Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Cilmi: Boqorka jaceylka ???

218 views
Skip to first unread message

Mohamed Aboker Ahmed

unread,
Apr 5, 1997, 3:00:00 AM4/5/97
to

Burhan Warsame waad ku mahadsantahay Gabayga cilmi ee aad noo soo
qortay. Waxaan la kulmay gabay aad cajabibiyay luqad ahaan iyo macnaba.
Cilmi ma aha qofkii ugu horeeyay ama ugu danbeeyay ee wax caashaqa,
laakiin waxaan aaminsanahay in isagoo kale dunida ku yaryahay. Bal fiiri
sida quruxda badan ee uu sifeeyay hodan gabaygan gudahiis.

Ninba tuu ka helo buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye
Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale e
Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale
Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye
Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere

Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan
Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane
Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey
Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey

Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhaxdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene

Waxaa tiriyey: Cilmi Boodheri.

Inkastoo erayada qaarkood aan wax ka qabo hadana waa gabay taabanaya
quruxda haween waxa ay ka tahay Soomaaliya. Yaasalaam !!!

Mohamed.

faisal hassan

unread,
Apr 9, 1997, 3:00:00 AM4/9/97
to


Dear Maxamed,

War bal u kaadi. Sidee buu Cilmi uu ku noqday Boqorkii Jacaylka? Maad ii
sheegi kartaa, sida aad ku siisay koobkan giimaha badan. Mise waa over
compensation, if you mean what it stands for?

Mida kale sidee baan ku ogaan karnaan in magacan Cilmi Boondhere la
yiraahdo in uu jiray? Sidee baad ku cadayn kartaa in uu u dhintay Jacayl?
Jacaylkase ma loo dhintaa?

Soomaalida waxa ay tiraah " Wax iswaydiini ma xumee, wax iswaydaarsi baa
daran"
Nabad
Faisal.


Mohamed Aboker Ahmed

unread,
Apr 10, 1997, 3:00:00 AM4/10/97
to

faisal hassan (fha...@callisto.uwinnipeg.ca) wrote:


: Dear Maxamed,


Dear Faisal,

Sidaad adigaba aragtay calaamatu su'aal ayaan raaciyay jumlada ah
Cilmi: Boqorkii jacaylka ??? Taasi waxaan ula jeeday anigoo og in magaca
boqornimo aniga oo kiliya aanan dhiibi karin ee umada u dhaxeeyo. Laakiin
hadii la ii ogalaado inaan dhiibto halka cod ee aan leeyahay, Cilmi waan
sii lahaa boqornimada jacaylka waayo waxaa igu filan oo i cajabiyay
gabayadiisa iyo intaan sheeko ka maqlay. Inuu jacayl u dhintay iyo in kale
ma xaqiijin karo oo ma nooleyn aniga waqtigiisa,laakiin waxaan rumeynayaa
waxay dadka iiga aqoon roon ii sheegeen ilaa sabab cad oo aan ku beeniyo
ii soo baxdo. Su'aasha ah jacayl ma loo dhintaa, jawaabtayda waa HAA.
Barasha wanaagsan Fiasal, it is nice chatting with you.

Walaalkaa,
Mohamed Amin.

faisal hassan

unread,
Apr 10, 1997, 3:00:00 AM4/10/97
to


On 10 Apr 1997, Mohamed Aboker Ahmed wrote:

> Su'aasha ah jacayl ma loo dhintaa, jawaabtayda waa HAA.

Dear Maxamed,

War bal nooga waran sida loogu dhinto, jacaylka.


> Barasha wanaagsan Faisal, it is nice chatting with you.
> Walaalkaa,
> Mohamed Amin.

Sidoo kale.
Nabad
Faisal.

Mohamed Ismail Mohamed

unread,
Apr 11, 1997, 3:00:00 AM4/11/97
to

My brother Feisal sidee lagu ogaankaraa in Awoowgagaa la oranjiray
XASSAN?
Hada waa sidaa ookale su aashaadu.

Mohamed Ismail

Mohamed Ahmed M. Atto

unread,
Apr 11, 1997, 3:00:00 AM4/11/97
to

Faisal,

Wax kastoo aad sheegtaba ma maanta ayaad u soo dhigatay Cilmi Boodhari ?
Cagta dhig wiilyahow, waan kuu digayaa !!! Cagaha meel wada dhig !!!
Cilmi Boodhari waa boqorkii jeceylka, oo Soomali oo idil ayaa boqratay
(marka laga reebo inta sidaada oo kale aan wadne ay wax ku jeclaadaan lahayn)

(Runtaaaa, haddii kale waxaan lahaa: Haaaheeeey !!!)

