waxaa habeen habeenada kamid ah, aan kula kulmay meelaha lagu shekesto
ee aalada Net ka, aniga oo markasto jeclaa in aan galo qolol ka diiniga
iyo tar tanka Qur'aan ka karim ka, ayaan waxaan kula kulmay, qol aan ku
jiray ee paltalk gabar igacodsatay in ay i weydiiso su'aalo badan waana
u ogolaaday, waxay i weedisay magaceyga iyo halka aan dunidan baaxada
weeyn aan kaga noolahay, waxaana ku iri waxaan ku noolahay dalka Egypt,
waxa ay i weeydiisay waxa aan ku haayo egypt, waxaan u sheegay in aan u
joogo in aan ku dhamesto leeman, waxaa ay i wediisay wax xariir ah in
aan lee yahay, waxaana sida runta ah uga waramay in aana leheen wax
xariir iyo reerba, waxa ay iga codsatay in aan xariirno weliba aniga oo
xaqiiqda ka hadlaayo, sida runta ah aniga ma ku xeel dheeri isticmaalka
Chaat roomka iyo qaab kiisa shukaansi, mana ihi sida aan maantay ahay
oo aan qisada daabacayo, sida markii aan is baraneeynay gabadha, waxaan
meshii ku gaarnay go'aan kaas oo ahaa indho aan ayada eheen in aana
yeelan waqti kastona aan kulano,
waxayna ii sheegtay magaceda oo ay itiri IDIlL iyo addres ka wadanka ay
dagan tahay iyo weliba Tel keda, intaas kadib waxaan u bandhigay
gabada, in aana xariir siin karin ilaa ay ayada soo bandhigto waxa ay
codsaneyso in ay hesho, waxaana ku xujeeyay in ay isoo wacdo isoo
xariiriso mar kasto, maadaama ayada ay horeyso intaa ka dib waxaa na
dhex maray xariir maalmo socday, kadib waxaan u diroba waa ay sameysaa
tilaabo kasto oo aan ka codsado in ay ii sameysana waa ay ii sameysaa,
ayada oo sawiradeeda iyo hadiyado Romanceba iigu soo dirtay posto
fariimo badan oo aan hada qori doonona iigu soo dhiiibto live ahaan,
aqristoow gabadhu ilaah waa uu ka dhameestiray dhan walbo, indhihii mar
eegaahina dib u ma jalee caan, dhibaatooyinkan ziyaada da noqday ee
maantay jira iyo sida ay maantay beenta iyo dhibatoyinka ay u jiraan
uma jirin xiliga aan la kulmaayo gabadhaas, mana aysan eheen dhalinta
maantay sida ay ugu cayaaraan caashaqa iyo xariirkaba markaas aan aniga
gabadha baranaaye,
aqristoow hadal badan haan ma buuxsho, waxaan gabadha kala kulmay, wado
kasto oo rumeyneysa xariir keda, kana dhab shegeso qalbigeda,
aqristoow, waxaa tahay ibnu aadan waxaad leedahay dareen, aan is celin
karin mar hadaa hesho wax aad is ledahay anfac bay lee yihin, waxaan
qalbiga si sugan oga soo gooyay in aan helay qofkii mustaqbal keyga,
ayada oo aan dhan walbo ka eegay dibna aan u raacay dabcigeeda iyo
qiimenteda, iimana soo bixin wax aan ehen 100 %, aqristoow, nin meelu u
cadahay meelu ka madoow, waxaa si lama filaan ah iigu baaxay iiguna
saaqay ka helitaan aan u qaaday gabadha, aniga oona jecleen marka ay
iga soo dib dhacdo, isla markaana aniga aan galaayo waqtiga aan la
balan sanahay sacad ama labasaac ka hor, mudo markii aan wada soconay,
ayaa waxaan gaaray in aan dhibsado kista yarta ay iga soo daaheyso iyo
mararka qaar oo card ka telfonka ay igu soo weceyso oo yaraanayo, ayadu
waa ay danesataa, waa ay sahqeysata, waxna waa ay barataa, ana waa ii
daney neysa , oo aniga dartay waxay u gooynyesa mararka qaar
howleheeda, aqristow, waxaan si dhab ah u jeclaaday gabadhii, IDIL
waqti kasto waxaan dul taaganahay INTER NET ka , miir aan IDIL eheen
malihi, hadal aan idil eheena iguma socdaan , gabadhii aan arkaa ama
aan maqlaa waxay iila muuqataa IDIL, aqristoow, waan seexanayaa oo
weliba gam'ayaa waase su'aale miyey riyadeedu i deyn.? waa riyada mida
