaase nimanka
> soomaalida naxariistii ka qaadey? Maxese qori ayna sameysan oo nincadi
> sameeyay iskugu dilayaan oo iskugu faanayaan?
>
> 3) Mida kale kuwan Soomaaliland sheeganayaa ee waxbaa ladooranayaa
> halkan ku soo qorey ma internet ka ayaa dawlad lagu dhisaa? Maxeyse ka
> fikirayaan miyaaney lahey aqli ay isku qabtaan oo yiraahdaan waar
> dawladi madhismayso? Miyaaney ogeyn waqooyi jaad uun baa lagu cunaa meel
> jaad lagu cunayo maalintii oo dhan goorma ayaa lashaqeyn oo dawled
> ladhisi ? Hadii ay is leeyihiin waxaa jira wadan maxey u noqon waayeen
> ooy dalka qurbaha ka qabanayaan?
>
> 4) waxaan fahmi waayay iney nimanka soomaalidu sidan u aqli
> yaraayeen.Waayo waxaan daawadey show soomaaliya ka sheekaynayay ninkii
> madex waynaha sheeganayay isoo jaad iska soo dhergiyey oo wax uu ku
> hadlayo ogeyn ayuu halkaa ka nacnaclahaa.Ma u maleynaysaan inay ku waasi
> waden dhisi doonaan?
>
> Aflagaado ma jirto ee hadii aad jawaab u hayso su aalahan si maskaxi ku
> jirto uga soo jawaab, anigu wixii caytama u ma jawaabo, waayo qofkii
> caytamaa jawaab ma istaahilo.
>
> )):Fosia Ofleh
>
>
>
>
>
>
>
>
>
>
>
>
>
>
>
--
CAVE _ * _ _ * _ _ * _
ARTS \/0 0\/ \/0 0\/ \/0 0\/
etc.. ( ) ( ) ( )
/ ! ! \ / !
Ugu horeey waad salaamantihiin inta aqrisandoonta jawaabtan,
marka xiga haddii aan ka jawaabo su,aalahan ayagoo duuduuban
waxaan u arkaa sidaad sheegtey iney eey tahey mase isweeydiisey
ineey dadka qaar eeyna u muuqan waxa adiga kuu muuqda kuna
gubaya kuli calaaxaal dhib asagoon imaan xalkiisa lama helo,
dhibkana waxaa dhib loo arkaa marka uu qasaarihiisa bato qof
walibana uu ka cabsoodo ama ka fikiro qasaaraha dhibkaas
keenaya wuxuuna dhibkaas soconayaa sidaan u arko intii aan hub
aanan sameeysan ku dirireeyno, intii aan kaalmo dibada ka
sugeeyno,intii aan qof aan wadaniyadnimo aanan ku dheehneey
hogaamiyo ka dhiganeeyno, intii aan sugeeyno in na loo qabanqaabiyo
shir heshiis nagalana bixiyo qarashka heshiiskaas ku baxaya.
waxaana ka baxeeyna markii arimahaas aan soo sheegney laga
taqaluso anagana aan is aqoonsano.
Ugu danbeeyn waxyar ha la sugo inta ku dhibka ku haaysa umada,
fa,iidadeey ka keenaane waxba yeyna naga siinin soomaaliyana waa
jiraan dad wanaagsan oo naxariis badan rag iyo dumarba.
Maxammed
If what you saying is true then I guess there is 50/50 chance for both
sexes. Again you have a lazy GENE which could come from any of your
parents equally. Now tell me howe many brothers you got? how many of
them are lazy chewing QAt?
I hopoe that answers your question.
Awo-another qat chewing lazy somali
1. Nin Soomaaliyeed baa jira
2. Wuu shaqaystaa (from cutting grass at school to statistical analyst
now)
3. Qaad sheekadiisa daa (what is the point he would chew it)
4. Caajislow ma aha (die hard soccer player--yes even in snow and rain)
5. Naxariis buu leeyahay
Milyanaad nin oo Somaliyeed, ama golahan ha joogaan am meel kaleba, ayaa
intaa iyo in kasii dheerba kala siman. Sidaa darteed, waxaan u arkaa
aflagaado inaad isku duubto dadkoo dhan, isla markaana aad adigu aflagaado
ka sii gogol dhigato. Xagee laguu raacaa? Beerka jecli, xaydha jecli?
Waxaan u malaynayaa inaad ku cusubtahay golahan, markaa waxaa si niyada oo
talo ahaana kuugu oran lahaa: DON'T GENERALIZE. Ma kula wacantahay inaan
gabdhaha Soomaliyeed oo dhan gidaarka raacsiiyo, maadaama ay ku jiraan
ilaa dhowr kun oo sumbo iyo shaqaabado ah? Adigoo raacaya tixahaagii, bal
soo dhirraandhiri jawaabtaas?
--
Nabaadiino
H i r a d
Hadii uu jiro nin Soomaali ah saad u sheegtay, xaalkeenu sidan
ma'ahaadeen. Inaan raga somaliyeed isku wada duubay waa runtaa, laakin
walaal, raga aan ka hadlayaa aad iyo aad ayeey uga badanyihiin kuwaad ka
hadlayso. Cala kuli xaal, waxa Somalia kadhacay ee wali kadhacaya waxa
ugu wacan raga aan anigu ka hadlayo. Madaama ay raga aad adigu
sheegayso, inkasta oy jiraan, ay waxba kabadali waayeen xaalka ummada
Somaliyeed waxaan umaleeya in lagabadiyay. Cida kabadisayna waad
garanaysa baan umaleeya mudane Hirad, waxa kabadiyay "raga" aan
kahadlayo. In English it's called: "if you can't beat them join them",
sidaas ayeey raga aad kahadlaysa doorteen. Madaamay iskecelin
kariwaayeen 'majority'ga raga caaga ah ee Somaliyeed, waxay kutashadeen
inay waxba ka qaban.
Mida kale, "golahan" aan ku cusubahay maan ogayn in bilad lagu qaato
cidi cid kale ka soo horaysay. Adiguba waad ogtahay, mudane Hirad, inay
SCS cidna caqli kusoo kordhin. Kii (ama tii) kusoogalay isago dameer ah,
wali waa dameer. Kii/tii kusogalay maskax iyo xikmadna wali wuu iska
sitaa. Intaad igaga soo horaysayna SCS ka waad aragtay dad badan 'who
fit the decription' waxaan ka hadlayo. Waad ku mahadsantahay talada
niyadada katimid, waxaan balan kaga qaaday inaanan iloobin.
Fosia Cilmi Coofleh
In article <19961121201...@ladder01.news.aol.com>,
ahi...@aol.com says...
Mudane Jama,
Jawaabtu waa haa, waan maqlay! Waxaanse ku waydiyay, walaal,
warka ii dildilaaci oo waxaa niyadaada kujira halkan soo bandhig.
Mahadsanid.
Fosia
>Waxaan la yaabay sadex waxyaabood!
>1) Maxey nimanka soomaalidu meelkasta oo joogaan jaad u cunaan ooy ma'
>shaqaysta yaal u yihiin? Maxeyse iyagoon wax ogeyn iskaga dhigaan iney
>waxwalba oguihiin? Maxaase dadka soomaaliyeed dhaga adeyga ugu wacan?
>2) Maxaa niman waaweyn iyo kuwa yar ee muqdisho jooga looga waayey
>ninkali oo fikira oo dadka wax fiican u sheega? Maxaase nimanka
>soomaalida naxariistii ka qaadey? Maxese qori ayna sameysan oo nincadi
>sameeyay iskugu dilayaan oo iskugu faanayaan?
>3) Mida kale kuwan Soomaaliland sheeganayaa ee waxbaa ladooranayaa
>halkan ku soo qorey ma internet ka ayaa dawlad lagu dhisaa? Maxeyse ka
>fikirayaan miyaaney lahey aqli ay isku qabtaan oo yiraahdaan waar
>dawladi madhismayso? Miyaaney ogeyn waqooyi jaad uun baa lagu cunaa meel
>jaad lagu cunayo maalintii oo dhan goorma ayaa lashaqeyn oo dawled
>ladhisi ? Hadii ay is leeyihiin waxaa jira wadan maxey u noqon waayeen
>ooy dalka qurbaha ka qabanayaan?
>4) waxaan fahmi waayay iney nimanka soomaalidu sidan u aqli
>yaraayeen.Waayo waxaan daawadey show soomaaliya ka sheekaynayay ninkii
>madex waynaha sheeganayay isoo jaad iska soo dhergiyey oo wax uu ku
>hadlayo ogeyn ayuu halkaa ka nacnaclahaa.Ma u maleynaysaan inay ku waasi
>waden dhisi doonaan?
