Happy new year to you too.
It seems that your ayeeyo and my awoowe were enemies some eighty or so
years ago. Udub_la_asley, a member of the then Mohamed Subeer Chiefs,
participated in a coup d'etat against the dervishes led by Sayyid
Mohamed Abdille Hassan. The Subeers pretended to be throwing a feast for
the Sayyid. An informant among the Ogaadeen Subeers leaked the intrigue
and as a result the Sayyid did not show up. His uncle, Aw Cabbaas, was
killed in the plot, however, to which the Sayyid avenged by slaughtering
Subeer clansmen in what became to be known as the "Kala Kici Gurdumi".
The "Canjeel Talo Waa" schemed by the Omer Mohamoud Majeerteen and the
"Ina Shihiri coup d'etat" schemed by Ina Shihiri, an Isaaq who was the
Foreign Minister of the Sayyid were also levelled against the Sayyid.
If my grandfather and his clansmen were antagonists of the Sayyid at
one point of time, in an ironic twist of matters, this Udub is an
staunch Dervish and a Sayyid fan. So, Gacmadheere, your ayeeyo and I are
in the same idealogical camp!
One of my most favorite poems of the Sayyid's is his response to Cali
Shermarke's, former President Ali Shermake's father, "Halac Dheere
nimankii sannado badan heen jiraan nahaye". Shermarke began with
"Gobannimo inay hodan tahoo hibo naloo siiyay...." to prove his royal
highness.
The Sayyid says:
Hunguri Subeer wuxuu ka ridi hogobyo sheydaani
Waa waxaan habaaroo ilaah heegay taladiiye
Hidyaa wadatay wiilkii hadduu hilinka soo qaaday
....
Bal maxaa Hobyuu dhigay arladu kala hoyaad roone
Haaweyda aan dhacay maxaa haatufka u geeyay?
Gacmadheere, do you know who he meant by "Haawyeda aan dhacay"?
Take care my friend,
The Udub.
>One of my most favorite poems of the Sayyid's is his response to Cali
>Shermarke's, former President Ali Shermake's father, "Halac Dheere
>nimankii sannado badan heen jiraan nahaye". Shermarke began with
>"Gobannimo inay hodan tahoo hibo naloo siiyay...." to prove his royal
>highness.
>The Sayyid says:
> Hunguri Subeer wuxuu ka ridi hogobyo sheydaani
> Waa waxaan habaaroo ilaah heegay taladiiye
> Hidyaa wadatay wiilkii hadduu hilinka soo qaaday
> ....
> Bal maxaa Hobyuu dhigay arladu kala hoyaad roone
> Haaweyda aan dhacay maxaa haatufka u geeyay?
>Gacmadheere, do you know who he meant by "Haawyeda aan dhacay"?
>Take care my friend,
>The Udub.
Dear Udub:
If memory serves me better, I think he meant to Majerteens. This was
what I heard:
Cartan Xaange, oo Reer Garaadka Dhulbahante ah, oo markaa la daganaa
Reer Muduq; oo ey Dhulbahantaha ku dacaayadeeyeen:
Markuu Muduq tagoo, mire la gooxaaye (la tooxaaye)
Ayagoo u xaloolinaya markoo Nugaal & Carru dhulbahante joogu inuusan
ka ag hadli karin. oo uusan gabyaa aheyn. Yaa qobkaan mooska ah dhex
dhigay,Sayidka & Boqor Cisman;
Kalluun lama dabtee, waa la diriraaye
Boqor Cismaan Geelii Miinaale buu Dhacay. Sayidki waxuu ka daba diray
Culkii ugu Xoog badnaa taarikhdiisii; CASAR LAGAD. Markuu culkii yimid
buu Sayidka hadana u diray Reer Muduq. Xitta awrtii iyo Fardihii baa
laga soo dhacay. Haaweyda oo sheegayey waa reer Muduq baan qiyaasaya;
Walow, gabayadaan ey dad badan ka qeyb qaateen; sida Ali Dhuux &
Qamaan. Ninka dacaayadiisii ey wali Majeerteen ka hari la'dahay waa
Sheekh Mohamed "Caytame":
Marnama Majeerteen inaad saas tihiin ma moodeyne'
Bal adiga iyo Siciid Suugaan kii Xasuusta ha noo soo gudbiyo. Sheekada
Halac dheere, Majeerteenka waxey u furtay jid ey kula kaftamaan
Ogaadeenka. Maxaa yeelay markaa intii ka horeysay Dhulbahantaha ayaa
af hayeen u ahaa.
