sheeko jacayl qiso dhab ah

3 views
Skip to first unread message

mudane

unread,
Jun 2, 2006, 11:04:05 AM6/2/06
to jacaylka
Barni Seed Warfaa aqalkoodu waa ka tuulada oo dhan ugu sumcad xun.
Waxaa jirta sumcadxumo la galabsado, tanise waa mid lagu heshiiyey.
Waxaa lagu heshiiyey aqalkaas iyo qoyska ku nool in lagu tilmaamo kuwo
sumcad xun.

Waxaa la yidhaahdaa: "Waxaa ka soo ura saamo iyo subag gorayo."
Waxaa kale oo la yidhaahdaa: "Waxay cunaan oon aan aadamiga kale
cunin." Waxaa kale oo la yidhaahdaa: "Aqalkaas haddii la baadho
waxaa laga helayaa ceebo aan caqligu rumaysan karin."

Waa mutul yara weyn oo saddex qol u kala xidhan. Daaradda ciidda ah
waxaa ku wareegsan ood badankeedu baxday oo dhir noqotay.
Farasmagaalaha tuulada ayuu bari kaga soo jeedaa, haddii albaabku furan
yahayna waxaa la arkaa ilaa dalqada.

Isaga oo ah aqalka tuulada ugu sumcad liita haddana goor iyo ayaan
ragga oo dhami xaggiisa ayey wada eegaan. Waa la isla og yahay maalin
walba meelo kadinka ku qumman in ogaan loo fadhiisto, laakiin danta
halkaa loo fadhiisto la islama qiro. Qoyska deggan qof aan ahayn oo
weligii aqalkaas foodda geliyey lama sheegin, haddana eegmada lagama
daayo.

Waa tuulo yar oo gabbalku mar wada dhaco waaguna mar u wada beryo. Qof
waliba waxa uu ku seexdo iyo wax uu ku soo tooso waa laga wada war
hayaa. Waa dad yar oo iswada yaqaan, laakiin qoyska Seed Warfaa waa ka
keliya ee aan la ogayn waxa uu ku seexdo kuna soo tooso. Waa qoyska
keliya ee aan la malayn karin waxa calooshiisa ku jira.

Barni Seed Warfaa maanta waa siddeed iyo toban jir. Nafle la qurux ah
gabay waa lagu sheegay laakiin dunida laguma arag lagumana maqal. Iyada
oo aad u yar ayaa xaqiiqadaas la wada qiray. Sagaal jir bay ahayd
maalintii ay gole rag waaweyni fadhiyaan hor martay, dabadeed nin
raggii ka mid ah afkiisa laga maqlay: "Furuq ku dil, maxay qurux la
soo kacaysaa!" Waa la wada qoslay, waayo hadalku kama duwanayn mid
lagu yidhi ceesaan ama sabeen. Ma aha ammaan loo quudho qoyska sumcadda
xun. Quruxda iyo wanaagga kale ee Barni Seed waxaa loo arkaa wax ku
khasaaroobay meel qaldan, sida roob beer looga baahnaa oo bad ku
da'ay. Hayeeshee weedhaas habaarka iyo ammaanta isugu dhafan ayaa
noqotay halhays muuqa Barni Seed ku lammaan. "Furuq ku dil, qurux
badanaa!"

Ragga inta ay halkaa yuurursadaan sidii xoolo horan xagga mutulka
indhaha u wada jeediya, waxaa ku jira Warsame Geeddi oo ah sagaal iyo
toban jir isaga iyo qoyskoodaba la qaddariyo. Jacaylka ay isaga iyo
Barni Seed isu qabaan cidna kama qarsoona, waxaase loo arkaa jacayl
xaaraan ah oo aan bannaanayn ama habboonayn. Haddii uu jacaylku yahay
wax Ilaahay dadka qalbiga ugu rido, ka Barni Seed dadka ugama duwana
cudur sheydaan qalbi miskiin ku tuuray. Haddii ay quruxda iyo wanaaggu
ka mid yihiin shuruudaha jacaylku ka beermo, iyada teeda isla marka la
qirsan yahay ayaa la inkirsan yahay. Waxaa loo arkaa qurux iyo wanaag
aan la mid ahayn ka dabiiciga ah ee dadka lagu jeclaado, sida ka lagu
tilmaamo noolaha kale iyo walxaha aan noolayn.

Warsame Geeddi iyo Barni Seed waxay garaadsadeen iyaga oo isjecel.
Midkoodna ma garan karo dareenka wanaagsan ee uu ka kale u hayaa
goortii iyo sidii uu ugu bilawday. Laakiin maraggaa soo-jireenka ahi
markii ay weynaadeen garta waxba ugama tarin. Haddii awel jacaylkooda
la moodayey carruurnimo, maanta waa lala xisaabtamayaa oo waxaa laga
sugayaa in ay dhawraan xeerarka adag ee dhaqanka. Warsame markii uu ku
baraarugay qosolka quudhsiga leh ee qayrkii ayuu ku qancay ceebta iyo
magacxumadu in ay u jiraan inta ay Barni Seed u jirto. Haddiise uu ku
guulaystey in uu jidhkiisa iyo keeda kala fogeeyo, weligii kuma
guulaysan in uu naftiisa ka fogeeyo. Run ahaantii naftiisu teeda ayeyba
ka mid tahay.

Barni aabbeed Seed Warfaa waa shan iyo afartan jir laf iyo xoog loo
dhammeeyey. Wuxuu caan ku yahay, oo muddo dheer degmada oo dhan u
haystey, legdanka, orodka iyo toogashada. Taa ka sokow keligii ayaa
tuulada u qaabbilsan xirfadda kabotolista. Waa nin furfuran oo bulshay
ah.

Dadka cayda iyo cadaadiska badan la kulma qaarkood waa ay jabaan oo
waxaa ku dhaca cuqdad iyo daciifnimo nafsadeed, gunnimada ayeyna
qaayibaan. Qaarkoodna waa ay ku dhismaan oo waxay ka qaadaan adayg.
Seed Warfaa wuxuu ahaa noocan dambe. Subaxdii uu tallaabo qaaday ilaa
maanta naftiisa waxaa lala dhacayey nabarro aan tudhid lahayn oo qof
jilicsani ku daadduumi lahaa, isagase waxay ka dhigtay birlab aan wax
karayaa jirin. Ninka erey qalloocan ku yidhaahda toban erey oo qallooca
kala daran ayuu ku gaggabiyaa, ninka mar hoos u eegana toban jeer ayuu
hoos u eegaa. Nin waliba isaga oo og in aanu Seed Warfaa si kale u
liicin karin ayuu haybtiisa iin uga dhigaa. Intaas ayaa lagu mintidaa
oo la iskaga celiyaa.

Goor walba dadka uu u shaqaynayo iyo qaar kale oo u soo sheeko iyo
xifaale toontay ayaa agtiisa dhooban. Waqtigana mar walaba weerar iyo
weerarcelis laguma dilo ee in badan waxaa laga dhegaystaa sheekooyin
waayo'aragnimada ka soo burqada. Wuxuu jecel yahay in uu ka sheekeeyo
xasuuso farxad iyo xanuunba leh oo ugaadhsi ku saabsan. Tusaale ahaan
afkiisa lagama jeesto marka uu ka sheekaynayo "Guuldarradii labada
goodir". Mar iyo laba in ka badan ayuu taas ka sheekeeyey waayo
naftiisa ayuu ugu tacsiyeeyaa. Wuxuu u bilaabaa sidan:

"Afadu waa fool, afar toddoba jirku ugu weyn yahayna way ag
yaxoobaan. Waa abaar ba'an, wax afka la geliyana lama hayo. Wax
beerkiisa bahal calaaliyo waxaa ii daaqa qaalin weyd ah oo aan ilmaha
xamaamada ugu qaado. Ma isaga ayaad u qashaa? Maya ee caawa qadoodi ku
seexi, berrina qoriga xun ee Ustarka ah ee ay xabbada keli ahi ku
hadhay kaynta kula jarmaad. Haa, waxaa ku hadhay xabbad aan ku
ilaalinayo, waayo bundukh aan rasaas lahayni dogob xaabo ah kama duwana
oo dhenged baa lagaaga furan karaa. Dhulku ma ugaadh badna dadaalkase
laguma qado.

