Sadaqo Jaariyah Ceel-biyoodka Weeraar

7 views
Skip to first unread message

ABDULLAHI OSMAN

unread,
Aug 3, 2013, 10:23:24 AM8/3/13
to kab...@googlegroups.com
SCWW,
 
Waxaan idinku salaamay Salaanta Islaamka SCWW, Dhamaantiin waxaan ILAAHAY idiinka baryayaa barwaaqo, badhaadhe, caafimaad-qab iyo cibaado suuban.
 
Waxa dhamaan Reer Axamad ku kala nool dunida dacaladeed lala socodsiinayaa inay ka qayb-qaataan mashruuc Ceel-biyood laga qodayo Degaanka WEERAAR. Mashruucani waa Sadaqo Jaariya, sidaa darteed qofkastaaba wixii uu awoodi karo ha ku hagaajiyo: SHEEKH HASSAN DEHEEYE, TEL: 252-63-4456508, BORAMA.
 
Mashruucan Ceel-Qodista deg deg ayaa loo bilaabi doonaa sababtoo waxaan rabnaa inaan ka faa'iidaysano RIIGA INA UURDOOX oo hadda ceel ka qodaya meel WEERAAR u dhow oo la yidhaahdo DHAGAXA-MADOW, sidaa darteed tagitaanka WEERAAR Gaadhiga Riigu saaranyahay aad ayay ugu dhowdahay, lacagta kiraduna way ka jaban tahay ma uu Borama ka soo baxayo.
 
Walaalayaal waxaan idinka codsanayaa dhamaantiin ama qofkasta oo akhriya emailkan fadlan  fariintan ha gaadhsiiyo dadka REER AXAMAD ka ah ee aad meel wada joogtaan.
 
Walaalayaal SADAQADAN JAARIGA ah u bixi waalidiintaada,Naftaada iyo Caruurtaada in ILAAHAY kuugu xafido, waana tobankii ugu dambeeyay Bisha Ramadaan oo khayr badan ayaa ku jira Sadaqada lala baxo.
 
Maanta taariikhdu waa 03/08/2013, lacagta todobaad gudihiisa ha lagu dhamaystiro.
 
Haddii aad haysaan su'aalo la xidhiidha Ceelkan laga qodayo WEERAAR, fadlan waxaad la xidhiidhaan Sheekh Hassan Deheeye.
 
 
Mahadsanidiin
 
Abdullahi Aw-Ali Osman (Lourie)
Mob: 61 401 000 562
Melbourne, Australia
 
 
 
 
 




 
 
 
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages