(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah).
Marka aad doonayso in aad sharaxdo amase qeexdo sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya ,waxaan qabaa in uu dhaafay xadkii sababo loo yeeli lahaa.Waxaa aad u dag halka laga bilaabayo,cida ka masuul ah , goorta burburku bilowday iyo halka burburkaa socdaa uu ku dhamaan doono iwm.
Intii aan raadinayey sababaha keenay burburkaa balaadhan ee Soomaaliya ka dhacay,ayaa waxaa ii soo baxay sababo aad iyo aad u fara badan oo dhamaan la odhan karo waa kuwa ugu muhiimsan , sababahaa keenay burburka dhacay,waxaa ka mid ah:-
Sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya waxaa ka mid ah gumaysigii reer Yurub,kaasoo Soomaaliya u kala qaybiyey shan qaybood oo kala duwan,waxaana cadaan ah in burburka Soomaaliya uu aasaaskeeda dhigay gumaysigii u kala qaybiyey shanta qaybood.
2. Isfahanka Dowlada iyo shicibka
Marka laga soo bilaabo xilligii xoriyada ee1960kii ilaa maanta Shcabka Soomaaliyeed may fahmin waxa loola jeedo Dowlad,cida Dowlada loo yahay iyo shaqada Dowladu waxay tahay.Inta badan Dowladihii soo maray may ahayn qaar ay ka maqan tahay QABYAALAD iyo KELI TALIS,waana sababaha keenay in ilaa maanta ay shacabku liqi kari waayaan waxa loola jeedo Dowladnimo .
Haddii shacabku fahmi lahaa in ay Dowladu iyaga Dowlad u tahay ,Dowladuna Fahmi lahayd in ay shacabka Dowlad u tahay waxaa yaraan lahaa dhibka jira,ilaa labadaasi ay is fahmaana ,waxay ila tahay in burburku sii socon doono.
ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-
Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan-Qabriga.
C/qaadir Aroma ayaa ka mid ahaa qorayaasha naadirka ah ee si qota dheer oo aan leex-leexad laheyn uga hadlay sababihii keenay Qaran jabkii Soomaaliya ku dhacay, waxaana qoraagi uu ka tegay kutub caan ah oo ay ka mid ahaayeen; Sababihii burburka Soomaaliya, Tiirka Colaada,Hadimadii Gumeysiga, Sooyaalka Taariikhda & Taangiga Tigreega.
C/qaadir ALLAHA u naxasiitee waxaa uu ahaa qoraaga keliya ee Soomaaliyeed ee u bareeray isaga oo Muqdisho aan ka bixin xilligii dagaaladii ugu qaraaraa ay ka soconayeen inuu buugaag ka qoro tacadiyadii & gumaadkii ay Gobolada Koofureed ka geysteen ciidamadii Itoobiya intii u dhexeysay dabayaaqadii 2006-2009 waxaana xilligaasi ay ku beegneyd markii uu soo saaray buugiisii (Taangiga Tigreega).
C/qaadir waxa uu ahaa qoraagii ugu horreeyey ee billowgii dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay horraantii 1991-kii ka digay, isaga oo sheekooyin siyaasadeed taxane ah ku soo bandhigi jiray Wargeyskii Shabelle Press, waxaana sheekooyinkaasi ka mid ahaa Salaamullaahi Calal Xujaaj, Dhagax kariye & beesha 10-kun leey.
ALLAHA u naxariistee, C/qaadir waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ummadda Soomaaliyeed kaga tegay dhaxal taariikheed oo uu isagu goob joog u ahaa, waxaana dadka aqoonta u lahaa ay ku tilmaamaan inuu ahaa geesi aan marnaba runta la gamban, shaqsi aan aqoon nin jecleysi & eex; inuu ahaa Waddani dalkiisa & dadkiisa jecel, Farshaxan, Mufikir, Naaxiye, Abwaan, Qoraa, & Macallin intaba, isaga oo dhammaan qoraaladiisa marka aad eegto aad ka dhadhansaneyso inuu soo bandhigay bushigii Soomaaliya ku dhacay ee asaageed ka reebay.
Xidiga astaanta isbadelka : Malcolm X Al-Hajj Al-Malik Shabbaash / qoraaga buugga, macalin: Khadar Xasan Maxamed. - [Publisher not identified]: [Somalia?], 2019.
