Ku bilaabida magaca Eebbe ee naxariista guud iyo mida gaarka ahba leh.
Dr. Hiraabe oo qoraaldiisu inta badan wax ka sheegaan Suldaan Keynadid iyo Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa maantana qoraalkisa wuxuu ku yiri sidaan hoos ku qoran:
Ha igu Tolin Tigree Amxaar Togoog Tolkeeya Maahinee
Waxaan hore u sheegay in dalka soomaliya ninkii u keenay Talyaani in uu ahaa Cali Yusuf,waxa maanata Maquuste wadaana waa heshiiskii berigaa la la galay ninkii eey tolka wada ahaayeen Maquuste,xaqiiqdii waxaa uu ahaa heshiis taariikhda soomaliyeed meel mugdi ah ka galay ,welina Maquuste waxaa uu Talyaaniga u haya in uu hayo heshiiskii foosha xumaa rabana in uu fuliyo qarnigaan 21 aad,waxaa uu rabaa in uu ku caano maalo heshiiskaa gumeeysi jaceelka ahaa,waxa talyaani ku qasbay in uu gargaar siiyo waa arinkaa ee maaha soomali jaceeyl iwm..Heshiiskii Cali Yusuf waxaa uu u dhacay sidan: Anigoo ah suldaanka hobyood ee yusuf cali yusuf waxaan maanta wixii laga bilaabma gacanteeyda ku saxiixay waraaqdaan anigoo cadeeynaaya in aan dhulkeeygii ka billaaw Mareeg illaa Raascawad aan oggolaaday in eey hoostagaan maamulkii dowlada
Talyaaniga ee weeyn boqorkooda Umberto I ,isagoo oo uu ka wakiil yahay qunsulka u fadhiya Sansibaar ee magaciisa la dhaho: Vincenzo Filonardi. " Taa waxaan u soo qaatay gumaadkii Talyaaniga uu ka geeystay gobolada koonfur ee soomaliya waxaa sabbab u ahaa yusuf cali yusuf oo soo dejiyay xoogaga gumeeysigii cadaa ee Talyaaniga.Qarnigaan 21 aad waxaa iyana sidii oo kale wada Maquuste iyo Tigree,si loo fuliyo qorshaha guracan ee qarnigaan waxaa maaliyada lagu how gelaayo bixineeysa dowlada Talyaaniga wax umada ka qarsoon maahin. Sussasha la rabo in jawaabteeda la fahmaa ayaa ah maxeey tahay sabbabta Talyaaniga ku dhalisay in uu u kala eexdo
soomalida dhexdeeda ? Akhristow waxaa shaki ku jirin in Talyaniga uu ahaa kii Eriterea gacanta u geliyay dowlada Ethiopia 1952 taana waxaa eey ka danbeetsay markii Ethiopia eey damacday in eey qabsato soomalia kadib baaqii calaacal ah uu Menelik u diray boqorada ingriiska sanadkii 1890 kii boqoradaas oo la dhihi jiray Queen Victoria. Waxaa hadaladiisa ka mid ahaa hadal dheer ka dib.
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
--------------------------------------------------------------------------------.
Waxaan Dr. Hiraabe ku oran lahaa hadduu iga maqlayo.
Waxaa sideedaba caado u ah bini'aadamigu markay ku fashilmaan inay maareeyaan dhibaatada uga timaada waayaha dunida, inay eedeeda dusha u saaraan qof, qabiil, ama maamul xili hore jirey si ay marmarsiinyo ugu helaan fashilkooda, ama ay isaga duwaan eedeynta uga imaanaysa ummadooda iyo taariikh xumida ay ka dhaxlayaan maaro- uweynta noloshooda adag.
Waxaan taas uga danleeyahay fashilka ku dhacay Koonfurta Soomaaliya iyo u caal helid la'aanta ay u caal heli waayeen inay maareeyaan noloshooda ayaad arkaysaa in Dr. Hiraabe uu maalin walba oo uu qoraal ku soo daabaco majaladaha internetka ayuu dhibaatada Somaaliya ku dhacday iyo sida ay uga quusteen inay xal u helaan noloshooda ayuu dambigoo dhan dusha ka saaraa Suldaan Yuusuf Cali (Keynadiid) iyo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo labadoodaba uu ku eedaynayo inay xiriir la lahaayeen Talyaaniga iyo Ethopia.
Dr. Hiraabe inkastoo uu u muuqdo nin aqoon bartay marka la fiiriyo xarfaha Dr. ee ka horeeya magaciisa haddana u malayn maayo inuu taariikhda Suldanadaas waxbadan ka akhriyey.
Waa muhiim in maskaxda lagu haysto ceebayn kasta iyo xumaan kasta oo looga been sheego ummad taariikh leh inaysan sida loo rabo aanay u soconayn maxaa yeelay taariikhda dunidu soo martay waxaa laga heli karaa meelo badan oo dunida dacaladeeda ah.
Dr. Hiraabe uguma horeyn dembi u yeelida taariikhdii Suldaan Keynadid oo Akadeemiyihii Soomaaliya xiligii dowladnimadu jirteyba aad ayaa looga been sheegi jirey suldanadaas iyadoo lagu sheegay inay ahayd saldanadaasi midii u horseeday gumaysiga Talyaaniga inay gumaystaan Soomaaliya.
Madxafkii qaranka Soomaaliyeed ayaa la dhigay taariikho la farsameeyey oo lagu ceebaynayey saldanooyinkii Majeerteenka, raadiyo Muqdisho ayaa horseed u noqday ceebayntaas, Ina Faarax Cali Idaajaa iyo Aw-jaamac Cumar Ciise ayaa qormooyin iyo codad macmacaan oo dhiiri gelinaya ceebayntii Saldanooyinkaas nooga jalbeebin jirey Raadiyo Muqdisho iyo buugaagtii laga qoray dhacdooyinkii soomalida soo maray, iyagoo kuwo aan taariikh la sheego lahayn oo shaqadoodu ahayd inay geelna dhacaan gabdhana la baxsadaan nooga dhigi jirey inay xadaarad muujiyeen.
Gartood bay ahayd oo xiligaas waxaa dalku raadinayey in la qoro waxuun taarikh fiican ah iyadoo aan haddana la doonaynin in la qoro taariikhdii Majeerteen oo iyaga loo arkayey in dawladay ku badnaayeen cinqilaab looga qaatay xukunka.
Dhalin yaro uu ka mid yahay Hebel Ingiriisi ayaa "Hala rooro run mooday", oo qoraal ku qoran luuqada Ingiriiska nagu maaweeliyey in dhibaatadii gumaysigu Soomali u keenay inuu ka danbeeyey Suldaan Keynadid.
Sideetamaadkii ayaan anigoo dugsigga sare (Form One) ah sidii caadadu ahayd subax aroortii soo galay iskoolkaygii (21 Oktoobar) ee Waaberi, markaan kursigaygii fariistay ayaa laba gabdhood oo fadhiyey kursiga iga horeeya dib ii soo fiiriyeen oo weliba inta qosleen oo garbaha isku jiideen dib iiga sii jeesteen, waxaan la yaabay waxay iigu qosleen waxaan is iri armaad shaatiga cad kuleetigiisa aad yaanyo iyo canjeelo ku wadataa, hoosbaan isu dhugtay bal inaan saliid caday aan subaxaas ku soo quraacday aan afka ku wato, mar kale ayaan is iri armay tahay shukaansi bilowgiis oo xiligaas nagu cusbaa xagga da'da.
Ileen shalay oo aan iskoolka ka maqnaa ayaa macalinkii Taariikhda noo dhigayey wuxuu aad u amaanay dadaalkii iyo gumaysi diidkii Sayid Maxamed, isagoo macalinku uu sheegay in dhibaatada gumaysigaba ay keeneen Boqor Cismaan Maxamuud iyo Keynadiid, oo dhalinyarada ayaa mindhaa magacyga meesha ugu danbaysa ku maqli jirey marka la is-yeerinayo (Keynadiid) oo waxay iigu qoslayaanba waa ceebaynta lagu muujiyey magacayga.
Nasiib wanaag Buugaagtii ay qorayaasha dunidu ka qortay dhacdooyinkii Soomaaliya intooda badan waxaa laga qoray Saldanadii Yuusuf Cali ee Hobyo, M. M. Morino, I.M. Louise, David Laitin, Andrawizky, Robert Hess, iyo dhamaan qorayaashii caanka noqday ee Soomali wax ka qoray ayaa Suldanadii Keynadid aad us oo bandhigay, waxaana buugaagtaas laga helayaa Laybareeriyada ugu caansan dunida.
Waa runtiis Dr. Hiraabe iyo kuwa lamid ahi inay yiraahdaan Keynadiid wuxuu heshiis ilaalin(Protectorates) ah uu la galay dowladii Talyaaniga ee xiligaas jirtey, Laakiin ma aysan sheegin sababta ku kaliftay suldaanka inuu heshiis la galo Talyaaniga, muxuuse ahaa heshiisku, iyo inuusan Keynadid ahayn qofkii keenay Talyaani wadanka Somaliya.
Bal aynu ka akhrino sababta uu heshiiskaas u galay suldaanku dukumentigii la hordhigay baarlamaanka Talyaaniga ee uu qoray ninkii heshiiska la saxiixday Suldaanka oo magaciisu ahaa (Vincenzo Filonardi) sidii Dr. Hiraabe u sheegayba
When Sultan Yusuf Ali of Obbia requested Italian Protection in December, 1888, Vincenzo Filonardi saw apportunity to extended his commercial interest in to Northren Somalia, A region known for it's Ostrich Feathers and incense. Filonardi was aware that Yusuf Ali was wanted Italian support in his long dispute with the Sultan of Zansibar over the border region north of Warsheekh.
Ka sii akhri sheekadaan qoraalkii ay qoreen Felonardi iyo Crispi (ra'iisal wasaarihii Talyaaniga xiligaas).
Vincenzo Filondari was the first ambassador to Zanzibar established a fishing port which he named Itala, (Xasuuso Itala wuxuu u bixiyey magaaldii ay isku horfadhiyeen Keynadid iyo Siciid barqash ee u dhow magaalada Warsheekh)
Felonardi iyo Crispi, labaduma waxay cadeeyeen in danta uu Suldaanku ka lahaa xiriirka Talyaaniga iyo isaga inay ahayd in Talyaanigu Suldaanka ka caawiyo qabsashada uu doonayey inuu qabsado magaalooyinka uu Saciid Barqash ku sii fidayey, gaar ahaan magaalada Mruti ee Degmada Warsheek ka tirsan, Danta uu Talyaanigu kalahaa heshiiska Suldanadana waxay ku sheegeen inuu Talyaanigu rabay in ganacsigiisu ku fido gobolada Waqooyi Bari.
Talaayingu heshiiskaas ay Suldaanka lagelayeen way dadajiyeen oo markiiba waxay u direen xeebta Hobyo markab dagaal, si ay suldaanka heshiiska Maxmiyada ula dhigtaan, bal sii akhri qoraalkaas sababta Talyaaniga ku khasabtay inuu Hobyo aad u caawiyo ayaa waxay ku sheegeen Felonardi iyo Crisp labaduba inay fariin ka heleen Ingiriiska, lagu sheegayo in Maraakiibta dagaalka ee Faransiisku ay ka gudbeen Canalka Sweys iyagoo u sii jeeda xeebaha Soomaaliya si ay u qabsadaan, taasoo Talyaanigu ka cabsi qabay in Faransiisku qabsado Somaliya kadibna u gudbo dhulka Ereteria iyo Libiya oo Talyaanigu haystay.
Ka akhri dhacdooyinkaas (Filonardi, Zansibaar, to Crisp December 17 1888, libro Verde, doc.2 p.27)
On December 12,1888 a deligation from Yusuf Ali, Suldan of Obbia arrive in Zansibar and requested the protection of Italy. The immediate background of the requeste was a disbute between Yusuf Ali and Sultan of Zansibar over the status of the little village of Mruti, not far from the Zansibari enclave at Warsheik.
Prime Minster Crispi immediately order a naval mission "for the purpose of decelaring the Italian protectorate, and there was an additional reason for speed: A franch squadron was passing through the Suez Canal for an unknown destination, Italian Sources in London suggested that the Franch ships might be heading toward the Somali Coast.
Dr. Hiraabe iyo akhyaarta la midka ah ee ka dhigay in Suldaan Keynadiid uu gumaysi u horseeday Soomaliya maxaa geeyey Saciid Barqash magaalada Warsheekh, miyeysan ogayn in gumaysigu Koonfurta Somaliya haystay ka hor intaan Keynadid iyo Talyaaniguba is aqoon, Siciid Barqash ma soomaali buu ahaa, yaa siiyey Siciid Barqash magaalooyinka Kismaayo, Barava, Marka, Mogdhisho, iyo Warsheekh.
Daawo khariidadii lagu muujiyey in Saldanooyinkii Majeerteen iyo Hobyo inay ahaayeen saldanooyin la ilaaliyey (Protectorate) halka khariidada hoose ay muujinayso in Soomaliyda Koonfureed ay ahaayeen Dhul lagumaysto (Itaalian Occupation)
Waa khariidad muujinaysa magaalada Warsheekh ilaa gobolka Nugaal cirifkiisa inay ka jirtay saldanadii Keynadid iyo tii Boqor Cismaan oo labadaba lagmuujiyey inay ahaayeen Northren Protectorates.
Filonardi saw apportunity to extended his commercial interest in to Northren Somalia.
Ereygaan kor ku qoran ee ku xusnaa qoraalkii Dowlada Talyaanigu ka diyaarisay dhacdadii heshiiska ee Keynadid iyo Filonardi, waxa ay ku sheegeen in Filonardi uu jaanis ganacsi u arkay inuu ka helayo waqooyiga Somaliya, (Ma ahan Koonfurta oo iyada awal buu Iska haystay) oo Siciid Barqash ayaaba ka gaday Talyaaniga, u faham heshiiska Keynadid wuxuu ku salaysnaa dhinaca Waqooyi Bari oo keliya
Oo haddii heshiiska Talyaaniga iyo Suldaan Keynadid ka hor gobolada Koonfur lahaystey sidee buu Keynadid ku keenay Talyaaniga dhulka Somaliyeed, ilaa magaalada Warsheek ayaaba lahaystay Keynadid heshiiskiisa ka hore.
Ama ku qanac ama haku qancine Suldaan Keynadid wuxuu heshiiska ula galay Talyaaniga si uu isaga dhiciyo dagaalkii uu kula jirey Suldaankii mudad Soomaaliya iska haystay ee Zansibaar(Said Barqash) oo ay ciidamadoodu isku hor fadhiyeen magaalada Warsheekh, ku darsoo Talyaanigu heshiiska uu lagalay Keynadiid wuxuu ahaa xagga ganacsigga iyo inuu Talyaanigu helo baalasha Gorayada iyo waxyaabaha udgoon oo uu dhulkaasi lahaa iyo in Keynadiid laga caawiyo haddii lagu soo duulo saldanadiisa.
Xasuuso in xiligaas Soomaaliya la qaybsanayey ka dib heshiiskii Barliin ee Africa lagu qaybsaday, xasuuso in Suldaan Keynadiid ay xiligaas isku marnaayeen Minilikhii Ethopia, Boqorkuu adeerka u ahaa ee Majeerteenya, iyo Suldaankii Siciid Barqash ee dhulka ugu khayraadka badan ee Soomaliya haystay.
Xasuuso in heshiika keynadid ku salaysnaa in Talyaanigu Ganacsigiisa Soomaliya xafiis uga furto Hobbyo, inuu keensado qunsul u fadhiya Hobyo danaha Talyaaniga, in xafiiska ganacsiga ee Talyaaniga la suro calanka Talyaaniga iyo in Suldaanka ganacsigaas laga siiyo sanadkiiba intuu macaash sameeyo ganacsigaasi.
Waxaa yaableh in Keynadiid lagu tilmaamay inuu gumaysi soomaaliya keenay iyadoo laga soo bilaabo
1828 uu Muqdisho, Marka, Barave, iyo Kismaayo uu xoog ku haystey Suldaankii Oman ee Siciid Barqash isagoo ku tiirsanaa awooda Ingiriiska (British Protoctarte), weliba dhulkeena ka qaadan jirey hantida iyo dhaqaalaha ugu balaaran ee koonfurtu hodanka ku tahay, bal akhri (Early colonial History).
1823 a squadron of Sayid Said's Ship called at Mogadisho and order the city to pay homage to the Omani Sultanate, who also controlled Zansibar and much of the coast farther South.

Sultan Barghash bin Said.
In 1828, Mogadishu had to surrender to Omani forces. In 1841, with the partitioning of the Sultanate of Oman, Mogadishu became part of the Sultanate of Zanzibar. When Mogadishu was visited by French traveller Charles Guillain in 1846-1848, Mogadishu was dependent on both the Sultanate of Zanzibar and the Somali Geledi Clan.
Markii ugu horeysey ee uu Talyaanigu dan gumeysi ka yeesho Soomaaliya waxay ahayd March 17 1885 Ka dib markuu Talyaanigu uu qabsaday Ereteria kana dhigay maxmiyad uu u taliyo. ayuu markii ugu horeysey sahan ku tagay dhulkay ka talinayeen Saldanooyinkii Majeerteen halkaas oo uu dagaal kala kulmay kadibna uu dib uga laabtay.
Ka aqri dhacdadaan buuga uu qoray David Laitin ee (Politics, Language and Thought) bogga 58aad oo oranaya.
May 1885, a few months after Assab was bought from Rubattino, and Massawa was annexed, both forming a new Protectorate of Eritrea" Meanwhile, Italian Explorers where getting their bearings. George Revoil explored the Majerteen, but during his first Trip inland he met sufficient hostility to force him to return to the cost.
Xasuuso isla sanadkaas markuu tagayey Antonio Cecchi gobolkii xiligaas lagu magacaabi jirey Jubba ee ay ka tirsanaayeen magaalooyinka Mogadisho, Kismaayo, Barava, iyo Marka iyadoo uu Talyaanigu u aqoonsanaa magaalooyinkaas kuwo uu ka taliyo Saciid Barqashkii Zansibar, ayuu haddana Cecchi wuxuu ku tilmaamay dhulkaas Jubooyinka dhul manaafacaad iyo khayraad badan leh.
He Wrote, Passionately extolling the "Rich commercial resources' Of Somalia.
Antinio Cecchi wax dan ah kama lahayn xiligaas inuu qabsado gobolada Jubooyinka maxaa yeelay Filonardi oo isagu markaas ahaa qunsulka Talyaaniga u fadhiya Zansibaar ayaa ganacsi balaaran kula jirey Suldaanka Zansibaar halkaasoo ay dowlada Talyaanigu ka helaysey 233,000 oo lire sanadkiiba gobolka Jubba.
Dowladaha waaweyn ee Ingiriiska, Talyaaniga, Jarmalka, iyo Faransiiskuba u tartanka ay u tartamayeen Soomaaliya meelaheeda khayraadka leh awgeed, Bishii Agoosto 1885 ayuu Jarmalku u soo diray 5 markab oo ka duqeeya xagga badda suldaankii Zansibaar si uu ugu khasbo inuu suldaanku ogolaado in dowlada Jarmalku kor ka xukunto dhulka uu Saciid Barqash haysto ee ay Somali ku jirto.
Siciid Barqash wuxuu ka waayey kaalmadii uu ka rabay dowlada Ingiriiska si uu uga faa'iidaysto Talyaaniga ugana helo kaalmo uu uga hortago Jarmalka ayuu Talyaaniga si hadiyad ah u siiyey Magaalada Kismaayo,(Keynadid ma isagaa keenay Gumaysiga lagu kala gadanayey Soomaliya, Xiligaas Talyaani iyo Keynadiid isma aqoon, xasuuso Keynadiid wuxuu heshiiska la saxiixday Talyaaniga 1888 afar sano ka dib xiligii Talyaaniga laga gaday Kismaayo).
Filonardi wuxuu sheegay nacaybka iyo cabsida uu Suldaanka Zansibaar ka qabo dowladii Jarmalka inay isaga u noqondoonto albaab uu ka galo hanashada qayb kamid ah Soomaliya oo uu ka macaashi doono, Suldaanka Zansibaarna waxay u ahayd inuu isku jabiyo quwadaha waaweyn ee yurub oo xiligaas gumeysi ba'an ku hayey Africa, iskana horkeeno Talyaaniga iyo Jarmalka si uu isagu u sii haysto dhulka uu xooga ku qabsaday oo ay koonfurta Somaliya ka mid ahayd.
Ka dheeho sheekadaan buuga (Italian Colonial ee uu qoray Robert Hess, bogga 20; ee The Diplomacy of Imperialism)
Filonardi wrote that the Sultan "Hated and Feared the Germans....not only would he be pleased if Italy took possession of the Somali Region, but he would support it wholeheartedly". He claim the circumstances give Italy an unforeseen opportunity to acquire the Somali region at small Cost.
Filonardi was not mistaken. in September, Said Barqash offered Kismayu to Italy.
Said Barqash, his one hope lay in playing the Europeans off against each other.
In kastoo markii hore uu Talyaanigu ka baqay inuu la wareego Kismaayo haddana heshiiskaasi wuxuu fulay 1887 kii, xiligaas Keynadid iyo Talyaanigu wax xiriir ah mayasan lahayn, oo Keynadid wuxuu ahaa oday dibad wareeg ah oo caasi ku ah saldanadii qoyskiisa ee Majeerteenya, haddaba sideebuu Keynadiid gumaysigga talyaaniga u keenay Soomaaliya?.
Soomaaliya dhinaceeda koonfureed waxaa la isku haystey mudo aad u dheer oo laga soo bilaabo 1828, Lixdan sano ka hor soo bixitaankii Keynadiid.
Dowladaha Masar, Suldanadii Siciid Barqash, dowladihii Ingiriiska, Faransiska, Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa dadaal faro badan u galay dagaalo badanina ku dhexmareen inay helaan dhulka Koonfurta ah ee barwaaqada ah, maba aysan doonayn dhulka waqooyi ee abaarta ah.
Haddaba sideebuu Keynadiid ku keenay Gumaysigga Talyaanigga? hadalka ah Keynadid ayaa Talyaaniga Soomaliya u keenay oo Soomaaliya gatay waa xaqiraad iyo ka been sheegid laga been sheegay taariikhda ku qoran boqolaal buug oo ku kala qoran luuqado kala duwan oo dunidda ah.
Keynadiid wuxuu ciyaaray siyaasadii xiligaas ka socotay Africa ee uu isticmaalay Siciid Barqash ee uu hadba dowlad la heshiinayey si uu ugu difaacdo maamulkiisa iyo dhinaca uu xukunkiisu ka taliyo.
Qalcadihii suldaanka Hobyo iyo sartii ganacsigga ee Talyaaniga.
Sodon sano ayuu mandiqadii uu ka talinayey u diiday in sidii la doono laga yeelo ama la gumaysto, laga bilaabo Magaalada Warsheekh ee Muqdisho u jirta 57 KM ilaa gobolka Nugaal halka uu kaga darmo gobolka Mudug ilaa iyo magaalada xeebta ah ee Caluula ayuu ka ilaashay gumaysi, ilaa isaga laga qabsaday saldanadiisii (October 1925) na magaalooyinkaasi waxay ahaayeen kuwa ka madaxbanaan gumaysigii soomaliya qaybsaday.
Xiligii Keynadiid magaalooyinka Hobyo, Xarar-dheer, iyo Ceel-huur intuba waxay ahaayeen magaalooyin can ahaa oo dhaqaalaha iyo noloshuba ay aad u sareeyaan, bal maanta eeg aaway magaalooyinkaasi.
Intay sharafta ka dileen ayey noqdeen magaalooyin dibu dhac badani ka muuqdo, waxay ilaaween in lagula xisaabtami doono sharaf-dhaca ay u geysteen magaaloyinkaas loo badaley meel lagu dhaco maraakiibta badda kala gooshta, qoraal kastoo aad ka akhrisid magaalooyinkaas maanta waa dil iyo wax la dhacay ama afduub loo haysto.
Keynadid wuxuu heshiis lagalay Ingiriiska (British Protoctarte) wuxuu heshiis lagalay Jarmalka (German Protoctarte) wuxuu lagalay Talyaaniga, intuba waxay ahayd inuu ilaaliyo magaalooyinkii xukunkiisu ka jirey, uuna helo haddba dowlad ka difaacda xukunkiisa dowladihii awooda lahaa ee xooga ku boobayey Africa.
Waxaa kaloo layaab leh weligeed lama sheegin dad kale ama madax kale oo Soomaaliyeed oo iyaguna dowladahaas lagalay heshiis, buugtii laga qoray taariikhda Daraawiishta weligeed lama sheegin in Sayid Maxamed noqday Italian Protoctarte. iyadoo meel walba lagu qoray in Sayid Maxamed uu noqday maamulkii sadexaad ee Waqooyiga ee Talyaaniga lagalay heshiis ilaalin ah (Protoctarte).
Laakiin Oktobar 16 iyo 17 keedii 1904 Maxamed Cabdulle Xassan wuxuu lakulmay Giulio Pestalozza magaalada Illig ee xaruntii Daraawiishta xiligaas ahayd wuxuuna ku yiri Talyaanigii,
"Anigga iyo dadkaygyba waxaan rabnaa inaanu noqono dadka dowladda Talyaaniga raacsan waanan ku tiirsanaanaynaa dowladiina haddaad asxaan noo samaynaysaan magaalana nooga dhisaysaan meel ka mid ah dhulka xeebta ah. Talyaanigu heshiiskaas uu Sayidka lagalay intuusan waxba ka qaban ayuu kala tashaday dowladda Ingriiska, Saldanadii Boqor Cismaan, iyo Saladanadii Keynadid in Sayidka la siin karo meel xeeb ah, ogolaansho looga helay Sayidka maamuladii xiligaas jirey ayaa lagu dejiyey Daraawiishtii Sayidka gobolka Nugaal iyo xeebta Eyl.
hoos Ka akhri buuga uu qoray Caroselli, ee magaciisu yahay "Ferro e Fuoco" e Somalia, pp.78-79
On October 16 and 17, 1904 Mohamed Abdulle met Giulio Pestalozza at Illig, and the Italian consul listned to what he had say. Muhhamed Abdullah was resentfull of both the English and the Majjertein Somalia and was willing to negotiate for Peace. "My people and I will be the Italian goverment's people, and we shall be dependent on it, if it will favor us.....and permit us to build a town on the coast, after obtaining the Approval of Obbia Suldanate, Mijjertein Suldanate and Great Britain, Pestalozza returned to Illig to conclude negotiations with the dervish leader.
On March 5, 1905 Pestalozza and Muhammed Abdullah signed a peace Treaty, The Mad Mullah was given the Nogal territory between Obbia and Mijjertein and was recognized as the lawful ruler of a third Italian Protectorate in Northern Somalia.
Maxaa sayidka ku kelifay inuu noqdo Italian Protectorate, waxa ku kalifay waa danta ku kaliftay Saciid Barqash, Keynadid, iyo Boqor Cismaan, iyo Africa oo dhanba, inay ku ilaashadaan maamulkooda hoose maadama aysan u babac dhigi karin xoogagii ku soo duulayey Africa.
waxaa ku kalifay waa dagaalada iyo kala jiidashada quwadihii waaweynaa ee xiligaas Africa gumaysanayey, oo si aad u noolaato dadkaaguna u badbaado ayey raggaasi maalinba dowlad xoog leh hoos galayeen si ay u badbaadaan, maxaa Keynadid u diiday Protactionkaas.
Haddaad sii akhrisid buugaas kore waxaad xaqiiqsanaysaa in Soomaalida oo dhan intii xiligaas waxuun xadaarad ah lahaa ay hadba dowladahaas waaweyn mid hoos galayeen, bal fiiri Markuu Boqor Cismaan ka codsaday dowladda Turkiga inay u noqoto Protectorate ka dib markuu la diriray Talyaaniga oo uu talyaanigu uga eexday Keynadid, dagaalkii ay ku dagaalameen Boqorka iyo Suldaanku Magaalada xeebta ah ee Alulla oo ay gacan kuhaynteeda labada suldaan isku hayeen, nasiib daro Talyaaniga ayaa dhexda ka helay codsigii Boqorka ee ku socday Turkiga ka dibna warqadii maba aysan gaarin dowladda Turkiga.
Bal eeg sida qoyska Wacaysle uu ugu jirey Ilaalintii (Protectorate) Talyaaniga, intuusan Keynadid qabsan Harardheere iyo Ceel Huur sii akhri buuga.
October 1897, during the period of temporary, direct governmental control, royal Commissioner Extraordinary Giorgio Sorrentino discovered that Yusuf Ali Keynadid intended to gain control of Harardera, sixty miles southwest of obbia, the Waesle tribesmen of the district had already placed themselves under Italian Protection, and Sorrentino was confronted with a choice between the Waesle and the Obbians. but in 1897 the Italian were weak, and Sorrentino came to the sad conclusion that "It would not be opportune to make an issue of it, and Italians could not effectively intervene in northren matters and they sucrificing the Waesle.
Makuu muuqataa in siyaasada saldanooyinkaas iyo gaaladii wadanka boobaysey inay maalinba meel isu rogaysey.
Weligay ma arag meel lagu sheegayo xiriirkii ka dhexeeyey Labadii saldano ee Hobyo, Majeerteenya iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan iyo Daraawiishtiisii.
Dadka xiliyadii danbe wax qorida bartay ee u qaatay inay wax sax ah qoreen way ku khaldameen inay mar kasta ku sheegaan saldanooyinkaas inay cadow u keeneen Soomaaliya oo ay iyagu bilaabeen gaalo wadanka la keeno. haddaynu aragnay Koonfur inay gumaysi ku jirtey oo khayraadkeedii ay iska qaateen Suldaan ka yimid Cuman oo wata ingiriis iyo Jarmal maxaa u diidayey inuu Keynadid ama Boqor Cismaan inay doontaan wadamo reer Yurub ah oo ilaaliya deegaankooda iyo danahooda.
Mise Soomaalidu waxay diidan tahay in Keynadiid qabsado dhul soomaaliyeed oo uu xaq u leeyahay halka ay u ogolyihiin Siciid Barqash inuu beeraha ku fasho oo uu biyaha ku dulmaro kana ganacsado, waxay ilaaween inuusan Keynadiid cidna ka ganacsan ee askartii u shaqayn jirtey uu kala yimid Tansania iyo zansibaar, naa'ibyadii saladanada u hayeyna ay qabiil walba oo Soomaaliyeed ku jireen.
Saldanadiisu inkastoy ahayd Saldanada keliya ee wasiiradeedu/Naa'ibayadeedu ka koobnaayeen Soomaali oo dhan haddana weligeed lama sheegin meelna laguma qorin.
Buugta laga qoray Taariikhdii Daraawiishta waxaa la sheegaa in saldanooyinkii Majeerteen ay cadow ku ahaayeen Daraawiishtii u halgamaysey Xornimada laakiin waxay xaasidnimo uga tageen dhacdooyinkii xiligaas la qoray.
Bal dib u akhri wixii uu qoray qunsulkii Ferdinando Febaraayo 20keedii 1903 pos.59/3, f.43.
Markii General W.H. Manning oo dowlada Ingiriiska u ahaa difaacaha waqooyiga Soomaliya uu ku eedeeyey in Yusuf Cali Keynadid uu daraawiishta hab-dhaqankooda iyo hawsha dagaal ee ay wadaan uu jeclaysanayo kuna raacsan yahay ayuu talyaaniga ka codsaday in gacanta loo soo geliyo Yusuf Cali iyo Wiilkiisa, kadibna uu Lovatelli uu ogolaaday in la qabto Keynadid oo ingiriiska gacanta loo geliyo, halkaasoo suldaanka lagu xiray Caddan oo laftigeedu ahayd (British Protectorate).
Mudo kadibna Suldaankii iyo wiilkiisiiba loo soo wareejiyey Ereteria oo iyada laftigeedu ahayd Italian Protectorate, nasiib wanaag u qaybsanihii arimaha dibada talyaaniga ee Suldaanka xiray ayaa waxaa bedelay captan lagu magacaabo Eugenio di Robiate kaasoo markii danbe ka shakiyey sida uu Ingiriisku ugu soo durkayo dhanka Somalida gaar ahaan meelihii saldanooyinku ka jireen, sababtuna ay ahayd Daraawiishta oo ku soo dhuumanaysey dhinaca Mudug iyo Bariba.
Ka dibna Eugenio wuxuu amar ku siiyey Carlo Mirabello inuu dib ugu celiyo saldanadii Cali Yuusuf ee Hobyo si talyaanigu kaalmo uga helo Cali Yuusuf.
Bal eeg lama qorin in daraawiishba jiritaankeedu uu ka bilowday taageeradii uu siiyey Boqor Cismaan ila akhri buuga lagu magacaabo Mohamed abdulle Hassan, A Reassessment, "Somalia Chronical(Mogadishu) November 13 1957 ee uu qoray ninka lagu magacaabo J.J. Vianney, bogga 4aad.
1899, Sayid Maxamed oo ahaa hogaamiyaha dariiqada Saalixiya ee waqooyigga Somalia ayaa dagaal kharaar kala horyimid dowlada ingiriiska, ingiriiskuna wuxuu iclaamiyey dagaal balaaran oo uu ku tirtiro wadaadadaas, dhaqdhaqaaqii daraawiisheed ayaa isaguna sida dabkii uga iftiimay una saameeyey gobolada waqooyi iyo waqooyi bariba.
Boqor Cismaan isagoo ka faa'iidaysanaya garabka uu kaheli doono daraawiishta oo u badnaa qoyska Daarood ayuu markii ugu horeysey u qaybiyey hub iyo qoryo si qarsoodi ah looga soo qaaday dalka Jabuuti oo isaguna ahaa (Franch Protectorate).
The Dervish Movements spread like wildfire and become very powerfull in the North, in hopes of gaining an ally, Osman Mahamud began to sell Muhammed Abdulah some of the rifles he had smuggled in from Djibouti in Franch Somaliland.
Bal eeg Haddii uu sayid Maxamed dagaal ku qaaday Ethopianka magaalada la yiraahdo Jigjiga bishii March 1900 oo uu cabsi geliyey in Ethopianka laga qabsado magaalada Harrar la soco in afar sano ka hor 1896 ay markii ugu horeysey ku heshiiyeen Boqor Cismaan iyo adeerkiis Keynadiid inay ka faa'iidaystaan dagaalka dhexmaray Talyaaniga iyo Ethopia oo ay Talyaaniga u balanqaadaan inay keenayaan ciidamo labadooda dhinac ah si ay u qabtaan magaalada Harrar.
Ka akhri arkiifiyada (Archivio storico dell'ex Ministerio dell'africa Italiana) dacdooyinkaas siday isugu mid ahaayeen.
1896 a year of crisis for Italian colonialism in Ethiopia and Southren Somalia, The Northren Somalia Sultanates remained Loyal, acting together, Yusuf Ali Keynadid and Osman Mohamud even proposed sending an expedition against Harrar, they claimed that the Ogaden Somali would rise against the Ethopians and join forces with the invaders.
They promise that Obbia and Mijjeertein would rise some fifty thousand warriors, if only the Italians would agree to furnish them with rifles and ammunition.
Dhacdooyinkaasi intay dhacayeen oo dhan koonfurta Soomaaliya oo dhan waxaa gumaysanayey Zansibaar oo garab ka haysta Talyaaniga iyo Ingiriiska waxay ka qaadan jireen dhaqaalaha ugu badan ee Soomaaliya laga helo, waxaa dagaalkii ugu badnaa uu dulsaarnaa qabiilada biyamaal, Hintire iyo Wacdaan oo iyagu sku dayayey inay gumaysiga ka qaataan dhulka koonfureed, waxaa dhiigu galaclaynayey magaalooyinka Marka Baravo, Wala uwain, xaafadaha Lafoole iyo Afgooye ayaa ka caal waayey inay dib u hantiyaan magaalooyinka saciid Barqash iska haysto.
Baabi'intii Saldanooyinkii Majeerteen ee uu Talyaanigu baabi'iyey, (Saldanadii Hobyo October 1925) iyo qabsashadii uu Talyaanigu qabsaday saldanadii Majeerteenya ee (Boqor Cismaan 1927) waxay Soomaaliya gaarsiisay in guud ahaan dhulkeeda lagu tilmaamo wadan la gumaystey halka intay jireen saldanooyinkaasi Somaliya lagu tilmaami jirey in qaar ka mid ah Somaliya la gumaysto, ka daawo khariidadan hoose, oo laga bilaabo Kismaayo ilaa magaalo u dhow Warsheekh ayaa lagu muujiyey in talyaanigu gumaystay, (Italian
Occupation)
(taasoo tilmaamaysa inaan dhulkay Saldanooyinku ka jireen aan la gumaysan intay saldanooyinku hasten ee ay ahaayeen (Italian Protectorate not Italian Occupation).
isagoo dhan ka akhri dhacdooyinkaas buuga The Collapse of somali National State:The Colonial Factor, ee uu qoray Abdisalam Issa (Bin-Salwe) qaybta (North-eastern Sultanates of Majeerteen and Hobyo).
(October 1925, Sultan Yusuf Ali surrendered),
Inkastoo saraakiishii suldaanku dagaal kula jireen Talyaaniga.
On 9 November, the Italian fear was realised when a mutiny, led by one of the military chiefs of Sultan Ali Yusuf, Omar Samatar, recaptured El-Buur. Soon the rebellion expanded to the local population. The region went into revolt as El-Dheere also came under the control of Omar Samatar. The Italian forces tried to recapture El-Buur but they were repulsed. On 15 November the Italians retreated to Bud Bud and on the way they were ambushed and suffered heavy casualties.
(It was only early 1927 when they finally succeeded in shutting the northern coast of the sultanate, Boqor Osman Mohamud.)
In December 1925, led by the charismatic leader Hersi Boqor, son of Boqor Osman, the sultanate forces drove the Italians out of Hurdia and Haafuun,
Later Boqor Osman was exiled to Muqdisho.
With the elimination of the north-eastern sultanates and the breaking of the Benaadir resistance, from this period henceforth, Italian Somaliland was to become a reality. The partition of Somaliland was already shaping during this period and the fate of the Somalis was at the mercy of the colonial powers.
Dhacdooyinkaan kor ku qorani waxay cadayn u yihiin burburkii Saladnooyinka iyo labadaii Suldaan ee Muqdisho lagu soo xiray inay horseeday in guud ahaan Somaliya uu Talyaani qabsado, dib danbana loo arag meel ama maamul soomaaliyeed oo gobol Soomaliyeed ka dhisan.
Haddii marka Africa oo dhami ay ahayd Protectorate, oo Koonfurta Soomaaliya lagu haystey Protectorate iyagoo weliba hantidooda la iska qaato, Boqorna iska haysto, maxaa Keynadid loogu saariyey dhibaatadii gumaysiga?,
Bal haddaynu soo aragnay in koonfurta Soomaliya uu gumaysi haystay Keynadiid oo aan jirinba, bal dhinaca Waqooyiga Soomaliyana aan eegno iyagu goormay ku jireen British Protoctarate.
Ka akhri Wikipedia, the free encyclopedia.
The British Somaliland Protectorate was a British protectorate in the north part of the Horn of Africa, later part of Somalia.
Egypt dominated the area in the 1870s, but withdrew in 1884, upon which the British established a protectorate and garrisoned it from Aden. The protectorate was administered from British India until 1898, then by the Foreign Office, and after 1905 the Colonial Office.
Ka dib markay ka baxeen ciidamadii Masar 1884 waqooyiga soomaaliya ayuu ingiriisku jeclaystay inuu dusha ka ilaashado Somaliland, wuxuu la kulmay odayaal iyo caaqiladii xiligaas garwadeenka u ahaa, wuxuu ogolaysiiyey in ingiriisku ilaaliyo deegaankooda, sababta uu u danaynayeyna waxay ahayd isagoo rabay inuu Ingiriisku inuu qabsado ilaashadana meesha muhiimka ah ee Babul Mandabka looyaqaano oo laga ilaaliyo ahana irida laga galo Badda Cas.
Markii ugu horeysey waxaa Somaliland laga xukumay lana hoos geeyey maamulkii magaalada Caddan u fadhiyey ingiriiska.(Keynadiid iyo Talyaanigu isma aysan aqoon xiligaan Somaliland laga xukmayey Caddan.) 1887-1898 ayaa Somaliland markale maamulkeeda la hoosgeeyey oo loo wareejiyey(Indian Office) dhamaadkii 1898 ayaa maamulkooda haddan loo soo gudbiyey xafiiskii Protectoratka ee Ingiriisku ka furay Barbara.
1888 ayay ahayd xiliguu Keynadiid Talyaaniga ka codsaday inuu maxmiyadiisa ilaaliyo, sidaas oo ay tahay ayaa isla xiligaas ingiriiskii iyo faransiiskii ku heshiiyeen inay waqooyiga Soomaaliya xukunkooda hoosgeeyaan(Anglo-Franch agreement).
Xiligaas oo uu Ingiriisku ku qiyaasay dadka deeganaa Somaliland inay dhamaayeen 300,000 oo qof, oo dad baadiye u badnaa, waxaa xeebaha waqooyi wax ka degenaa xiligaas dad Hindi iyo arab isugu jira, lacagah laga isticmaali jireyna waxay ahayd lacagta (Indian Rupee) ilaa uu ka yimid wadadkii daraawiisheed 1901kii waxay ahaayeen dad nabad ku nool kuna hoos jira maxmiyadii Ingiriiska.
Haddaba haddii Koonfurta Somaliya, waqooyiga Soomaaliya, Daraawiishtii Sayid Maxamed iyo guud ahaan Africada Madow oo idil ay ku jireen Protectorate maxaa Eeda saaray Keynadiid?.
Waxaa eeda saaray Keynadiid waa dhibsashada ay dadka qaarkiis dhibsadaan taariikhdiisii, taariikhdaasoo inteeda badan ku salaysnayd xadaarad uu bulshadiisii xiligaas dheeraa iyadoo Soomaalidu ay wada hurudo ayuu meel cidlo ah Saldano caan noqotay ka aasaasay, wuxuu soo gaaray weliba danaynayey inuu xukumo ilaa Kismaayo wuxuu u quuri la'aa Siciid Barqash oo carab ahi inuu iska haysto dalkiisa wuxuuna cayaaray sidii uu cayaaray Siciid Barqash oo ahayd in saldanadiisa uu ku ilaashado awoodihii xiligaa Africa gumeynayey.
Waxaa la yiri (Awoowga aan wax horumar ah qaban intuu noolaa, awlaadiisu waxay ka dhaxlaan inay caayaan Awowgii wax qabtay).
Weligiin ma maqasheen dadbaa laga gumaystay Hobyo, kahor intaan la burburin Saldanadii Keynadiid, Hobyo iyo deegaanaduu xukumay waxay ka mid ahaayeen magaalooyinka ugu caansan geeska Africa. weligoodna aan arag dhibaato gumaysi.
Keynadid hal mid ayaan dhaliil ugu haynaa dhaliishaas oo ahayd sababta uu uga qabsan waayey Siciid Barqash dhulka Koonfurta ah ee uu iska gumaysto isagoo isticmaalaya xeesha Siciid Barqash ee ahayd in dowladihii xooga weynaa uu u isticmaalo hanashada Soomaalida Koonfureed.
Soomaaliya haddayba taariikh yar ah leedahay waxay ka bilaabatay Saldanadii Hobyo, waxaa markhaati ka ah, dhacdooyinka ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka dhacay 100kii sano ee ugu danbeeyey waxaa ka masuul ahaa xubno ka mid ahaa qoyskii Saldanadaas.
Burburkii Saldanada ee laburburiyey lana xiraxiray madaxdii iyo naa'ibyadii saldanada waxaa intoodii badnayd lagu soo xirxiray Xamar, nasiib wanaag dadkii halkaas la keenay waxay dib u bilaabeen raadintii xornimo Soomaaliya hesho.
Bal Eeg Fartii Soomalidu qortay ee Cismaaniya oo taariikhdeeda aan weligeed buugteena laguba sheegin waxay ka soo unkantay saldanadii Mudug oo waxaa hindisay wiil uu dhalay Keynadiid, inkastooy fartaasi lahayd taariikh yaab leh haddana raggii wax qori jirey xiligii Kacaanka ama raadiyaha wax ka amaani jirey weligeed sooma qaadin sheekadeeda, kamana ay hadline wayba dhaliilayeen.
Cismaan Yuusf Keynadiid (Founder of Osmania Script), iyo qoraalo lagu qoray Farta Cismaaniyada
Inkastood hadaad akhrisid buuga uu qoray David Laitin ee Politics, Language, and Thought uu bogiisa 90aad uu leeyahay fartaasi waxay noqotay farta keliya ee la tartamaysey farta Carabiga iyo Talyaaniga (laatiinka).
In kastoo uu I. M. Lewis uu yiri "Cismaaniyadu wexey u shaqeysey sidii shey wax kala sifeeya (catalist) ayna ku raaceen Andrezjewizky iyo Martino Morelo in Farta Cismaaniyadu ay ahayd far munaasib ku ahayd qoraalka Soomaliga, Haddana Dhibaatada ugu weyneed oo ey farta Cismaaniyada la kulantey wexey aheyd dhaqan -qabiileedka soomaaliyeed oo wax walba la saaro misaan qabiil, ayuu yiri Dr. Eenow oo falanqaynayey dhibaatadii Cismaaniyadu la kulantay.
Saadaashii ay qorayaasha ajanabiga ahi ka bixiyeen fartaas ayaa lagu qeexay (Haddii Farta Cismaaniyadu ay ka saraysiiso dadka Soomaliyeed ummadaha kale ee iyagu qaatay Laatiinka, miyeysan qoyska Cismaana aysan ka saraynaynin Soomaalida kale) hadalkaas oo ay eedsatay, ahaydna sababtii ugu weyneyd ee loo diiday fartaas, walow raggii keenay in farta Gumaysiga la qoro ay diidmadood farta Cismaaniyada ku saleeyeen inaan lahayn qalab iyo makiinado lagu isticmaalo fartaan, walow xiliga ay sidaas leeyihiin ay xafiisyada SYL yaaleen makiinado lagu qori karo farta Cismaaniyada.
Bal ila eeg 13kii SYL ee xornimada aynu harsanayno keenay afar ka mid ah ayaa ka yimid saldanadii Hobyo oo yay kala ahaayeen.
1-Yaasiin Xaaji Cismaan (Aabihii iyo Maskaxdii SYL)
2-Cali Barduuro.
3-Siyidiin Xirsi Nuur.
4-Daahir X. Cismaan
Oo weliba waxaad arkaysaa in afartaasba uu awoowe u ahaa Keynadiid, afartaas nin oo uu ku jiro ninkii figrada SYL keenayba.
Bal fiiri Ninkii Calanka buluuga ah Hindisay Aabihiis wuxuuba ka tirsanaa saladanadii Hobyo waa Cawwaale Liibaane, halka Maxamed ku korey Mudug, weliba uu soo gaaray Saldanadii Hobyo.
1=Xusseen Kulmiye, 2=Cabdirashid Sharmarke, 3=Maxamed Cawaale
4=Cabdirisaaq X. Xuseein, 5=Muuro
Bal Fiiri Ra'iisal Wasaarihii Soomaaliyada Xorta ah (Cabdirashiid Cali Sharmaake) Madaxweynihii labaadna noqday wuxuu ku dhashay Xarar-Dheere, Keynadiid wuxuu u ahaa awoowe.
Bal Cabdirisaaq Xaaji Xusseen fiiri reerkiisoo idil waxay ka mid ahaayeen saladanadii Mudug ee Keynadiid.
1=Sheegow, 2=Maxamed Abshir, 3=Aadan Cabdulle,
4=Cabdirisaaq, 5=Janaral Daa’uud
Taliyihii ugu horeeyey ee Ciidamada Booliska ee Soomaliyada xorta ahayd (Maxamed Abshir Muuse) wuxuuba ku dhashay magaaladii labaad ee Saldanada ugu awood badnayd ee Xarar-dheer (Isla magaalduu ku dhashay Cabdirashiid Cali Sharmaake) inagoo waliba og in qoyska Maxamed Abshir degaan Nugaal, isagu wuxuu ka yimid Saldanadii Hobyo.
Xasuusta taariikhda Soomalida dhinacaad ka eegtidba waxaa kaaga muuqanaya taabasho ay taaba