Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Somali Computer Software (SCS) made by Tohow in Holland

2 views
Skip to first unread message

Tohow

unread,
Oct 28, 1999, 3:00:00 AM10/28/99
to

Salaamu Alykum Dhamaantiinba,

Walaalayaal maxaa loo wayay qof Somali ah Computerarka taqaan, haddiise ay
jiraan maxey usoo bandhigi waayeen
waxa ay barteen. Walaayalow haddii aad wax taqaaniin waxasameeya oo
huradada kakaca, anigu idin dhihi maayo wax mataqaaniin, laakiin waxaa
idinka maqan dhiirin galin kaliya , waxaa waaye qofwalba waxbuu bartay
Shahaaduu qaatay meel buu shaqo kalhelay inta yareed ee uu shaqeystay Safar
iyo wareeg iyo wabotiris buu ku jiraa.
**********
Run ahaantii haddii aan iskukiin sheego waxaan Deganahay Dalka
Holland,waxaana soobartay
kushaqeynta,Rakibida,Dhigida Network,iyo Sameynta Software-ka Computer-ka.
Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan ahay Qofkii ugu horeeyay ee
Somaali ah ee sameeyay Somali Computer Software (SCS),
Hadaba aan idiin sharxo: waxaan sameeyay Program (Borograam,Software) Ku
Qoran Afkeena Hooyo( Afsoomali),
Borograamkaas waxaad ku qoran kartaa Warqadahaada oo dhan ( Sida Microsoft
Word/Wordperfect. IWM),
Waxaan U bixiyay Borograamkan : Tohow Qore

Meesha arinta taal waxeytahay, waalaga heli karaa meel walba Software-ka
warqadaha lagu qoro, laakiin mayaha ama maku qaran yahay Afsoomaali,
waxaad arkaysaa Program ku Qoran Af-Jarmal ama Ingiriis ama Hollandees ama
luuqada kaleba, Sidaa awgeed ayaan u sameeyay Programkan.
Wuxuuna iga qaatay sameyntiisa Mudo dhan 8 Bilood, Mardhow haddii alle Idmo
waxaad kasoo koobiyeysankartaa (DOWNLOAD) Internet-ka.
Waxaad kasoo koobiyeysan kartaa mardhow Homepage kayga: oo ah sidan:

http://members.tripod.lycos.nl/Tohow/Abdishakur.html AMA
http://www.geocities.com/abdishakurmt/tohow.html AMA


www.tohow.myweb.nl

Sameynta Programkan Waxaan kusameeyay Programkan: Microsoft Visual Basic 6.0
iyo C++.
Tohow-Qore waxaad gelin kartaa Computer ku shaqeeya WINDOWS 95/98/2000,
Dadka kushaqeeya Macintosh iyo Linux inyar haddul qaataan, wuxuu soo bixi
doonaa haddii alle idmo Febaraayo 2000 ( 1/2/2000),

Waxaa kale oo imaan doona mardhow Software kale oo sidoo kale kurqoran
Af-soomali waxaana kamid ah:

1. Tohow Xisaabiye ( laga soo alifay Microsoft Excel)

===

Wixii warbixin + Waano + Dhaleeceen isoo dir E-Mail :
Abdish...@hotmail.com

Waxaa mahad leh Shirkada Microsoft ee dalkan Holland oo iga caawisay Khalad
bixinta, Control-ka iyo Bixinta COPYRIGHT-ka.


Salaamu alaykum


0 new messages