Salaaddii hore intii aan nin iyo geed la kala garan ayaan qaalinkii
heeryo fudud iyo laba yeelood garbaha u saaray lana dhaqaaqay. Laantii
ay dabayli ruxdaba waxaan dhaayaha la raaco, dhawaaqii baxaba dhegta u
dhigo, dhulkana raadba ka uu ka dambeeyo dul joogsado, goor ay tahay
maalinweyn waa kuwan laba goodir oo geed wada daaqayaa. Rag waa
damaaciye, waxaan qoondaystay labadaba in aan xabbadda ku wada dilo.
Way dhacdaa oo horeba laba saryan baan toogasho keliya ku wada diley.
Weliba goodirku sida biciidka uma feejigna. Sidii baan yeelay oo inta
aan u dhowaadey suryo ay isku beegan yihiin ka wada shiishay. Baw! Mise
wallaahay labadiiba way isaga baxday!

Markiiba kii soke inta uu qalabarogtey ayuu geesaha barkaday. Kii
kalese inta uu wareeray oo marba dhan isu qaaday ayuu markii uu i
arkay dhanka kale u booday. Degdeg ayaan kii dhulka yaalley gawrac ugu
jiidey oo kii kale ka daba orday. Meeshu waa xas jiq ah. Markii aan
bidhaantiisa waayeyna raadkii ayaan cagta saaray. Shaki kama qabo
xabbaddu in ay saableyda ka ruubatay. Cawska iyo laamaha uu jiidhayo
dhiig ayuu ku duugayaa. Ma foga; ma foga goorta aad isaga oo itaal u
run sheegay oo hortaada yaal arki doontaa, ayaan ku niyadsamahay.

Wax aan ordo oo raadka eryadaba, guushii aan gacanta la tiigsanayey mar
keliya ayey guuldarro noqotay. Gelin dhan baa ordayaa, qorraxdii galab
ayey u hoobatay, dabadeed harraad iyo daal ayaan la dirgan waayey. Dani
waxay tidhi dib isaga noqo oo kii kuu dillaa habeenka ka gaadh.
Gabbaldhac baan aniga oo geeri iyo nolol u dhexeeya bartii uu goodirku
ii yaalley ku soo baxay. Mise meeshuba meeshii ma aha! Siigada duulaysa
iyo dagaalka ka socda waxaad mooddaa goob lama qabiilo oo doqommo ahi
isku galeen. Dhirta geed walba waxaa saaran tobannaan gorgor oo
qaarkood bilaabay in ay dheelmadaan. Halkii aan goodirka kaga tegey
waxaa filiqsan lafo habaas leh oo ay dhawr tuke sii feenanayaan. Waar
illayn ciil iyo caloolxumo uma dhimatid!..."

Seed Warfaa isaga oo afar iyo labaatan jir ah markii uu guurdoon noqday
hablaha degaanka oo dhan saddex keliya ayuu kala doorasho u lahaa.
Boqollaalka kale iyo isagu waxay kala ahaayeen sida geela iyo idaha. Ha
yeeshee doorashadii saddexda ku koobnayd ayuu Alle u barakeeyey. Wuxuu
calfaday Dhudi oo uu ku badhaadhay, taas oo maanta u haysa lix carruur
ah oo caafimaadkoodu taam yahay.

Seed Warfaa mood iyo nool weligii wax aan muruqiisa iyo maskaxdiisa ka
soo shiilmin ma dhadhamin mana yeelan. Ooridiisa iyo ubadkiisu afarta
xilli ee sannadkaba iyo goor walba waxaa ka muuqda daryeel iyo dufan.
Isla markaas aqallo badan oo sharaf loo hayo habeenno badan dab lagama
shido.

