intaas waa iga guubaabo dhamaanteen
soomaalaay,wasalaamu calaykum
abdifatah abdi, 05,july97
Salaan cisso iyo sharaf badan kabacdi aad ayaan uga helay
qoraalkaagan ku saabsan gubaabada waxbarashada, waxaan ku leeyahay
illaahay ha kaa abaal mariyo. Abdifatah waxaa la yiri "nin wax ku siiya
in badan ayaad aragtaa nin kula taliyase in yar" markaa waxaan
qiyaasayaa in in badan oo aan ka mid ahay ay meel fiican oo laabtooda ka
mid ah ay abaalkaaga ku qori doonaan, waayo tallo aan u baahanahay ayaad
noo sheegtay Thanks, midse talada ku dar, waxaa badan in badan oo
waxbaratay hadana aan labbo bisadood kala horayn karin ama aan kuba
camal fali karin aqoonta ay soo barteen, marka illaahay waxaan ka
tuugaynaa in aan aqoontayadu noqon mid weel maran ku jirta waayo aqoonta
caynkaas oo kale ahi waxay la mid tahay sida dameer caws ku raran hadana
baahi la tiicaaya oo aan cawska guudkiisa saaran ka intifaacsan karin.
Si kastaba ha ahaatee Abdiyow mahadi ha kaa gaarto gubaabadaada.
Nabad iyo warsan
Anwar Mohamed
Minneapolis,MN