aan ku farxo, mida aan ku salalo, habeen walba ku hadraayo,waqti walbo
aan u dul taagnahay halkani, way i daashatay si aad ah weliba, xusuus,
sheeko & hadal-ba ayada ayaa ii noqotay, waan ka fekeraa mar walba,
aniga oo wax walba ka hormarinaya raali ahaanteeda waxaanse qalbigayga
kula yaabanahay sida ay ugu weenaatay IDIL waxaan mar kasto oo aan u
xiiso oon la har sanwaayo aana la hoyaadi waayo dabka ka shidan
qalbigayga, waxaan isku sa sabaa ayada oo offline ah in aan Message u
dhaafo aniga oo leh
Ka: Tinish yare
Ku: qalbigayga nuur kiisa IDIL
iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha
maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux,
hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan
tusalaaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag,
adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa ,
salaan kadib honey marna ha u maleyn in, inta aad iga maqan tahay in
aan moogahay xusuustaada, markaan ku garwaaqsadana waa damqashadii &
halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa
qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa, waa qalbigeygii
aad wax walba u aheyd,waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad
xubnihisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oow niyada kugu qabto
ku la kulmi jiray asiga oo wax kasto iyo hurdo kasto ka hor marinaayo
kulan kaaga iyo balan kaaga ,IDIL gacaliso waxaan ku Jeclaaday, Jaceyl
aan qof sidaa loo Jeclaan, waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn
oo uusan walaal u hibeyn walaalkii ama aabe uusan u hibeyn wiilkii,
been kuuma sheegin weligey, naftuna waxay ku talax tagtay Jaceylkaagii
oo mar walbo aan niyada ku haayo,aqristow, mudada aan IDIL la socdo waa
mudo ku dhawaatay 1 sano intaasna weligey dib u dhac iyo been balan ka
bax iyo wax keeni karo qilaaf kuma aana arkin, aniga majirto wey aan u
dib dhicikaro maadaama nin wax jecladay aan ahay, isla markaasna
maantay asiga aana awoodin in birta loogu dhifto, mar kastona waxaan ka
dadaali jiray been iyo is badal in aniga la iga helo aniga oo kalsoni
aan ayada ka sameysanaye siiyay baswer ka magaceyga iyo wax kasto oo
INTER NET oon ka is ticmalo oon heysatyba aan farta ka saaray, si ay
ugu cadaato in aan kili u ahay, anigana waxaan la ama kaag sanahay,
riyada aan ku jiro iyo mar walbo sida aan ugu dhoho hadalada macan, si
ay iigu dan qato, waxaana iraahdaa xili kasto waxa ay iga mudan tahay,
aniga oo macaanka aan u qabo malinba malinta ka danbeyso oow igu sii
kor dhaayo, aniga oo leh ,
IDILey dhaayahaaga buluugga ah dhabanadaada guduudan
timahaaga dhuxusha ah ilkahaaga dhalaalaya
dhabarkaaga toosan iyo dhexdaadan la qoraan
IDILeey la dheygagay dumarkaad wax dheertahay
dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa
dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii
yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine
murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo
maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo
dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana
qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa
dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,
dhadhan waan ka go'ayoo, hurdo dhinac ma seexdo
adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin,
intaa iyo in ka macaanba kama daalo in aan la xariiro IDIL, isla
markaana uu ugaaro xariir kena weynaantisa labada dhinacba, isla
markaana aniga laftayda aana qabin wax shaki iyo dhib aan ku qabo