Waxaa u dareerta xayn yar oo adhi ah, wuuse og yahay si walba in uu uga
nolol wanaagsan yahay qoysas kadin geel ah iyo tirooyin adhi ah
dareersada. Muddadiiba mar buu qorigiisa Ustarka ah qaataa oo kaynta ka
soo dishaa goodir, ama biciid, dibtaag ama cawl, amaba gorayo. Marnaba
ubadkiisa oon dux leh uma waayo. Subagga gorayada ee urtiisa qoyska
lagu yaso, Seed Warfaa wuxuu hubaa in ay tahay dawada ugu waxtarsan ee
ubadkiisa cudurrada ka difaacda. Duumo, qaaxo, xiiqdheer, hargab iyo
aafooyinka la midka ah ee ay carruurta tuuladu goor walba u daadato,
qaarna u dhintaan, cudurradaasi isaga minankiisa ma soo galaan.
Kaneecadu carruurtiisa in ay qaniinto iska daaye korkoodaba kuma
joogsato.

Dadka beesha waxa kab maas ah cagta ugu jirta intooda badani waxay ka
soo baxeen labada gacmood ee Seed Warfaa iyo inamadiisa uu ka ugu weyni
gugan labaatan jirsadey. Kabatolennimadu ma aha xirfad uu dhaqaale kala
soo baxo oo keliya, mana aha dhaqan awoow oo uu sii waday oo keliya,
waxayse u tahay farshaxan iyo fannaannimo ay naftiisu caashaqday oo ku
raaxaysato. Marka uu saan weyn oo agtiisa duuban marba sar uu
calaamadiyey mindiil af badan kaga soo jeexo, uu sii jaangooyo una
egaysiiyo raad qof, uu mid kale iyo mid saddexaad sidii si la mid ah u
qaabeeyo dushana iskaga wada nabo, uu kabatoli iyo suun dhuuban qaato
oo saddexdii sarood tolan ku wareejiyo, uu suuman yara balballaadhan
sarihii uu isku dhisay dusha kaga xidho musbaarrana ugu qodbo, uu
cidhib iyaduna dhawr sarood ah gunta dambe kaga fadhiisiyo, uu
suundambeed gadaal kaga wareejiyo, uu sidii ilmo uu dhalay cabbaar
marba dhaban ka daawado, uu Aji cagaag dilooday cagaha ugu jufo,
farxadda iyo liibaanta uu ka helo ma jiraan wax kale oo uu ka helaa.
Run ahaantii markaas lacagta uskagga leh ee loo soo taago kama fekero.

*

Waa duhur kulul oo ay qorraxdu iyada oo qaawan cirka badhtankiisa
dangiigto. Geedku waa jinaw weyn oo cufan caleentuna aad u hadoodishay.
Hooskiisa waxaa hadhac qabow ka sii dhigay ciidda rayska ah. Waa ciid
ay roobab isdabajoog ahi nadiifiyeen. Barni Seed jirridda ayey dhabarka
ku tiirisay, labada lugoodna rayska qabow ku kala bixisay. Geedka xiga
waxaa hoganaysa xayntoodii. Dhabta waxaa u saaran duub maydhax ah oo ay
xadhig ka soohayso. Cod ay raalli ka tahay ayey ku qaadaysaa heeso
cayaareed cusub oo degmada laga tiriyey. Heesaha ay qaadayso iyo
maydhaxda ay soohayso midna kuma baraarugsana oo waxay ku maqan tahay
duni kale. Laba dareen oo cadaw isu ah ayaa nafteeda ku legdamaya.
Wejigeeda ayuu dagaalkaasi ka muuqdaa. Mar way muunsoonaysaa marna
qamuunyoonaysaa. Dhalanteed ay dhex mushaaxaysey waxaa ka dhabqiyey
sagaal jir geedka gadaal ka soo galay.

- Ayaanle, waad naga nixisaye waa la isa soo muujiyaa.
- Adigu fulaysanidee maxaad ka baqaysaa?
- Ma waxaad ka timid tuulada?
- Haa.
- Yaa joogey?
- Dadkii joogi jirey.
- Makhaayaddii Guure ma tagtay
- Haa.
- Yaa joogey?
- Dee dadkii joogi jirey. Yaa kale ee joogi lahaa?
- Odaygii Xaaji Aadan ma joogey?
- Haa, wuu joogey.
- Cartan-Dheere ma joogey?
- Haa.
- Yaa kale ee joogey? Warsame Geeddi ma joogey?
- Haa, isaguna wuu joogey.