ASC SubjectHeadings: United States ; African Americans ; political action ; Islam ; biographies (form)
Miyiga Ilaa Madaxtooyada : Socdaalkaygii Guusha = From Bush to the presidential palace : the journey of my success / Xirsi Cali X. Xasan. - [Silsiladda Dhaxalgal]: Hargeysa, Somaliland, 2018.
ASC SubjectHeadings: Somaliland ; Somalia ; politicians ; autobiographies (form)
Xog-warran : buug ka warramaya taariikhda iyo waayo-aragnimada tiro aqoonyahanno ah / Cabdillaahi Beershiya. - ASAL;Printed by Asal Printing Press: [Hargeysa, Somaliland], 2018.
ASC SubjectHeadings: Somalia ; Somaliland ; academics ; scientists ; biographies (form)
Dheemankii lagu maamuusay maydh : Sheekh Isxaaq Ibnu Axmed / [Maxamed Cabdi Daauud]. - CreateSpace]: [Charleston, S.C., 2012.
ASC SubjectHeadings: Somaliland ; Islam ; Islamic history ; biographies (form)
Hilinka guusha : waxaa qoray buuggan / Farxaan Maxamed Xasan (Rakad). - [publisher not identified]: Hargeysa, Somaliland, 2018.
ASC SubjectHeadings: Somalia ; Somaliland ; motivational literature
Tilmaamaha ardayga guulaystey / qoore: Cabdiraxmaan Axmed Garaad Soofe. - [publisher not identified: Buuhoodle, Soomaaliya, 2018.
ASC SubjectHeadings: Somalia ; students ; academic achievement ; motivational literature
Maseyrka ma la maareyn karaa?! / Fardawsa Cabdulqaadir Cabdi. - Graphic Lineups Limited: Nairobi, Kenya, 2017.
ASC SubjectHeadings: Northeast Africa ; interpersonal relations ; motivational literature
Muxuu yahay hogaamiyaha wanaagsani? =Who is a good leader? / author: prof Hussein Yussuf Dualeh. - [publisher not identified]: [Somaliland], 2016.
ASC SubjectHeadings: leadership ; motivational literature
Maree noloshaada / turjumaha buuga: Ismaaciil Tukaale Cige. - [publisher not identified]: [Somalia?], 2015.
ASC SubjectHeadings: Egypt ; academic achievement ; attitudes ; motivational literature
Qisooyinka kuwii guulaystey : iyo casharada aan ka barangay / Ismaaciil Tukaale Cige. - [publisher not identified]: [Somalia?], 2015.
ASC SubjectHeadings: entrepreneurs ; elite ; biographies (form) ; motivational literature
Himiladaada hano : ninna maankiisa ma saluugo! : 11 qodob oo lama huraan u ah hanashada himilo oo dhan / Maxamed Ismaacill Maxamed. - Siibed International: [Minneapolis, Minnesota], 2013.
ASC SubjectHeadings: motivation ; career guidance ; motivational literature
Taajir : tallaabooyinka lagu taajiro : steps to be rich / Cabdicasiis Maxamed Yoonis. - [publisher not identified]: [Somalia], 2000.
ASC SubjectHeadings: Northeast Africa ; wealth ; motivational literature ; biographies (form)
Muxuu ninku been u sheegaa gabadhuna la oydaa?by Guuleed Maxamed, Cabdirisaaq Maxamed (alto), Cabdixakiim Xuseen. - AlifJet: [Somaliland],
ASC SubjectHeadings: marriage ; interpersonal relations ; motivational literature
Jawaabihii shiikh muxammed cabdi umal : 100 su'aalood oo noloshaada la xadhiidha / waxaa qoraal u rogay: Sh. Maxamed Cumar Axmed. - [publisher not identified]: [Somaliland?], 2017.
ASC SubjectHeadings: Somalia ; religious literature ; ulema ; biographies (form)
Aasaaska Islaamka / SH. Muxammad bin Suleymaan al-Tamiimi ; waxaa isugu daba riday hab su'aal iyo jawaab ah Sh. Muxammad al-Dayib al-Ansari ; waxaa tarjumay Cabulcasiis Xasan Yacquub. - Lajnah al-Islamiyah al-Sumaliyah lil-Ighathah: Riyad, 1900.
ASC SubjectHeadings: Islam ; religious literature
"Haqab-tire : buug si farshaxamaysanlooga qoray axkaanta soonka, sakada iyo ciidda waxa ku duugan aqoon durugsan iyo aragti fog / qoraaga buugga: Guuleed Maxamed Yaasiin ""Dalxa""'.". - Sagaljet: [Somaliland],
ASC SubjectHeadings: Islam ; Ramadan ; social welfare ; religious literature
Tusaha jidka Xajka & Cumrada iyo booqashada masjidka nabiga (NNK) / waxaa diyaariyey Sheekh Isxaaq Xaashi Jimcaale. - Beder Printing House [20--?]: Mogadishu, Somalia,
ASC SubjectHeadings: Islam ; pilgrimages ; religious literature
Tusaha xajka & cumrada iyo booqashada masjidka nabiga (NNK) / waxaa diyaariyey: Sheekh Isxaaq Xaashi Jimcaale. - Jubba Printing Center: [ Somalia],
ASC SubjectHeadings: Islam ; pilgrimages ; religious literature
Daah-furka : iyo dawayanta xanuunada durrada / Cabdiwahab X. Xasan (Al-kawsari). - Madbacadda Beder: [place of publication not identified], 2019.
ASC SubjectHeadings: Islam ; traditional medicine
"Ribada qarsoon : ""is xisaabi, inta aan lagu xisaabin"" / waxaa qoray, Maxamed Abshir Diiriye.". - [publisher not identified]: Mogadishu, Somalia, 2015.
ASC SubjectHeadings: Somalia ; Islam ; business ; banking
Ujeeddooyinka Shareecada (Maqaasid al-shariicah) : hagaha dadka bilowga ah / W.Q. Dr. Jaasir Cawda ; waxa turjumay Suhayb Cabdiraxmaan. - [publisher not identified]: [Somaliland], 2015.
ASC SubjectHeadings: Islamic law ; handbooks (form)
Cilmiga bulshada: buugga ardayga dugsiga hoose/ dhexe / qorayaasha: Maxamed Cali Aadan, Cabdillahi Axmed Cabdi, Axmed Gahayr X. Cabdillaahi, Cabdirasaaq Aadan Xusseen ; tifaftirayaasha: Farxaan Warsame Faarax, Mukhtaar Axmed Carab ; naqshadda jaldiga iyo habaynta: Xaamud Khayre Yuusuf, Liibaan Cali H. Raabi. - Hema Books: Somaliland, 2016.
ASC SubjectHeadings: Somaliland ; Somalia ; social studies ; primary education ; secondary education ; textbooks (form)
Naxwaha sifayneed ee Afsoomaaliga : mugga labaaad (MII) : weedhaynta / qoraaga: Maxamed X. Raabbi. - ASAL: [Somalia?], 2014.
ASC SubjectHeadings: Somalia ; Somali language ; grammar ; textbooks (form)
An-naxwu-Al-waadix : qawaacika luqada carabiga Dugsiyada marxaladda hore. - publisher not identified: [Somalia?}, 2010.
ASC SubjectHeadings: Somalia ; Arabic language ; grammar ; textbooks (form)
Buugga dugsiga sare hilinka habboon / qoraha buugga: Yuusuf X. Cabdullaahi Xasan [written by Yussuf H. Abdullaahi Hassan] ; illustrator: Halimo Hassan Omar. - Iftiinka Aqoonta: [Stockholm],
ASC SubjectHeadings: Somalia ; Somali language ; culture ; geography ; higher education ; textbooks (form)
Erdogan dil : isbar af-Turkiga iyo Englishka. Luqada Eroogan / Qoraaga buuga: Siciid Cali Nuux. - [publisher not identified]: [Somalia?],
ASC SubjectHeadings: Somalia ; Turkish language ; textbooks (form)
Garnaqsi : xallinta khilaafaadka / qalinkii: Axmed Maxamed Aadan (Garba-yare). - [publisher not identified]: Hargeysa, Soomaalilaan, 2019.
ASC SubjectHeadings: Somalia ; Somaliland ; conflict resolution