xariirka IDIL, isla markana aysan jirin wax aniga xageyga ka imaado oo
dhib ah, oo keeni kara in aan niyad jabo, run ahaanti mana awoodo in
maantay dhib aan kala kulmo IDIL maxaayeelay waxaan ka jeclaaday wax
kasto oo kasoo haray allaha abuuray adunkaan iyo rasuulka usoo dirsaday
iyo kitabkisa ,
Idiley wad iyo calaf waxaan ahayn,inay nakala weeciyaan jacaylkeenaa
kaweyn,waqtiga wuu soconayaaye,inaan wiigba ceyn ahaano jaceylkeena aa
kaweyn, koley wadnayaal israacey,waxaa weerara was waas,wax kastoo oo
nagu yimaado,ma wiiqaan jacaylka-oo,jacaylkeenaa kaweyn, nafba waxaa u
qaali ah qoftii ay jeclaatee, nin uu caashaq qalaayana sir maqarin
karaayee, indhuhu quusan maayaan waanada maqaataan talo kuma
qancaayaane , qallaa layga marayaa qiiq baa leygu shidayaa hadana waa
qar qarayaa oo waa qaboo babahay , qeys baan ladiris ahay qabri baan ku
dhawahay,
gacalisadaan jeclaayeey,guud ahaan adduunyada
adaan kaa garwaaqsaday,gaduudkaaga dhiinka ah baa
gebigeey isaaqay
axdigii hagarabmarin Guursanmaayo inan kale
god inaad gasho mooyee Ama aad igoysaa
garaadkey wuxuu isiiyey guur inaan yagleelnoon gurigeey ku geystoon
gogol kugula seexdo Ee gef miyaa gacalooy?
intaa hadal iyo af macaani ee aan gaarsiinayo, aqristoow is ma dhihin
hal marna ma dhici karta in qofkaan aad cal fan weyso, ma dhici kartaa
in aysan eheen mida aad kula dakeyn doonto dunida dusheeda, mar kasto
oo aan dad aan ka maqlo naagu waa sir kaliya, waa dabin xun yihin,
naftayda, waxaan ku sa sabaa, waxa beenta iyo boro bogan daha isku
sheego e caashaqa beenta ahna isla dhiso in ay yihiin wax islaam nimada
iyo imaan kuba uu ku yar yahay, xikmaduna waa tan oraneyso, Tilaabo aan
loo dhalan lextaako ma dhaafto , sidaa darteed anigana waxaan aamin
sanahay beentu in ay raad gaaban tahay, qof mudodaan aan is wadnona in
aysan waqtigaas oodhan aysan been iyo lug gooyo aysan ku bixineen,
sidaa darteedna aana dhag u dhigin dilaaya yaasha caashaqa oo markasto
noqon karo afka saxibadaada iyo bulsha daada ayaga, oo inta badan ay
jeceyl yihin in ay kaa booriyaan sida aad isku raacisay , lakin laba
kala bariday kala warla , waxa aan dha dhan sanaayo, iyo macaanka aan
qabo ma ay u jedaan hee!!!
ana kama daalo in aan maalin kasto diro E-mail kii la iiga bartay,
aniga oo E-mail ka aan diro usan u ekeen kii shalay aan diray, waloo
meel yar xitaa aysan iska soo galin, ee uu yahay maalin kasto Message
aan diro mid kasoo go'ay qalbi macaan iyo dareen caashaq leh, waxaana
iraahdaa markasto oo aan fariin u diraayona hadalo la jeclesan karo,
hadaa aqrisana aadan is celin karin hadaa wax jecesha hay ama lagu
jecel yahay,
Idiley dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay
diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay
waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan
diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo
ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo
ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo
haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey
daa'inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa
deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo
aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen
hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay
jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo
Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon
duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy!!
