Magaalada jawigeedu waa mid degan waxaa dhacaya saxan saxo udgoon badan
dhulka oo dhami waxaa ceegaaga xareyt dhirta oo dhami waa cagaar,
xooluna dhogartooda waa mid cadiiman.maalintuna waa maalin farxadeed
waa maalin dadka oo dhami ay wada ciidaayaan waxaa bilatay bishii Arafo
wadadu waxaa loo marayaa xeyn xeyn caruurtuna waxay u diyaar
garoowayaan farxadii ciida,
caruurta ku nool degaanka ayaa waxay ka dhawaajinaayaan bastooladoodii
iyo firinbigoodii, ladan waxay ku soo toostay qeyladii caruurta waxayna
u soo baxday guriga dibadiisa.
ladan oo jiifkii raaxada badnaa ka soo toostay durbadiiba waxay la soo
booday"alla maanta hawadu neecaaw qaboowaa" waxaa indho raxmad leh
ku soo eegay baashi oo xilligaas dariiqa maraayay wuxuuna iskula hadlay
alla ma hurdo ayaan ku jiraa mise waan soo jeedaa qofkan dhoola
cadeyneysa ma biniaadam baa. Mise?ladan baa ayadoo la yaaban qofka kan
aan libarsaneynin hadana indho aan raxmad lahayn ku eegaayo baa ayadoo
is hayn la'tiri walaalo yaa kaa soo lumay? markaas ayuu canduftii
intuu dib u liqay hadana yiri ma..ma..maya abaayo waxba waxba intay
qosol aad u raxmad badan qososhay ayay ku tiri. maya walaalo caadi
matihid ma waxaad tahay qof magaalada ku cusub?aah aah walaashey waxaan
ka xumahay in aanan ahayd qof miir qaba , maxaa yeelay qof adiga ku
arkay maa noqonaaya qof caafimaadkiisa uu fiican yahay.
Intay ladan isku bogtay ayay isheyn kari weyday markaas bey waxay ku
tiri walaalo hadii aan gef kaa galay raali iga noqo qalad ayaan filayaa
inuu iga dhacay. Waxaana wanaagsan walaalo¦ maxaad la shig shigtay
abaayo maad hadashid ayuu baashi la soo booday asagoo aad mooday in uu
sugaayay waxyaabo uu daneeynaayo in ay u soo wado, maya walaalo wax
kale maaha, ladan¦ladan baa ley yiraahdaa, ¦aahh..aaahh waah waah
waxaasaa hee magac ku cajibiya ah baashi barasho wanaagsan ayuu sii
raaciyay,is barasho ka dib waxay yeesheen balamo ay doonaayaan in ay
mar kale kulmaan maadaama midaani ay tahay barasho deg deg ah.
Ladan qolkeedii jiifka ayay dib ugu laabatay waxayna gashay isla hadal
nafteeda ah. Alla axadkani muxuu ahaa?¦. xagee ayuu ka yimid? Dhowr
su'aalo ka dib ayaa waxaa ilinka soo garaacday saaxiibadeed faaiza.
Alla waa tuma?soo dhaaf ayay u sii raacisay, faaiza waxay soo gashay
qolkii ay saaxiibadeed ku jirtay waxayna ku tiri saaxiib maxaad
xiligaan la jiiftaa?, aaway qorshihii iskuulka ee aan imtixaanaadka ku
diyaarin lahayn, ladan baa ka soo booday sariirtii ay ku jiiftay,
saaxiibey hadii aan wax kuu sheego waad tacajibeysaa, alla maad
Iiraahdid ii sheeg, faaiza ayaa waxay la soo booday ma bixitaan yurub
ah ayaa kuu soo baxay? Miskiin faaiza intaas inaad ka aqli badan tahay
baan kuu heystay maxaa yeelay bixid iyo yurub un bey kaaga cadahay
marka hore I weydii, faaiza ayadoo hadalkeeda sii wadato ayay ku iri.
ma lacag ayay walaashaa kuu soo dirtay?,, aah aaahh walaalo sideen
ayaan wax kuugu sheegaa ayay ladan oo aad moodo in ay xanaaqday ku tiri
saaxiibadeeda faaiza. Maya waxaanba la yaabanay anigoo kugu ogaa in aad
tahay gabar jecel wax barashada in aad heyso wax aanan loo baahneen,
ladan aad ayay uga carootay saaxiibadeeda,waxayna ku laabatay
jiifkeedii dhabarka ayayna soo xejisay.
Faaiza oo dareentay in saaxiibadeed ay ka yara xanaaqday ayay si deg
deg ah u dul timid waxayna ku tiri saaxiib kun iyo koow jeer iga raali
noqo u jeedadeyda ma ahayn in aan saaxiibadey ka xanaajiyo. Balse hadii
aad ii aragay saaxiib xun in aan ahay ka raali noqo ee maxaa dhacay oo
kugu soo korday ii sheeg?..
ladan ee aad moodo in ay neefi ku dheganeyd ka soo fuqday ayay waxay
mar qur ah la soo booday, saaxiib saaaxiiiib waan ku jeclahay walaahina
waxaa tahay saaxiibadeydii aan jeclahay waxaan kugu saaxiibay ayay
waxay ahaydba garashadaadii abaayo wax kale maaha ee waxay uga
warantay ladan saaxiibadeeda ayada iyo wiilka ay isbarteen ee la
yiraahdo baashi.
Faaiiza waxay ku maqan tahay saaxiibadeeda sida farxada leh oo ay ugu
sheekeyneyso. Waxayna ka koobineysaa hadalkeedii. Haye haye saaxiib
waan kuu hambalyeynaayaa nolosha cusub ee kugu soo biirtay ayay faaiza
ku tiri saaxiibadeeda. Haa saaxiib aniga hadii aanan waxba kuu
sheeganin yaan wax u sheeganaa ayay ladan saaxiibadeed ku tiri. Waa
yaab nin wax u cad yahay miyaan wax kale usheegi karaa ayay faaiza
iskula hadashay. Sida roon rabiyaa og aniga waxaan ugu imid iyo waxay
iila timid ayaaba waxay tahay kuwa aan islahayn. Ladan farxadeeda waa
ay sii korortay talow waa sidee baashiÃ
Murugadii jaceylka maxaa keenay rafaadka.
Qaybtii 2aad.Tallow baashi xaaladiisu siday bay ahayd?, Baashi asagoo
neef tuuraayo ayuu wuxuu soo gaaray aqlkiisii illinkii guriga ayuu waxa
uu u garaacay si of aan miir lagu arkin Iga fura albaabka maxaad ii
dhageysaneysaan, Ageeyo faadumo oo waayeel ah ayaa xilligaas gurigii ku
sugneed, ayeeyo awood uma laha si deg deg ah inay ku deg degto
furitaanka albaabka, ayadoo soo tugsaneysa oraneysana,'bismillaaahi
bismilaahi yaa weeye qofka sida tan albaabka u garaacaya, alla ayeeyo
ma adiga unbaa guriga ku sugan, Baashi waa uu la socdaa in guriga ay
kuwada nool yihiin hooyadiis, ayeeyadiis, iyo asaga oo kaliga balse
waxaa ka awood badiyay nolosha cusub ee ku soo biirtay nafsadiisa.
Baashi waxa uu ka dhashay reer aad u sabool ah aabihiis asagoo yar ayuu
ifka ka tagay waxaa nolosha u dabarta hooyadiis waxayna ka shaqeysataa
hadba siday nolosha maalintaas ay u dabari karto, waxay aroortii hore
ku wareegataa xaafadaha ayadoo ku dhawaaqeysa 'yaa rabo dhar dhaqid
iyo guryo nadiifin' ayadoo aad u taalan ayay ku soo laabataa guriga
ka dib ayaa waxaa la barakeystaa wax alla waxay soo hesho.
