Maxaad tahay Jacaylow? Waxa weeye Jacayl iyo wixii la jeclaaday laakiin
taas way ka balaadhan tahay wayna ka mugwayn tahay, jacaylku waxa weeye
kalgacalka dhex yaala gabadha iyo ninkeeda taas uu illaahay inooga
waramay Illaahay (SW) waxa uu yidhi ?AAYADA ILLAAHAY WAXA KA MID AH IN
UU INA ABUURAY NAFIHIINANA KA ABUURAY LAMANAYAAL SIDAAD UGU DAGTAAN
IDINKANA YEELAY DHEX DIINA KALGACAL IYO NAXARIIS TAAS WAXA KU JIRA
AYADO DADKA FIKIRAYA?{Suuratul Ruun-21}
Waxa ay isku waafaqeen mufasiriintu in uu yahay muwadadu jacaylka uu u
qabo ninku gabadhiisa ama ay gabadhu u qabto ninkeeda sidoo kale ibnu
cabaas (RC) waxa laga weriyay in uu yidhi:- kalgacalku waa jacaylka uu
u qabo ninku gabadhiisa Naxariistuna waa u naxariisashada uu u
naxariisanayo iyada in aanu wax xumaan ah aanu taabsiin.
SIRTA GUUSHA EE LAMAANAHA
Hadii uu guriga uu ay soo dhex gasho is jacayl iyo is adeecid oo
illaahayna waafajiyo taasi waxa ay ku yeelanaysaa qoyska raadwayn iyo
isku soo dhowaasho labada qof sidoo kale adeecida illaahayna iyaduna
raadwayn ayay ku yeelanaysaa sida ay xumaantu ugu yeelanayso raadwayn
mushaakilka iyo khilaafka halkaa yimaada iyo iswaafaqla?aanta labada
qof illaahayna waxa uu yidhi (SW) ?IDIMA HELEELAAN DHIBAATO WAXAY
GACMIHIINU SHAQAYSTEEN MOOYANE IN BADANA WAA LA IDINKA DHAAFA?
{Suuratul Qasas-30}
Ibnu Qayimi illaahay ha unaxariistee waxa uu yidhi:- kalgacaylka ninka
iyo gabadhiisa miyaa? Hadii aanu jacayl jiri lahayn waxa natiija ah muu
yeelan lahayn dhamastirka jacaylkuna illaahay waxa uu inoogu
dhamaystiri ayaada aanu soo sheegnay, Ibu Qayimi waxa uu jacaylka u
qaybiyay laba qaybood 1.Jacayl faa?iido leh 2.Jacayl dhibaato leh,
jacaylka faa?iidoda lihi waa jacaylka gabadha iyo waxa ay hantiyeen
taas ayaa ah jacaylka dhabta ah waana kuu illaahay sharciyeyay ee guur
leh iyo ku dhoorsanaanta aad ku dhoorsanaatid wixii ay gacmahaagu
hantiyeen ee adoomaha ah, markasta oo uu jacaylku ahaado nin iyo
gabadhii wuu xoogaystaa waanu dhamaystrimaa ujeedada looga jeedana waa
taa.
Sababta aynu ku keenay mawduucan
QODOBKA KOWAAD
Waxa aan u fiirsaday xalada dadka is qaba markii aan waydiyay su?aalo
badan la ina soo bandhigay mushaakilaad badan oo ku saabsan arinkooga
markii aan u fiirsaday waraysiyo badana aan la yeeshay waa mushkulada
ku soo noqnoqnaysaa lamanayaasha is qaba.
Waa maxay mushkiladaasi? Waxa weeye kalgacalkii iyo jacaylkii labada
qof ee is qabay oo gaadhay heer uu ka maqan yahay meesha ama uu kala go
ku dhacay, Sababaha ugu waawayn ee keena kala go?a iyo khalkhalka
nolosha labada qof ee is qaba kuna keena in ay dhibaatadu ku badato
waxa weeye waxaynu ku nool nahay casri ay ku badantahay qalabka is
gaadhsiintu si wayna ugu faaftay sidoo kale door waynay ka qaadanayso
faafinta ay faafayaan fidmada jacaylka iyo mugdiga jacaylku leeyahay.
QODOBKA LABAAD
Adadeega ay wataan dareenka lamanayaashu iyo iyagoo aan cabireen dareen
kalgacayl ama jacayl wata oo midba midka kale tusayo hadii uu heloba
jacaylku, dareemadani waa qaar ku culus carabka in uu soo saaro laakiin
carabku garanayo.