Laydh farxadeed baa martay. Intaas baa deeqday. Magacyada kale oo dhami
waxay ahaayeen raadgadasho ee ka u dambeeya ayey u dan lahayd, Warsame
Geeddi. Waa ay aamustay oo inta ay inankii la fadhiyey illawdey mar
kale riyo macaan dib u gashay. Dhibic weyn oo biyo ah oo geedka ka soo
dhacday ayey dhabanka iska tirtay, yarkuna wuxuu mooday in ay ooyayso
oo illin iska bi'inayso. Wuu eegayaa dareenkeedana fahmayaa. Marar
badan buu maqlay dadka oo iyada iyo Warsame hadal haya. Marar badan buu
maqlay rag Warsame kula kaftamaya: "Barni haddii Alle kuu geeyo, iska
ilaali boqnaheeda iyo baabbacooyinkeedu in ay ku taabtaan!"
Hadalkaasi isaga qudhiisa ayuu saamayn daran ku yeeshay oo taabashada
ilmo Seed Warfaa wuu iska ilaaliyaa.

Mar keliya ayey qoftii isbeddeshay. Muddo ayey dhaqaaq oo dhan joojisay
oo dhulka horteeda ah ku dhaygagtay. Haddana isaga oo yarku arkaya ayey
duushay oo dabayl noqotay. Wuu waayey. Meeday? Halkii ay fadhiday waa
cidla bannaan! Qoftii ma jin bay noqotay mise xanfalay baa qaadday?!

Yarkii waxaa ku dhacay argaggax. Wuxuu damcay in uu cararo oo beesha u
qayliyo. Laakiin haddana waa tan halkeedii fadhida. Sidii buu dareenka
wejigeedu liibaan iyo murugo isugu milan yahay.

Barni Seed way og tahay jacaylka ay Warsame Geeddi u qabtaa in uu yahay
mustaxiil. Waxay jeceshahay ilaa heerka nolosha iyo dhimashada, haddana
ugama duwana iyada oo jeclaatay wax aan jirin. Waa ay diiddan tahay oo
ka niyadxun tahay xukunka iyada oo aan dhalan la saaray.

Warsame Geeddi isagu caashaqa uu Barni Seed u qabo cid kale iska daaye
naftiisa uma qirsana. Wuxuu isu arkaa nin shil ku dhacay. Dadka kale
qudhoodu dhab ugalama hadlaan. In qoyska sumcadda xun la jeclaadaa wax
dhab loo qaadan karo loogana hadli karo ma aha. Yarka waxaa kaftan lagu
yidhaahdaa: "Barni Seed haddii Alle kuu geeyo, iska ilaali
calaacalaheeda iyo boqnaheedu in ay ku taabtaan, haddii kale weligaa
fakhri iyo cirirnimo ka bixi maysid." Haa, sidaas ayaa la wada
rumaysan yahay, isaguna rumaysan yahay. In uuse boqno iyo baabbacooyin
iska ilaaliyo wuxuu ka door bidayaa in aan sideedaba Alle u geyn.
Fakhriga iyo cirirnimada looga digayo waxaa kala weyn sharaftiisa iyo
sharafta tolka.