Baashi waa wiil jecel in uu la saan qaado asaagiisa, niyadiisa maba ku
jirto reerkaaga waa sabool iwm ahba. Laakiin markaan waxaa fara kulul
ku haya dooqii uu kula kulmay dariiqa, Markii ay ayeeyadiis alaabka ka
furtay wuxuu si toos ah u abaaray sariirtiisii asagoo xiran kabihii iyo
labiskuu kala yimid magaalada, aaaaaaaH aaaaaH 'maxay ahayd qofu aan
soo arkay ee aan jeclaystay alla dooqeyga fiicnaan badanaayeey.
Baashi waxa uu isla hadlaaba waa uu daalay waqtigii goor uu ku
dhamaaday ayuuba garan waayay, waxaa si deg deg ah qolkiisii ugu soo
gashay hooyadiisa canbaro, Alla hooyo ma xiligaad imaan jirtay miyaaba
la gaaray, Hooyo Canbaro oo la fajacan sida uu udhaqmaayo wiilkeeda
ayay mar un la soo booday ' wiilkeyga ma sidaan ayaa kaa daacad ah
waa maxay sida aad tahay labiskii iyo kabihii ayaad la jiifsatay
sariirta ma waxaan kugu tilmaami karaa inaad miir qabto.
Hooyo Hooyo maya maya aniga waan caafimaad qabaa hooyo macaanto xoogaa
madaxa unbaa magaalada buuqeeda iga soo xanuujiyay mooyee sida kale
waan kuu wanaagsanahay ayuu baashi hooyadiis ku qanciyay,Baashi aaway
howshaan kaaga bartay ayay hooyo canbaro wiilkeeda ku tiri, Hooyo iga
raali noqo anigaa hada kuu dedejinaaya, Baashi hooyadiis gacan yar ayuu
u yahay ileyn caruur aan asaga ahayn ma dhalin inta ay ku maqan tahay
raadinta nolol maalmeedka asaga ayaa maamula ayeeyo iyo gurigaba hooyo
Canbaro markay ku soo dhowdahay guriga waxa uu u sii shidaa dabkii lagu
Karin lahaa cunadii, Hooyo waakan wax waliba waan diyaariyay ee caawa
hooyooy madaxa ayaa I yara xanuunaayo waxaana rabaa inaan seexdo hooyo
I fasax ii ogolow in aan jiifsado.
Pidaas ayuu baashi uga codsaday hooyadiis hooyo canbaro waa beer wax
dhalay si degan ayay uha aqbashay waxayna ku tiri Waa yahay hooyo
seexo. Hooyo canbaro feker iyo isla hadal ayay gashay waxay aad ula
yaaban tahay dabeecada cusub oo ay wiilkeeda ku aragtay.'tallow maxaa
la soo darsay ee uu qarsanaayaa maya sidaan kuma wanaagsana wiilkeyga
Muragadii jacaylka Maxaa keenay Rafaadka!!
qeybti 3aad
Taloow maxaa la soo darsay maya sidaan kuma wanaagsansa wiilkeeyga,
hooyo Cambaro waxa ay isla hadashaaba waxaa hadaladeedii dhageysaneysay
ayeeyo Faaduno aya hal mar ayey waxa ay ka soo booday gogashii ay ku
fadhiday,
Hooyo gabadheyda cuudubileeyso wiilkaaga Baashi la yirrahdo anigaaba
mar hore ka yaabay waxaanba u maleynayaa in uu isticmaalo wax yaabaha
la sheeg sheego ee daroogada la yiraahdo in uu cunay.
Yaah hooyo maxaad tiri ma dhab baa ayey cambaro la soo booday ileen waa
beer wax dhalay, ayeeyo Faadumo ayada oo hadalkeedii sii wadata ayey
waxa ay sii raacisay dhab miyaa gabadheyda inta aad oraneyso waxba
kuuma hagaagayaan ee adiga is weydii dabeecadahaan miyuu lahaan jiray
wiilkaada.
Qof aan waxba ogeyn allahayoow ha cadaabin ayeyo Faadumo iyo Hooyo
Cambaro waxaan loo joogin ayey ka faaloonanayaan baashina daren jacayl
ayaa galay, Hooyo Cambaro waxa ay diyaarisay waxa ayna u yeertay
wiilkeedii Baashi Hooyo macaan toos oo ina keen aanu wada cashaynee,
Baashi wacitaanlka Hoyadii waxa uu moodaa mid ri'yo ah, Hooyo Cambaro
waxa ay ku cel celisaa wicitaanka wiilkeeda balse Baashi waxa uu ku
dhex jiraa mowjad Jacayl, Alla waa cajaa'ib maxaa helay wiilka oo ma
sidaan ayaaba ka daacad ah ereyadaa waxaa ku calaacashay hooyo Cambaro
iyada oo la yaaban xaalka uu ku sugan yahay wiilkeeda.
Baashi !! Baashi !! Hooyo waa maxay xanuunka ku helay halkeese lagaaga
badan yahay , Baashi oo mar qura ka soo aruuray sariirta waxa uuna isha
la helay hooyadii oo dul taagan, waxa uu maraamaray indhihiisii misena
waa hooyadii, isaga oo dhafakaarsan ayuu waxa uu ku hadaaqay ina mari
hooyo aynu wada casheynee, hooyo cambaro oo la yaaban xaalkaan cusub ee
la soo dersay wiilkeeda ayey waxa ay u jiheysteen xagii ay ku
diyaarsaneyd cashada.
Faa'iza farxadii iyo balantii Baashi ayey waxa ay u sugeeysaa sidii
in loogu bishaareeyey janada, Faa'iza waa gabar ka dhalatay qoys
ladan oo qani ah islamarkaana keli ku ah aabaheed, Faa'iza waa gabar
dheer oo aad u qurux badan,indho waa weyn leh, qoor dheer,iyo timo
madow oo aad u dheer gaarayana ilaa dhabarka hoose.
Aabe Jaamac waa Aabe jacel gabadhiisa waxa uuna aad ugu dadaalaa sidii
ay u noqon laheyd mid ka hor marta asaageed,wuxuuna mar walba ku
dadaalaa inuu ka dhigto labo saaxiib oo kale Aabe jaamac waxa uu isku
diyaariyay miiskii qadada ka dib markii cuntadiyoo dhan la soo
diyaariyay ayuu wuxuu u yeeray gabadhiisa faaiza Faaiza faaiza aabe
kaalay aynu wada casheynee faaizo ayadoo cago jiideyso ayay waxay u
timid aabaheed aabe aniga ma casheyn karaayo,ayay ku tiri yaah yaah
aabe maxaa ku helay ayuu la soo boobay aabe jaamac la soco todobaadka
dambe.
Muragadii Jaceylka maxaa keenay rafaadka
Qeybtii 4-aad
Faaiza ayadoo caga jiidaysa ayay waxay u timid Aabaheed, Waxayna ku
tiri. Aabe aniga ma casheyn karaayo,,,,. Yaah yaah,,,
Aabe maxaa ku helay gabadheyda ee aad u cunteen ladahay ayuu ku
yiri,.Faaiza madaxa ayey hoos galisay oo waxa haaya waa uu ku cusub
yahay xishoodna waa ay u sii dheer tahay si ay wax u sheegto
magaraneeyso . Aabe waan yara xanuun sanahay ayey Faaiza ugu war
celisay Aabaheed.
Aabe Jaamaca asagoo ku fekeraaya xaalada la soo daristay gabadhiisa
ayuu wuxuu ku yiri Aabe Faaiza maxaan kuu qabtaa ina keen dhaqtar aan
kuu kaxeeyee.
Faaiza xanuun ku dhegan oo ay dhaqter ay ku ogolaan kareeyso ma jirto
hal mar ayey soo booday aabe aabe maya maya in aan yara jiifsado un
baan doonayaa.
Aabe Jaamac waa uu ka ogalaaday in ay jiifsato Aabe waa tahay orod iska
seexo ilaahay caafimaad ha ku siiyee. Waxa uu fekeraaba waa uu garan
la;yahay meesha laga haayo inantiisa feker ka dib jaamac waxa uu u
yeeray Xaliimo Xaliimo iga hor qaad qashadaani ma cuni karaayo ayuu
jaamac ku yiri gabadha guriga uga shaqeysa,tollow waa sidee bal aan soo
fiirsho ayuu iskula hadlay.
Jaamac si kadis ahna waxa uu u soo galay qolkii ay ku jirtay Faaiza
durbadiiba waxa uu indhaha ku dhuftay faaiza oo dhabanada gacmaha ku
heysa fekereysana,intuu isheyn kari waayay ayuu waxa uu yiri gabadheyda
gabadheyda faaiza maxaa maxaa kugu dhacay, waa ay naxday Faaiza meel
loogaga yimid ayayba garan weyday markaas ayay tiri aabe aabe waxba
waxba iguma dhicin imtixaanaadka sanadkan ayaan ku fekeraayaa sidaan ku
heli lahaa kaalinta koowaad ee dugsiga.
Inta uu qoslay aabe jaamac ayuu waxa uu ku yiri gabadhiisa 'aabe waa
tahay wax waliba ayagu ayaa imaanaaya halkii loogu tala galay ee kaalay
ka soo dul kac sariirta aad saran tahay' Faaiza oo garan la waxa ay
abaheeda ku qancin lahayd ayay soo raacday.
Muragadii Jacaylka maxaa keenay
rafaadkaâ€Ã,¦
Qaybtii 5-aad
Faa'isa oo garan la'a waxa ay aabaheed ku qancin lahay ayey soo
raacday ayada oo caga jiideeysa waxa ayna fadhiisteen jardiinka hore ee
guriga hortiisa, Aaba jaamac gabadhiisa waxa uu ugu sheekeeyaa xaalada
ay hooyadeed iyo Aabaca ay soo wada mareen balse faa'iso ma ahayn mid
sheekadaa ay ku socoto.
Aaba Jaamac marka uu arkay sheekada ineysan xiisad u laheyn gabadhiisa
ugu sheekeeynayo ayuu waxa uu ku yiri Faa'isa si aan xaaladaada u
badalo todobaadka dambe waxa aan u amba baxeeynaa Dubai, Yaaaah Aabe
xagee maxaad tiri, Faa'isa naxdin ayey ku noqotay ereyada Aaabaheed
ka soo yeeray, talo ayaa ku cadaatay Aaba Jaamac oo filayey in ay
Gabadhiisa ku farxi doonto hadaladiisa balse ma aysan noqon taas, Aabe
Aabe ma doonayo in aan safro waayo Aabe imtixaanka ayaan doonayaa in
aan noqon mid ka gasha kaalinta 1aad ee Aabe naga haki safarkaan deg
dega ah.
Aabe Jaamac oo ku maqan gadhiisa isla markaana layaaban intii ay
hadleysay ayuu waxa uu ku yiri Aabe hadii aadan wax ka badalin jawiga
aad ku jirto wax walba oo daawo kuu ah waan ku dhaqaaqayaa, intaa ka
dibna waxa uu Aabe jaamac ku laabtay qolkiisa.
Faa'isa oo wali ku sugan kaabadii ay fadhiyeen iyada iyo Aabaheed
ayaa waxa ay bilowday in ay isla hadasho, HAA Waakan Gacaliyaheygii
baashina gacan kuma hayo !!!! laakiin waa in aan raadiyaa saaxibadey
Ladan si aan ula tashto arrimahaan cusub ee ila soo darsay isla
markaana aynu u raadinaa Gacaliyaheeyga.
Faa'isa oo qalab aruursatay ayaa waxa ay cagta la heshay wadadii ay u
mari laheyd saaxiibadeeda Ladan, intii ay dariiqa ku sii jirtay ayey
meelo badan iska tustay sidii ay u arki laheyd Baashi,
Faa'isa oo isku maqan ayaa waxa ay isa soo hor taagtay aqalkii
saaxibadeed Ladan, markii ay u soo gudubtay gudaha guriga ayey waxa ay
isha la heshay Ladan oo markaa iyadu daawaneyso TV , "Alla Ladaneey
saaxiib ma filim baad daawaneysaa, waad I nacday saaxib miyaa maxaad
iigu imaan weysay".