QODOBKA SADEXAADA
Waa maqnaasha kalgacaylku ama jacaylku meesha ka maqan yahay waa sida
iyadoo aanla is ixritaamin isna qadarin la?aan taas oo keenaysa kacdoon
nafsaani ah murugo iyo dareemo diidmo bixinaya noloshii lamaanuhuna
waxay ay isku rogaysaa dhanka kale, taas oo saamayn ku yeelanaysa
guriga iyo umadka iyo dhamaan bulshada oo dhan.
QODOBKA AFRAAD
Waxa laga yaaba jacaylka oo laga ilaaliyo madax xanuunka in uu noqdo
laban adkeeya xidhiidhka lamaanaha gurigana ka yeela beer hodan ku ah
qurux iyo wanaag kana buuxa kalgacayl iyo naxariis wax wada qabsi iyo
is fahan dareemaana mid kastoo ka mid ah lamaanu in uu dhexdooda yahay
wanaag iyo in ay yihiin labada qof ee aduunyada isku wanaagsan
kulankooguna uu yahay guusha kalgacaylka, ma jiraa halkaa waxa ka
wanaagsan la kulanka qof jacayl qof uu jacayl yahay?! Ninku: waa
dejiyahay nafta iyo ruuxda.. guriga: waa dejiyahay labada lamaane intay
joogana waxay ay dareemaan amaan iyo xasilonaan waxa iyada kafeeyay
anigana igu filan.
Hadaba furaha guusha boqortooyadan wanaagsan waxa uu ka bilaamaya
labada lamaane oo kaliya.
QODOBKA SHANAAD
Cadaynta jacaylka dhabta ah waynaanta hamiga jacaylka cadaynta faro
badnaanta cibaarooyinka hamiga jacaylka waxa ay soo noqnoqdaan sanadaha
qofku ka gudbo marxalada qaan gaadhka marxaladaasi hadii ay tahay da
ama fikir ahaan, hamiyada faraha badan ee jacaylka qaarkood waxay
madmadow geliyaan in badan oo ka mid ah guryaha muslimiinta waxana ka
mid ah guurku waa qalbiga jacaylka guur aan jacayl lahayn waa mid aan
hirgelayn.
XAQIIQADA JACAYLKA DHABTA AH
Si aynu u fahano jacaylka dhabta ah maxaynu nidhaadaa jacaylka? Figrado
ayaa odhanaya jacaylku waa aragtida u horeysa, jacaylku waxa uu
sameeyaa mucjisooyin, jacaylku waa uu indha la yahay, jacayku waa
cadaab, jacaylku muxuu dad laayahay, jacaylku dadka yar yar ayuu ciro
ka soo saaray.
Jacaylku waa waraabiyahay nolosha iyo macaanka ruuxda jacaylku waxa uu
ku sifoobaa nolol qurxisa nafta, jacaylka waxa lagu galaa danbiyada
yaryar waxana uu soo badhigaa wanaagyada maalinta uu jacaylku dhamaado
naftu waxay ay gashaa cidhiidhi cadhaduna iyo mushkiladuna waxay noqota
mid aloosan, hadii ay badu ay leedahay xeeb hadaba jacaylku waaa mid
aan lahayn xeeb, jacaylka dhabta ihi waa ka dhex mara lamaanaha
xalaasha isku guursada sifo waafaqsan shareecada islaamka waxana uu ka
bilaamaa ayaamaha ugu horeya guurka sanadada hore iyo kuwa dhex iyo ugu
danbeen ayaamaha nolosha aduunyada, aduunyada hadalkeedadaa ilaa
nolosha aakhiro illaahay waxa uu yidhi (SW) ?JANOOYINKA WAXA GELAYA
KUWII AY WANAAGSANAYEEN AABAYAASHOOD IYO DUMARADOODU IYO WIXII KA
TAFIIRMAYBA?{Suuratul Racad-23}
Marka kalgacalku iyo jacaylku iyo isfahanku ay iswaafaqaan waxay ay
sababaan in lamaanaha is qabaa iska kaashadaan wanaaga daacadka
illaahay iyo khayrka, nolosha lamanuhuna waxay noqonaysaa mid nool oo
dhalatay oo noolanaysana dhimanaysana, hadaba noloshani waxa ay ku
shaqaysaa is fahanka labada aqli iyo caadifada ku jirta labada qof
hadaba jacaylku waa shucuur iyo dareen la wadaago waana lagama maarmaan
in ay dadku yeeshaan.