Sidaas oo ay tahay, jacaylka daran ee naftiisa buuxdhaafay dartii
maskaxdiisa waxaa joogto ugu soo dhaca feker uu ka acuudu billaysto.
Wuxuu ka fekeraa isaga oo guursadey Barni Seed, dabadeed carruurtiisa
abtiyadood noqdeen kabatoleyaal. Markaas inta uu yaxyax la dhidido ayuu
qosolgariiraa oo sheydaanka iska naara. Sababtaas ayuu dareenka
naftiisa ugu garaabi la yahay. Sababtaas ayuu Barni uga garaabi la
yahay. Tallaabo taariikhda iyo dhaqanka degaanka ku cusub oo ay Barni
Seed ku dhiirratey isaga ayey hiil uga weydey. Dharaar cad inta ay isa
soo hor taagtey ayey ku tidhi: "Waan og ahay inta aan ku jecel ahay
in la'eg in aad i jeceshahay. Haddaba maynu danteenna garanno oo
isguursanno?" Isaguna inta uu si yasid leh u dhugtay oo muunsooday
ayuu iyada oo halkii taagan ka dhaqaaqay. Run ahaantii wuu ogaa in uu
dadnimadiisa iyo dookhiisa yasayo. Wuu hubey dunida qof Barni Seed kala
weyn oo uu ka jecel yahay in aanay jirin. Iyaduse habeenkii xigay oo
dhan waa ay ooyaysey. Waxay la ooyaysey murugo iyo ciil isku jira.
"Furuq ku dil, qurux badnaydee!"

*

Goortu waa casar dheere aad u kulul oo dunidu inta ay dhalaashay isu
rogtay dhaandabaggaalle. Waxaa la maqlay mashxarad dheer, haddana dhawr
xabbadood baa cirka loo riday. Dabadeed aqalkii reer Seed waxaa ka soo
baxay nin doob ah oo aan tuulada laga aqoon. Waxaa ka soo daba baxday
Barni oo dhar cusub gashan. Waa ay ooyaysaa. Kor iyo hoosba waa ay u
ooyaysaa. Caloosha iyo indhahaba waa ay ka ooyaysaa. Ilaa saaka
aqalkooda ayey ka dhex barooranaysey, imikase baroortii waa ay ka
daashey oo waxaa ku hadhay hiinraag iyo illin dhabannada qulqulaysa.
Tallaabada dirqi ayey ku qaadaysaa. Waaba la riixayaa. Dad door ah baa
cabbaar sii gelbiyey. Dadka sagootiyey waxaa ku jira Ayaanle. Qunyar
qunyar ayey tuulada uga durugtay. Waxay ku baxday xoog iyo xanuun la
mid ah ka ay naftu jidhka kaga baxdo. Ninku wuu ka horreeyaa oo isagana
waxaa gelbinaya laba nin oo kale.

Markii laga soo wada hadhay tuulada laguma soo noqon ee waxaa la
istubay debedda. Waxaa la sii eegay labadoodii oo bari qumman afka ku
sii haya. Ninka waxay ka dambaysaa dhawr tallaabo, mana wada hadlayaan.
Ugu dambayn waxaa la sii arkayey iyaga oo bankii kululaa ku fogaaday,
oo dhex galay dhaandabaggaalle, una egaaday laba laamood oo dhaadheer.
Waxay noqdeen laba malluugood, dabadeed waa ay libdheen. "Furuq ku
dil, qurux badnaydee!"

Degdeg ayey qorraxdii u dhacday, waxaana soo weydaaratay dhaxan daran
oo aan mid la mid ah hore loo arag. Waa la wada qadhqadhay. Qof waliba
inta uu gadhka iyo lawyada isgeliyey oo huga isku duubay ayuu keligii
meel yaxoobsaday. Sidii loo dhammaa waa la aamusay. Shib. Qof mid kale
la hadlayaa ma jiro. Qof waliba mugdiga ayuu ku dhaygagay. Qof walba
waxaad mooddaa qallad aan wax ka qabasho lahayni in ay ku
gooniyaysatey. Haddana qalladda dhacday waxa ay tahay iyo sida ay tahay
la islama qeexi karo. Ma in Barni Seed la guursaday oo dhul kale lala
aaday baa? Maya, maya, caqligal ma aha. Maxaan caqligal ahayn? Ma in
aanay dhicin, mise in ay masiibo tahay? Maxaan dhicin, maxaase masiibo
ah? Weydiimaha caloosha wareegayaa afka kama soo baxaan. Waxba la
islama qirsana ee qof walba isaga ayey u gaar tahay, sidii uu
jacaylkeedu qof walba gaarka ugu ahaa. "Furuq ku dil, qurux
badnaydee!"