Ladan oo mar qura ku soo baraarugtay dhawaaqii saaxiibteed Faa'sa
ayey isku soo boodeen, " Abaayo kuma nicin ee waan mashquulay,
saaxiib soo fadhiiso.
Ladan iyo Faa'isa oo gacmaha is haysta ayey wada fadhiisteen kuraas
markaa halkaa tiilay waxa ayna u guda galeen in ay is wareystaan,
sheeko gaaban kadib waxaa lagu soo biyo shubtay waxyaabihii ay kala
kulantay Aabaheed, waxaana la isla meel dhigay sidii lagu raadin lahaa
Baashi. La soco toddobaadka dambe
JACEYLKU MA DHAB BAA MISE WAA DHALANTEED..?
"Culimada Aduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo,
Caashaqa ha lagu daro" Abwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii
sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday aqoonyahanada adduunka, gaar
ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka Caashaqa la
yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo.
Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku daray, gabi ahaanba in cudurka
Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la dabbargoynayo!
Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waa
Dhalanteed? Ma Cudurbaa mise waa.. ? Hadduu cudur yahay dawo ma
leeyahay?
Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan
oo kale gedisana lagu qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen
jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa waa maxay jacayl? Ma
jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed.....?
Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan,
iyadoo weliba lagu kale dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala
aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay wada qoslaan, oo
waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil
jeclaado gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado
wejigeeda ayuu wadnaha qac yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan
dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii qof nafta laga
siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda
wejigiisa iyo oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku
gadooda, si uu u helo neecow qabob oo qancisa naftiisa kulul. "Alla
yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaata" Ayuu uurka
ka yiraahdaa.
Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan
"Allaylahe! Waa tan tii aan doon-doonayay" Dumarkuse waa seef la
qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan "Allaylahe! Waa kan kii
aan baadi-goobi jiray".
Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa?. Tani maba'aha tii uu
iskuulka ama shaqada ku arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku
hantaaqdaa, "Maxaad halkaan ka qabaneysaa, xaggee deggen tahay" uun
buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon.
Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo
horjeeda degneyd. Kolkaad miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo
ayaad mar kale is tiraahdaa "Alla nasiib badnaan laheydaa haddii aad
qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi
laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya
ah oo kale" Intaad dib u soo baraarugta ayaad qosol aan lagula
wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel walba oo ay joogta
ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba
oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada
garaneynin waxaad ku qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii
kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la calowdaa, oo saaxiibtinimada u
jartaa.
Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma
dhabaa, mise waa dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan,
dareen joogta ah, niyad jab, tabar dari, daal, cuntada oo aad ka
soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli weydo;
xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad
qalafsan, iyo dadka oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u
badnaadeene.
Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu ma'ihi Dektoorkii Jaceylka,
laakiinse jaceylku waa wax jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba,
daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba dunida afarteeda
dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa:"Alleylahe
Waa runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse
ereyadeyda hal-hal u aqriso oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa,
dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow saaran oo kale.
Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca
wadnahaagga; biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira
sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo kale; waxaani waa jaceyl wuu ka
burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal iila carara
tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa
arageeda oo si joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar
qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo. Waxa macquul ah qofka aad sidaan u
doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira oo jecel.
Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho la'aan awgii, dabadeed intaad is
hayn kari weydo ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa
leh ee dadku ku nastaan.
Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii
inay iyada tahay, weliba iyadoo ku leh:"Gacaliye, maxaad qabaneysaa
galabta" Degdeg intaad u soo haado ayaad tiraahdaa "Gacaliso, waxba
ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen aadnaa"
goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba ma'ahayn
waa niyadaadii oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEH Sidaas ayaad ku garataa
inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan
aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku calaacala, oo
nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan aragtid ayay
yiraahdaan