Saacad walba waxaan tamanniyaa dhimasho Shallaaytaydee ma dhasheenaa,
shallytadaydee la ima abuureenaa!!!!! maxaan sameeyaa wareer baan ku
sugnahaye wax walboo agtayda ah waxay soo baxeen waxaan mibna lahayn
dhadhanna lahayn.
Labadaydan gacmood ayaan ceeb ugu soo jiiday naftaayda iyo qoyskayga.
Waxaan ceebeeyey ninkayga iyo caruurtayda waxaan dumiyay gurigayga. Wax
walba waan ood i tiraahdaan waan xaqsadaa. Magac walboo xun iyo tilmaam
walboo xun ood igu tilmaamtaan waan istaahilaa, nacas dabaal caqlilaaw,
hawa raac iyo iyo iyo.
Run ahaan wax walbood igu sifaysaan waan ahay. Laakiin qof dib ii celin
kara oo soo sixi kara waxaan qalad sameeyay ma jiro mana idinku jiro
qof i caawin kara. Sheekadaydu waxay noqotay waxaan ka noqosho lahayn
wayna gashayna buugga taariikda.
Sheekadayda ayaan soo hordhigayaa Gabar walba oo Muslimad ah oo
isticmaasha INTERNETKA si ay calaamad ugu noqoto iyo ilaalin iyo si
aysan ugu kicin axmaqnimada aan ku kacay iyo si ay ugu caqli qaataan
kuwa caqliga leh.
Sheekadaydu waxay ka bilaabatay gabar saaxiibtay Gurigeeda. Maalin ayay
gurigeeda igu marti qaaday saaxiibadaay waxay ka mid ahayd kuwa
internetka isticmaala inta badan. Waxay bilowday inay intenetka wax iga
barto. Muddo 3 bilood gudaheeda ayay wax walba oo ku saabsan internetka
igu bartay waxay i bartay chat roomyaashoo dhan waxay kaloo i bartay
sida wax loo baaro iyo sida loo raadsho web site yaasha cusub iyo
kuwooda wanaagsan iyo kuwooda xunba.
3daas Bilood gudahooda ayaan waxaan ninkayga ku qasbay inuu internet
guriga soo galiyo. Aad ayuuna oga soo horjeeday arrintaan illaa aan ku
qanciyay inaan daal wayn dareemayo maadaama aan ka fogahay ehelka iyo
asxaabtaba, waxaana xujjo oga dhigay inay saaxiibaday wada isticmaalaan
internet, halkaasna aan kala sheekaysan karo internetkuna nooga lacag
jabanayahy Telefoonka. Wuu ogolaaday dagaal badan ka dib asagoo aniga
ii naxariisanaya.
Waxaan bilaabay inaan maalin walba saaxiibaday kula sheekaysto
Internetka, ninkaygiina waa iga istareexay wax dacwo danbena igama
maqal wuxuuna qirtay inuu ka istireexay dacwooyinkaygii. Mar walba oo
uu ka baxo guriga sidii wax waalan baan internetka ugu ordaa, waan hor
fariistaa anoo saacado badan maalin walba ku jira.
Waxaan bilaabay inaan jeclaysto inuu maqnaado wax yar markuu sii
maqnaadana waan u xiisaa. Ninkayga waan jeclahay marna ninkaygu iskuma
kay ladin wax walbana wuu i qabtay dhaqaalihiisuna aad uma fiicnayn
markii la garabdhigo walaalahay iyo saaxiibaday, wanaagayga ayuu
marwalba ka shaqaynayay. Maalmo badan markay tageen ka dib waxaan
bilaabay in internetku uu noqdo meesha kaliya ee aan ku dareemo
farxadda. Waxaana bilaabay xattaa inaanan xiisayn inaan ehelkay u safro
oon u safri jirnay labadii wiigba mar.