Take care chief.
Gacmadhere
Dear Gacmadheere:
I think it was Sultan Ali Yusuf and his camp who pitted the Sayyid
and Boqor Cismaan against each other. Sultan Ali Yusuf was a rival to
both Boqor Cismaan and the Sayyid and he schemed to pit them against
each other so that they both become weakened.
>Boqor Cismaan Geelii Miinaale buu Dhacay. Sayidki waxuu ka daba diray
>Culkii ugu Xoog badnaa taarikhdiisii; CASAR LAGAD. Markuu culkii yimid
>buu Sayidka hadana u diray Reer Muduq. Xitta awrtii iyo Fardihii baa
>laga soo dhacay. Haaweyda oo sheegayey waa reer Muduq baan qiyaasaya;
The Haawey in question according to the poem must be the citizens of the
Hobyo Kingdom estabilished by Sultan Ali Yusuf. But, in general it was
meant for the Majeerteen.
>Walow, gabayadaan ey dad badan ka qeyb qaateen; sida Ali Dhuux &
>Qamaan. Ninka dacaayadiisii ey wali Majeerteen ka hari la'dahay waa
>Sheekh Mohamed "Caytame":
>
>Marnama Majeerteen inaad saas tihiin ma moodeyne'
I never heard of Sheekh Mohamed "Caytame". Was he an Ogaadeen?
>Bal adiga iyo Siciid Suugaan kii Xasuusta ha noo soo gudbiyo. Sheekada
>Halac dheere, Majeerteenka waxey u furtay jid ey kula kaftamaan
>Ogaadeenka. Maxaa yeelay markaa intii ka horeysay Dhulbahantaha ayaa
>af hayeen u ahaa.
>Take care chief.
>Gacmadhere
Yes, Gaint Ali Duh was the undisputed spokesman against the Ogaadeen.
Consider this:
Qammaan argues "Gobonnimo hadday hodan tahoo hibo laguu siiyay,
"Hah maxaad u tiri wiil martiya hilib intaad siisay?"
To which the ballistic Ali Duh responds:
"Halac oo hir dheer hadduu hilinka soo qaado,
"Idinkoo la haybiba waad wada habaartaane,
"Harti maxaad ku gali eebbahay horor hadduu keenay?"
And to this day that the Ogaadeens are "Hunguri weynayaal" sticks.
I hope Saciid Suugaan gets into this staff. After, he is the gaint in
this field.
Take care Gacmadheere.
The Udub.
Sheekada ku saabsan gabayadii la magac baxay
Silsiladii Halac-Dheere oo ku beegneyd kun iyo sagaal boqol iyo
dhawr iyo tobankii, laga yaabee ninba in uu si u maqlay, maadaama weli
bulshadeenu ku tiirsan tahay "maxaa la yidhi" ee aanay jirin "maxaa
laga qoray"
Sheekadan oo ku caan noqotay magacii ninkii hungiri
weynaanta lagu sheegay ee la odhan Xuseen Cashuur Cali kuna magac
dheeraa Halac-Dheere.
Sheekadu markii hore Ogaadeen iyo Majeerteen bay joogtay.
Markii Qamaan Bulxan Yuusuf soo galay ayaa Cali Dhuux Aadan Gorayo oo
Dhulbahate ahi ku soo biiray.