ARAGTIYAHA KHALDAN
Marka la soo hadal qaado jacaylka hadii lagu tilmaamo in uu yahay wax
aanu meelna ka soo gelin sida hablo gayaankaaga ah oo la joogto meel
aan cidkale joogin dadka aragtidaa qabaa jacaylka waxa ay u yaqanaan
khiyaamo iyo caashaq iyo waali hadaba waalidu waa Jaclaysiga waxyaabaha
naftu jeceshahay oo xadidneyn, wadamada islaamka waxa dhacda in habeen
kasta loo soo badhigo fawaaxish iyo dhaqamo xun xun oo ka imanaya
dhinaca reer galbeedka kuwaas oo ku sugan nolo waali ah ilaa uu noqday
caashagu iyo shukaansigu waxyaaba ku dhex fida mustamaceena taasina ay
keentay in dhaqan xumadani ay noqoto qadiyada ugu mihiimsan ee ay
baahiyaan haayadadeena warbaahinteenu waxaa aad mooda in ay tahay
qadiyada ugu horeysa uguna danbaysa waxana aad mooda in uu qofka
muslimkihiba uu noqday mid hamigiisu yahay in uu daboolo baahidiisa
jinsiga ah oo kaliya oo waxa aanu ilownay illaahay (SW) in uu arintan
ka dhigay una yeelay hadafyo iyo ujeedooyin waawayn una sameeyay adaab
waafaqsan shareecada islaamka iyo axkaam si aynu ugu noolano janada
aduun yada, jacaylka dhabta ihi waxa uu ku dhisan yahay is cafiyid iyo
is ixtiraamid ka fog xumaanta oo ka bilaabmata baahinta jacayl si aan
madmadow lahayn iyo gacmo furan oo aan ku koobnayn marka lawada joogo
oo kaliya, jacaylku ma wax qiimaha ayuu yeelanayaa hadii ay ka maqan
tahay quruxdii wanaagiisa marka la soo qaado jacaylka hadii laga
sheekeeyo qas iyo layla ama jamiil iyo basiina iyo kuwa kale oo badan,
hadaba faraq intee leeg ayaa u dhaxeeya labadan jacayl isku xidhnaanta
kuwan hore waa mid ku timid caadifad iyo raali gelinta waxyaabaha ay
naftoodu jeceshahay laakiin jacaylka islaamku waa isku xidhnaan
lamaanaha oo ku timid sifo sharci ah oo samaawi ah rabaani ah jacaylka
ninku u qabo gabadhiisa waxa uu keena u dhowaasho iyo cadeeci illaahay
waa jacaylka nacfiga leh waxana laga gaadha u jeedooyinkii illaahay u
sharciyeeyay guurka oo ay ka mid tahay in indhaha oo aad ka ilaaliso
xaaranta iyo qalbiga oo aad ka daalacado waxan ehelkaaga ahayn sidaa
darteed waa jacayl la mahadi yahay illaahay agtiisa iyo dadkaba, hadaba
jacaylka waalida ihi..magaranayo habeenkiisa mooyane waxana uu u
noolanayaa darteed waxanu u dhimanayaa darteed hamigiisa ugu wayna waa
in uu soo jiito aragtideeda jacaylka waalani waa kaa.
Jacaylka isku xidha lamaanaha maaha waraaqo la soo nashqadeeyay cadarna
lagu shubay sida ay ku hamiyaan dhalinyarada badankoogu laakiin waa
guri iyo ubad iyo hadaf ama u jeedo, waxanu leenahay waa kalsooni iyo
xasiloonan guurku waa macaan iyo qadhaadh, in badan waxa la quruxbadan
muuqaalka khiyaalka ah ee kuwa kale ay sitaan.
KALGACALKII GURIGII NABINIMADA MAXAMED (CSW)
Illaahay waxa uu og yahay hadii aanu albaabkani furnayn kumaan
dhiiradeen in aan ka hadlo mawduucan oo kale waa albaabka Rasuulka
(CSW) waxa uu inoo ahaa qaacido iyo asaaska dhismaha nolosha lamanaha
oo ku dhisan ixtiraam iyo isqadarin kalgacal iyo jacayl iyo akhlaaqada
wanaagsan qof kastaana ha ogaado in ay diinteenu tahay jacayl iyo
kalgacal iyo dareen laakiin waxaba inagu ceeb ah in aynu tusaale u soo
qaadano arinkaa.
Nabigu (CSW) waxa uu yidhi (HOOYADU WAA BEER DHEER KA DIBNA WAXA
MAQASHAY CAA?ISHA SI AAN LAHAYN GO NABIGU CAAISHA AYUU KU YIDHI BAL EEG
GABADH YAHAY WAXA AAN KUGU JIRAA MEESHI AABAHAA HOOYADUNA WAXA AY
BEERTAA BEER) Waxa weriyay Bukhaari iyo Muslim
Bal u fiirso ficilkan layaabka leh ee nooga yimi Nabiga (CSW) (Caa?isha
waxa ay tiri waxa aan cabi jiray aniga oo leh cadadii dabadeena Nabiga
(CSW) ayaa iga daba qaadan jiray afkiisana waxa uu dhigi jiray meeshii
aan dhigay halkaas ayuuna ka cabi jiray, hilibka ayaan cuni jiray aniga
oo leh cadadii waxana uu ka cuni jiray halkaan ka cuno) waxa weriyay
Muslim, Nasaa?I, abu daa?ud, Ibnu Maaji, Iimaamu Axmed.
Hadii aanu xadiiskan in yar aanu sharax ka bixino Caa?isha waxa ay tiri
hilibka waxa aan ku cunayay ilkahayga Nabiguna (CSW) waxa uu qaadanayay
laftii waxanu ka cunayay bartii aan ka cunayay isagoo aan waxa dhibaato
ihi aan ka muuqan taasina waxa ay inoo muujinaysaa jacaylkii iyo
ishqigii uu u qabay habeenkiisa,
Marmarka qaarkood waa in uu ninku gabadhiisa umuujiyaa in uu jecelyahay
dhinaca cuntada iyo cabidana dhibna malaha in uu ninku cuno hambada
gabadhiisa isagoo u muujinaya gabadhiisa kalgacal iyo in uu u hayo
qadarin.
ILLAAHAY AYAA WAYN ILLAAHAY AYAA WAYN
Bal u fiirso muuqalka kuumuujinaya kalgacaylkii ka jiray guriga Nabiga
(CSW) (Caa?isha waxa ay tiri Nabigu (CSW) waxa uu dingiigsan jiray
dhabtayda aniga oo leh cadadii quraankana wuu akhriyi jiray) Waxa
weriyay Muslim, Bukhaari, Nasaa?I, Abu daa?ud
Bal u fiirso fadhigan layaabka leh ee ka dhaxeeya lamaanaha iyagoo
cibaadaysanaya isna jecel, manhajkii Nabiga (CSW) ee kalgacalka waxa ka
mid ahaa in uu garto dareenka dumarkiisa markay raalida yihiin iyo
marka ay cadhaysan yihiinba Caa?isha (RC) waxa laga weriyay (Nabiga
(CSW) ayaa igu yidhi anigu waan garanayaa marka aad iga raaliga aad
tihiin iyo marka aad ii cadhaysantihiinba, taas sidee ayaa u garan
kartaa Waxa uu yidhi Nabigu (CSW) marka aad raalida tihiin waxa aad
tidhaahdaan illaaha maxamed ayaan ku daartee marka aad cadhaysantihiina
waxa aad tidhaadaan Illaaha ibraahim ayaan ku dhaartee, waxa aan idhi
dhab weeyan Rasuulkii Illahayow waxa meesha laga kaxeeya waa magacaagi
uun) waxa weriyay Bukhaari, Muslim, Imaamul Axmed.
Taasina waxa ay inoo cadaynaysa jacaylka dhabta ah uu u yahay nabigu
(CSW) dumarkiisa iyo dhankiisa wanaagsan.
MUUQALADA MAQNAASHAHA KALGACAYLKA IYO DAREEN LA?ANSHAHA KA DHAXAYSA 2
LAMAANE
Ugu horeyn cadhada faraha badan leh iyo doorbidida ninka sababtee
doonto hanoqotee hadii ay had iyo jeerba hanoqotee ay noqoto mid laga
waayo kalgacalka ama uu dhaqankiisu yahay mid aan lahayn kalgacal si
dadbanba ha ahaatee.
Tusaale ahaan cadhada deg dega badan leh iyo wax aan cadho mutaysan oo
uu ka cadhoodo markasta, gabadhuna waxa ay ku dhaqaaqnaa markaa in ay
tuurto kalgacalkeedi ama ay su?aal ay iswaydiso ama ay samayso
canaantoos ah markaasina waa marka ay waydo kalgacal iyo ishqi.
Talabaad dumarka oo loogu yeedho magac magacyadooda aan ahayn taasina
waa wax ay ku caanbaxeen ragu Sida NAAYAA, NAAGTA, GABADHII CIYAALKAN
DHASHAY IWM iyagoo ugu yeedhaya hadal cod dheer oo cadho wata.
Bukhaari Waxa uu ciwaanka dhigtay kitaabkiisa la yidhaado (AL DADAB
MUFRAD) Naanaysta haweenka.
Caa?isha (RC) waxa laga weriyay (waxay tiri Nabigii illaahayow miyaanad
naanees ii samaynayn waxa uu ku yidhi waxa aan kugu naaneesay inankaaga
Cabdilaahi) taa waxa u uga jeeda Nabigu (CSW) inankii uu walaashi ay
dhashay C/laahi binu subeer, Caa?isha wixii intaa ka danbeyay waxa lagu
naaneesi jiray Umu Cabdilaahi.
QODOBKA SADEXAAD
Maqnaasha badan ee uu ka maqan yahay ninku gurigiisa sidaaso kalena
gabadhu ay ka maqantahay gurigeeda waa waxa mushkilada keena ama
kalgacalka yareeya, ninku hadii uu dalxiis iyo booqoshooyin u baxo
gabadhuna reerkooga ay tagto sida munasabada ha noocay doontaba ah
ahaatee waxa ay yareeyaan kalgacalka, hadii uu jiri lahaa kalgacal
waxay ay ku dadaali lahaayeen in ay saacada wakhtigoogu iyaga ku
yaraado
QODOBKA AFRAAD
Is qurxinta iyo xidhashada dharka gaar ahaan weliba dumarka waxay
noqonaysaa masiibo marka ay isku qurxiso amba ay badalato iyadoo u
baxaysa dibada iskuna qurxinaysa cid aan ahayn lamaanaheeda, isqurxinta
dumarku waa in ay ahaataa mid gurigeeda gudihiisa ah, muuqalka
lamaanaha quruxda leh ee midkood midka kale u muujiyaa qurux.
QODOBKA SHANAAD
Istixgelinta iyo isxitiraamin la?aanta oo gaarsiisan heer canaadnimo
waxa laga yaaba in ay keento in la caytamo ama la isnacdalo iyadoo la
isticmalayo kalmado nooqusinaya kalgacalka labada qof waxana badana
akhlaaqiyaadka mushkiladaha keena waxayna leedanay sababo iyo maadado
iyo heerar, waxay noqon kartaa sabab ka timid dhinaca awlaada, waxay
noqon kartaa mid ka timid dhinaca ehelka mushkilado aan dhamaan lahayn,
mushkilada dhabta ihi waxay tahay kalgacal la?aanta iyo waxyaabaha
dareenka dejiya oo ay ka gaabsadeen ama midkood xaqa uu midi ugu
leeyahay in uu u dulqaato waxana laga yaaba in ay rajeeyaan xal u
helida mushkiladan in ay ka eegan meel aan xalkeeda laga helayn,
baadhidu waxay noqonaysaa iyadoo laga eegay fahankeeda halkii doodu ka
taagnayd, waxa lama huraan ah marka laga hadlayo arimahan in la isku
miisaamo mushkiladaha oo la ogaado mushkilada keentay mushkilada kale
oo ah waxa kalgacalka daciifiyay, mushkilada kale oo ku taxaluqa
dhinaca ubadka ama dhinaca dhaqaalaha ama xidhiidhka ehalka iyo
waxyaaba kale oo ka mid ah mushaakilaadka qoysaska, anigu waxa aan
rumaysanahay hal u helida mushkilada kowaad waxa aan leeyahay waa kor u
qaadis iyo horumar lagu sameeyo kalgacalka iyo jacaylka labada qof
waana halbowlaha xudhunta u ah xalinta mushaakilaadka kale hadii uuna
dhamaan xalkooga noqonba.
QODOBKA LIXAAD
Qofka naftiisa mooyane aan qiimay nafaha kale kuna ad adag aragtidiisa
dadka kalena u arka in ay yihiin mashaakilka cida abuuraysa waxa ay ka
mid tahay waxyaabah keena mushkilada qoyska, waxa ayaan daro ah in
qofka samirka badan ee dulqaadka leh loo arko in uu yahay qofka
mushkilada keenaya.
