Irdho qaado aashaana soco aayar hadalkaaga
is ogow afkaagana yasiro eedebi waa doore
((((((((((((((( gabooyaha "kunbuyuutarkaygaan" ka soo wareejiyey
markaa laga yaabee in tixo si kala duwan aan u arkay in ay wada
qorran yihiiin,markaa kala shaandheyso tixahaa)))))))))))))))))))))))
gabay :Saahid Qamaan
waxa la yidhi saahid Qamaan ayaa doonay gabadh da’ yar oo reer
Dalal ah ay isku cid yihiin.Markuu Weydiistay reerkii baa la yidhi
maad hablaha waaweyn mid ka dooratid? Saahid intantii yarayd baa laga
fujin waayey oo hadalkaas dabayshuu raacshay.waa la aqal galay
intantaa,ka dibna wuxuu ka filayey in ay sidii ruux weyn u dhaqato.Wey
noqon weydey siduu damacsanaa oo markay curratay ayey agaasinkii
guriga ka adkaan weyday. in laga bedelo oo gabadh kale loo dhaafiyuu
doonay.Ilayn xeer baa qabanaya oo si qayaxan waa ugu sheegi kari
waayey qoyskii ,maalin ayuu la shaxay FEYTIN MUXUMUD oo gabadha ay
ilma adeer yihiin uguna duur xulay gaygan uu leeyahay ha layga bedelo
inantii.Saahid wuxu yidhi:
Gamaankiina badan Feytinow, gabalba waa cayne
Qaar baan gardiidkana aqoon, gaalibna horeyne
--(Qaar baan ka goor iyo ka goor gulufka raaceyne)
Qaar baan ka goor iyo ka goor, godolka deyneyne
Qaar baan garmaamada la barin, gole ka fuulkaaye(gaabisnaw dhalane)
Gabxa lagu shakaalyow sengii, gaabi orodkiiye
Gacalnimo haddaad naga rabtaan, go'aha noo doorsha(haddii gacaladiinii
dhab tahay go'aha noo doorsha)
Haddii kale sidaad noo gasheen, yaa inoo godoba
Feytin muxumud ayaa u jawaabay isagoo tusaalaynaya in aan laga
bedelayn ee uu neefakiisaa jarra barto . In uu carrbistuu tusaaleeyey.
Hal garawsha ley Saahidow, gobi la yeedhaaye
Horta garab wagliil waa xun yahay, la is garraaxaaye
Nin gamaan yaqaanaa dhal waa, gaasa bixiyaaye
(nin ba geenyaduu jaruu bartuu gole ka fuulaaye)
Haddii nadigu gubo neef yar wuu jara, garriiraaye
Waa laba iyo toban gu jir aan fuulankeed geline
(waa gu iyo laba dayr jiroo neefku waa gibine)
(kolkay gu' iyo laba dayr jirtay gool sidii laliye)
Waa kaa gankeedii guryaha loogu caws guriye
( waa taa filkeedii .....................)
Maxaad nagu gelaysaa haddaad fuulma garan weydey
Ka dib inantiisuu ayuu rabaysatay oo uu gabaygan kula waaniyey. ka
dib inan allamaqaada ayey noqotay. Gabaygani waa distuur ay tahay
habluuhu in ay raacaynaa. Hadday hanaanka hadalka tahay, habka ay wax
u qoraan, erayada ay isticmaalaan . Noloshii oo dhan buu uga hadlay.
marti soorka, gacan furaanta, gaarrinimada, iwm ayuu horteeda
keenay.Gabaygan ayuuna kula dardaarmay Saahid :
Afka adari reer Uguji iyo nimanka, Iimeeya
Isxaaqa irdaha Maalinguur edega Ceeldheere
Ilig iyo awaare iyo jeed aradka Buuhoodle
Oodweyne reeraha ku jira nimanka Iidoora
Afarta baynu jahao uunka yaala odayga Daarooda
SIDANAWAA LAGU BILAABAA
Isxaaqaa irdaha Maalinguur amara weyntiisa
Abiskuul bartire reer Garaad ururka reer Kooshin
Arrarsamaha Iidoorka yaal surika Oodweyne
Awaare iyo Adari iyo guriga Iimay!!!!!!
Ilig iyo awaare iyo jeed iranka Ceeldhiile
Ooliga magaalooyinkiyo arrarta Buuhoodle
Afartaa geeriyood uunka yaal idilka soomaali
Intaasaan ilaalana marshoo dumarna eegaayey
Akhtar midabkii leeyay haddaan adiga kaa doortay
Asli midabkii.............................................
oon wada anfiyey naag kaloo Odonla kuu raacay
oo aan afiyey.......................................
Ardo iyo sidii macalin baan kuu af barayaaye
Naahoy aan eray kuu dhigeee qaado odhaahdayda
(Naa hoy aan alif kuu dhigee waanada adkayso)
Ma udgoona naag inan gumood uud shidan mayne
kol haddayna ubad yeelatana lagaba ayuusye
arwaaxaaga oogada biyaa abdi ha moogaynin
uskag naag le waa necebnehee yuusan kugu oolin
nin udgoonka jecel baan ehee,uunsiga ha daynin
Kolla haddaadan iga maarmahayn,idan ha moogaanin
Haddii inan la guursado tolkay waw abtiriyaaye
adyad iyo waxay kuula iman agabba(r) naagoode
afka iyo ilkaa rumayga mari ,oo indhaha kuulo
((Arrad baxa asliyey kuusha iyo xidha alaabtaada))
adigaan ilwaad quruxsanayn,yaan laguu imanini
Aqalkiyo ardaagiyo qoryaa(rugtiyo) ,ilinta aad joogto
aqlibiyo awaare isku kacay ,sidatan geel oodi
yuu kaa ahaanine kurtiis,ha isku awdnaado
isku idikib oo wada adkee, ilaxidhkaan jiifo
hana igu itaaline ka yeel meel ergada deeqda
Ilma-addeeraday iyo kuwaan,oday(ehel) wadagayney
niman urursanoo ila fadhiya , haw irdha la'aanin
uurkaygu suu damacsanyahay,aniga oon sheegin
aqligaa wax lagu fiiriyaa,garo ixtaajkayga
Ammin gaabtay(galaba) aaskoo dam yidhi,niman aguugaaye
meeshay adduunyadu martiyo,adhiga foolkiisa
(adduunyadu halkay soo martiyo adhiga raadkiisa)
Irraday fadhiistaan galbeed,kama ajoodaan
Arwaaxooda waa uga tudhaan,Reer Ugaas-Magane
Dadka uma ekee yaan la odhan,lama aqoonayne
Anshigooda(anshaxooda) baro haatanaa,lagu ogaysiine
Afarta hilqadoodiyo qardhaas,aqalka kuu taala
Alaabtaada oo idil adoo,urursadoo qaatay
U tagoo ogow(il garo) inay yihiin,Arta bah xawaadle
Anoo maqan Islaan idin martiyey,niman i aanaystay
Aad(ha ku odhan) ha odhan Allaa igu ogoo,aabahood ma hayo
Arli durugsan yay iigu iman,inaad asbaaxowday
Anoo aan ogayn dhuuni yay ,igaga eed sheegan
(..anigoon ogayn yey anfaco igaga eed sheegan)
Naagaa Ugaaslee dadkiyo,ururi waayeelka
Ayaan noolba tii qaylisaa, waa ibliis darane(falane)
irdho qaado aashaana soco,aayar haddalkaaga
is ogow afkaaga yasiro,edebi waa doore
Usha aniga oo kugu dhiftaad ,meela ka ilduuftay
(..ul haddii aan kula dhaco adiga oo meela ka ilduufay..)
..hana ooyin aabow ha odhan hana ugaadhoobin....
inaad oydid inaad aamustaad ,ku arrin dhaantaaye
ayaan iyo ayaan naag xun baan, umulka deyneyne
Adoo uubatayn reero kale, yeyan ku ogaanin
Intaasaan afeef kuu dhigoo,waano kuu idhiye(dhahaye)
Haddii Eebahay(Eebeheen) kugu anficin waa kitaab idile
Haddii aadan aqbalin xaajadaa (WAANADAA)iiyey
NINKALOO ILAAH KUU BAXSHABA ALA AWAAREYNAY
: Ayaan noolba tii qaylisaa, waa ibliis darane(falane)
: irdho qaado aashaana soco,aayar haddalkaaga
: is ogow afkaaga yasiro,edebi waa doore
: Usha aniga oo kugu dhiftaad ,meela ka ilduuftay
: (..ul haddii aan kula dhaco adiga oo meela ka ilduufay..)
: ..hana ooyin aabow ha odhan hana ugaadhoobin....
: inaad oydid inaad aamustaad ,ku arrin dhaantaaye
: ayaan iyo ayaan naag xun baan, umulka deyneyne
: Adoo uubatayn reero kale, yeyan ku ogaanin
: Intaasaan afeef kuu dhigoo,waano kuu idhiye(dhahaye)
: Haddii Eebahay(Eebeheen) kugu anficin waa kitaab idile
: Haddii aadan aqbalin xaajadaa (WAANADAA)iiyey
: NINKALOO ILAAH KUU BAXSHABA ALA AWAAREYNAY
Mudane Siciid:
Waad ku mahadsan tahay gabaygan taariikhiga ah ee aad soo gudbisay. Waa
mare, gabaygani wuxuu si weyn uga faalloonayaa hab-dhaqanka la gudboon
marwada Soomaaliyeed, gaar ahaan tan baadiyaha. Mar kale, wuxuu gabaygu
qeexayaa, dulqaadka looga baahan yahay afada haddii uu ninkeedu u
gacan-qaado. Dulqaadkaasi, sida halkan ku xusan, waa inay qarsataa haddii
gef loo geysto, taasoo caado u ahayd haweenka Soomaaliyeed, waana tii uu
ku ammaanay Hadraawi heeskiisii "Hablaha Geeska Afrika" oo ay ka mid
ahaayeen tixahan:
...
Go'i waa barbaaray (1)
Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa
Gallad waxay ku dheeftaa
Gololada haweenkee
Hiddaheena gaarka ah
Hablihii gabowgiyo
Geerida ku sugi jiray
Hablihii garayskiyo
Xidhan jiray guntiinada
Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xarig ku goyn jiray
...
Hablihii talada guunkiyo
Gunti jiray xishoodkee
Hadalkoodu gaabnaa
Hablihii gef hooyiyo
Qarsan jiray guhaaddee
Hadday goddolo soomaan
Ama gaajo liitaan
Cidi aanay garan jirine
... halkaana waxaynu ka garan karnaa in haweenka Soomaaliyeed, dhaqan
ahaan ay xishood iyo dulqaad agab u ahaayeen. Hase ahaatee, waxaa mudan
in aynu isla garano in dilka, dibindaabyada iyo gelin-ku-moodkuba ay
yahiin dhaqan-xumo miyi iyo magaalaba aan ku habboonayn, waana tii uu yiri
hadraawi isla heeskaas hore ...
Godob aabe falaybaa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumar shidan ku noqotoo
Gebi dheer ku dumisee;
Ninka inan ma geyda ah
Gol-qaniin ku maalee
Gurrac kaga danaystow
Gefka aad falaysiyo
Waxaad gaaxsanaysiyo
Gashigaad cunaysaa
Ruuxay ka go'an tahay
Gabadhaada weeyoo
Xumahaad geleysiyo
Waxaad geysanaysaad
Galab kale ka sheekayn!
... waana caddaan sida uu abwaanku sheegay in nabsigu mar uun
galaha/ubadkiisa ku dambayn doono. Sidaa aawadeed, Siciidow, ninka maanta
afadiisii soo eriday iyo kan 911 loogu yeeray, ama gabadhiisii la soo
dilay/garciyay hadduu garanaayo wuxuu oran lahaa marka uu doonatka
galabtii ka calaacalaayo, intuu bahal dabal-dabal ah labo goor fiiqsado,
"War nimanyahow, masiibadaan awoowehay baa iigu wacnaa oo habalaha ma
garatay ... WAY OO WAY! Ma anoo hebel ah oo haweenku SAA iiga baqaan bay
maanta naagi SIDAN i yeeshaa!"
Nabadgelyo,
Cabdullaahi Abuukar.
Tixraac: (1) "Hablaha Geeska Afrika", Hal-karaan, M. I. Warsame "Hadraawi",
Bogga 131-134 (also available at Waaberi Home Page).
>
>
sheekh siciid.
mudadanba waan ka caajisay in aan wax ku qoro godkan, lakiinse waxabaa i maroo
waan ishayn kari waayay, aan galo dulucda shekadeyda. Ninyohow wax
isweydiin maxumee, maxey tahay ujeedada aad ugu soo qortay gabeygan aan
odhan karo waa mid aan loo dulqaadan karin, hadey noqon laheyd xaga dad
nimada iyo qoys soomaaliyeed sidii loo dhisi lahaa. Nin markii sii hore
laga fur furi waayey inan yar oo hadana intuu ku soo noqday reerkii yidhi
war ii badala, sida in meesha ay tahay saylad wax lagu kala badalanayo.
