114 Quraanka Kariimka

0 views
Skip to first unread message

Zareen Zapata

unread,
Aug 5, 2024, 12:26:02 PM8/5/24
to popssistuli
QuraanQur'aan, Quraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ; ingiriis: Koran) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Maxamedﷺ (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga.[1][2] Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed.[3]

Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi Muxamedﷺ (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir,[4] ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamedﷺ (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.


Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga ﷺ intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi Muxamedﷺ wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (macnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.


Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha.Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.[5]


Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha.[6] Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid.Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda.


Suurad Suurah Suuratu (ingiriis: sura, surah, surat; carabi: ﺳﻮﺭﺓ; ama wadar ahaan: ﺳﻮﺭsuwar, sidoo kale sūrah)[11] waa maqaro bog ama bogag aayado ka mid ah Quraanka kariimka ah ee Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ (n.n.k.h). Kitaabka Quraanka kariimka ah wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo aayado ah.[12][13]


Dhererka Suuradaha Quraanku way kala duwan yihiin, tan ugu gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban 3 aayadood; halka suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban 286 aayadood.[14][15]Boqol toban iyo afarta suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah waxay kala yihiin 86 suuradood oo ah Makki iyo 28 Madani ah. Kala soocida noocan ah waxaay salka ku heeysaa meesha ay suuraduhu ku soo dageen, oo ka hor intii aanu Nebi Muxamedﷺ ka tagin magaalada Makkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaa Makki,[16] halka markuu Nebiguﷺ u hijrooday magaalada Madiina waxyigii iyo quraankii ku soo dagay ay noqonayaan Madani.


Hadaba suuradahaMakkiga ahi waxay ka waramaan aakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradaha Madaniga ahi ay sharaxaan nolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshada Islaamka ah.[17] Marka laga reebo Suuratul-Al-Tawba,[18] dhamaan suuradaha kale waxay ku bilaabmaan "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ) Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.[19] Midani waa tan kala soocda isla markaana kala saarta Suuradaha ku jira Kitaabka Quraanka Kariimka ah.


Dhinaca kale, qeyb ka mid ah Suuradaha ama suurada oo dhamaystiran ayaa la akhriyaa wakhtiga lagu gudo jiro tukashada salaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran.[20]


Erayga suurat waxaa markii ugu horeeysay isticmaalay Nebi Muxamedﷺ si uu ugu kala saaro iyo kala sooco qeybaha Quraanka kariimka ah. Taasi oo ku dhex jirta aayado Alle (s.w.t) soo dajiyey sida ku cad 24:1 "Waxaanu kugu soo dejinay suurado wata cadaymo, iyo waxaanu kugu soo dirney calaamado, calaamado cad-cad, kuwaasi oo si farxad leh aad ku xasuusani."[21]Dhinaca kale, wadarta suurad waa suwar sida ku xusan Quraanka kariimka, aayadahan oo fasirka Af Soomaali ku noqonaya "Ma waxay dhaheen isagaa Allifay? Ku dheh "La yimaada toban suwar oo la mid ah (waa Quraankee) una yeedha cid kasta marka laga reebo Alle, haddii aad run sheegaysaan."[22][23][24]


In kastoo aayadaha ku jira suuradaha kitaabka Quraanka kariimka ah ay gaaban yihiin, hadana macnaha ay xambaarsan yihiin ayaa ah mid aad u balaadhan. Kitaabka Quraanka kariimka ahi wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo tiro badan oo aayado ah.[26][27]


Dhererka aayadaha iyo Suuradaha Quraanku way kala duwan yihiin, tan ugu gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban 3 aayadood; halka suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban 286 aayadood.[28][29]Boqol toban iyo afarta suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah waxay kala yihiin 86 suuradood oo ah Makki iyo 28 Madani ah. Kala soocida noocan ah waxaay salka ku heeysaa meesha ay suuraduhu ku soo dageen, oo ka hor intii aanu Nebi Muxamedﷺ ka tagin magaalada Makkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaa Makki,[30] halka markuu Nebiguﷺ u hijrooday magaalada Madiina waxyigii iyo quraankii ku soo dagay ay noqonayaan Madani.