QODOBKA TOTOBAAD
Imisa ayaa rag ama dumar ka fikira in ay galaan xaaraan sino iyo wax la
mid ah maxaa ku kalifay? Marka ay arki wayaan dareenka kalgacal ay
mutaysteen wanaagooguna uu siyaadiyo waxana ayna munaasib ku ahayn
wadiiqooyinka xumaanta loo maro ayaa laga yaaba in maalin maalmaha ka
mid ah inuu cagta la helo tusaale ahaan waxa looga waramay nolol ay ku
dheehantahay jacayl iyo kalgacal ninku marka uu maqlo ama uu arko waxa
ay raadeen ay ku samaynaysaa caadifada naftiisa waxanu uu is
barbardhigayaa waxa uu arkay iyo waxa uu maqlay iyo waaqaca ka jira
qoyska uu la nool yahay taasi waxa ay ku noqonaysaa waji gabax ku
dhacay naftiisa hadii aanay xalaal ahayn waa murugo iyo mashaqo joogta
ah iyo mushkilado faro badan waxana laga yaaba in ay ku kalifto in uu
xaaraan raadsado waa wax illaahay laga magan galo waxa damaanad ah
dhibaatada ah baahi loo qabo kabasho biyo ah xitaa hadii ay tahay mid
sun ah oo lagu dhimanayo.
JACAYLKU KALIGII WAXBA MATARO
Kani waa arin mihiim ah wax halkan ah laba mushtamaca oo hamigooga guur
yahay in ay raaxaystaan oo kaliya kumana arkaan nolosha qoyska wax aan
ahayn jacayl hadii kale xaq uma laha noloshani in ay sii waarto
arintidoodu taas ayaana keenta in ay is badal ku dhaco lamaanayaasha
ama midkood oo uu iska galo jacayl cusub oo hore leh laakiin mushtamaca
islaamku waxa ay ka eegan arinta guurka dhinac kale weligoona muslimku
waxa ay ku adkaysanayaan in ay jiraan halkan hadafo kale oo ah nolosha
qoyska waxana ugu mihiimsan tafiirta iyo tarbiyada ubadka, ka dheeranta
sinada, dhamaystirka diinta, is barashada qoyska iyo isku soo dhowaanta
iyadoo la rajaynayo wanaag iyo kalgacal laakiin hadii aan la helin
kalgacal iyo jacayl taasi maaha dhamaankii nolosha lamaanaha,
waayitaanka wanaaga guurku illaahay waxa uu yidhi (SW) ?WAXA AAN
DHAXDIINA KA DHIGAY KALGACAL IYO RAXMAD? [SUURATU-RUUN-21] run ahaantii
illaahay waxa uu sees uga dhigay cilaaqaadka raga iyo dumarka laba
arimood oo ah kalgacal iyo raxmad, kalgacalka oo ah jacayl marka uu u
dhamaystirmo lamaanaha waxa u dhamaatay guushi guurka waxana ay isku
waafaqaan si dhamaystirin jacaylkuna waxa uu meesha ka saara wixii
nusqaan ah, hadii uu nusqaamo ama uu daciifo kalgacalku shay labaad
ayaa xafida nolosha lamaanaha oo fududeeya sababna u noqda in uu sii
jiro qoysku nabadna ku waaro shaygaas oo ah raxmada, Illaahay (SW) muu
sheegay kalgacal kaliyga laakiin waxa uu raaciyay raxmad, Ibnu kasiir
waxa uu yidhi ninku waxa uu u taabtaa gabadha jacayl uu u qabo ama
naxariis uu u naxariisanayo iyada si ay ubadna ugu dhasho iyaduna ay u
baahantahay in waxsiiyaan ama kalgacal ay isku qabaan IWM, ama sidii
cumar binu Khadaab (RC) yidhi guryuhu kuma dhisna dhamaantoo kalgacal
laakiin badankoogu waxay ay ku dhisan yihiin asturaad, run ayuu
sheegayaa illaahay raali ha ka aadee markii uu yidhi guryaha badhkood
lagama helayo jacayl iyo karaahiyo toona waxay ku taagan yihiin sama
fal uu qof ahaan samaynayo illaahayna waxa uu yidhi ?SI WANAAGSAN ULA
DHAQMA?[Suuratul-nisaa-19]
Tirakoobyo la sameeyay badhkood waxa ay sheegayaan in 88% dadka isku
guursaday jacaylka aan sidkiisu dhamaan arinkoogu waxa uu ku danbeeyaa
fureen iyo in ay kala tagaan waxayna badhkood is waydiiyan maxaa
fashiliya inta badan dadka ku kulmay wax ay ku magacaabeen jacayl?
Jawaabtu waa mid fudud waayo qofka wax jecel ma karo in uu toosiyo waxa
uu ku eegayaa indho caadifadoodu kacsan tahay oo ay ka muuqato cadho
xoog ihi kumana eegayo indhaha garashada oo ah mid sugtay guurka
dabadii, marka ay caadifadiisu degto ka dib waxa saxan in ay caadifadu
ka saarto wax mad madowku ku jiro oo ay baanka soo dhigto riyooyinka
taasi waxa ay ka soo horjeeda sugnaanta qofka kale is waydiinta
su?aalaha iyo ururinta macluumadka iyo arinka oo wax laga siiyo ehelka
iyo walaalaha taasinta shaqsiyada qaloocan sideydoontaba ha ahaatee
raga ama dumarka, sidaa darteed jacayl khaliya kuma filna mana damaanad
qaadi karo in lagu dhiso guur lagu najaxo sida ay suura gal u tahay
sugnaanta in guurka lagu najaxo, hadii aan meesha jacayl jirin waa in
ay jirtaa raxmad iyo is ixtiraam isqadarin sida illaahayba yidhi (SW)
?WAXA UU DHEXDIINA ILLAAHAY DHEXDIINA DHIGAY KALGACAL IYO RAXMAD?
taasina waa raxmada illaahay
JACAYLKU WAXA UU U BAAHAN YAHAY WAKHTI IYO AASAAS
Iska ilaali in aad deg degto is waafiqida caadifada iyo caqliga labada
qof ee isku guursanayaa waxa uu u baahan yahay wakhti dheer taasina ma
dhamaystirmaysa sida caadiga ah kii aan midkood tanaasul ku samayn hab
dhaqankiisi nololeeyd iyo caadooyinkiisi hore, hadii lagu soo baraarugo
hawshii intii cuslayd oo tagtay gabadha khaas ahaan oo abuur keedu
yahay in ay raacdo ninka, gabadha wanaagsani waa tii ku waafaqda
ninkeeda wixii uu jacayl yahay iyo wixii uu karaahiyaysanayo oo ay ka
ilaaliso xaqiijinta waxyaaba uu jecel yahay wixii aan ka hor imanayn
shareecada, hadaba sifadan waxa aan u jeeda is waafiqida iyadu waxa aan
jecelahay oo door bidayaa waxa la isku waafaqay in uu ahaado waxa ka
soo jeeda ninka figrikiisa iyo caqligiisa marka loo eego sifooyinka
dumarka, markaa wax samaysmaya jacaylkii, ku koobnaanta is fahanka iyo
macamilada wanaagsan, waxa uu ku dhashaa jacaylka dhabta ihi ee ninka
iyo gabadhu ayaamo bilo iyo sanado sidaa darteed waa in aan lagu deg
degin.
ARAGTIDA AH JACAYLKA WAA HALACSIGA HORE
Aniga oo ka soo hor jeeda arintaa (halacsiga hore), illaahay (SW) waxa
uu yidhi ?MA SHAYGA LAGU AASAASAY DHISMIHIISA CABSIGA ILLAAHAY IYO
RAALI AHAAN SHIHIISA AYAA KHAYR BADAN MISE MID LAGU AASAASAY
DHISMIHIISA BOORAAN GUNTA KA DALOOSHA OO DUMAYSA LAGUNA GELAYO NAARTA
JAHANAMA, ILLAAHAYNA MA SOO HANUUNIYO KUWA DALIMIINTA
AH?[Suuratul-Tooba-109] shay kasta oo dhismihiisu aan lahayn sees adag
waa mid dumaya, jacaylka khiyaaliguna ma dhaafsana caalamka riyooyinka
iyo sheekooyinka iyo filimada qofka ku noolada xaqiiqada waxa uu
helayaa jacayl munaafacaadka leh, waxa aan kula dardaarmayaa ninka iyo
gabadhaba in ay samraan oo aanay deg degi ilaa ay isku bartaan si
dhamaystirin oo kalgacal leh bal inankan eeg waxa uu gacantiisa ku
qoray adiga waan ku jirabay waxana u diray ninkasta iyo naag kasta in
ay soo saraan kalgacal dhibatada ka dib anigu waxa aan ahaa nin
dhalinyara ah oo waan guursaday waxana aan ahaa bilays intaanan guursan
ka hore waxa aan guursaday gabadh aad u quruxbadan oo kaliya wax kale
mabaan doonayn imikana waxa aan guursaday ilaa labaatan dumar ah,
markaan habeenkii la aqal galo waxaba aan ka wayaan quruxdii ilaa ay
reer kayaguna ay igu yidhaadan maba quruxbadna waa sidan waa sidan iyo
sifooyin aan wanaagsanayn ayaa la igu yidhaa ilaa arinkayagu ku
dhowaado in aanu kala tagno, waxa aan go?aan ku gaadhay in aan iska
yara samro inta illaahay nakala furanayo isagaa arinkiisu fulayaaye
intan samrayay waxa aan arkay quruxdii ruuxdeeda iyo macaamiladeedi
wanaagsanayn jacaylkeedi dhabta ahaa daacad nimada iyo xishmaynta
diinteeda taas ayaana igu kaliftay in aanan raali ka noqon in la igu
badalo ta aduun yada ugu quruxda badan, shayga aanan ilowbayn waa sidii
ay salaada u tukan jirtay wakhtigeeda iyo siday salaatul laylka u tukan
jirtay iyo sida deg deg ah ee ay iigu keeni jirtay waxa aan ka dalbado,
sida ugu dhamaytirin uguna wanaagsan mana qarinayo in aan jecelahay
imika, kumanaan raaci qurux man awaalka ah waa quruxda dhabta ah waa
quruxda ruuxda maaha quruxda wajiga ee dhamaanka leh, inankaasi miyuu
wax dhaafay? Gabadhaa ma waxbaa seegay? Waa sida aan idiin rajaynayo
idinka ayuu ku koobay hadalkiisi.
Waxa uu I xasuusiyay kii yidhi gabadha degani waa ta karaysa in ay ku
beerto quruxdeeda qalbiga ninka xitaa hadii ayna quruxbadnayba hadii
aad I tiraahdaan side ayay ku dhacaysa waxa aan leeyahay waxa la
gudboon in ay ahaato mid karaysa ilhaaminta iyo abuurida nolosha
qoyskeeda, waxa aad iga rajaysaa gabadh yahay in aad ku gaadho quruxda
hadalkaaga iyo dhaqankaaga dharajo aan ku gaadhin quruxda wijigaaga,
Sidaa ma yeeli kartaa?
HAMIYADA JACAYLKA
Waxa aan rajaynayaa in ay baraarugeen dhalinyaradii yar yaraa inamo iyo
hablaba ********a in aanu hamiyada jacaylku ee lagu dhiso reer in ay
khatarteeda leedahay oo ay tahay khiyaamo iyo xubaan baahaysa oo is
badal ku keenaysa dareenka, jacaylka dhabta ihina suura gal maaha in uu
soo baxo ilaa la gaadho guurka dabadii wakhtigaas oo aad fursad u
helayso in aad soo bandhigto kalgacalkaaga dhabta ah oo aad is
waydaarsataan munaafacaad iyadoo oo la turjumayo kalmado camal ahaan
loo fulinayo, ka dheeraanta sharka ayaana daliil u ah jacaylka waxa
kale oo daliil u ah runta iyo dareenka jacaylka raganimada leh waa ka
lagu qaado masuuliyada, intan oo dhan waxa ka horeya marka ay dadku
jacaylka u ku sheegan aragti ee lagu heeso ee cidla loogu baxo muduci
kastana hadii dadka la siiyo waxa uu doonayo jacaylka lama rumaysto
mana dhamaystirmo guurka dabadii maayaane, naftu waxa ay kaga raysataa
gadgadoonka iyo indha oo lala raaco xaraanta iyo caadifada oo degta,
waxa u soo baxaya si dhab ah wax illaahay u xalaaleeyay, jacaylkan ay
inoo sawirayaan heesuhu iyo qisooyinka iyo musalsaladu waa riyooyin
lagu koryay muuqaalo oo dadka ka dhigayaba qof arkaya muuqal isaga oo
kale ama gabadh iyadoo kale ah oo ku nooleen caalamka waaqica ah, waxa
ay caqabad ku yihiin dariiqa nolosha dhabta ah sidaa darteed ayay dadka
fanaaniinta ihi in badan oo ka mid ihi ay ugu fashilmaan noloshooda
dhinaca quurka .