Dad badan baa isku raacay habeenkaasi in aanu dhaxan badnayn oo keliya
ee xataa hebeennada kale ka dheeraa. Sida uu waagu u soo raagey waxaaba
la moodey in aan qorrax dambe soo bixi doonin. Wadaadka masjidku
maalintaas eedaankii salaadda makhrib iyo kii cishe labadaba wuu
illaawey. Maalmo ka dib waaba la isku khilaafay labadaa salaadood in la
tukadey iyo in kale. Galabtaas kulul naftii sida xoogga leh tuulada uga
baxday dib uma ay soo noqon; naf baxday ma soo noqoto. Farxad, kaftan
iyo qosol maalintaas baa tuulada ugu dambeysey. Indhihii badnaa ee
aqalka sumcadda xun eegi jirey maalintaas baa meel ay wadajir u eegaan
ugu dambeysey. "Furuq ku dil, qurux badnaydee!"

Guri haddii aan lagu noolayn wuu cimri degdegaa oo dhakhso u daataa.
Mutulkii reer Seed Warfaa iyo cariishkii kabaha lagu toli jirey
beryahan waxay u eg yihiin hambo duni la rogey ka soo hadhay. Doog baa
ka baxay, waxaana gala bisadaha iyo bahalaha hoose. Waxaa laga hayaa oo
keliya laba xasuusoos: shakhsiyaddii adkayd ee Seed Warfaa iyo quruxdii
inantiisa.

Sidii Barni Seed loo guursadey dhulkii ay ku dhalatay kuma ay soo
noqon. Waxaan jirin sabab ku soo celisa, waayo reer Seed oo dhami iyada
ayey sannad keliya ka dambeeyeen oo way ka daba hayaameen. Odaygii iyo
islaantii iyada ayey dhulka cusub la degeen. Halkaas ayuu Seed Warfaa
ka sii waday xirfaddii uu jeclaa. Wuxuuse ka niyadxun yahay raggii uu
dhalay oo diiday in ay la shaqeeyaan. Saddexdiiba waxay noqdeen askar.
Umadduna beryahan hadhuubraac ayey baratay oo kabaha loo tolo waxay ka
jeceshahay kuwa loo soo dhoofiyo. Sidaas darteed shaqadiisa maanta
nafci badan kuma qabo. Labadii hablood ee Barni ka yaryaraa qudhoodu
waxay galeen magaalo, waxa ay halkaa ku qabaanna Allaa og.

*

Dharaartii ay tuulada naftu ka baxday waxaa laga joogaa laba iyo toban
sano. Ayaanle wuxuu baabuur kaga degey tuulo aanu u socon hayeeshee
safarku la maray. Wuu sii qorshaystay in uu ku dego, wuxuuna sidaa
xalwad iyo nacnac. Waa galab. Albaab loox ah oo ay saboolnimo ka
muuqato ayuu garaacay. Waxaa ka furtay cunug qiyaastii kow iyo toban
jir ah oo aad u qurux badan, aad u faraxsan, hayeeshee arradan. Waxay
ku dhex jirtaa kurdad duug ah oo faraqyo leh. Wuxuu weydiiyey
magaceeda, waxayna ugu sheegtay Ladan. "Furuq ku dil, maxay qurux la
soo kacaysaa!"

Ayaanle gudaha waxaa ku qaabbishay haweeney iyaduna sida yarta u qurux
badan una arradan. Waa Barni Seed oo shan dhal ah. Yartii albaaka
furtay ayaa curad u ah.

Carruurtii iyo dhawr kale oo deriska ahi markiiba waxay ku degeen
xalwaddii iyo nacnacii. Qayladoodu waxay aad u dhabqinaysaa sheekada
Ayaanle iyo Barni. Markii ay lahayd: "Kaalaya abtigiin salaama",
dheg uma ay jalaqsiin. Wuxuu isweydiiyey sababta ay abti ugu sheegtay,
ee ay tusaale ahaan adeer ugu sheegi weyday. Malaha mar haddii ay isku
degaan ahaayeen waxay ka soo qaadday walaalkeed oo kale. Malaha dadka
ninkeeda la degaanka ah ayey carruurta ugu sheegtaa adeer iyo eeddo.

Goor dambe oo ay godolkii hore ee iswaraysiga kala maaleen, iyada oo ay
indhuhu ilmo godladeen waxay tidhi:

- Waxaan maqlay Warsame Geeddi weli ma guursan?
- Haa, weli ma guursan.
- Waxaan maqlay waxaa diidday ina Xaaji Aadan?
- Haa, labada tii yarayd.
- Taas aniga ayaa kun goor ka qurux badnaa kana karti badnaa.
- Haa, waa la wada ogaa in aad ka qurux badnayd si walbana uga
dadnimo sarraysey.
- Laakiin waa ay iga nasabsanayd.
- Ma rumaysni in ay laba qof dhalashada ku kala nasabsan yihiin. Qof
waliba waa waxa uu yahay qof ahaan iyo waxa uu kasbado.
- Waan ku fahmayaa waayo mutacallin baad noqotay, waxaase jira dhaqan
adag.
- Waa dhaqan abaadey oo aan maskax iyo akhlaaq ku dhisnayn.

Cabbaar ayey kala aamuseen oo midba xasuusta dhan u daaqgeeyey. Wuu
hubaa in ay ka fekerayso Warsame Geeddi, iyo waayo waayo. Isaguna wuxuu
ka fekerayaa nacasnimada dhaqankii uu ku garaadsaday, iyo dulmigii reer
Seed Warfaa lagu hayey, iyo jacaylkii Barni Seed ee maadda laga
dhigtay, iyo sidii uu isaga ilaalin jirey taabashada boqnaha iyo
baabbacooyinka reer Seed Warfaa. Qudhiisu tuuladii waxba iyada kagama
dambayn oo waxaa la geeyey magaalo iyo waxbarasho. Markii uu
qaangaadhey ayuu ogaadey waxaasi in uu ahaa dhaqan liita. Gabadhii ugu
horraysey ee uu beelaha la haybsooco ka bartay ayuu ogaan boqnaheeda
iyo baabbacooyinkeeda u taabtay si uu isaga daweeyo cudurkii iyo
cuqdaddii isaga oo yar la geliyey. Booqashadan qudheedu waxay qayb ka
tahay dadaal uu denbidhaaf ku raadinayo.

Goor dambe ayey maskaxda dib u soo dheelmiyeen, iyada ayaana tidhi:

- Weligii wuxuu ii jeclaa sida aan jeclaa si la'eg, sababtaas baan
uga samri la ahay. Waxaan rajaynayaa guur la'aantiisu in aanay nabsi
ahayn.
- Isaga oo ku jecel haddii uu ku guursan waayey waa u doqonnimo.
- Qudhiisa dhaqanka ayaa dabray.
- Haddii uu geesi yahay dhaqan gaboobay uma dabranaadeen.

Waa ay ooydey ilaa wejigeedu dhidid iyo illin la qoyey. Isaguna wuxuu
ugu celceliyey ereyo garwaaqsi iyo calool adaygsiin leh. Wax badan ayey
iska waraysteen, gaar ahaan tuuladoodii, wax badan ayuuna uga warramay.
Wuxuuse ka qariyey Warsame Geeddi in uu bukaan noqday. Haa, uma uu
sheegin sidii iyada loo guursadey ninkaasi in uu noqday qof maahsan oo
aan la garanayn xiskiisu in uu dhan yahay iyo in uu dhiman yahay. Mooyi
sababta uu taas uga qariyey. Malaha wuxuu diiddanaa sawirka ay xasuusta
ka daawanayso in uu ka jeexjeexo.

Markii uu Barni ka soo baxay Ayaanle aqalka hortiisa wuxuu ku sii maray
yaryarkeedii iyo kuwo kale oo wada ciyaaraya. Wuxuu ka fekeray
aayahooda iyo dhaqankoodu in uu ka duwanaan doono kii ay Barni Seed iyo
Warsame Geeddi ku dhex barbaareen, jawaabse uma helin. Socdaalkiisii
ayuu sii watay isaga oo leh: "Furuq ku dil, qurux badnaydee!"

Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages