Dhaqashada Digaaga Pdf

0 views
Skip to first unread message

Karlotta Neifert

unread,
Aug 5, 2024, 8:43:35 AM8/5/24
to riatipcoma
Caadiyanbeerta Axmed waxaa ay maalinta ku bilaabataa nadiifinta guryaha digaagga, quudinta carruurta digaaga iyo aruurinta ukumaha cusub, kuwaas oo si wanaagsan loo geliyo baakado isla markana loo geeyo macaamiisha ku dhaqan caasimadda.

Axmed waxaa uu ganacsiga digaagga bilaabay 2014-kii asaga oo markaasi ku bilaabay lacag yar oo uu keydsaday, taasi oo uu ku soo iibsaday 5,000 oo digaag yaryar ah ee nooca ukumaha badan dhala. Waxaa uu ganacsiga ku bilaabay dhul yar oo kiro ah oo ku yaal caasimadda dalka.


Afar sano kaddib, ganacsigiisa aad ayuu u kobcay, wuxuuna shaqo geliyay ugu yaraan boqol dhallinyaro. Beerta digaagga waxaa jooga 25,000 oo digaag ah oo maalintiba soo saara 18,000 ukumo, kuwaas oo ganacsiga ku soo xareeya lacag ku filan oo uu naftiisa ku maareeyo.


Ninkani digaagga dhaqdo waxaa uu dhaqaale badan geliyay tiknoloojiyadda iyo qalabka casriga ah si uu u maareeyo beertiisa. Makiinadda quudinta oo casri ah, qalabka uruurinta digaagga iyo bixinta wasakhda, ayaa waxaa ay ka mid yihiin qaar ka mid ah qalabka laga helaayo beertiisa.


Axmed waxaa uu rajeynayaa in uu sare u qaado tirada digaagga nooca ukumaha badan dhala, oo hadda ah 25,000 isla markana uu gaarsiiyo 100,000 meesha lagu gaaro dhammaadka 2019, xilli uu sahminayo xeelad uu u ballaariyo ganacsigiisa uuna gaarsiiyo meelaha ka baxsan Muqdisho. Marka laga soo gudbo ukumaha iyo digaagga, Axmed waxaa uu si weyn uga fakarayaa in uu galo ganacsiga dhoofinta kalluunka.


Dalka, oo kow iyo toban sano ka hor gacan ka helay ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika, ayaa maanta saaran waddada dib u soo kabsasho buuxda, sababo la xiriira nabadda iyo xasilloonida maanta jirta, oo ah xaalad gacan ka geysatay koboca qaybo badan.


Abdiaziz Mohamed Warsame (Dooli) (SomaliNet) Dhaqasha digaaga ayaa waxaa uu ka mid ahaa wax yaabaha ay dadka reer Muqdisho si weyn u dhaqan jireen ka hor dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Somalia, iyadoo laga heli jiray manaafacaad fara badan oo bani'aadamku u baahan yahay.Inta badan xaafadaha ku yaalo Muqdisho waxaa lagu arki jiray digaag fara badan ka hor dagaaladii sokeeye, iyadoo ukunta iyo hilibka digaaga si weyn loo isticmaali jiray dadkuna uu jeclaa inuu helo maalin walbo, laakiin taasi maanta waxay noqotay mid ka duwan sidii hore, iyadoo ay yar tahay inaad digaag ku aragto magaalada Muqdisho.Foornooyinka iyo Baararka waa weyn ayaa ka mid ah meelaha inta badan laga isticmaalo ukunta digaaga iyo hilibkeedaba, taasoo ay intooda badan ku adag tahay inay si sahal ah ku helaan, waxaana laga keenaa gobolada ku dhow dhow magaalada Muqdisho oo noqotay meelaha kaliyah ee ay walki ku harsan tahay dhaqashada digaaga.Xeryihii ku yaalay K.M. 13 iyo K.M. 15 ayaa ka mid ahaa goobaha sida weyn loogu xanaaneyn jiray digaaga kuwaasoo dabooli jiray baahida loo qabo helitaanka hilibka digaaga iyo ukuntiisaba, laakiin markii ay meesha ka baxday labadaasi xarumood ayaa waxaa soo ifbaxay dareenka la xiriira baahida loo qabo dhaqashada digaaga, iyadoo inta badan dadka soomaaliyeed aysan aqoon durugsan u laheyn dhaqashada digaaga iyo wax tarkiisa.Cabdulaahi Mire Xalane oo ka mid ah maamuleyaashii xerada digaaga ee K.M. 13 hadana ku nool magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa Somalinet u sheegay in dhaqashada digaaga uu ka mid yahay ganacsiga ugu weyn ee maanta la isku haleynkaro hadii la maalgaliyo beer weyn oo digaaga lagu xanaaneeyo, wuxuuna sheegay in maalin kasto digaagu uu awoodo inuu soo saaro dhaqli fara badan laakiin nasiib daro wuxuu sheegay in taasi aysan wali dadkeenu fahmin wax tarka uu digaagu u leeyahay wax soo saarka iyo sare u qaadista dhaqaalaha qofka iyo dalkaba, wuxuuna ku booriyay dadka soomaaliyeed in loo leexdo dhanka dhaqashada digaaga, isagoo tusaale u soo qaatay inta foorno ee ku taalo Muqdisho iyo wakliba maqaayadaha ku yaalo Muqdisho inay u baahan yihiin hilib iyo ukunta digaaga taasoo uu sheegay in maanta laga siiyo lacag ka badan midii waagii hore laga siin jiray, wuxuuna hoosta ka xariiqay in hadii baahidaas la daboolo uu intaasi ka roonaan laheyd inta maanta la gado ukunta iyo hilibka digaaga. (adsbygoogle = window.adsbygoogle []).push(); (adsbygoogle = window.adsbygoogle []).push(); About SomaliNetAbout UsPrivacyTermsUser GuidelinesPromotionsContact UsSite SectionsLatest NewsSinglesForumsBusiness DirectoryJob MarketOnline LibrarySomali Sites temporarily offlineShare this pageSite Status Site Status


Dhaqashada digaagga oo ku yar Muqdisho waxaa muddooyinkii u danbeeyay dhaqaale fiican ka sameeyay koox dhallinyaro ah oo fahmay xannaanayntooda. Ruqiyo Cabdulqaadir Boono oo ka mid ah waxay subaxa hore u soo shaqo tagtaa halkan oo ah xero ay ku jiran oo duleedka Dayniile ah.


Kooxdan ayaa waqtiga ugu badan maalintii ku bixiya la dagaalanka xanuunada dhibaateeya digaagga. Waxay ku haystaan xerada adeegyada caafimaad ee lagula tacaali karo, Ruqiyo waxay u aragtaa xannaaneynta digaagga shaqo ku habboon oo xirfaddeeddeeda ay taqaanno. Waxay ka warrmaysa caqabadaha ay kala kulmaan.


Wax tarka digaagga ayay sheegtay Ruqiyo in ay ka qayb qaadan karto helida dhul jilicsan oo nadaafaddiisa laga shaqeeyay, toddobaadkii labo mar ayaa laga badalaa ciidda halka ay ku noolyihiin digaagga ay xannaaneeyso.


Digaaggan oo badankood laga keenay dalka Kenya ayaa la bacrimiyaa si ukumo kaliya looga helo. Gabadhaan waxay xustay in nidaamkan uu ka qayb qaato tirada iyo tayada wax soo saarka digaagga. Waxay sharraxaysa sida ay shaqayso habka bacriminta digaagga.


Shaqadan xannaaneynta digaagga ayay ka heshaa mushaar dhan $300 bishii. Lacagtan ayay qayb kamid ah ku caawisaa qoyskeeda oo danyar ah halka inta kale ay dhigaal-sato si ay iskaga bixiso qarashka waxbarashada jaamacadda Benaadir oo ay ka dhigato kulliyadda xannaanada xoolaha oo sanadkii u danbeeyay ay ku jirto..


Dadka fursadaha shaqo ay siisay xarunteeda oo sagaal qof ah ayay sheegtay in ay u badan yihiin dhalinyaro heer jaamacadeed ah, kuwaasi oo kaalin ka qaatay horumarinta dhaqashada digaagga iyo in ukumaheeda door-fiican ay ku yeeshaan suuqyada loo beec-geeyo, shaqo-abuurkan ayay tilmaantay in noloshooda uu waxbadan uu ku soo kordhiyay.


Saddex kun oo doolar ayaa uga baxday soo iibinta digaaggan iyo markabkii lagu keenay Muqdisho, ehelkeeda ayaa ku caawiyay lacagta ganacsigeeda ay ku maal-galisay hadda se iyada ayaa ka caawisa qoyska nolol-maalmeedka.


Mashruuca digaag-dhaqashada waxaa waaxda suuq-geynta u qaabilsan Cabdulqaadir Aadan Yalaxow oo bartay cilmiga maamulka ganacsiga, Cabdulqaadir oo ka qalin-jabiyay bishii siddeedaad ee sanadkii 2019-kii jaamacadda Benaadir waa markii ugu horreysay oo uu helo fursad shaqo, waxaana uu ahaa guri joog kadib waxbarashadiida.


Wuxuu sheegay in markii ay billaabayeen beec-geynta u kunta ay kala kulmeen caqabad maaddama aysan haysan macaamiil ku xiran hadda se ay xiriir ganacsi la leeyihiin ku dhawaad labaatan hoteel iyo ganacsato sii iibiya ukunta oo ku nool qaybo ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo u adeegsada cunnooyinka ay kariyaan ama gaar ay gaar u iibiyaan.


Macaamiisha qaar ayaa maalin walba ukunta ka soo doonta halka kuwa kale ay ugu geeyaan labo gaari kiro ugu shaqeeya xarunta digaagga, dhaqaalaha uu ka helo shaqadan oo ah $250 waxa uu ku taageera qoyskiisa oo danyar ah.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.


WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.


Dhaqashada digaaga waa dhaqanka dhaqashada shimbiraha gudaha, ugu horrayn wax soo saarka hilibka, ukunta iyo baalasha. Hawshani waxay ku lug leedahay korinta noocyo kala duwan, oo ay ku jiraan digaagga, turkiga, shinbiraha iyo qoolleyda. Dhaqashada digaaga waa qayb muhiim ah oo ka mid ah beeraha oo door muhiim ah ka ciyaara sahayda cuntada aduunka.


Fahamka ereyada la xidhiidha dhaqashada digaaga waxay kuu ogolaanaysaa inaad si fiican u fahamto dhaqamada, farsamooyinka iyo arrimaha goobtan. Aynu sahamino qaar ka mid ah ereyada sida caadiga ah loo isticmaalo dhaqashada digaaga si aan u kobcinno aqoonteena iyo ereyadayada.


Erayada la xidhiidha dhaqashada digaaga ayaa lama huraan u ah in la fahmo dhaqamada, farsamooyinka iyo arrimaha beertan muhiimka ah. Erayadani waxay kuu ogolaanayaan inaad si fiican u fahamto dhinacyada dhaqashada digaaga, laga bilaabo maamulka guriga digaaga ilaa dhaqamada daryeelka xoolaha.

3a8082e126
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages