71960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.
July 23, 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya.
November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay Ogaden markey taariikhu ahayd March 15 1978.
Reference: Somalia History
July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].
Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal ee Afrika** xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.
June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmarke. October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku maraya Laascaanood. [C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969].
Oct 21, 1969 - Inqilaabkii loo bixiyey 'inqilaabkii aan dhiigu ku daadan" ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.Oct 21, 1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey aan qornayn, balse Soomaalidu weligood ku hadli jireen.Jan 23, 1975 - Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.April 9, 1978 - Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. [Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay.*]
Xasuuqii Boorama 30 Jan 1984Sept 1978 - Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).Janaayo 30, 1984: Weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo dadoodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka....Aug 7, 1990 - Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.Jan 27, 1991 - Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.
Caydiid
Cali MahdiNov 17, 1991 - Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas.March 3, 1992 - Qabqablayaashii iska soo hor jeedey ayaa wada saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta.April 24, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad Barre oo dalka isga baxay.Sept 19, 1992 - Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid oo ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta.Dec 3, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku.Dec 9, 1992 - Ciidamada Badda ee Maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo soo celinta".Jan 15, 1993 - Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooyinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen.May 4, 1993 - Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.Oct 3, 1993 - Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo Maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho. Waagii dambe arrintas waxaa laga sameeyey filim la baxay "Black Hawk Down".March 28, 1994 - Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo afjaray.Jan 2, 1995 - Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria. [Siyaad Barre wuxuu noola aintii u dhexaysey 1919 ilaa January 2, 1995]Feb 28, 1995 - Ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntiiciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya.Aug 1, 1996 - Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey.[Caydiid waxa uu noolaa intii u dhexeysey December 15, 1934 ilaa August 1, 1996]
Haamaha Sunta: Waa kuwaa...1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.May 2, 2000 - Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka jabuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in kabadan 2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah.
Dr.C/Qaasim
Prof.GalayrAug 13, 2000 - Waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed. Waxaa dawladaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan, ra'iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr.June 5, 2001 - Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.
May 3, 2002: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aya ku geeriyoodey magaalada Pretoria ee dalka South Africa. Cigaal waxa uu noqday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysey 26kii June 1960 ilaa 12kii July 1960. [Cigaal waxa uu noolaa intii u dhexeysey August 15, 1928 ilaa May 3, 2002].
Oct 15, 2002 - Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.Sept 15, 2003 - Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd. Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah).Aug 2004 - Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay 275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5.
Col.C/Laahi
Prof.GeelleOct 10, 2004 - Baarlamaanka FKMG ayaa C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay Itoobiya taageersan tahay, ayey u doorteen madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.Nov 3, 2004 - Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi.Dec 1, 2004 - Ra'iisul wasaaraha la doortay Cali Maxamed Geedi ayaa dhaariyey xukuumadiisa oo ka koobnayd 27 wasiir.Jan 31, 2005 - Waxaa magaalada Muqdisho ay dabley hubaysani toogasho ku dileen sarkaal Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Hersi Cumar Dhorre, taas oo loo macneeyey in lagu wiiqayey awooda xukuumada cusub DFKMG.
- Midowga Afrika ayaa kulankoodii lagu qabtay Nigeria, waxay ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamada shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari (IGAD) si ay dawlada cusub ee Soomaaliya uga kaalmeeyaan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya. Shantaas dal oo ah: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, iyo Sudan.Feb 9, 2005 - Cusmaan Cali Caato (oo ay hay'adda Reuters ku tilmaantay: Qabqalaha Dagaalka ahna wasiir katirsan dawlada) ayaa Soomaalida waxa uu ugu baaqay in ay weerar kala hor yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dawlada Soomaaliya, ciidamadaas oo ka imanaya dalka Itoobiya ee xurgufta taariikhiga ay ka dhaxayso Soomaaliya.Feb 24, 2005 - Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doorashadoodii kadib markii ugu horeysey ku laabtay Somaaliya, waxayna ka degeen magaalada Jawhar. Waxayna safarkaas kusoo mareen Beledweyne, Galkacyo, Boosaaso iyo Baydhabo.
Xubanaha Baarlamaanka DFKMG oo kuraas isla dhacaya...March 17, 2005: Gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sh Aadan, ayaa kulan uu Nairobi ku yeeshay baarlamaanka DFKMG kaga dhawaaqay in baarlamaanku isku raacay in aan Soomaaliya la keenin ciidamo ka socda wadamada safka hore kadib markii loo qaaday cod far taag ah, waxyar ka dib markii ay suurta gali waysay dagaalna ka dhacay in codka qarsoodiga ah loo qaaddo ciidamadda safka hore in la geeyo soomaaliya, waxana soo xaadiray xildhibaano gaarayay 217 Waxaa diiday safka hore 156, waxaana ogolaatay in la keeno safka hore 55, halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen, sidaas ayaana lagu ansaxiyay in baarlamaanku diiday ciidamadda wadamada dariska la ah soomaaliya. Kaddib waxaa baarlamaanka ka dhacay dagaal feer iyo gacan iyo laad la isla dhacay, kuraasna la isu adeegsadey, qayb xildhibaanada ka mid ah ayaana halkaas dhiig lagaga daadiyey. April 29, 2005 - Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysey u duulay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si uu u xaliyo khilaafka dawlada soo kala dhex galay ee ku saabsan halka ay dawladu degi doonto iyo arrimha la axiriira ciidamada nabad ilaalinta.May 3, 2005 - Qarax ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha Muqdisho (stadium Mogadishu) halkaas oo uu ka khudbaynayey ra'iisul wasaare Geedi, qaraxaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac.
Sh. Xasan
Prof. DalxaMay 11, 2005 - Xildhibaan tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan & Uganda) (iyo carab) la geeyo Soomaaliya . Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan. Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Prof Maxamad Cumar Dalxa.May 12, 2005 - Shariif Hasan Sheikh Aaden oo ah afhayeenka Baarlamaanka KMG ayaa sheegay in uu aadi doono Muqdisho, isla mar ahaantaasna xubnaha kale ee Baarlamaanka ku qancin doono in ay u raacaan Muqdisho, halkaas oo uu sheegay in kulanka labaad ee Baarlamaanka lagu qaban doono. Waxaa si cad u soo shaac baxay kala qaybsanaanta DFKMG ay ku kalaqaybsan tahay meesha ay degeyso dawladu: Muqdisho mase Jawhar & Baydhabo. May 13, 2005 - Midowga Afrika ayaa Addis-Ababa kaga dhawaaqay in ay Soomaaliya u diri doonaan 1,700 oo askari, kuwaas oo ka qayb qaadanaya (ammaanka) dib u celinta dawlada Soomaaliya loogu dhisay Nairobi. Ciidamadaas waxaa habeenimadii Khamiista (May 12, 2005) ansixiyey qaybta Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka. Ciidankaasi waxay ka iman doonaan labaad dal ee kala ah: Ugandha iyo Suudaan. Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, oo marka go'aankaasi dhacayey ku sugnaa Addis-Ababa ayaa sheegay in Soomaaliya aqbashay in ciidamadaas la keeno, isla maalin ka hor ayey ahayd markii Addis-Ababa uu ka sheegay Ra'iisul wasaraha Itoobiya in Muqdisho ay joogaan waxa uu ugu yeeray "Argaggixiso" eedayntaas oo caado u ah Zenawi oo aan marna xusin qadiyada dhabta ah ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo ah: Dhul & Dad ay gumeysato Itoobiya..Jun 13, 2005 - Dawlada FKMG oo bilowday geedi ay ugu guureyso Soomaaliya, kana guureyso Nairobi oo ay ku sugnay 9 bilood: MDFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa khudbad sagootin ah waxa uu u jeediyey reer kenya, halkaas oo ay dawlada Soomaaliya ku sugnayd ilaa markii la soo magcaabay (Oct 2004). Waxaa halkaas kusii sagootiyey madaxweynaha kenya, Mwai Kibaki. Sagootintaas oo lagu qabtay guriga looga arrimiyo Kenya ee loo yaqaan "State house" waxaa goob joog ka ahaa ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali maxamed Geedi, iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG. Madaxweynaha waxa uu u safrayaa dalka Qadar, ra'uusul wasaaruhuna jawhar, baarlamaanka oo la kaladiray (June 12, 2005) iyo golaha wasiiradu waxay u safrayaan gobolada kala duwan ee dalka.June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman. Kulamada la isku soo hor fariisinayo madaxda ugu saraysa DFKMG waxay yemen ka dhaceen (21/6/2005) iyo (22/6/2005), inkastoo (23/6/2005) Madaxweyne C/laahi isaga keligiis uu madaxtooyada kula kulmay madaxqweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax halka Guddoomiye Shariif Xasan uu ku qaabilay qolkii uu ka degganaa Hoteel Taaj Saba.June 30, 2005: Ciidamo ka socda dunida Islaamka oo nabad Ilaalin ah oo loo dirayo Soomaaliya. Sidaas waxaa lagu go'aamiyey Kalfadhigi 32aad ee wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo ay ka soo qayb galeen 54 dawladood oo kamid ah 56-da dal ee xubnaha ka ah Ururuka Islaamka, kalfadhigaas oo lagu qabtay caasimada dalka Yemen ee Sanca, (June 28-30, 2005), ciidamadaas oo ku shaqayn doona magaac Qaramada Midoobey (UN). Waxaa kale oo isla kulankaas lagu go'aamiyey in la sameeyo guddi ka socda ururuka Islaamka oo soo arka sida dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya.Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho. Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa.January 30, 2006: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogey jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.February 11, 2006: Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasan, iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Waxana ay kawada hadlen kulanka barlamaanka ee qorshaysnaa in uu ka dhaco Baydhabo.February 18, 2006: Siddeed qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka "argaggixisada".
3a8082e126