TOEFL: Toefl official website
SAT: SAT Examination
GRE: Graduate Record Examinations
Sida loo sameeyo websiteyada
Mar walba oo uu ninkaygu guriga ii soo galo si dagdag ah ayaan u
damiyaa internetka taasoo uu qariibsaday lana yaabay, ma uusan iga
shakisanayn laakiin wuxuu uun doonayay inuu arko waxaan ka samaynayo
Internetka. Laga yaabee inuu dareemay masayr ka dib markuu i arkay anoo
maalin ku jira Voice Chat "qof kula sheekaysanaya cod ahaa"
isticmaalaya mikrafoon. Markaa ka dib ayuu bilaabay inuu i canaanto
asoo leh internetku waa wax balaaran waxyaalo badanna laga faaiidaysan
karo, maad ka baratid luuqadaha iyo sida loo sameeyo website anfacaya
dadka ood iska daysid waxa maalaa yacniga ah ood waqtiga isaga
dhuminaysid, ka dib waxaan isku dayey inaan ka faaiidaysto internetka
mar danbana aanan galin chat roomka "Qolalka wada sheekaysiga" inaan la
hadlayo walaalo iyo saaxiibo mooyee.
Waxaan ka tagay tarbiyadii caruurtayda waxaana u daayay khadaamaddda
guriga, waxaan garanayay waxaam xafiday waqtiyada uu ninkaygu shaqada
dhammeeyo gurigana ku soo aadanyahay si aan u damiyo computerka oo
uusan iigu arag anoo ku mashquulsan chatka.
Waxaan si aada u dayacay naftayda. waagii hore aad ayaan isu qurxin
jiray sida ugu qurux badanna baan u labisan jiray intuusan ninkaygu
shaqada ka soo laaban, internetka ka dib waxaan bilaabay inaan tartiib
tartiib naftayda iyo ninkayga iyo caruurtayda u illaawo illaa aan
dhammaan wada illaaway, waxaana bilaabay inaan samaysto cudurdaaryo
beena, sida:- imaadan sheegin inaad waqtigaan soo laabanaysid ama
waqtigaagii baad ka soo hor martay iyo kuwa badan, waxaan aad ugu
mashquulsanaa internetka illaa aan gaaray inaan soo kaco ka dib markuu
seexdo oon galo internetka dibna sariirta ugu laabto intuusan soo
kicin, laga yaabee inuu dareemay internetka waxaan ku hayyo inay tahay
waqti dhumis ee aanan waxba ka faaiidaysanayn, laakiin wuxuu iiga
dhimrinayay kalinimada maadaama ay ehelku iga fogyihiin, asna shaqo ku
mashquulsanyahay, balse waxaa aad u dhibayay ihtimaam la'aanta aan u
hayya caruurteenna mar walbana wuu igu canaanantaa laakiin hubka aan
isku daafaco ayaa ahaa oohin iyo inuusan ogayn waxa guriga ka socda
intuu ka maqanyahay, see baad saas ii oran kartaa.
Aan soo gaabshee Internetka intaan guriga la soo galin ka hor ninkaygu
marka uu guriga ka maqanyahay waxaan wici jiray tobannaan jeer inaan
maqlo codkiisa oo kaliya haddan internetka ka dib inaan is maqli wayno
oon waco maraan dan wayn aan ka leeyahay oo kaliya.Ninkayga waxaa ku
dhalaashay masayr wayn oo uu u qaaday Internetka laakiin masayrkaan
waxaan kula dagaallami jiray boohin iyo sirta haweenka iyo xeeladda
wayn een u leenahay qancinta nimankeenna.
Sidaas ayay nolosheennu ahay muddo ku dhow 6 bilood marna kuma soo
dhicin ninkayga maskaxdiisa inaan si xun u isticmaalo internetka.
Mudadaas 6 bilood ah ayaa waxaan calaaqo wayn na dhex martay magacyo la
soo toobal caaraystay "Nick Names" aanan garanayn inay niman yihiin iyo
inay naago yihiin toona, qof walba oo chat ka ii soo gala si uu iila
sheekaysto ayaan la sheekaysanayay xattaa anoo og inuu yahay nin waxaan
la sheekaysanayo. Waxaan ka dalbanayay inay iga caawiyaan computerka
wax badan ayaan ka bartay oo ku saabsan internetka. Dadkaas mid ka mida
ayaa calaaqadeennu aad u waynaatay sababtoo ah wuxuu xirfad wayn u
lahaa internetka, mar walba waan la sheekaysanayay dhib walba oo iga
soo waajahda computerkana asaan kula ordayay ilaa uu kulankeennii
noqday mid yawmi ah oo maalin walba ah. Waxaan jeclaaday sheekadiisa
iyo kaftankiisa xiriirkeennu inuu sii waynaado ayuu bilaabay maalinba
maalinka ka dambaysa. Aniga iyo ninka lagu magacaabo ????? kuna
naynaasan -hebal-arrin wayn wayn ayaa na dhex martay wuxuu igu
kaday hadalkiisa malab ka ah erayadiisa jacaylka eed moodo inuu buug ka
soo xafiday, laga yaabee in erayadiisu aad aysan u qurxoonayn laakiin
shaydaan ayaa malab ii mariyay iiguna qurxiyay si xadka ka baxsan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu iga dalbaday inuu codkayga maqlo wuuna
ku adkaystay dalabkiisa illaa uu igu handaday inuu iga tagayo iskayna
mootin doono, waxaan isku dayay inaan hor istaago dalabkiisa kana
dhaadhiciyo inaanan awoodin laakiiin waan ku guulaysan waayay. Meel
dhexe ayaan isugu nimid waan wada hadlaynaa bishardi inay noqoto hal
wada hadal mar danbana aanan wada hadlin, taleefoon namarradii ayaan is
dhaafsannay, waan wada hadlnay anoo walwal wayn iyo cabsi igu jirto,
laakiin hadalkiisu aad ayuu u macaanaa, waan gariirayay marwalboon
maqlo codkiisa waxaan ogaa inuu shaydaan sadex nagu ahaa iina
qurxinayay arrintaan, lana dagaallamayay dhawrsanaantayda iyo
akhlaaqdayda iyo diiintayda intii ka dhimmanayd. Halkaan ayayna ka
bilaabatay noloshayda daba gadoonkeedu, qof walboo akhriyaa sheekadaan
wuxuu oran in ninkaygu yahay qof dayac badan maqnaashana badan laakiin
arrintu waa caksiga shaquu ka soo bixi jiray saaxiibadiisna in badan ma
aadi jirin aniga awgay iyo kalinamada oo uu ila nacsanaa.
Maalmo badan markay soo wareegeen ka dib oon macallimad ku noqday
Internetka oon maalin walba ku jiri jiray 8 saacadood ilaa 12
saacadood, waxaan bilaabay inaan karaahsado ninkayga joogitaankiisa in
badanna aan taas ku cataabo kuna boorriyo inuu waqtiyada shaqada
badsado galbihiiyoo kale uu shaqeeyo si aan oga baxno daynta is
fuufuushay ee nalaku leeyahay, run ahaanna hadalkaygii ayuu qaatay
saaxiib ayuu mashruuc yar kula noqday shirko, markaa ka dib saacadaha
aan Internetka ku jiro intii ayay ka sii bateen.
. Taariikhdii Imaamul Bukhaari
. Taariikh-dii Imaamul Muslim
Quraan Siiro Saxaabo Salaat Zakaat Halal Hajj isxisaabi
. "Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay
Nafkale!"
. Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna [Qabtii 2aad]
. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah
. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda
Calaaqadaydii aan ninkaan internetka iska baranay la lahaa ayaa sii
xoogaysatay, wuxuuna bilaabay inuu iga dalbado inaan is aragno codkayga
markuu maqlay ka dib, uma aanan aabayeelayn dalabkiisan kamana hoos
qaaday, waxaana ku cataabi jiray ku canaanan jiray dalabkaan uu iga
dalbanayo inaan kulanno laga yaabee inaan anba aad u xiisaynayay
araggiisa laakiin inaan anna xiisahayga cadaysto waxaa iga hortaagnaa
cabsi aan cabsanyo fadeexad ee maahayn cabsi aan Ilaah.
Dalabkiisii ayuu aad ugu adkaystay aadna iigu ilxaaxiyay inaan is
aragno arag oo kaliya aan wax kale ahayn. Waan aqbalay bishardi inay
ahaato tii ugu horraysay uguna danbaysay, wuxuuna yiri anba intaas oo
kaliyaan doonayaa inaan ku arko oo kaliya wax hadal ahna aanan is
dhaafsan. Waxaan filayaa inuu rumaysan waayay inaan ogolaaday ka dib
markuu ku dhawaaday quusasho, waxaana ka dareemay inuu farax la kala
batay, wuxuu igu qanciyay inuu yahay qof ilaah ka baqaya wax dhibana
haba yaraatee aysan xaggiisa iga soo gaarayn uuna ii noqon doono gidaar
oo kale intaan wada joogno wax dhib ahna aanan arki doonin wuuna
ogolaaday shardigii wuxuuna ku dhaartay inaysan arrintu aragti kaliya
dhaafin. Waana yeelay.
Waa ballannay asoo shaydaan sadex nagu yahay suuqyada waawayn mid ka
mida dukaan kaas saacadaas daqiiqadaas. Wuu i arkay anna waan arkay
"Shallaytadaydeen ma arkeenaa"!!!!!!!!!!!! wuxuu ahaa quruxloow aad u
quruxbadan jirkiisa iyo dheerarkiisa dhan walba oo jirkiisa ahna waa i
cajabisay muddu daqiiqad ka yar daqiiqadaas aan arkay waxaan dareemay
inaanan arag ninka qurux badan intaan noolaa, ninkaygu ma foolxumayn
mana gaabnayn manab buurnayn laakiin daqiiqadaas waxaan dareemay
inaanan horay u arag nin ka qurux badan. Asna xaggiisa ma rumaysan inuu
la sheekaysan jiray gabar sidayda u eg, wuxuuna ii cadeeyay inuu
aragtidayda ku farxay quruxdaydana uuna rumaysan waayay inuu gabar saas
u qurxoon mudadaas la sheekaysanayay, wuxuuna ii jeclaaday sidii wax
waalan, wuxuu bilaabay inuu i yaraahdo waan is dilayaa haddaan ku waayo
wuxuu kaloo oran jiray shallaydee waligay kuma arkeenaa wuxaan dareemay
naagnimo waxaan bilaabay inaan qurux aanan horay isugu tuhmi jirin
inaan isku tuhmo xattaa guurkayga ka hor.
Ma uusan ogayn in la i qabo ninkaygana uu ilaah caruur iga siiyay, wada
sheekaysigeennii intaan is aragnay ka dib aad ayuu isu badalay wuxuuna
ahaa mid wada sheekaysi jacayl, wuxuuna ogaaday meelaha aan ka nuglahay
iyo daciifnimadayda shaydaanna waa caawinayay laga yaabee inuu hogaanka
u hayay. Wuxuu doonay inuu i arko aad ayaan taas u diidanaa mar walbana
waxaan xasuusinayay ballantuu qaaday, balse naftaydaa aad ayaan oga
dareemayay inaan jeclahay inaan arko, laakiin suura gal iima ahayn
inaan arko ninkayguna magaalda joogo, aad ayaan isugu sii dheeraanaynay
waa walboo barya waxaana mar walba xasuusinayay in la i qabo caruurna
leeyahay. Wuxuu igu yiri waxaad tahay Xuurl Caynta aduunka. Codkiisa
iyo sheekadiisa ayaa waxay ii noqdeen daraag oo kale i qabanaya haddaan
saacado moognaado, waxaaan sawirtay anoo hor jooga labadiisa gacmood ku
dhex jira see dareemi lahaa, wuxuu i nacsiiyay ninkayga aan marna arag
raaxo dalbaadkayga fulintooda iyo farax galintayda awgeed. Waxaan
bilaabay inuu madax xanuun igu dhaco maalin ama laba maalmood haddaan
chatRoomka ka waayo waxaan kaloo bilaabay inaaan dareemo masayr haddaan
arko asoo dadkale la sheekaysanaya ma garanyo waxa igu dhacay, waxaan
noqday tan aadka u doonaysa una xiisaynaysa.
Wuu dareemay inaan ku waashay wuxuuna gartay suu iiga faaiidaysan lahaa
wuxuuna falkeeda galay suu maalin kale ii arki lahaa, maalin ma soo
maro illaa wuxuu soo celiyaa dalabkiisii ahaa inaan ku arkaan doonayaa
annaa aan diidayo anoo xujjo ka dhiganaya waa la i qabaa, asna uu
leeyahay ee maxaan samaynaa?? Ma saas baan ku jirnaa illaa aan murugo u
dhimanno?? Ma caqli gal baa inaan is jeclaanno aana awoodi kari wayno
xattaa inaan isku soo dhawaannoo?? Qasab waa inuu xal jiraa aan ku
kulmi karno si aan ugu wada noolaano hal saqafhoostii, wax uusan isku
dayin lama arko anna wax walba aan ka diidayo illaa uu soo gaaray inuu
ii soo bandhigo guur oon ninkaygana ka dalbado furriin si aan isu
guursanno, haddaanan saas samyn inaan is dilo ama waasho ama aan
ninkaaga dilo. Run aad ayaan u cabsaday..... laakiin waxbaa xaggiisa ii
jiiday ina illowsiinayay ninkayga iyo caruurtaydaba waxaabad moodaa
inay fikraddu i cajabisay, mar walbuu ila hadlo waan gariirayay
ilkahana isku garaacayay waxaad moodaa in korkayga qabow lagu furay,
aad ayaan u wareeray, waxaan dareemay inaan naftaydu ninkayga xabsi ugu
jirto Jacaylkaan u hayyayna uu dhammaaday waxaan bilaabay inaan
araggiisa iyo suu u egyahay aan naco, waan illaaway naftayda iyo
caruurtaydaba waxaan ka shallaayay oo nacay guurkaygii iyo noloshayda
waxaan dareemay kalinnimo sidii inaan kali ku ahay.
Markuu ogaaday oo hubsaday jacaylka aan u qabo waynankiisa iyo siduu ii
hantay wuxuu ii soo bandhigay inaan mushkilo ninkayga ku furo siina
wayneeyo mar walba illaa ii i furo arrinkaan horay ugama soo dhicin
laakiin markaan maqlay waxaan dareemay inay tahay albaabka kaliye ee ii
furan een oga bixi karo waxaan xabsi ahanta u dareemay " waa la
noolaashaha ninkayga". Wuxuu ii ballan qaaday inuu i guursan doono
ninkaygu markuu i furo ka dib inuuna farxad iyo nolol tan u wacan ku
wada noolaan doono.
Arrinkaas samyntiisu iima fududayn yacni inaan ninkayga ku furu
dhibaatooyin ii sababa furriin laakiin jacaylka aan ninkaan u qaaday
ayaa igala waynaaday run ahaanna waxaan bilaabay inaan dhibaatooyin
samaysto ninkaygana buuq ku furo maalin walba. Ninkaygii arrinkaan waa
u adkaysan waayay wuxuuna bilaabay inuu guriga ka maqnaado intuu ka
maqnaan jiray in ka badan ilaa uu gaaray inuu guriga u yimaado jiif
kaliya xaalkaan ayaan ku jirnay dhowr usbuuc annaa aan mar walba sii
abuurayo mushkilado cusub, waqti dheer ayay arrintaan qaadatay
ninkaygiina waa u sammray dhibtaydii, ninkaan khiyaamada isla wadnayna
waa i daahsaday wuxuuna iga dalbaday inaan is aragno sababtoo ah waxaa
laga yaabaa inuusan ku furin si dagdag ah waa inaan is aragnaa haddii
kale ?????. waan ka aqalay ka noqnoqosho la'aan waxaabad moodaa inuu
ibliis dabada iga wado go'aamadana ii goynayo waxaana ka dalbaday
inuu muddo ii sugo intaan jaanis ka helayo.
MAOGTAHAY
Ma ogtahay in ay jiraan barnaamijyo aad gashan kartid computerkaaga oo
aad markaas ku ogaan kartid wax kasta oo computerka lagu qoro iyo
website kasta oo lagu booqday, waa muhiim in aad barnaamijyadaas
raadsatid si aad qoyskaaga ugu ilaalisid halista ka dhalan karta
Internetka....
Maalinkii Arbacada kuna aadanaa 21/01/1421 H. Ayaa ninkaygii i yiri
safar shaqo oo shan bari qaadanaya ayaan u baxayaa, farxad ayaa i
qaaday waxaana dareemay tanu inay tahay waqtigii aan sugayay. Ninkaygu
wuxuu doonay inuu ii diro reerahayga si intuu maqanyahay aan xagga u
sii joogo una soo istareexo. Laakiin waan ka diiday boqolaal cudur
daarna waan keensaday inaanan bixi karin. Wuu ogolaaday asoo aad u
dhibsanaya safarkii ayuuna u baxay maalitii jimcaha ahayd. Maalitii
axadda ayaan wada hadalnay waxaana u sheegay inaan diyaar u ahay is
araggii waan ogaa waxaan samanayo inay qatar ahaayeen khalad waynna
ahaayeen laakiin waxaan iraadadayda iyo awoodayda waa ka sarreeyeen
ilaa aan gaaray inaanan wax cabsiyaba dareemin. Waan isla baxnay haa
run ahaan waan isla baxnay NAFTAYDA AYAAN IIBSHAY waan raacay anoo
isugu sheekaynaya aad ninka si wacan u soo baratid. Waxaan ku ballanay
suuqyada midkood ballantii ayuuna ku yimid waxaana fuulay gaarigiisa
waan soconnay annagoo magaalada jidadkeeda war wareegayna. Waxba ma
dareemin inkastoo xoogaa cabsiya igu jirtay balse waxay ahayd markii
ugu horraysay oon la baxo nin aan waxba ii ahayn waxa kaliyoo naga
dhexeeya ay tahay sheeko 7 bilood oo kaliya socotay oo ahayd chat
roomka iyo halkulan oo ahaa daqiiqad in ka yar, waxaa ka muuqday walwal
kan iga muuqda kan ka badan oon ka dareemi karay hadalkiisa.
Waxaan ku bilaabay hadalkii.
Ma doonayo inaan in badan ka maqnaado guriga waxaan ka baqayaa inuu
ninkayga soo waco ama wax kale dhacaan.Wuxuuiigu jawaabay
Waayo oga fakaraysaa ha soo wacee iska daa inuu ku furood ka istreexdid
ayaa laga yaabaaye.
Uma bogin sheekadiisa iyo erayaduu isticmaalayo, walwalkii i hayyay
ayaa igu sii siyaaday.
Waxaan ku iri waa inaadan aad u fogaan ma doonayo inaan guriga in badan
ka maqnaado.
Wuxuu iigu jawaabay
Xoogaa waan soo daahaynaa maxaa yeelay marna si fudud kugu sii dayn
mayo waxaa kaliya oon doonayaa inaan xoogaa waqtiya adiga kula qaato
ishana kaa buuxsado waxa laga yaabaa inaadan mardanbe ii ogolaan inaan
dib kuu arko.
Saas ayay sheekadaydii ku bilaabatay inkastoo walwalkaygu uu sii
badanayay saasoo tahay naftaydu waxay sii jeclaysanaysay marwalba inaan
la sii joogo. Sheekadeennii waxay bilowday inay u waajahsato xagga
romansiga Jacayl, ma garanayo inta saac oon isla joognay xattaa ma
dareemin jidka aan hayno iyo meeshaan u soconno toona. Waxaan ku
baraarugay anoo jooga meel aanan garanayn, mugdi ah una eg beer lagu
nasto, waxaan bilaabay inaan ku qayliyo waa maxay meeshaan aan joogno?!
Xaggeena ii wadaa??.. sakanno guduhood waa gaarigii oo istaagay iyo nin
kale oo albaabka gaariga furaya iigana soo bixinaya gaariga si xoog
ah.......waxaad moodaa wax walba inay sidii biriq u dhacayaa yacni
dhaqsaha ........... waan qayliyay ........ waana ooyay.......bal inaan
wax i caawiya arko ......... waxaan gaaray inaanan maqlin waxay
sheegayaan aanan fahminna, waxaan dareemay dharbaaxo wajiga la iiga
dhuftay iyo qaylo la igu qaylinayo iyo ruxruxid la i ruxruxay illaa
miyirkii iga tagay cabsida i haysay waynankeeda awgeed. Ma garanayo
waxay igu sameeyeen iyo waxay ahaayeen iyo intay ahaayeen toona, laba
ka mid ah ayaa uun arkay, wax walba sidii biriq ayay igu dhaafayeen
waxaan ku baraarugay oo ku miyirsaday anoo dhabardhabar u jiiffa dharka
intii badnaydna la iga siibay jiifana qol faaruq ah dharkaygiina la
jeexjeexay waxaan bilaabay inaan qayliyo oon ooyo korkaygoo dhanna wuu
wada wasakhaysnaa waxaana filayaa inaan isku kaadshay sakanno ka dib
waaba asagii oo soo galay qoslayana.
Waxaan ku iri..........ilaahaybaan idinku dhaarshaye iska kay sii daaya
inaan gurigaygii ku noqdaan doonayaaye.
Wuxuu i yiri gurigaaga waad ku noqondoontaa laakiin waxaad iga ballan
qaadaa inaadan qofna u sheegin haddii kale fadeexad ayay ku noqon
ehelkaaga, haddaad i sheegto ama dacwo igu soo oogtana waxaan ka
aargoosn caruurtaada.
Waxaan ku iri waxaan doonayaa inaan gurigaygii aado oo kaliya qofna u
sheegi maayo.
Waxaa iga tanbata cabsidii waxaan dareemayay jirkayga oo gariiraya mana
joojin oohin intaas uun baan ka xasuustaa wixii dhacay wax kalana ma
xasuusto waxaa kaliya oon xasuustaa meeshii markuu iga soo qaaday ilaa
uu guriga i keenay waxaa u dhaxaysay 4 saacadood indhuhuu iga xiray
gaariga ayuuna i soo saaray wuxuuna igu tuuray meel u dhow gurigayga.
Qofna ima arag anoo saas ah "qaawan" gurigaan si dagdag ah u galay,
waxaana ku laabtay oohintaydii ilaa ay ilmadii iga dhammaatay ka dib
ayaa waxaa ogaaday inay i kufsadeen dhiigna iga da'ayay waan rumaysan
kari waayay waxa igu dhacay iyo waxaan naftayda gacmahayga ugu soo
jiiday, waxaan maxbuus ku noqday qolkayga ma arag caruurtaydii mana
cunteynin afkayga kama dagin waxba alla hoogayeey Jaxiimaan lugahayga
ku raadsaday, saan ka dib muxuu xaalkaygu noqon doonaa naftaydaan nacay
waxaana isku dayay inaan is dilo naftana iska qaado waxan ka baqayaa
fadeexad iyo ninkaygu wuxuu i oran doono ha i waydiin caruurtay waxaan
gaaray inaan garan joogitankoodana aan dareemin iyo waxa igu
hareeraysan oo dhan xattaa markuu ninkaygii safarka ka soo noqday wuxuu
dareemay is badalka wayn ee igu dhacay xaalkaygii aad ayuu u sii
xumaaday illaa uu gaaray inuu isbitaal xoog igu geeyo.
Laakiin nasiib wanaag dhakhtarradiii ma ogaan wax igu dhacy waxey uun
igu arkeen cunto xumo iyo dhiig la'aan. Waxaan ninkayga ka dalbaday
inuu ehelkayga ii qaado sida ugu dagdagga badan aan ayaan u ooyay
ehelkayguse aysan waxba ka ogayn waxa iga oohinaya, waxayse iska
dhaadhiciyeen in aniga iyo ninkayga mushkilo na dhex taal, waxaa i soo
gaartay inuu aabahay la hadlay ninkayga balse wax natiijo ah aysan oga
soo bixin sababtooo ah ninkaygu xattaa waxba ma ogayn. Qof garanyo lama
arko waxa igu dhacay oo ehelkayga ka mid ah ehelkayga waxay ii geeyeen
nin quraan igu aqriya ayagoo u haysta in il ama jinn igu dhacay. Xaq
uma lihi inaan ninkayga la sii noolaado, waxaana ka dalbaday furitaan
markii hore anaa isla rabay furitaanka laakiin hadda asaan doonayaa
inuu iga istareexo si uu gabar dhawrsan u guursado iyo anoo
ixtiraamayaa caruurtayda aabahood. Xaq uma lihi inaan ku dhex noolaado
dadka sharafta leh. Waxa igu dhacayoo dhan waa waxan labadayda gacmood
ku sameeyo. Anigaa gacmahayga ku qotay qabrigayga. Saaxiibka
chatroomkuna waxaa uun ahaa wiil ugaaranaya anna dabinkaan ugu dhacay.
Qof walba oo sheekadayda ogaada wuxuu igu sifayn doonaa nacas ama caqli
laawad waxaas iyo wax ka wayn ayaan xaqsadaa bal rajmi in dhagax la igu
dilaan xaqsadaa........ saasooy tahay waxaan tamanninayaa inaysan ku
dhicin gabar muslimad ah waxa igu dhacay.
Waxaan rajaynayaa inuu ninkaygu iska kay cafiyo ceebtaan aan u soo
jiiday xaq uma laha caruurtaydana waxaan ka rajaynayaa sidoo kale inay
iska kay cafiyaan anaa sabab u ahaa sabab u ahaa sabab u ahaa sabab u
ahaa ..........
Ilaahna waxaan waydiisan danbi dhaaf.
Miyaanan la gaarin waqtigay waantoomi lahaayeen gabdhaha ku waalan
chatroom ka ilaahyna ka baqi lahaayeen. Khaladku ma aha internetka
laakiin annaga weeye waxa sida xun u isticmaalaya khayrka ka tagaya
xumaantana raadsanaya faaiidadiisu way wayntahay annaguna xumaantaan ka
doonaynaa.
TALOOYIN!
COMPUTERKAAGU MA KU XIRAN YAHAY INTERNETKA ... AKHRI HALKAN
Waxaa haray inaan iraahdo............waa dhimatay saaxiibday usbuucyo
ka dib ayey dhimatay sirteediina waa la dhimatay ninkeedii oon ogaan
ayayna dhimatay,aniga oo kaliya ayey ii sheegtay anna inaad ku cibra
qaadataan awgeed ayaan idiinku soo wariyay. ninkeediina ma furin
waxaana ogaaday inuu aad oga murgay iyo inuu ka tagay shaqadiisii, uuna
fariistay guriga si uu u koriyo caruurtiisa.
Intaa ka dib waxaan dareemay inaysan noloshani ahmiyad saas u sii wayn
lahan dhadhanna waligeed yeelanayn illaa daacada ilaahay iyo
rasuulkiisa mooyee.
Ilaahay ha u naxariisto danbi dhaafna ilaah u waydiiya, Islamka aloow
qofkaaas la dulmiyey walasheena ah.