Qamaan oo Ogaadeen ahi markuu tiriyey gabaygiisii uu
Cali Sharmaarke ugu jawaabayey oo ahaa:
Halkaad Cali Sharmaarkow na tidhi, waa huf iyo beene
Haarraanka iyo faanku waa, haayir kala dheere
waa heli karaa baad na tidhi ,waana hibataaye
gobanimo hadday hiba tahay, oo hore laguu siiyey
Hoh maxaad u tidhi wiil martiya, hilib intaad siisay
Ina Bulxan Yuusuf hadal culus oo sun ah buu sii
daayey. Ina Aadan Gorayo ayaa mudh soo yidhi kuna maansooday :
Hagaga ha daynine Qamaan hor Alle ruuxaaga
Halac oo hir dheer le'eg hadduu hogob ka soo muuqdo
idinkoo la hayb ihiba waa wada hurruuftaane
Harti maxaad ku geli Eebahay horror hadduu keenay
Sheekaddii Harti iyo Absame ayuu Cali Dhuux
Aadan Gorayo ku laliyey oo aanay markii hore joogin.
Sayidka ayaa markaa soo galay oo isna Cali Dhuux u
jawaabay. Waar akhyaarta Ogaadeen Huwan may u kacaan maxaa Hartiga
Caydha ah u geeyey ayuu Sayidku yidhi.
..............................
..........................
Hidyaa wadatay wiilkii Hadduu hilinka soo qaaday
HUWAN muu u kaco kuma qadeen hodon qabeenkiiye
Hartigaba wax badan baa ku nool hilib ugaadheede
kol uu Hiirad oo kale noqduu ibilka haaneedo
bal maaa Hobya u dhigay arladu kal hoyaad roone
.........................
Nin hamuunta kaa bi'inayaa , lagu haddoomaaye
Mar hadduu hadaadumo xarrago,haybaded ma leh
Haadaa-qabiil nimaan ahayn, hibo miyuu dhiibi?
...........................
Udub la Aslay waa runtaa, Sayidku Haaweyda sidaad
sheegtay buu uga jeedaa.
Ta kale , Huwantan uu sheegaayaa waa niman Reer Isaaq
ah(Ogaadeen-Maxamed Subeer) baan filayaa. Huwantani waa ka duwan
tahay Huwanta gabayadii Guba laga helayo.
Huwanta Gabayada Guba waa tolol ka tirsanaa
Isaaq iyo Dhulbahantaha oo is gaashaan buuraystay xulufana wada ahaa.
Salaan Carrabey oo Habar Tol Jeclo ah waa tuu lahaa isagoo Cali Dhuux
ku diganaya in geelii daraawiishi markay jabtay la hantiyey wada cad
laga mariyey.
.....................
Hadhuudh-daatay idinkaa ka qaday halab lihiisiiye
Dabad Haajihii laga harqaday weys hundo ogayne
Waa tii lagaa hiray adoo qabo hamuuntiiye
HUWAN maraga waa tay ahayd hadhicii waabnaaye
...............................
Haddhuudh daatay iyo Dabad Haaje waa geelii la
helay magac loo bixiyey.
Gacma Dheere, ninka gabaygaa Majeerteenka aad
tidhi sun buu ku noqday tiriyey waxa la odhan jiray Shiikh Faarax
Caytame. Waxa ka mida ahaa gabaygiisa meerisyadan
..................
Alleylehe Majeerteen sidaad tahay ma moodayne
waxaad arraga kaga miil caddayd maqalahaygiiye
Ma magan baa lagaa qaaday iyo mid aad ku ceebawday?
Ma madax baa lagaa laayey iy Niman maqaawiira?
Ma maal baa lagaa dhacay leg iyo kun iyo maahiira
..........................
..............
Ma soortaad martida siisey yaad lacag ka miisaantey
Madhiyaana Xeedhada maxaad uga muraad yeelan?
Cali Sharmaarkaa ku soo noqon doona gabayga. Gooni
iyo rag kale ayaa iyana ka qayb galay.
Gacma Dheere ,Udub La Aslay iyo ragga badan ee
akhrista suugaantow,maxay ahayd sheekadani sababtii ay u bilaabatay?
Ma akhyaar Ogaadeen ah baa Reer Keenadiid gabadh siiyeen oo iyaga oo
xoolo badan oo gabadha laga bixinayo wada ay Cali Sharmaarke u sii
hoydeen? ma sheekooyin kalaa jira?
Ta kale Udub La Aslay ,Sayidka iyo Maxamed Subeyr
colaytankii dhex maray waxaan maqlay Nin Reer Dalal ah oo la odhan
Jiray Xuseen Yuusuf ayaa sababay.
Qamaan Bulxana marka Danbe Ciidamo uu
Dhaandhaamo u bixiyey, Daraawiishna ay goobo iskaga hor yimaadeen ayuu
Amaanduule u noqday . Udub la Aslay, Gaashaan buurtaa waxa kale oo loo
yaqaanay Baha Magan baa filayaa, Qoyska Qamaanna in la odhan jiray bay
ila tahay Reer Ugaas Magan. Qamaan markuu colkaa uumay waa tuu ku
maansoonayey:
..........................
Doqon baa dhamaasane haddaan,dhidib kacay rooray
Oon dhudaha Reer Magan Warfaa dhaar u kala qaaday
Oo aan dhaaba laysugu xidhiyo hal u dhexaysiiyey
Nin dhib galay waxbuu ugu xushee dhidibka maw aasay
.........................
Gacma Dheere, Daraawiish geelaa Miinanle (afartan
kun oo halaad baa lagu qiyaasaa) oo Majeerteenku u yaqaan Soodadab
dharbaaxa xun bay ku noqotay.Waa tii lagu heesayey
Naa Soodadab sidii loo helay
dab aan soo fadhiistiyo
Dagagar maygu arragteen
Laakiin Sayidku markii danbe Saddex Col oo la kala odhan Jiray:
Casardega,Isumara iyo Lufato ayuu Majeerteen ku saaray. Waa tay ka
dabaysay :
" Miinanley cuntee madax u balaadhi"
Barbar Celisooy Baday lagu baray.
Sheekaddu halkaa ha ii joogto.
Ugaaska iyo Gacma dheere, ninkaygan Bohoshii Gebi iyo Cal ka
soo guuray oo Qorraxey iyo Carri Ogaadeen iyo Mudug dhex galay hadduu
dhex dabaasho saxa
Nabdgelyo
S.M.M.Shire
mhus...@osf1.gmu.edu (MUHAMMED HUSSEIN) wrote:
>Dear Gacmadheere:
>Take care Gacmadheere.
>The Udub.
Nabadgelyo
Saciid M.M.
Ururka Maansoolayaasha Soomaaliyeed
> Ugaaska iyo Gacma dheere, ninkaygan Bohoshii Gebi iyo Cal ka
>soo guuray oo Qorraxey iyo Carri Ogaadeen iyo Mudug dhex galay hadduu
>dhex dabaasho saxa
Garaad:
Garaad Siciidow ( Xerta Reer Xubeera raalli ha ahaatu ), waxaad ka
taktay baaban jirin. Gabayga Sheikh Faarax "Ceytame" isku tuur-tuur
iyo haldhacle un baan ku maqlay, aad baad ugu mahadsantahay, wax
intaas ka hayaba adaa iigu horeeya.
Su'aashaadii aheyd see bey ku bilaabantay hadaan u soo noqdu.
Cabdi Culaad oo Gabyaa Ogaadeen ahi baa sheekadan sheegay:
Nin Ogaadeen ah baa doonay Ina Keenadiid. Waxaa raacay Konton nin oo
Fardihii Yaradka loobixinayey wax ka kaxeeyay, si ey gabadhana ula soo
gelbiyaan. Waxey ku yimaadeen Meel oo daganyahay Cali Sharmaarke.