Hadaba suuradahaMakkiga ahi waxay ka waramaan aakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradaha Madaniga ahi ay sharaxaan nolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshada Islaamka ah.[31]Marka laga reebo Suuratul-Al-Tawba,[32] dhamaan suuradaha kale waxay ku bilaabmaan "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ) Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.[33]Midani waa tan kala soocda isla markaana kala saarta Suuradaha ku jira Kitaabka Quraanka Kariimka ah.


Dhinaca kale, qeyb ka mid ah aayadaha Suurad ama suurada oo dhamaystiran ayaa la akhriyaa wakhtiga lagu gudo jiro tukashada salaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran.[34]




Kitaabka Quran ee kariimka ah waxaa loo qeybiyaa suurado iyo weliba qeeybo hoose oo loo yaqaano Aayado. Hoos waxaad ku arki liiska jadwalka Suuradaha laga bilaabo kow ilaa suurada boqol toban iyo afaraad.


Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[36] oo la kala siiyay afar Rasuul.Kutubtaasi waxay kala yihiin:


Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ waxaa jira tiro badan[41] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[42] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ.[43]Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[44]


Assalaamu Calaykum WRB.Maqaalkani waxa uu meesha ka saarayaa fikrado badan oo ay dadka muslimiinta ahi ka aaminsanaayeen Nabigeena Muxamed NNKH.Hadana u iftiimi umadda muslimiinta ah tacliimaadka suuban ee quraanka iyo sunnada ah.Alle haku abaal mariyo dedaalka aad samaysay Wassalaam


Jazaakallah khayre kala soco qormadan oo aad u xog badan, oo aan ku sharaxayo meeqaamka iyo kaalintii nabiga SAW. Waxaa hubaal ah in ay indhaha u furto dadka buunbuuniyo meeqaamka Nabiga Scw, kuwa ku andacoonaya in Nabi Muxammad scw ka dambeeya uu jiray Nebi, iyo waliba kuwa fududeeya amarada Nabiga SCW.


Allaah Tacaalaa wuxuu Nabiga (scw) u sheegay, waa inaad ku mahad naqdo Allaah Tacaalaa oo kuu sheegay wixii horay u dhacay iyo waxa dhici doona mustaqbalka taasina waa fadli aad u weyn oo Alle ku manaystay. dushaada.


Nebi Muxamed (scw) ayaa hal kulan ka istaagay, wuxuuna bilaabay inuu nooga sheekeeyo dhacdooyinkii aduunka billowgii ilaa aakhirkii, wuxuuna nooga sheekeeyay jannada iyo naarta iyo dadkii u socday. jahannamo iyo kuwii jannada galayey iyo waxa ay noqon doonaan meelahooda jannada iyo naarta. Dabcan dadka qaar ayaa xasuusan waxa uu noo sheegay qaarna waa ay ilaabeen.


Nebi Muxamed (scw) ayaa tujiyay salaadii fajar kadibna waxa uu ku fadhiistay minbarka, ilaa Zuxarna waxa uu uga sheekeeyay dadka waxa maqan. Zuhr ka bacdi waxa uu fadhiistay minbarka oo uu sii waday ilaa Casar,kadibna waxa uu fadhiistay minbarka oo uu sii waday ilaa salaadii Maghrib. Xataa wuxuu uga warramay Ehelu Jannada iyo Naarta.


Waxa xadiithkan ka cad in dadka kaliya ee ka horyimid cilmiga (Cilmi-ghaib) Nabiga (scw) ay ahaayeen Munaafiqiinta (munaafiqiinta), iyo rumaynta in Alle u sheegay Nebigiisa. (Alle naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha yeelee) cilmi kasta waxaa ka cilmi badan caqiidada saxaabadii nabiga ee barakaysan.


Sucaad Binu Qariib waxa uu Nabiga (scw) hortiisa ka tiriyey gabay uu yidhi Waxa aan markhaati ka ahay in aanu jirin cid xaq lagu caabudo oon Alle ahayn. Alle waxa uu kaa yeelay aamminaad guud oo dhan.


Axaadiithta aan kor ku soo xusnay oo dhan waxaa ka cad in nebiga (scw) uu ku mannaystay cilmi ka cilmi badan, makhluuqa Alle kor ahaaye. Waxa kale oo cad in isaga (scw) uu ku mannaystay cilmiga tagta iyo mustaqbalkaba sidaa awgeed ay bannaan tahay in la yidhaahdo Nebi Muxamed (NNKH) waa mid la yaab leh. wakiilkii aqoonta Ghayb.

3a8082e126
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages