Buugganoo ay daabacday shirkadda Sagaljet bishii 7aad ee sannadkan 2016ka wuxu ka kooban yahay 450 bog iyo 9 cutub, qoraaguna wuxuu u bixiyey RAAD-RAACA TAARIIKH SOOMAALIYEED; oo uu kasoo bilaabayo intii uu garaadsaday (ardaynimadiisii) illaa cimrigiisa maanta. Qoraagu si qodobaysan oo farshaxannimo ku jirto ayuu sawir buuxa uga bixinayaa xaaladdii geyiga Somaliyeed ee xilligii hana-qaadkiisa iyo gebi dhaclayntii ummada Somaliyeed ee illaa maanta.
Waxaan aad u jeclaystay xiiso iyo laxan gaarana ii sameeyey labo qormo oo qoraagu si mugleh ugu xardhay buuga. Qormada hore waa sawirka uu qoraagu ka bixiyey xaaladdii Somalidu ku sugneyd xilligii isu diyaarinta xornimadii laga qaatay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga; siiba dhinaca jawiga siyaasiga ahaa iyo hab fekerkii madaxdii ama siyaasiyiintii xilligaa ee labada dhinacba. Qoraagu wuxuu si farshaxannimo ah u sawiray lahmadii shacabka iyo is qanjiidhintii siyaasiyiinta ee xilligaa. Qormadaasi waxay isugu kay xidhay sheekooyin teel-teel igu ahaa oo aan ku bawsaday in Somalidu ku ababtay siyaasadda qabyaaladaysan.
Sawirka labaad ee aan aadka u xiiseeyey waxaa weeye qormada ka waramaysa israacii labadii Somaliyeed ee kala ahaa Maxmiyadii Somaliland iyo Somalidii talyaanigu gumaysanaayay oo ahaa jibbo iyo caashaq dhinac ka rarnaa, siyaasiyiintii Somaliland oo rabtay inay si miidaamo ah ula midoobaan Somalidaa Talyaanigu gumaysanjirey oo maalintaas uun waagu u beryey, iyo siyaasiyiintaa Somalida Talyaaniga oo si dhab ah u fahansanaa dhibaatada israaca oo weliba si aan leex-leexad lahayn uga liqinyoonday arrinka israaca, waxaanay ugu hal celiyeen:
Dhacdooyinka buugu ka waramayaa kuma koobna oo keliya somalida balse in ka badan 100 bog wuxuu qoraagu si goob-joognimo u badan ku qaadaa dhigayaa xaaladihii siyaasiga ahaa ee wadamada bariga Afrika sida Uganda oo uu si gaara isu dul taagaayo Madaxweynihii hore ee la odhanjirey Idi Amin, Ethiopia, Kenya, Tanzania iyo wadamo kale oo qoraagu si toosa ama si dadban ugasoo shaqeeyey. Waana dhacdooyin dhaxal gal ah oo laga saadaalin karo biqliddii iyo hana qaadkii wadamada qaaradda gumaystihii ka dib iyo sida ay tuura tuuraha u leedahay hogaminta iyo aragti socodka qaaraddu; oo la odhan karo weligeed 10 hogaamiye oo isku aragti ah may u hana qaadin; waana ta geyeysiisay inay qaaradaha kale aad uga danbayso.
Qoraaga oo la ogyahay inuu khibrad durugusan u leeyahay hab qoraalka siiba luuqadda Ingiriisida ayaa buugani noqonayaa kiisii ugu horeeyey ee uu luuqada Somaliga ku qoro, waxaana kaaga muuqanaaya in meelo baddan ay koobantahay erey xulashadeedu; meelo aad u badanna uu ku jiro khaladaad dhinaca daabacaada ama erey qoraalka ah oo aan calaamadiyey nuqulkii aan akhriyey; meelo koobanna waxaa jira laaxin dhinaca naxwaha ah. Sidaa daraadeed waxaan qoraaga kula talin lahaa inuu hore u soo saaro daabacaada labaad ee buugga isagoo tixgelinaaya falcelinada lagasoo jeediyey daabacaadda kowaad.
Akhrisyataasha buuga siiba dhallinyarada imika ku ababaysa taariikhda oo ah shayga laga dhex hilaadiyo nolosha iyo horumarka ummada, waxaan kula talin lahaa inay buugan akhriyaan si ay feker uga helaan geedigii ummadan Somaliyeed ee maanta jirta; si ay bino ugu noqoto yagleelidda nolol cusub iyo Somali cusub oo dhexdooda iyo aduunyada kaleba sharaf iyo horumar kula nool, quruumaha aduunyada muuqaal qurxoon oo la ixtiraamo ku leh.
Dawladaha ku bahoobay urur goboleedkani ayaa ah sideed dal ;Soomaaliya, Djibouti, Kenya,Southsudan, Sudan, Ethiopia, Uganda & Erateriaoo mudo 14 sanadood ah kaga maqnayd cadho , inkasta oo uu Afawerki sheegaydhowaan in uu ku soo noqonayo sidoo kale kaalin siyaasadeed oo firfircoon kaqaadan doono arimaha gobolka .
Taariikhda markii ugu horeysay ee Jamhuuriyadda Somalilandtagtay shirka urur goboleedka IGAD waxa ay ahayd 15 Nov 1997 xiligaasi oomadaxweynihii jamhuuriyada Somaliland kala kulmay foolxumo iyo wax aanu fileyndawlada Djibouti.
Shirkaasi ayaa Somaliland lagu soo wargaliyey in ay kutagaan xubin sharafeed sidoo kale hadal la siin doono madaxweyne Egal haseahaatee wax waliba waxa ay isku badeleen si ka duwan filashadii Somalilandwaxaana cadho kaga soo duuley dalka Djibouti waftigii Somaliland.
Mar labaad ayuu madaxweynaha Djibouti ee hadda maamuladalkaasi qalad kale ka galay jamhuuriyada Somaliland markii uu madaxweyneCigaal ku martiqaaday shirkii Carta ee dib u heshiinta soomaalida sanadkii2000, arinkaasi oo sababay in jamhuuriyada Somaliland iyo Djibouti iskuxumaadaan oo xudaadaha la kala xidho.
Inkasta oo Ambassador Cawil buugiisa raad-raaca taariikhdasoomaaliyeed bogiisa 394 ku xusay in madaxweyne Geelle ka cudur-daartaykhaladkaasi oo uu sheegay in uu u arkayey in fursadi ugu jirtay Somaliland oouu madaxweyne Cigaalna ixtiraam u hayey haddana waxa uu geeriyooday iyaga ooaad u kala fog .
Su'aashan jawaabteeda taariikhda ayaa sheegi doonta, waxaanalagu jiraa xili adag oo gobolka xasiloonidiisu ku xidhan tahay in la iskaashadooo wax badan oo hore wax laga badelo si loo cidhibtiro ama looga adkaadocadawyada ay ka mid yihiin;
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Qarniyadii dhexe waxaa geyiga carbeed caan ka noqdey culimo asal ahaan ka soo jeedda geeska Afrika ee ay degaan dadka ay ka mid yihiin Soomaalidu, kuwaa oo qeyb lixaad ka qaatey kaalimo kala duwan oo kaga aaddanayd horumarka bulshada, ha ahaato dhanka cilmiga iyo faafintiisa, ama dhanka garsoorka, tarbiyadda iyo gundhigga diinta Islaamka. Culimadaasi kuma aysan jaango'neyn degaan keliya e, waxay ku kala firirsanaayeen dhammaan geyiga carbeed, muddooyin kala duwan.
Raadraaca taariikhda culimada Soomaaliyeed ee waayadii hore waxaan ku ogaan karnaa heerka iyo baaxadda ay gaarsiisan tahay magaca iyo qiimaha ay ku lahaayeen bulshada Islaamka dhexdeeda, waxaana hubaal ah in aanay jirin magaalo ama goob ay bulshadu deggan tahay oo aanay joogin culimo ku xeel dheer diinta iyo cilmiga la xiriira.
Waxase nasiib xuma ah in uusan jirin ilaa iyo hadda buug lagu soo bandhigo sooyaalkii culimada Soomaaliyeed oo ka faalloonaya taariikhdooda oo keliya, afka uu rabo ha ku qornaadee, in kasta oo ay jirto in qorayaal badan ay isku dayeen inay wax uun ka xusaan culimada qaarkeed iyo waayahoodii oo ay ku dhex dareen cilmi-baarisyo kale oo laga sameeyay cilmiga iyo faafinta diinta ee dalka Soomaaliya.
Waxaa maanta, 15/11/2018, magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyay Aqoon isweydaarsiga sannadlaha afraad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo magaciisa loo soo gaabiyo (ISOS), oo hoos taga Jaamacadda Muqdisho.
Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo saddex maalmood ah, waxaa ka soo qaybgalay in ka badan (150) aqoon yahanno iyo cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadaha iyo xarumaha cilmibaarista iyo waxgarad ka tirsan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
Saddexdaas maalmood waxaa lagu soo bandhigay in ka badan (30) daraasado iyo cilmibaarisyo ku kala saabsanaa Arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo tacliinta sare; Dhaqaalaha, horumarinta, maamulka iyo siyaasadda; Aqoonta & cilmibaarista, Warbaahinta; Raadraaca taariikhda, afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida; Arrimaha bulshada, haweenka, tahriibka iyo ururrada bulshada rayidka.
Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha ee Cilmibaarista Soomaaliyeed waa madal ay ku kulmaan aqoonyahannada, cilmibaarayaasha, macallimiinta Jaamacadaha iyo khubarada kaleba; waxayna ku wadaagaan cilmibaarisyo iyo xog la xiriirta cilmibaarista Soomaaliyeed.
Ugu horayn waxaa kahadlay Mudane Mustafa Cabdulaahi Fayruus oo ah agaasimaha Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed (ISOS) isagoo umahad celiyay kasoo qaybgalayaasha shirka afaraad ee cilmi baarista Soomaaliyeed wuxuuna ku booriyay in xooga ay saaraan cilmi baarista sanadka soo socdana ay soo bandhigaan cilmi baarisyo ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed kuwa qiima leh.
Sidoo kale waxaa halkaas kahadlay Mudane Xasan Cabdi Xasan
Cilmibaare katirsan Xarunta cilmibaarista iyo Horumarinta Bariga Afrika, oo xarunteedu tahay dalka Turkey isaga oo tilmaamay in baryihii hore cilmi baarisyaha dalka Soomaaliya ay dad kale samayn jireen laakiin hadda Alla mahadii ay hawshaas lawareegeen aqoonyahanka Soomaaliyeed oo sameeya cilmi baarisyo qiimo badan.
Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan oo ah Agaasimaha Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amaanay Jaamacadda Muqdisho iyo machadka ISOS kaalinta ay iska saareen horumarinta dalka iyo dadka wuxuuna ku booriyay inay dadaalkooda sii labalaabaan.
Aqoon isweydaarsigan oo la bilaabay 2014 waxaa soo qabanqaabiya machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (Machadka ISOS) oo ah xarun cilmi baariseed oo ka tirsan Jaamadda Muqdisho. Aqooni sweydaarsigani waa kii afraad oo noociisa ah wuxuuna kusoo dhamaaday si guul iyo farxad leh.
3a8082e126