muduo markii ay ka soo wareegtay xariirkeeni, waxaa habeen habeenada ka
mid ah ay iga soo wacday tel ka, ayada oo igu leh waan yara mashqulay
baby sorry ma aana kuu soo sheegin, hoolbaan ku mashquulo, maba aana
joogin xaafada iyo halkii aan ku kulmi jirnay, dhib uma aana arkin is
badalna uma aana dareemin, balse nin aanwax ogeen alle ma cadaabo,
Tinish waa nin wa hore laga tashaday, mudo kadib ayaan soo baraarugay,
oon iri saan shaqo kaliya mahanee waa maxay fitnadan imaatay, oo honey
aad u maqli la'dahay waxaan u diray Tel waa ay iga qabatay lakin ma
calfan in ay ila hadasho markii ay maqashay codkayga, ayna fahantay in
aan aniga ahay, hoosha waxayba u badashay Anser meshin oo la igu yiri
IDIL ma joogto wixii fariin aad u heyso halka ugu dhaaf waxaa igu
baryay waaga waxaan is iri shalayba markii lagu rabay mala weynin waqti
iyo firaqo fariin la igu soo gaarsiyo mana jirin tel la iigu xiro
mashin ama la igu dhageesto, ee maantay marki la iga daba tagoo la
ogaaday in aana ka maarmin miyaa waqti la'aaniyo broblem imaaday,
waxaan fikiray E-mail baadi goob ah in aan udiro islma markaana aan ku
ogaado halka fitnada ay ka socoto iyo cida mas'uulka ka eh , aniga oo
leh ,,
walaaley sanku neeflaha oo idil,
Intuu Alle uumay, subaxaan tii ugu sarreysay
samaantii u dhalatay suuraddaada wacaniyo
Sidii qaabkii xuurul cayntii,
sunniyaha indhaha iyo sanqaroorka shuban, iyo
sinnaanshaha ilkaagiyo, si markaan u eegaba
In leygu saaqay ma ogtahay, suntii jaceylkaa I gaartoo
seben hore I haleeshay, hadaadan I saacidin
caashaqa si wanaagsan aadan iila qaban
maxaa ii danbeyn doono ?
aduunkaanu joogno hadduu qof ku amaano
abaal uu kuu galo Lama ag maro,
asaagey ayaad tahay, Ifka aan ku jeclahay
dadkaan kaa ishaartay kaa arkooday dumaro koo idil
Ee daadka caashaqaa Igu beertay,
afka ka awoodi waayey uurka siduu tebaayo,
aduunyada Illaaheey marba waa ayaan si ah
aadamigu sidiisana qofba waa ayaankii
mar buu anfac leeyahay !!
mudo markii aan aqbaar ka waaye IDIL anigana aan u xiiso qabo baa,
waxaan maalin maal maha kamid ah isku aragnay MSN ka, iyada oo igu
qancineyso in ay hooyo xanuun satay isbitalna ayla gashay waxaan ahay
ruux ubaahan gabadha, qalbigedana aan ka maarmin, ma awoodo in aan
xanaaqo, ma awoodo in aan qalbigeyga nabsi aan ka galo, oo xumaato iyo
is fahandaro aniga iga timaado, uu ku waayo gabadha waqtiga dheer uu u
dhafraaye, una duleesnaa, waal kiisan ku iloobay, isla markaana aana ku
dhihin wax xanaaq leh iyo cuqdad iyo edeeyn intaba, ee waxaan ku qancay
warkii ay igu tiri balse waxay iga diiday wax aan ka codsaday, waxaan
ku iri baby isma aana maqlin ku dhawad 5 week, taasna waa ii ayaan
daro, waxaan ka codsanaa in aad isoo wacdo hada, marka aad qadka ka
baxdo, lakin waa maalinti iigu horesay ay igu tiri hada anaaba kula
jogaa he maxaa ku falee Tel, waa filin iyo fitno bilow geed aniga oo is
dajinaayo baa waxaan ku iri honey, halkani waa qoraal sida aad ka ahina
iskuma dareen siin karno dhawaca yada jaceyl, daawoyinkooda ee isoo wac
waad ku qasban tehee,aniga saas waxaan u leeyahay waxaan heystay,
kalsooni la igu maqlo, codsigeygana lagu tix galiyo, lakin nin waa hore
filin kisa la laabay in aan ahay isma ogi , si kaftan ah lakin aana
kaga baran iyo fara kacayaar bay igu tiri bro ma haayo waqti aan kugu
soo woco, lakin waan ku soo wici doonaa !! hadii alle musiibo kula
maago waa gooni lakin waxaan la yaaba nahay wajigan qarsonaa ee caawa
soo if baxay, si naxdin iyo dhidid leh baan ku iri honey
Go'aan aynu gaarnay hadal aan guntiisii kuu soo gabagabeeyay goormuu
gefkani dhacay, guul baan filayee godol baan ka sugayee goormad fitnada
ulabisatay , miyuu guray wanaagii..? ma adaa gooyay nabadii.? mise
nacab gur-guurtoo godobteena jeceloo ina kala gudbinayaa jira, anna
geerideydiyo guul darrooyin ila raba, adna gacan shisheeyiyo in aad
guurba seegto guumowda kula raba, si qosol leh oo ana kaga baran IDIL
in ay ii isticmasho aniga ay tiri loooolkkkkkkkk
waad hadleysa weliba waxaa ku fiican tahay in abwaan lagaa dhigo bro
aniga waan fikiray weli sidagan oo tar tiib ah aan u fikiray, waxaana
ii soo baxday in aana is haleyli karin maxayelay aniga waxaan rabaa boy
friend kayga in uu akta iga fadhiyo kol kasto oo aan isku baahano mana
awoodo intaan ka badan in aan ku sii lug gooyo , ee sorry bro , waagaa
igu bar yay lug gooyo iima harin meesha Bomka uu iiga qarxaayona ma
ahan gurigayga iyo ayada horteeda midna ee waa Net Cafe oo umado badani
ay fadhiyan hareeraheyga, ku kasto oo isoo eegana ilmadeyda wuxuu
yiraahdaa madhibaa lagaaga soo shegay reer kii muqdisho, lool cidoo
dhan haday dhintaan oo ay dhamaadan ma u maleenayo sida duul kan
ilintisa ay ii xanuujisay in ay ii xanuu jineyso uurka, lakin aniga oo
hadlayo misana isleh kolba way ku tijaabine oo dumar qayanadii lagama
salgaree inaa iska ordeyso iyo in kale ay tijaabine naagu wa balaaye ee
is celi baleey kuu danqataa , markaas ayaan waxan iri
IDiley dooqiyo jaceylkuba dadka wey wadaagaan,
damac iyo xishoodna dumar lagama waayo,
diintiyo qur'aankuna culimadu ma deyso,
anna doonistaadii kama daallin inanyahay,
Inaan kuu dandaranahay adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?
IDiley cowsha duurka joogtiyo , dugaagiyo waraabahaan
maalmahan la deris noqday , waan daahayaayoon
waan duulayaayoon ,adiga kuu duleysnahay
degenaanshihii diidayoo ,cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin ,ama dooqu xumi ku gelin
maxayna kala dareershay?.
