Waxa maansadan soo gudbiyey, Seid Abdi, U.K.
Isagaa Ah Eebbeh
Ilaaha Keliya Ah
Ilaah Kalana Ma Jiro
Jacaylkiisaa Ahaa Kow
Isagaa Ahaa Kow
Gartay In la Aqoonsado
Aluunka U Sal Yeelay
Xiddigaha Kor U Eeg
Bahcadceed Kale Ka Eeg
Bahcadceedeena Hoos Ah
Dayaxa Oo Ka Mid Ah
Meerayaasha Kale Eeg
Udub La'aantan Raaran
Dhulkan Sii Hoos Ah
Amakaag Lehe Eeg
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Isagaa Aheeyee Eeg
Dayaxa Ama Qorraxda
Ku Aroorsan Dawgood
Midna Ka Anbanaynin
Jidadka U Kala Aloosan
Amakaag Lehe Eeg
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Isagaa Aheeyee Eeg
Isagaa Ah Eebbeh
Isagaa Ka Dhigay Eebbeh
Qorraxda Ka Dhigay Ilays
Dayaxana Ka Dhigay Iftiin
Si Ududkeenu U Kaso
Tirsigooda Gu'yaal Ah
Ama Tubaabtu Sah Ay Tahay
Ogow Adkaysigu Waa Ilays
Tukashaduna Waa Iftiin
Labaxtanka Oo Tusmaan Ah
Ereyga Wanaagsan-na Ogow
Isaga-na Labaxtan Baa Ah
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Sahsan Eebbeh Oo Sahsan
Baryo Soo Bari Eebbeh
Tukasho u Tuko Eebbeh
Hantidiisa Irmaan
Haddii Adoon Soo Baryo
Laga Siiyo Intuu Rabo
Lana Siiyo Adoon Walba
Intuu Soo Baryee Rabo
Waxay La Ekoon Tahay
Bada Aydin Aragteen
Sidii Irbad Loo Daray
Miyay Wax Ka Idlaynaysaa?
Ama Laasan Karaysaa?
Irmaan Se Hantidiisu
Amin Kastaba Eebbeh
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Milgan Magaciisu Eebbeh
Magaciisa Kasta Eebbeh
Maamus Weynleh Eebbeh
Tahan Oo Tahanle Eebbeh
Na Aheeye Eebbeh
Ah Kasta Aheeyaha
Lama Aheeye Eebbeh
Na Wada Aheeyaha
Na Kala Aheeyaha
Iskii Ahe Eebbeh
Isagaa Ahe Eebbeh
Eex Iska Reebay Eebbeh
Adoon Kasta Uga Digay
Anshax Na Faray Suuban
U Hiili Aboowahaa
Eexde Ama Laga Eexde
Hiil Kaga Celi Eexda
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Isagaa Ahe Eebbeh
Abaalsan Danbeysiiya
Eedahana Dab u Darbay
Isagaa Dhow Eebbeh
Isaga Ayaan Dheerayn
Afkaan ka Xuso Eebbeh
Isagaa Sahsan Eebbeh
Igu Agjooga Eebbeh
Isagaa Iiga Dhow Eebbeh
Xawda Dhiigu Arooro
Na Ebyaa-Ebyaa Eebbeh
Na Hayaa-Hayaa Eebbeh
Na Hagaa-Hagaa Eebbeh
Ogeeb Weeye Eebbeh
Na Ogow-Na Oge Eebbeh
Na Arkow-Na Arke Eebbeh
Na Maqlow-Na Maqle Eebbeh
Na Sahow-Na Sahe Eebbeh
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Xus san Oo Xus san Eebbeh
Haddaan Shibta Xuso Eebbeh
Ayin baan Si u Yeeshaa!
Xaga Eebbeh Ka Xusnaaday
Haddaan Afka ka Xusana
Gole Eebbeh ka Xuso
Ayin Sii Badan Yeeshay!
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Isagaa Gole Ka Roon
Iga Yeela Mid ka Xusan
Aqalkiisa Milgan Eebbeh
Ee Ka Mida Aqaladiisa
Haddaan Socod Ku Aado
Adimadayda Ku Gaadho
Marti Eebbaan Uga Ahay
Sidaan U Soo Gaadhay
Si la Ekoon buu Eebbeh
Birmad I Soo Aadaa
Anigoo U Ildaran Kol
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Ayin baan Si U Yeeshay
Ayin Ka Sii Badan Yeeshay
Haddaan Baryo Eebbeh
Ama U Tukado Eebbeh
Eed baa Iga Tirmaysa
Aanaa Iga Hadhaysa
Godob baa Iga Awdmaysa
Ayimada Dahaysani
Markay Soo Ifbaxaan
Waxsan Aheeye Eebbeh
Waxsan Ahee! Eebbeh
Isagaa Ka Sahsan Xumaan
Ka Sareeyay Mala-Awaal
Isagaa Mid Ah Eebbeh
Isagaan la-la Mid Ahayn
Isagaa Ah Eebbeh
Keligii Ah Eebbeh
Iftiinshaha Weeye Eebbeh
Iftiinkiisu Galaalacay
Cirka Iyo Dhulka Arkoon
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Talfadhigiisa Eebbeh
Ee Ku Dalaalimaysan
Aluunkaba Dhamaantiis
Koraysyada Korkeen Ah
Tan-Iyo Dhulka Arkoon
Taliskiisa Tahan Baa Ah
Isagaa Leh Awood Tahan
Itaal Aan Looga Sarayn
Ogashiisu Waa Nabad
Ogashiisa Run baa Ah
Sado Lagu Amaan Yahay
Abaalkiisu waa Tahan
Dararan lala Amakaago
Gobka Gabaabka Ahaaday
Jano Dugsoon Baa Ah
Jacaylkiisii Ahaa Kow
Ayaa Kama Danbaystana Ah
Kama Danbaystana Ah Jacayl
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh
Seid Abdi
(Aluunka=The Universe/Al-Kown)
(Bahcadceed=Galaxy/Majmuuca Shamsiyah)
(Sahsan Eebbeh=Glory be to God/Subxaana-Allaah)
(Tubaab=Mathematics-Calculations/Al-Xisaab)
(Sah=Sustenance/Al-Risiq)
(Labaxtan=Charity/Al-Sadaqah')
(Tusmaan=Evidence-a sign/Burhaan')
(Ogeeb=All-Knowing/Al-Khabiir)
(Milgan=Sacred/Muqadas)
(Eex=Injustice/Dulmi)
(Ayin=Virtue/Ajar)
(Dahaysan=Mystic/Qumuud-Shay?n Qaamid)
(Waxsan Ahee ! Eebbeh=God Made the best/Maasha Allaah)
(Dararan=Everlasting/Khaalidun')
(Koraysyada=The Heavens/Al-Samaawaat')
(Talfadhigiisa Ku Dalaalimaysan=His Throne/Wasaca Kursiyahu)
(Taliska Tahan=The great throne/Carshil-cadtiim)
(Gobka Gabaabka Ahaaday=u../Sidratil-Muntahaa')
Ujeeddo iyo ka-jeeddo midna kamaad arag maansadaasi
waayo, waa ka mamnuuc kuwa bani adamka caabudaa inay
Allah xusaan. Meeshii Allah oo keliya lagu xusayana raalli
kuma noqdaan. Marka Allahaaga lagu xusuusiyo,
marka hoosta laga xariiqqo sida uu adduunkan ugu faro
yareystay ama marka naxariistiisa la naawilaba, haddaan nebi
Muxamad la magacaabin, adiga waa kuu, wax kama jiraan.
Wuxu Allaheen ku sifeeyay muslimiinta Aayaddan Quraanka
ah:
[13:28]
They are the ones whose hearts REJOICE in remembering
Allah. Absolutely, by REMEMBERING Allah, the hearts
rejoice.
Qalbigaagu ma mabsuudaa marka Allah oo keliya lagu xusuusiyo?
Abiib
"omarm" <om...@vif.com> wrote in message news:3CB5C188...@vif.com...