Hadii aan xitaa ku hadlo argtida aad difaacdo ee ah ta islamistka waa mid
ka soo horjeeda, oo waa mid ku tumaneysa xoriya shaqsiyeed ee uu ilaahey
siiyay dumarka. Waxaa bad ka dhadhansan kartaa in uu u mija xeydanyo in
hadii ay isisii waasho in bahal dhangad ah uu kaga jarayo. hadaba siciidow
yeynaan kiiska iska waaline bal ha inoo kala saarnaadaan waxyaabaha ka hor
imaan kara caqliga dadka. Ninkana waa mid ay bahasha waashey ee aan iska
ilowno.
nabadey.
*** Meanings Are In people Not In Words***
All Power To The people
>Mudane Siciid:
>Waad ku mahadsan tahay gabaygan taariikhiga ah ee aad soo gudbisay. Waa
>mare, gabaygani wuxuu si weyn uga faalloonayaa hab-dhaqanka la gudboon
>marwada Soomaaliyeed, gaar ahaan tan baadiyaha. Mar kale, wuxuu gabaygu
>qeexayaa, dulqaadka looga baahan yahay afada haddii uu ninkeedu u
>gacan-qaado. Dulqaadkaasi, sida halkan ku xusan, waa inay qarsataa haddii
>gef loo geysto, taasoo caado u ahayd haweenka Soomaaliyeed, waana tii uu
>ku ammaanay Hadraawi heeskiisii "Hablaha Geeska Afrika" oo ay ka mid
>ahaayeen tixahan:
>...
....................................
>... waana caddaan sida uu abwaanku sheegay in nabsigu mar uun
>galaha/ubadkiisa ku dambayn doono. Sidaa aawadeed, Siciidow, ninka maanta
>afadiisii soo eriday iyo kan 911 loogu yeeray, ama gabadhiisii la soo
>dilay/garciyay hadduu garanaayo wuxuu oran lahaa marka uu doonatka
>galabtii ka calaacalaayo, intuu bahal dabal-dabal ah labo goor fiiqsado,
***************NABAD IYO CAANO WALAAL***************
Abuukarow , Qoyskii bariga Dhexe ama Soomaaliya ku
noolaa markay halka yimaadeen ,siday "xukun kala tirsinayaan", ayaa
marka ay Baha Araweelo hannuuniyaan murwada, reerkii madaxooda maja
loo rogaa,
Ta kale dumar waa la qabi jiray, halkanna ima qabtid ee
weys qabnaa baa timi. Waayeelnimaddii gurigaa la isku qabsadey.
Labadii dhaqan baa madaxa isla galay. Haween tan u madax lulaya iyo
rag dhaqankii hore ka lusha , Alla maxaa kala haysta.
Surin cidhiidhyoon oo dam ah baa lagu curyaamay.
Xaggee ka baxaa,Meel alla ayaa taala. Isku dherersigii dhabarkaa
lagaga jabay. Waa laysku haystaa wixii madaxda kaa dhigay baa timi.
Sida xunbada oo kale dan ba wey u shiiqin. Riwaayaddii
Ibraahin Gadhle ee "Raggow Aarsi haween u adkaysta markiina " Eebeheen
qaybta danbe ee riwaayada hablihii metelayey sidoodoo kale carriga
kuma sii daayo. Xagga kale oo ahayd dhaqankii hore ee riwaayadu soo
bandhigtay, Ka badbadis salkeeda la sugi waayaa laga yeelay .
Waynaa kaa haddaba Cabdullaahi
Jaale Saciid Suugaan
Siciid,
Waad salaamantahay. Waxaan kuu aqaannaa nin sugaanta ku wanaagsan.
Sidaa darteed baan ku soo weydiiyey gabey uu tiriyey nin uu diray
Sayid M. C. Xasan oo ka soo diray Taleex, hoggaaminayeyna ciidan.
Ninkaasi markuu ku noqday xaruntii oo uu keenay xoolo badan iyo
guula badan ayaa la weyddiyeey siduu guushaa ku gaadhay. Sheekadii
iyo gabaygiiba wey iga kala maqan yihiin. Hase ahaatee waxaa mid
ahaa midhaha gabaygaa:
"Faataxa markuu ii maraan, farax dhaqaaqaa'e
...Ma fakhriyo shareecada ninkii faraqa haystaaye".
Haddaad gabaygaa hayso, bal soo tiri.
Waad mahadsantahay,
Yuusuf
Yuusuf, Ismaaciil Mire ayaa gabayga tiriyey. Isagoo
ciidan wata ayuu degmadii reerrihiisu yaaleen dul yimi. Xaaskiisii
Faadumo oo dhawr gu' aanu il saarin buu u hoyday. Saantiisuse waxay ku
jeeday meel kale oo ciidan buu hoggaaminayay, Sayidkaana la soo
dardaarmay.
Haweeney saygeedii mudo ka maqnaa bay ahayde,waxay Faadumo
jecleysatey in Ismaaciil qoyska muddo la sii joogo. Taa Ismaaciil
waa la ahaan weyday,maadaama uu hawl ciidan ku jeeddey. Ilayn waa
dumar e , masayr iyo ismaaciil meel kaluu wax ku og yahay baa gashay.
Ismaaciill isagoo afadiisii Faadumo DHoore samirsiinaya kana
qanciyana waxa uu fadhiga u diidan yahay ayuu yidhi:
Faadumaay falaadkaygaanaan, fiiro kaa bariye
In faseexad loo wada hadlaay ,gobi ku faantaaye
Fahmadaba adoon qaadan baad, feedho hadashaaye
Fillan naag taqaan waa ibleys ,furuq Alluu keenye
Fidmadeeda xaajada adaa, faraya shaalleeye
Ferenjaan ilaalaynayaa ,foos ka soo baxaye
Feddedaan wareegaa sidii , faraw ugaadheede
Ma furfuro habeenkii guntiga ,foore soo dhacaye
Fakayoonka iyo gaadhka badan ,feejigaan badaye
Xeedhayahan fadhaalaysan iyo ,Faarac labankeeda
Fijaamada la soo sidahayiyo, Foonka malabaysan
Fartaydaa annoo saarin baan ,fuulin looshane e
inaan adiga kaa fiigayaad ,iga filaysaaye
Furuq igu dilaa naag kalaan , faraqa saaraaye
Ha furfurin dermada layga waa, inaan fadhiistaaye
Foolkii Astaadkaan ku helay ,faydo iyo khayre
Faataxo markuu iii maraan, farax dhaqaaqaaye
MA FAKHRIYO SHAREECADA ,NINKII FARAQA HAYSTAAYE
Ismaaciil mire
Nabagelyo
Saciid Suugaan
Siciid Sugaan,
Aad baad ugu mahadasantahay gabaygaa aad iisoo sheegtay.
Halkaana ka wad.
Mahad iyo caano,
Yuusuf
Saciid Maxamuud Maxamuud <yu11...@yorku.ca> wrote:
FROM: UFO SOMALILAND
Inta gabay xurmaysiyo; Xerta dhaqanka wadataay....
Yuusuf isagoo Mudanaha Siciid ahi kuu soo tebindoona gabaygan(Waan
hubaa kolay wuu hayaa) aan ku daro inyar oo aan maqlay....
Waxaan moodayay(inaan khaldanahayna way dhicikartaa) in ninka
gabayga tiriyay uu ahaa abwaankii weynaa ee Ismaaciil Mire, oo
qofka uu la-hadlayayna ay xaaskiisii ahayd......
Inaan adiga kaa fiigayaad, Filatay dhawr jeere..
Furuq igu dilee naag-kalaan, Faraha saaraaye....
Intuu halkaas mariyay ayuu dabadeedna tilmaamay sababta uu
u degdegayo, isagoo sidaas aad sheegtay odhanaya........
Ma-Fakhriyo shareecada ninkii, Faraqa haystaaye..
Faataxada markuu ii maraan, Faraxa wareegaaye....(halkan waxa ka maqan
sadaro tilmaamaya cidda faataxada marinaysa oo ah S.M.C.Xasan)
>"Faataxa markuu ii maraan, farax dhaqaaqaa'e
> ...Ma fakhriyo shareecada ninkii faraqa haystaaye".
Waxaan rajaynayaa in garyaqaanka suugaantu(Garyaqaan Siciid)
dhammaystiro inta hadhay.
UFO SOMALILAND.
>