waranka duxdiisiyo , waxa adiga kuu daran
anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
marhadii alle wax kula doono ama garab kaaga oow ka boxo umada uma ekid
qofkii naxaris iyo af macani iyo danqasho cashaq iyo darenkisa iyo
suntisa in aana lagu ca cayaarin iga waanin jirtay ee weligeed igu
dhihi jirtay sida aan kuu jeclaaday aadane koonkaan joogo ee aan u
jecladay maleh ayaa caawa aqristow waxa ay igu lee dahay bro iga rali
noqo!!!!!! runti aniga saxib wan lahaa lakin adiga marka aan ku
baranaaye asiga ayaan ku xumeenaaye oo qilaaf inoo dhaxeeyay, hada
markii aan heshiinayna adiga waxaan diidaaye in aan muraayada kaa
jabiyo maadaama aan ogahay in aad Zaa'id ii jecesha hay, marka saas
ayaan qadka u soo gali waaye, weliba saxibkay ayaan farimaha adiga aad
soodirto tusay aqristayna, marka bro adiga waxaa tahay qof muhim ah qof
fiican bro nabsi in aan kaa galay, oo aan qalad kaa galay oo aana cafis
leheen waan ogahay, lakin bro aniga lafteyda waan iskaga kaa
ciyaaraye!!! oo saxiib kay xarash aan u haaye ayaan adiga kaala so dul
dhacay ee bro wax aan sameyona ma kasaayo weligey haben kuma sexan
jaceyl aan adiga kuu qabo intaas oo waqti aad igu lumisayna ka raali
noqo!!! runti ma jeclen in aad dartey u waalato ama u noqoto mid ka
dheeraado jaceyl kiisa runta ah dhib aniga aan kuu geestay dartiis, ee
bro waa iska caadi waa iska aduunyo ha u bixin, intaas marka aan
afkeeda ka maqlay,!!!!!!!
aqristow maxaa ila gudboon in aan sameeyo?
aqristoow qofkani asigana waxa uuba taagan yahay waan kugu tijaabinaye,
oo cayaar bayba iga eheed ana waxaanba taaganahay saacad dharka hadaan
tuurana, aan u heesto in aan weli xaragonayo, lakin waxan ku iri
,,,,,,,,,,,,
idileey ogoow irid baa furmeysa, nasiibkaa isxaami ilaa aakhira
saacaha, Ifkaan kuugu jeclahay, inaan ku waayo waa ii ayaandaree
,inteed joogtaa kuu ooyaye,
Inteed joogtaa kuu ooyaye, ilmadu iga qubatayee ,Ideecadaha aduunka,
akhbaaraadka cusub Ogeysiisyad iyo wararka, isgaarsinta caalamka
Joornaalada afka dheer , ee abaara runta ,aaladaha internetka, web
siteyada emailada iyo Chat inka lagu qoro afaraha Romance iyo Is araga
MSN ka, miyaadan ka akhrinin ereyadeyda Jaceyl ,Inaan wacadkii
iloobinoo, wali kuu oomanahay, Adigoo kala laguma uumin aduunkee, mana
arki doonee ololkii caashaqa ee oofaha i gooyay, miyaadan ii ogeyn,
axdigiyo jacaylka ururada caashaqa ee aduunka ka jira ajendaha ay
qoreen asxaabtii la aasey ee caashaqu idleeyey ,abwaanada wax alifee
suugaanta abuura miyayna ku ogeysiin inaan wacadkii iloobinoo wali kuu
oomanahay ,,
Ifaalaha jacayl ubixii aan beerey, udgaayee carfaayay Idiley magacaa
amaan iyo aamin ilaaliye dhaartii wadnahayga aamin ii iftiinshe
aragaaga, adimihiyo xubnaha Diidey iney irdheeyaan axdigii adkaa igu
yiri aduun iyo aakhiro iilkii xabaasha asxaabteyda runtaa oon
taariikhdeyda iloobeyn miyaysan Ku ogeysiin inaan wacadkii iloobin oon
wali ku oomanahay, aduun waa calaf ogow dartaa ama aduun ama aakhiro,
aqristoow ma garanaayo cid aan nabsi ka galay si aan ugu duceysto, waan
hurdaa waana soo jeedaa IDIL darteed, misna waan socdaa aniga oo aanan
garaneyn halka aan u socdo, waana ka haraadsanahay wax kasta oo aan
cabo, mana garanaayo waxa aan ku oon bixi karo, mar hadaad garab keyga
ka baxday waxaanse qalbiga ku hayaa alle in uu u adeego adoomadisa
masakinta,
waxaan dareemayaa in aan ahay qof si wax ka yihiin, gocoshaduna ku weyn
tahay, waxaan qirayaa in aan qalbiga kugu qoray, laabtana kugu sawiray
la'aantaana nolosha ay san ii dha dahmen, in kastoo igu tiri wax aana
kaa astaahilin qof muslin ah kugu dhaqan iyo diin ah na aan lagu
dhihin, lakin nabsi waa kii soo if baxaa ana nabarka aad igu dhifatay
waa mid xisaab tisa ay imaan doonto !!!!!!
aqristow xayi adag ma ihi, xabaal weli ma gelin, waan xanuunsanahoo
xigto & dadkii ma xushmeyn karo, xishood waan ka tegay, xad dhaaf waali
& nin xir-xiran ma'ihi tii aan xusahana xero dhaaftaye, maxaad igala
soo doontay asal kaagii hore qalbi meelesan, maxaadse caashaqa qoobka
cayaarka iigu dishoo miraayadeyda ugu qarxisay , maxaadse qalbi aadan
ii heynin iyo niyada iiga dhigtay mid ii baahan, jaceyl aadan ii qabina
maxaa iigu beertay, mise filin ayaad dhigeysay oo qarash baa kuu
socday, mise Sheeko ayaad igu alifeysay, mise Musal Sal ayaad
sameyneysay mise Entertaimanti wax eh ayaad i mooday aniga miyaadan
ogeen Romance gu in loo jiisobo loo sakaraaday duulal badanina naftu ay
u wayeen, mala socotaa nabsiga aad geesatay sida aan unoqday mase u
jeedaa xaalka aan ku suganahay mise dareen santahay. IDIL maalin ima
soo marto illaa waan ooyaa adiga owgaa lakin dhibkaad hor marsataahi
waa ku kuu danbeeyo ee
IDILEY miyaadan rabi leheen oo beer danqadaahi kugu oolin ?!!!!!!!!!!
aqristo meel kasto ood caalamka ka joogtaan, qisadan xaqiiqda ah ee aan
farsamo iyo caqli isku tagay ku imaan ee qof ay si rasmi ah live ay ugu
dhacday qalbigisa oga qoray, waxaan aqristow idin kaga digaa Dad kaan
badalmay iyo duun yadan halow day ee qabiil kiyo aanfada u ban baxday,
ee lug gooyada iyo dhibaatada u istaagtay,iyo dumarkaan ibtiloboo
hawadooda raacay, in dhalin yarooy imaankiniyo qalbigiina aysan aan
fayninee, oodnaan u dayicin mustaqbal kiinee oodnaan isa siininee ood
ka digtoonaataan hagar daamada haweenka maantay jira, si aad naan ugu
dhicin dabinka an ku dhacay iyo sida aan ku suganahay maantay,
dhibaatoyinka Singal Mum iyo Girl paltalk ku jirto iyo Chat rom I.W.M
ee ka danestoo dantiina aqoon sadoo nin walbo mehradii loo dirsaday
haka faa'ideystoo ha iska yiraahdo niyada dib baa loo noqon donaa oo
xal iyo daganaasho waa soo car fayahe maxaad qabsan doontaa, maxaadse
ku nolaan doontaa mustaqbal ka soo socdo, ee caashaqan qawda maqashii
waxna ha u qaban ta ah iska indha xiroo iska dhaga tiroo danahiina
muhiimka ah ka raacda.
anaa go'oo firinbi igu yeroo i aamino tilbada i qabsatay adigaba way
kugu soo socota, dhilinyaroy is jiroo maankiinana celiyoo dadbaa
hortiin caashqu aan feyoo ibtileyee baan dheeyay awgiise lana il daran
ilaa maantay ee taarikh yesan ku qabsan adoo indha ku fiiqan yihina ha
iska dhigin nin aan wax ogeenee...
waxaa ay qisadan ka dhax dhacaday wiil iyo gabar kala joogo Egypt iyo
Holand
waxaa qoray sameyayna iskuna daba riday isla qoraga ay qabsatay qisada
Tinish Yare