Yey waxa i qabsaday ey qabsataayoon dadoo dhan nicin!! Maxaad sameyn
laheyd hadii saaxiibkaa iyo macalinkaagii ey isugu kaa tagaan, ninba
meeshiisa, oo ey kaa dhacaan Gabadhii u horeysay oo aad jeclaato? Caro
iyo ciil weynaa. Maxeysa waxyaalaha qaar ii soo raadsadaan?
Waa Todobaatameeyadii dhexbartankoodii anoo nin weyn ah oo geel ku soo
raagay baa la i dhax fadhiisiyay Ciyaal magaal galaaskii Todobaad.
Waxaa macalin noo ah nin dhuuban oo yarehee cas, Suleymaan. Waxaana
Saaxiibkey lillaahi ah (waa saan u heysto e') mid yiraahdo Gamaaje, oo
hadda Virginia jooga.
Waxa dumar arlada shuban Saddexyadaas baa hal gabar isu waqti wada
damciyay. Baggeey rag waa dhurwaa haweenku u yiraahdaan.
Waa nin foolxun iyo umoorihiise Gabadhii magaaladaba ka daba
dhacsaneyd oo aan isku galaaska aheyn baa cishqigeedii i saaqay. Yaan
u sheegtaa? Seense iyada ugu sheegaa mashaqaa taagane? Ciyaal Magaalo,
si fudud bey u yiraahdaan Abbayo waan ku jeclahay. Waa waagaani
markaan iri Allow Ciyaal magaalooy laydin rogu?! Xaggey waxan ka
barteen? Intaan buugtii aan ka habsaamay xifdinayay, bey iyaguna
jirdiinka Isha Baydhabo ku Xifdinayeen "waan ku jeclahay".
Kaligeey intaan meel istaago baan is hiifaa oon iraahdaa; " Walle
Baaroodoow waad duqomoowday. Ma Gabar islaameed baad iska jeclaatay
adoon.........? Saw adigan reer magaalka durba iska dhigay maahan?".
Waxa beerka igala baxay waa dhoola cadeynteeda. Markey i soo fiirisaba
waan dhalaalaa. Yaa islaanoo yiraahda; Gabreey ha isoo fiirin. Oo
hadaad isoo fiirisana ha ii dhoolla cadeyn?! Waxaase ugu darneyd
maalinkey budh igaga soo tiri suryo cidla ah. Gacanta midig sheygey ku
heysay bey bidixda u wareejisay, oo intii yareydoon gacanta salaanta u
soo taagayey bey midigtii intey garbasaata la gaartay Gacantii ayadoon
awalba waxba ku oolin tirtiritay iina soo taagtay. Alla bi waayaye ma
dhoolla cadeyntii bey xushmad ku sii darsatay? War tani waa tii la ii
soo diray!!
Baarood; " Walaale iska waran?" anoo cabsi jiqilla buuraya.
Gabadhii; "Dhiiq-dhiq-dhiq. Xagee u socotaa?"
uurkaan iska iri; "EEgeey! oo maba eyn ii jawaabine! Maxaa loo yiri
Gabdhaha reer magaalka iska waran markaad tiraahdo, caashey kula soo
galayaan. Maxaan waxaan anigu doono dhagaxa loo saaraa? Ciyaal magaalo
tey xitta igu yiraahdaan taas si fudud baa wax looga helaa, anigu
waaban ka waayaa. Ma ciyaal magaalaa been badan oo is hafra, mise
anaan waxba la ii ogoleyn?"
Baarood; " Horteydaan u socdaa." anoo isleh ha is jilcin.
Gabadhi; " Dukaanka Hargeysa, ee Baana baan dhar ka soo fiirsanayaa,
ka bacdina gurigaan ku soo noqon."
Baarood; " Maan kuuu sii wehelyeelo?"
Halkiibaan iska raacney. Maxaan ka bilaabaa sheekada? Ma Xisaabtii
maanta iney wali ka shaqeysay baan weydiiyaa? Mise aan si baranne yaad
tahay baan iraahdaa? Ciyaal magaalna lama weydiin karo ina ayaad
tahay, oo reer baadiyaad tahay bey kugu oran! Ruuxaadan heybtiisa
aqoon see loola sheekeystaa? Ood waliba jaceylkaada iyo mustaqbal ugu
ban dhigataa? Hadalkeeda iyo haasawaheedase markaan miisaamay inaan
isku dhiig nahay umbaan qiyaasay, oo Caana Geel hooyadeed lagu
barbaariyay.
Baar Weheliye iyo Buundadii isha beydhabo markaan dhaafnay oo ey dad
badan oo dhalin yara u badan naga horyimaadeen baan iri; " Oo dadkane
xageey u yaacayaan?"
Gabadhi; " Filinkii Hindiga ee Todobada bare lagu celceliyay baa
caawa ugu dambeysaa, ee adigu ma gashay?"
Maxaan iraahdaa? Maba la i tusu Filim Hindi oo Oohintaan ku nacay.
Filimku haduusan Najis-Najis dhalay ( Clint Eastwood) oo kale wadin
maba galo, oo eynaan dhaw-dhaw, dhaw, bastoolad ka laheyn.
Baarood; " Ma fahmo, wax ii sharxana ma helin?"
Gabadhii; " Sheegada sey u socoto hadaad garato waa sahal."
Halkiibeey iiga bilawday Ali Dhere, oo aan ku sigtay inaan ka maseyro
markaan arkay sey ula dhacsantahay, iyo Hima maliina. Intaas baa anna
xiskii igu soo celisay oo cabsidii iga bi'isay.
Caawa nasiib badniyaa ma Ardo Qaali baan ag socdaayoon u sheekeynayaa?
Waxeyse ugu darneyd markaan gurigoodii geeyay oo ey Ardo ku adkeysatay
inaan soo galo. Ma Maay-Maay iyo afkii Hooyaday baan reerka kula
hadlaa mise kii Faradheer iyo odeygaan kula hadlaa ? Maxaabad isu
wareerin? Key ku hadlaan kula hadal.
Reerkii Ardo waa reer Aabahay si fiican u yaqaan oo durba i heybsaday
oo kal iyo laab igu soo dhuweeyay. Anna Baadiye madii roogi haalkan
kase jareey, hatta see weelee? Ma adiga iyo Ardo waxaad kala heshaan
bey i yiraahdeen mise waa " ha Dhawaaw" sii soco ah?
Si kastaba ka baxshaa ba'ayoo gurigii gurigeygii buu noqday, aniga iyo
Ardana waxaan bilaawnay inaan wax isla akhrisanno, aflaamta isla
aadno, aanse ku dhici waayay inaan u sheegtu jaceykeyga? Ma gabarbaan
iraahdaa waan ku jeclahay ayadoon i oran?
Badiye wuxu wuu fududaayoo haasaawe wuxuu ahaa; " Il iyo lug midna ma
li'id, Gayaan hadaad tahay waan soo geeda fadhiisane garawshiinyo ha
la'idanka helo". War cad baad gabdha isu sheegeysaan. Roobka ha la
gaaro baa la isku modeysan jiray oo inta ka horeysana hadeynaan is
calfan nabadeey. Hadii kalana go'aanku intaas buu ahaa.
Reer magaalase ragoo dhan waa isu caqli! Waa isu karti!! Waa isu
xoolo!! Doolaan geel la dhacay ey soo celiyaan loogu kala xilan maayo?
Boolis baa ag jooga! Gar ey geed ka gooyeen loogo xilan maayo oo waa
wada af garooc? Qaadi iyo Maxkamad Bey Dawlad wax la yiraahdo meel
kasta dhigeen! Deeq haba sheegin? Wax kasta waa deyn iyo Barri wax dib
loo bixiyo! Gabay iyo af tahanimmo waxaa badalay Ciyaal dhanciga ku
fiican!! Maxeey hadaba aniga, Gamaaje, iyo Macllin Suleymaan nagu kala
dooran Ardo??
Yaan arimaheyga ku qarsadaa oo wax igu kordhiya? Ma Saabkeey baan u
sheegtaa? Oo gabdhaha ey ku diriraan illeyn waa nin fanaan ahe? Waxaan
is tusay hadaad wax sheeganeyso Gamaaje u sheego; waa saaxiibkeey,
waana reer galkacyood oo khiyaanada ciyaal magaalkan ma yaqaan.
Aduun talo markey haboon tahay iskuma kaa sheegto? Illeyn Gamaaje
waaba iga dranayahay oo gabdhuu u bukaa? Oo wuxuuba ka xanaqsanyahay
anigeygan Gabadha Filim Hindiga u sii wada. Oo wuxuu is tusay Baarood
waa ma cune lagamana cune!!?? Cimrigaagoo raagey Geel dhalaayoo ku
tusaa! Aduun nimaam wax araga baa ku uran waxbaan arkay!
Geel jire asoo ug meeshoo usha ka goynayoo yiraahdaa xageen ka
gooyaaye. Gamaaje baan sheekadeydii qaar ku taabtay oon iri;" Talaa
iga cadibane maxaan sameeyaa? Seddex sanaa sibiq igu dhaaftay?" Sidaan
wax kale uga filayay buu yiri; " ma kuu dhab?"
" Ma Macalin Suleymaan Naagtiisaad hunguriyeysatay?"
Maalinbey aheyd , laakiin waxba waan arki waayey. Alloow riyo iiga
dhig waxuu sheegayo Gamaaje!!!!!!
Gacmadhere
Waa Sheeku run ah. Magacyadaa badalan.
Gacmo dheerow baadiye wax ka xod-xoda adag ma jiraa la yidhi!
Ninbaa wuxuu igu yidhi annagoo meel daggan ayay reero meel fog ka soo
guuray oo lagu yaqaanno gabdho kulkulul ay na soo ag dageen.
Mid barbaar ah oon aqaanno ayaa gabadh damcay inuu la hadluu yidhi,
meel uu ka billaabo intuu garan waayay buu ye "naa jiilaalkan xaggeed ka
cabbayseen".
Gabadhii awalba dab bay ahayde intay fiirisay bay ku tidhi; "oo miyaad u
aroori lahayd", ninkii talaa ku caddaatay, dee muxuu ku jawaabaa.
Markuu gunuunacayna waxaa lagu yidhi war rati yahaow kacoo aroor.
Bal adigu waa kanoo waa toode seed u xod-xodan?
Tii magalada iyo tanse koodee daran?
Allahaydin nabad yeelo.
Khaliif Waylac.
--------------------------------------------------------------------------
Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
---------------------------------------------------------------------------
Waylacoow;
Shiikhoow waan ku salaamay. Waa runtaaye marka labadooda la is barbar
dhigo tan baadiyahaa adag. Laakiin ninkii tii baadiya yaqaan tan
magaalo meel laga bilaabo way ku adkaaneysaa.
Reer magaalka dhabta ah markey is xodxodanayaan waxeyba isaga
bilaabaan; " Jirka adiga waad isku dhaceysaa nooh". Gabar miyi hadii
intaa la yiraahdo waxay oran laheyd; " Orodoo soo daaq".
Nabadeey
Gacmadhere