Waa la soo dhuweeyay, markii la arkey waxey u socdeen.
Casarkii bey damceen iney caraabaan. Ayagoo gugusha laabanaya ayaa
wiil u yimi. Markaas ayaa Halac dheeri yiri " Hilibki baan ku oomaye
biyo ii keen?". Markuu intaas yiri ayaa nin safarka la socday
yiri,"war Dhabayucu yey noo gabyine naga daa". Wiilkii iska tag baa la
yiri-waxbana ha noo keenine. Wiilkii wuxuu u tagay Cali Sharmaarke,
sheekadii meesha ka dhacdey oo biyo ma taabtaan ah buu u dhiibay.
Cali Sharmaarke safarkii buu u yimid oo yire "caradu waa cabsiye ha
bixinina. Wehelkii aan idinku dari laheyna diyaar maahan". Safarkii
waa baaqdey. Galabtii baa waxaa isu qeyla dhaansaday Majeerteen wixii
meesha daganaa. Nin kasta oo safarkii ka mid ahaa waxaa loo keenay
Afar Xeeru oo hilib ah iyo raashin wax alla waxii Soomaaliye taqiin
waagaas. Nimankii wey garteen in meesha wax ka socdaan, waa ey fara
guduusadeen oo kaliya. Sida la sheegay Halac Dheere nin Hunguri badan
maaheyn, hadalka umbaa qabsaday mooyaane. Markay baxayeen yaa
Sharmaarke Gabaygii ugu horeeyay silsiladdan farta ka saaray .....
Halac dheere nimankii sanadu heyn jiraan nahaye
Markey wadankoodii tageen baa Qamaan loo sheegay Sidey wax u dhaceen.
Markaas ayuu isna Jawaabtaan u soo dhiibay.
Haaraanka iyo Faanku waa haayid kala dheere
Deetana waad saad u sheegtaye Ali Dhuux iyo Ustaadkii baa iyaguna soo
ritay. Sheekh Farax baa isna laba gabay isku xijiyay markuu Ali dhuux
gabyey, oo uu ku leeyahay," Hartiyow gafkii horena idinkaa lahaa, hiil
baanad ku darteen".
Ha la ogaadu Hartow hiil gurtaa tahaye'
Gabaygaasna waa hore ayaan mar maqlay oo hadda ma hayo, Siciid hadaad
heysu bal noo soo lali.
Waxaa kaloo jira Gabayo kuwaan daba socday oo ey is dhaafsanayaan
Qamaan iyo Rag Dhulbahanta ahi. Sida markuu Qamaan ku yiri xaaskiisii,
"Nimankaa soo socda oo Dhulbahante, Haddey ku yiraahdaan Qamaan ma
joogaa? maya dheh. Haddeyse ku yiraahdaan Qamaan Bulxan ma joogaa? Haa
dheh."
Udub iyo Siciidow anigu waa iga intaas.
Gacmadheere
: Sheekada ku saabsan gabayadii la magac baxay
: Silsiladii Halac-Dheere oo ku beegneyd kun iyo sagaal boqol iyo
: dhawr iyo tobankii, laga yaabee ninba in uu si u maqlay, maadaama weli
: bulshadeenu ku tiirsan tahay "maxaa la yidhi" ee aanay jirin "maxaa
: laga qoray"
SICIID, waxaan filayaa Taariihda aad kor ku xustay inay intaa ka horeysay.
: Sheekadan oo ku caan noqotay magacii ninkii hungiri
: weynaanta lagu sheegay ee la odhan Xuseen Cashuur Cali kuna magac
: dheeraa Halac-Dheere.
: Sheekadu markii hore Ogaadeen iyo Majeerteen bay joogtay.
: Markii Qamaan Bulxan Yuusuf soo galay ayaa Cali Dhuux Aadan Gorayo oo
: Dhulbahate ahi ku soo biiray.
: Qamaan oo Ogaadeen ahi markuu tiriyey gabaygiisii uu
: Cali Sharmaarke ugu jawaabayey oo ahaa:
: Halkaad Cali Sharmaarkow na tidhi, waa huf iyo beene
: Haarraanka iyo faanku waa, haayir kala dheere
: waa heli karaa baad na tidhi ,waana hibataaye
: gobanimo hadday hiba tahay, oo hore laguu siiyey
: Hoh maxaad u tidhi wiil martiya, hilib intaad siisay
: Ina Bulxan Yuusuf hadal culus oo sun ah buu sii
: daayey. Ina Aadan Gorayo ayaa mudh soo yidhi kuna maansooday :
: Hagaga ha daynine Qamaan hor Alle ruuxaaga
: Halac oo hir dheer le'eg hadduu hogob ka soo muuqdo
: idinkoo la hayb ihiba waa wada hurruuftaane
: Harti maxaad ku geli Eebahay horror hadduu keenay
: Sheekaddii Harti iyo Absame ayuu Cali Dhuux
: Aadan Gorayo ku laliyey oo aanay markii hore joogin.
: Sayidka ayaa markaa soo galay oo isna Cali Dhuux u
: jawaabay. Waar akhyaarta Ogaadeen Huwan may u kacaan maxaa Hartiga
: Caydha ah u geeyey ayuu Sayidku yidhi.
Anigu HUWAN waxaan u maqlay inay tahay laf ka mid ah qabiilada Ogadeenka
ah, laakiin qoraalka kor ku xusan waxay iila muuqataa inay yihiin qabiilo
kale. Markaa HUWAN qabiilka ay tahay ee SAYIDKU sheegayo wa,ayo?
: ..............................
: Nabdgelyo
: S.M.M.Shire:
Ahmed M. Ali
: mhus...@osf1.gmu.edu (MUHAMMED HUSSEIN) wrote:
: >Dear Gacmadheere:
: >Take care Gacmadheere.
: >The Udub.
--
Sorry SICIID, su,aashan kor ku xusan onoon qoraalka sifiican u akhrisan
ayaan ku waydiiyey. Sida aad u sharaxday erayga HUWAN waa sax..
: : ..........................
: : Nabdgelyo
: : S.M.M.Shire:
: : mhus...@osf1.gmu.edu (MUHAMMED HUSSEIN) wrote:
: : >Dear Gacmadheere:
: : >Take care Gacmadheere.
: : >The Udub.
*****************
AHMED M. ALI
--
>Waxaa kaloo jira Gabayo kuwaan daba socday oo ey is dhaafsanayaan
>Qamaan iyo Rag Dhulbahanta ahi. Sida markuu Qamaan ku yiri xaaskiisii,
>"Nimankaa soo socda oo Dhulbahante, Haddey ku yiraahdaan Qamaan ma
>joogaa? maya dheh. Haddeyse ku yiraahdaan Qamaan Bulxan ma joogaa? Haa
>dheh."
>Udub iyo Siciidow anigu waa iga intaas.
>Gacmadheere
*****************Nabad iyo Caano walaal**************
Gacma dheere waad ku mahadsan tahay sheekadaa aad nala
wadaagtay.
"Qamaan ma joogaa" iyo sheekadiisa iyo gabaya uu ka
tiriyey ayaa jira waana hayaa. Sheekooyin kala duwanna waa ka maqlay.
Sheekadan ka bacdi Dhiisha caanaha laga buuxayey ee Harti-Suga la
odhan jiray baa mar warkeedu igu soo duulay.
Gacma Dheeri ,nabadgelyo
Dear Saciid Suugaan and Gacmadheere:
I thank you for the nice articles you posted on this thread.
Regards,
The Udub.