Su'aashaada rakhiiska ah ee aad ku weydiinayso in Jeceylka loo dhinto, aan
kaaga jawaabee waa run oo waa loo dhintaa jeceyl, adiguse ha ka biqin taas,
waa kuu bishaaroo ileen waxay u badan tahay inaad "ceeb" u dhimato adigoo
"internetka" sida qurbac sheydaan qaawanaan dhex rableenaya.

Ogoow oo iska jir, dadka qaarba waxbaan laga marin:

Qaar Diinta xaggeeda ha ka marin,
qaar kalena Siyaasada xaggeeda ha ka marin
qaar Qabyaaladda xaggeeda ha ka marin
qaar kalena Somaliland ha ka marin
Anna caawa Jeceylka xaggissa ha iga marin !!

(Runtaaaaaa, hadii kale waxaan lahaa: Haaaheeeeey.. )


--

faisal hassan

unread,
Apr 11, 1997, 3:00:00 AM4/11/97
to

On Fri, 11 Apr 1997, Mohamed Ismail Mohamed wrote:

> My brother Feisal sidee lagu ogaankaraa in Awoowgagaa la oranjiray
> XASSAN?
> Hada waa sidaa ookale su aashaadu

> Mohamed Ismail

Dear Maxamed,

Waa su'aal fudud. Maxaa yeelay, caruurtiisii ayaa nool. Waxa aan filayaa
in aan kaaga jawaabay su'aashaada giimaha yar.
Nabad
Faisal.


faisal hassan

unread,
Apr 11, 1997, 3:00:00 AM4/11/97
to


On 11 Apr 1997, Mohamed Ahmed M. Atto wrote:
> Faisal,

> Cilmi Boodhari waa boqorkii jeceylka, oo Soomali oo idil ayaa boqratay
> (marka laga reebo inta sidaada oo kale aan wadne ay wax ku jeclaadaan lahayn)

Atto,

Cagaha aan dhulka dhigee. Haddii uu Cilmi Boodhere uu yahay Boqorkii
Jacaylka, sideebaad ku siisay, Atto? Mise waa sheeko inaga wada wayn. Eebe
ayaa wayne. Halkay bay Soomaalidu ku siisay, Boqorka Jacaylka? qoobta
miyaad taagnayd, Atto? War bal war cadee? Oo noo sheeg, micnaha Jacaylka
waa sida aad u aragtid?



> Su'aashaada rakhiiska ah ee aad ku weydiinayso in Jeceylka loo dhinto, aan
> kaaga jawaabee waa run oo waa loo dhintaa jeceyl, adiguse ha ka biqin taas,
> waa kuu bishaaroo ileen waxay u badan tahay inaad "ceeb" u dhimato adigoo
> "internetka" sida qurbac sheydaan qaawanaan dhex rableenaya.

Atto, Rakhiis su'aashaydu ma'aha? Waa mid muhiim ah oo ku salaysan
baadigoob aqooneed; mid Jacayl. Hadii loo dhinto, bal noo sheeg sida loogu
dhinto? Ma dad gaar ah ayaa u dhinta Ba halkan la yiraahdo "Jacayl"? Mise
waa mid Raga uun u dhintaan? Haddii dadka oo dhami ay u dhintaa, Dumarkuna
ma u dhintaan? Qofkii dumarka ahayd ee u dhimatay magaceed? Qoormay
Dhimatay? Mise waa mid raga gaarkii uun u dhinto? War bal warka cadee?

Qof ahaan, Waa aaminsanahay Jacayl. Laakiin, amaan aaminsani in loo
dhintaaye.


> Ogoow oo iska jir, dadka qaarba waxbaan laga marin:
> Qaar Diinta xaggeeda ha ka marin,
> qaar kalena Siyaasada xaggeeda ha ka marin
> qaar Qabyaaladda xaggeeda ha ka marin
> qaar kalena Somaliland ha ka marin
> Anna caawa Jeceylka xaggissa ha iga marin !!


Dad waxaas oo dhan ka soo horjkeedaan waa jiraane. Haddii aynu niraahdo
waa in aynu raali gelinaa "san ku neefle kasta" waxba ma hagaayayaan,
Atto. Waa in Bulshadu ay ogaataa, in ay jiraa kuwo lidi ku ah, aqligooda.

Nabad
faisal.


Mohamed Ahmed M. Atto

unread,
Apr 12, 1997, 3:00:00 AM4/12/97
to

Faisal,

Waan ka xumahay sida gar darrada ah ee aan kuugu sannifay, waxaan kaa
codsanayaa inaad iga raalli noqoto, haddii ay kula noqotana waxaan kuu
sheegayaa inaanan waxba ka qabin inaad iga aar goosato :)

Cilmi Boodhari weli waxaan ku adkeysanayaa inuu Soomaalida u yahay boqorka
jacaylka, waxaana la isku af gartay inuu u dhintay Jacayl.

Waxaase laga yaabaa inuu u dhintay xanuun kale, sida TB ama wax la mid ah,
hase yeeshee ay sababtu tahay in uu markii ay Hodan ka "jejebisey", uu
galay Deep Depression, taasoo keentay inuu ka go'o cunno iyo hurdaba.
Labadaas markii uu ka tegeyna uu sidayda oo kale uu noqday "Caato",
dabadeedna uu korkiisu iska celin waayey jirrooyinka ay ka mid tahay
middii uu ugu dambeyntii godka la galay.

Taasi waa sheeko dheer, sidaa darteed waxaan ku adkeysanayaa in Cilmi
uusan dhiman wax aan ahayn Jeceyl.


--

faisal hassan

unread,
Apr 12, 1997, 3:00:00 AM4/12/97
to


On 12 Apr 1997, Mohamed Ahmed M. Atto wrote:
> Faisal,

> Waan ka xumahay sida gar darrada ah ee aan kuugu sannifay, waxaan kaa
> codsanayaa inaad iga raalli noqoto, haddii ay kula noqotana waxaan kuu
> sheegayaa inaanan waxba ka qabin inaad iga aar goosato :)

Atto,

War bal ii soo dhawoow, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa "Wax iswaydiine ma
xumee, wax iswaydaarsi baa daran". Markaa, codkaaga ayaad goobta ka
dhiibatay. Wax gardara ah oo aan halkan ka arkaana ma jirto. ee nafta taa
u sheeg.

> Cilmi Boodhari weli waxaan ku adkeysanayaa inuu Soomaalida u yahay boqorka
> jacaylka, waxaana la isku af gartay inuu u dhintay Jacayl.

Laakiin, maadan noo sheegin sida uu ku noqday Boqorka Jacayl? Aniga oo ugu
yeeraya waxa aad tiri "Waxaan ku adkeysanayaa inuu Soomaalida u yahay
Boqorka Jacaylka".

Waa nin aan la hadli karayn "Inanta" uu jeclaaye. Aniga waxa ay ila tahay,
in Cilmi Boodheeri uu yahay Tusaale xun, uusana noqon karayn "Boqorka
Jacaylka ee Aduunka" ama kan Soomaaliyeed. Maxa yeelay, waxa uu ahaa fule,
aan la hadli karayn "Inanta" uu jeclaaye. Waxa aan ku darayaa halka, Eebe
ha u naxariste, Cilmi Boodheere.

> Waxaase laga yaabaa inuu u dhintay xanuun kale, sida TB ama wax la mid ah,
> hase yeeshee ay sababtu tahay in uu markii ay Hodan ka "jejebisey", uu
> galay Deep Depression, taasoo keentay inuu ka go'o cunno iyo hurdaba.
> Labadaas markii uu ka tegeyna uu sidayda oo kale uu noqday "Caato",
> dabadeedna uu korkiisu iska celin waayey jirrooyinka ay ka mid tahay
> middii uu ugu dambeyntii godka la galay.

Wax walbaba waa suurta gal. Laakiin, ma la hayaa wax cadayn ah?

> Taasi waa sheeko dheer, sidaa darteed waxaan ku adkeysanayaa in Cilmi
> uusan dhiman wax aan ahayn Jeceyl.

Markaa waxa ay kula tahay in uu u dhintay jacayl. Maad noo sheegi kartaa
"stageska" uu gaaray iyo sida wakhtigaa Soomaalidu u arki jirtay waxa
Soomaalidu ugu yeedho "jacayl"? Si aynu u garano, waxa dilay "Cilmi
Boodheere. Iyo in uu jeclaa inanta la odhan jiray Hodan.
Nabad
Faisal.


Saciid Maxamuud Maxamed

unread,
Apr 16, 1997, 3:00:00 AM4/16/97
to

ah...@FreeNet.Carleton.CA (Mohamed Ahmed M. Atto) wrote:


>Faisal,

>Waan ka xumahay sida gar darrada ah ee aan kuugu sannifay, waxaan kaa
>codsanayaa inaad iga raalli noqoto, haddii ay kula noqotana waxaan kuu
>sheegayaa inaanan waxba ka qabin inaad iga aar goosato :)

>Cilmi Boodhari weli waxaan ku adkeysanayaa inuu Soomaalida u yahay boqorka


>jacaylka, waxaana la isku af gartay inuu u dhintay Jacayl.


Alxaaj Caato, shakhsi si qoto dheer wax isu weydiiyaad ahaan jirtay.
Waa la yidhi ama waa la igu dhalay lagaama dhaadhicin jirin. Waa tuu
heerkaagu gaadhsiisnaa, "Eebbe" aan rumaystee i tus ama i taabsii.
Hadal ima dhaqaajin karree.......
Laakiin , bidixdaad ka tumaysaa caawa. Cilmi , sida aad wedkaaga u
hubtid ayaad u hubtaa, in uu jacayl makalay.
" ahay ah" , Caato mar weedhaha jeeb tuuguu kala soo baxaa marna
jeebka jeegadda.
Tana ha kuu raacdo, wax walba waa la yidhi ee sida waxyiga u qaata u
socon mayso adduunkan. Qisa walbii baadhitaan bay u baahantahay.
Cilmi tiisuna kama weyna , haddii dad ay shaki ka gasho.
Tusaale ahaan, qisadan ah Cilmi , isagoo jacaylku hayo, sabab kale ma
laga yaabaa in ay dishay waa la is weydiin karaa.
Nin aad uga ag dhow qoyska reeraha oo la dhashay Maxamed Shabeele oo
Hodan guursaday ayaa mar arrinta Cilmi iyo Hodan iiga sheekayey. Wuxu
igu yidhi Cilmi TB ayaa dishay ; faala dheerra waa ii raaciyey oo
jacaylkaa ku saabsan..
arragtidaasna mar sii horraysaa lagu soo laliyey godka. Haddana waa
soo noqotay. Si kastaba ha ahaatee, Faa'iido ka dhalata mooyee ,
khasaare kuma jirto in laga doodo Cilmi iyo Jacaylkiisii.

Caato, burraaqadu xaggay labada hora kula dhigaysaa dharraarahan?.
Nabadgelyo
Saciid Suugaan

>Waxaase laga yaabaa inuu u dhintay xanuun kale, sida TB ama wax la mid ah,
>hase yeeshee ay sababtu tahay in uu markii ay Hodan ka "jejebisey", uu
>galay Deep Depression, taasoo keentay inuu ka go'o cunno iyo hurdaba.
>Labadaas markii uu ka tegeyna uu sidayda oo kale uu noqday "Caato",
>dabadeedna uu korkiisu iska celin waayey jirrooyinka ay ka mid tahay
>middii uu ugu dambeyntii godka la galay.

>Taasi waa sheeko dheer, sidaa darteed waxaan ku adkeysanayaa in Cilmi

Mahad M. Abdi

unread,
Apr 17, 1997, 3:00:00 AM4/17/97
to

In article <5j1oor$32h$1...@sunburst.ccs.yorku.ca> yu11...@yorku.ca (Saciid Maxamuud Maxamed) writes:
>From: yu11...@yorku.ca (Saciid Maxamuud Maxamed)
>Subject: Re: Cilmi: Boqorka jaceylka ???
>Date: Wed, 16 Apr 1997 16:40:57 GMT

>ah...@FreeNet.Carleton.CA (Mohamed Ahmed M. Atto) wrote:


Sida aan u arko cilmi bodhari waa uu u qalmaa in lagu magacaabo boqorkii
jacaylka sida ay abwaanaduba uga hadleen

tusaale hadii aan usoo qaadano gabaygii HADRAAWI uu kulahaa

BOQORKAY HUG IYO CIIL HAGARDAAMA QARISOOW
HADIMADA KALGACAL KALEH CILMIGII U HOYDOOW
HAWRAARTA MAANSADA IYO HOGA TUSAALAHA
HALQABSIGII JACAYLKOOW KOLEY WAAN HUBAAYOO
HAWLIHII ADUUNYADA HESHAY AAYA HOODEE
HALYAR AAN TOYDEE JANADII MA HURUDAA
HARQABOW MA JIIFTAA HOOBAAN MA GURATYAA
HABLO XUURAL CAYN IHI SOO KUUMA HEESAAN

Mahad

0 new messages