>Aflagaado ma jirto ee hadii aad jawaab u hayso su aalahan si maskaxi ku
>jirto uga soo jawaab, anigu wixii caytama u ma jawaabo, waayo qofkii
>caytamaa jawaab ma istaahilo.
>)):Fosia Ofleh
Salaanta Islaamka kadib:
Waxaan layaabay saddex waxyaalood?
1 - Waxaa la yiri : ( Nin Soomaaliyoow) Su'aalaha maxaa nimanka loogu koobay,
ma keligood ayey khuseeyaan??
2 - waxaa la yiri : (su'aashan) ma su'aal keliya ayaa meesha ku qoran?? waxaa
meesha ka muuqda
u yihiin?
ladhisi ?
ugu wacan?
u sheega?
ka qaadey?
faanayaan?
lagu dhisaa?
madhismayso?
ka qabanayaan?
doonaan?
2- waxaa la yiri : (ka jawaab!) waxaa wax la iska weydiiyey:
Qaad - jaad!
Dawlad!
Faan!
is dilid!
caqli!
Naxariis!
Dhega-adeyg!
Qofka inaas oo dhan ka jawaabi doona ayaan la yaabay??
!!!!!
Mahadsanidin o(.|.)o
-
Abdulkadir A. Farah
http://www.dundee.ac.uk/~aafarah/somali.htm
*****************************************************
Afkaa inaku gaara ee laysku garanaayo
Nimanbaa gansanayoo ka jecel mideeyan gaareyne
Ugumana garaabaan raggii goosanka ahaaye
Labadaas ra'yoo wada gudboon yaw garnaqi doona?
Marwo Fosia,
Sida uu Hirad kuugu sheegay in dadka la iswada raaciyaa ma haboonna.
Ugu horeyn rag Somaliyeed oo dhan baad cayday meel ay joogaanba.
Walaal, Burger King iyo Mcdonald_ba waan ka soo shaqaynay.
Janitor waanu noqonay. Pizza waanu guray. Intaa weliba anagoo
iskuul wadna.Waxaan xusuusnahay anoo intaan kalaaskaan dhiganayey
ka baxo , Laabka aan "Teaching Assistant"ka ka ahaa tago, oo
saddex saacadood joogo, haddana u cararo magaalada dhinaceeda
kale si aan Pizza u guro. Dan ayaa sidaa noo eryeysey!
Inaad na caydid kaama istaahilno ;-)
Ta labaad Gobol dhan oo Soomaliyeed ayaad cayday.
Ta saddexaad , yaan la i caayin ayaad tidhi.
Fosiya , haddii ay ku damaqday dar xumada dadka Somaliyeed haysata
oo aad rabtid inaad si daacad ah oo aan aflagaaddo ku jirin uga
hadashid xaaladooda , waxaan hubaa inaad heleysid dad badan oo
kula wadaaga dareenkaaga.
Warka aan kuu dildilaaciyee , haddii aanad aflagaaddo rabin,
aflagaaddo lama bilaabo.
jama
--
: Marwo!!!!!!! Fosia,
In fact, you raised a good points, but I have to say it is odd or
impossible that you, alone figured out that fosia is a "Marwo".
One more point for Fosia, you do not have to over-use the notion of
"Somaliland". If you do not share or agree with this, please leave alone
those who support it, otherwise we will not reach a common ground.
=================
Regards:
Ciid.
Waxaan kugu raacsanahay inaan qof caytan iyo aflagaado waxaan ahaynba
aan shirka la iman aan cidina ujaawaabin, waayo waxa layidhi:
Hadaan lakala roonaan roob mada'o
>
>
>
>
>
>
>
>
>
>
>
>wuxuuna dhibkaas soconayaa, sidaan u arko, intii aan kaalmo
>dibada ka sugeeyno,.......... intii aan sugeeyno in na loo
>qabanqaabiyo shir heshiis nagalana bixiyo qarashka heshiiskaas
>ku baxaya.
............
Walaal Maxamed,
Runtii si fiican ayaad u cabirtay arrinta salka u ah dhibaatada
Somaliya ka taagan maanta. Saldhigga dhibaatadaas ugu weyni
wuxuu yahay qodobka aad kor ku sheegtay ee ah "intii aan kaalmo
ka sugeeyno dibadda". Markaad si dhab ah uga fakarto sababta
ay Warlordska Somaliyeed isu laynayaan, ee ay madaxtinimada u
raadinayaan, ee ay dadkii shacabka ahaa u gumaadeen, waxaa kuu
cadaanaysa in nin kasta oo ragaas ka mid ahi uu madaxtinimada
u doonayo hal arrin kaliya: kaalmada dibadda ka iman doonta
aad jeebadaha ku shubatid!
Akhristow, haddii aad u malaynayso inuu hadalkani yahay mid fudud
oo la iska yidhi, bal si kasta usoo fakar oo soo hel arrin kale
oo ay nimankani isu laynayaan. Somaliya waa wadan burburay oo meel
u fayaw(fayda) aysan jirin. Nin kasta oo daacad ah oo Somaliya
madax u noqda waxaa qasab ku ah inuu ka fakaro: inuu biyo galiyo
magaalooyin aan biyo lahayn; inuu laydh u sameeyo magaalooyin aan
laydh lahayn; inuu iskuullo u sameeyo wadan aan iskuul lahayn; inuu
cusbitaalo u sameeyo wadan aan cusbitaal lahayn; inuu jidad u
sameeyo waddan aan jidad lahayn; inuu cunto iyo hooy iyo cunto
siiyo boqolaal kun oo carruur, hooyooyin iyo cirroole aan hooy iyo
cunto imdna haysanin. Intaas oo dhan waa laga sugi, waddankiina
shilin lacag ah mahaysto!
Marka aan is weydiinee, haddii uu shakhsigu daacad yahay, mas'uuliya-
dda sidaas u ballaadhan oo shilin aad ku billowdo aadan haynin ma
wax lagu ordaa, mise waa mid laga cararo??? Qof caqli iyo damiir
leh mas'uuliyad uu ku ordi karo ma aha. Kolka sababta ay nimankani
isugu laynayaan xilkan sidaas u ballaadhan waxay caddaynaysaa in
nimankani xilkan ayna kaba fakaraynin, buugana haba yaraatee uusan
ugu jirin. Ee sababta kaliya ee uu mid waliba u tafa xaydan yahay
ay tahay iyagoo aaminsan in Somaliya haddiiba ay degto in adduunku
kaalmo ama gagaar siin doono; marka haddii uu ku guulaysto kursiga
wuxuu fursad u heli doonaa inuu gargaarkaas xado.
Marka akhristow, sababta Somaliya u burburtay ee nabad galyo looga
la' yahay waxay tahay, nin kasta oo Warlord ah wuxuu u dagaalamayaa
inuu noqdo midkii gargaarkaas xadi lahaa!!!
Mar labaad mahadsanid Maxamed Daud.
Regards
Hebaan
Maxammed Daauud
In article <570b41$m...@freenet-news.carleton.ca>,
ah...@FreeNet.Carleton.CA says...
...........
> =================
> Regards:
> Ciid.
Ciid ,
AAH !??!!
I do not get it.
jama
Asalaamu calaykum waraxma
anigoo ah nin reer waqooyi ah waxaan rabaa mujtamaca soomaaliyeed ee wax
kuqora Soc.culture.Somalia inaan usheego wax layiraahdo Somaliland in
ayna kajirin Waqooyiga Soomaaliya Dhamaantiis oo uu kajiro magaalada
qora ee layiraahdo Hargaysa, oo afarta gobol ee waqootiga Soomaaliya ee
kala ah Sool, Sanaag, Awdal, & Togdheer. Markaa dadka internadka ku
qoraaya Somaliland..somaliland, waa niman xamaaseesan oo leh somaliland
yaan wax laga sheegin waa nin aan wax ka ogayn xaalada ka jirta
waqooyiga soomaaliaya. Tan kale ninmanka uxamaaseesan inlakala jaro dad
Muslimiin ah oo isku af ah oo isku dhaqan ah waa niman xanuunsan ee
Alaah ha loo baryo inuu caafiyo, waliba nimankaasi waxay ku doodahayaan
awalba lagama fiirsan iskudarkii soomaaliyeed oo waxay leeyihiin awalba
waanu kala goneen soomaali oo 60gii ayaa layskudaray, waxaan waydiin
lahaa raga saas kudoodahaya walaalayaaloow markii hore yaa Somaalia
kalajay oo kakala dhigay 5 meelood?
Wasalaamu calaykum waraxma tulaahi wabarakaatuhu:
Qore Jiidali