Sheekadii Naaquude

7 views
Skip to first unread message

somali

unread,
Jun 2, 2006, 12:07:55 PM6/2/06
to jacaylka
Intay waraaq dhowr bog ka kooban u dhiibtey bay teermuus hortiisa yiil
gacanta saartay oo, ayada oo wajigiisa ballaaran oo duuduubka leh,
eegaysa xoogaa dhoollocaddaysay si ay u kala ogaato bal in uu kafeega
cusub in loo shubo ku faraxsan yahay iyo in uusan danaynayn.

Marka ay qoslayso ninkii arka dareenkiisa farxad iyo himad baa buuxiya,
waana sababta keentay in ay ka shaqayso qolka markabka laga hago.

Wuxuu milicsi naxariis leh ku jalleecay indhaheeda waaweyn,
bushumeheeda culayga ah iyo ilkaheeda cadcad oo fanaxda leh. Timaha
jilicsan oo aad u madow dhawaan baa loo jaray, wajigeedana waxaa la
moodaa in uu ku habboon yahay in ay naakhuudaha qalbigiisa dejiso.

Shaati gaduudan oo khafiif ah bay xiran tahay, oo laba naas oo ay
rajabeeto ku xajisey buu naakhuuduhu indhaha la sii raacay. Laabteeda
kor ka bannaan waxaa ka dhalaalaysa silsilad bidhaamaysa oo ka soo
raaracda luqunteeda dheer oo cas. Wuxuu asaga oo weli qoslaya araggiisa
ku celiyey wajigeeda furfurnaata weyni ku dheehan tahay.

Qosol aan sharqan lahayn ayuu asaguna dhoollaha qaawiyey, hase ahaatee
ilkihiisu sida kuweeda uma cadcadda ee waxaa madoobeeyey mukhaadaraad
uu bartay ayada oo aan dhalan. Malaha xataa aabbaheed ma dhalan waagii
uu tubaakada bilaabay, jaadka iyo maaweelada kalena wuxuu xiisaynayey
xilli dheer oo uusan laftiisu xasuusan inta sano oo uu ahaa. Madaxa
intiisa hore waxaa diiratay bidaar, hareerahana waxaa ku meegaaran timo
yar oo saaka daawo khaas ah loogu madoobeeyey.

Gabadha wuu ku faraxsan yahay, dhanbaalka ay hor dhigtayse wuu ka
didsan yahay. Inkasta oo uusan warka waraaqda ku qoran moogayn haddana
in lagu gafey buu tirsanayaa, wuxuuna asaga oo la dareemayo in uu
gabadha kafeegeeda xiisaynayo yiri:

- Indho macaan badan iyo waji ilwaad leh baa kaa muuqda, la'aantaana
adduunku xiiso ma laha, maxaa yeelay anigu waxaan ahay naakhuudihii
markabkaan, adiguna waxaad tahay naakhuudihii noloshayda.

Ereyadaas iyo hadallo la mid ahi waa haasaawe uu naakhuude Kediye
Bulxan caadaystey si uu uga farxiyo oo ula saaxiibo hablaha shaqaalaha
ah oo asaga u dhowdhow. Wuxuu hadda, intuu ookiyaalo waaweyn gacanta
midig isaga bixiyey oo gadaal u dhacadiidsadey lugahana is dul saartay,
sii eegayaa Batuulo Xaange oo inta hortiisa ka dhaqaaqday tarbiib
iridda xaggeeda u sii hadaafaysa, oo goonno lawyaha u joogta qabta.

Kubabkeeda bilicda leh iyo barideeda quruxda badan ayuu Kediye Bulxan
xoogaa ku dhaygagay, wuxuuna dhab ugu marqaamay socodkeeda xashaashka
iyo xarragada leh iyo dhexdeeda yar oo uu daawanayey ilaa ay libirtay.

Markaas ayuu soo qaaday oo hoos u fiiriyey dhanbaalkii baas oo la moodo
in uu imaatinkiisa aad u kahanayo. Waraaqda dheer oo uu hadda, asaga oo
weli kursiga jilicsan jirjir ugu jiifa intuu dhabtiisa saaray, eegayo
wuxuu warkeedu soo gaarey intii aan qoraalkeeda la bilaabin. Dadka
markabka ka buuxaa waa umad afka ka wada falan oo hadal kuma dhex
qarsoomo, isla markaas ragga aragtidaan soo abaabuley qaar baa
naakhuudaha qarsoodi ula xariira oo u sheega debin kasta oo loo qoolayo
iyo xan walba oo lagu baahayo.

Horay baa loo yiri: "Oday arigiisa mana maalo mana mooga" Haddii
uusan rakaabka saaxiibbo badan ku lahayn waa hore ayaa afka ciidda loo
gelin lahaa. "War la qabaa xiiso ma leh" ayuu qalbiga iska yiri.

Miiska hortiisa ah waxaa hadda saaran koob gaduudan oo ay wax madoobi
ka buuxaan oo uu qaac caddi ka mulufaadayo, telefoon modow, waraaqo iyo
labo qalin oo kala nooc ah. Qolka gudihiisu ma kulula oo waxaa ku
daaran qalabka wax qaboojiya, waxayna aqalka iyo alaabta taalliba ku
habboon yihiin in uu naakhuude ka soo dhex jeesto.

Markii uu waraaqda ciwaankeeda kore akhriyey buu inta bogaggii ugu
horreeyey ka boodey wuxuu baaritaan ku bilaabay baalasha ugu danbeeya
oo ay ku taxnaayeen nimankii aragtidaas yaabka leh kula soo dhiirradey
magacyadoodu.

Ninka liiska ugu horreeyaa wuxuuba ahaa mid waa hore markabka naakhuude
ka aahaan jirey, kuwa ku xigaana waxay noqdeen dad markabka dushiisa
caan ka ah oo muddo ka soo shaqeeyey. Qaar ka mid ahi waaba Kediye
Bulxan saaxiibbadiis qaali ah, laakiin saaxiibtinnimo laguma xisaabtamo
markii siyaasad la isku hayo ee danaysi iyo afgobaadsi baa lagu socdaa.

Awalba wuu ogaa in naakhuudenimada lagu haysto, haddase wuxuu baarayaa
dadka hunguri-xumada iyo indho-adaygga la soo bareeray kuwa ay yihiin.
Badankooda horay baa intii uu abaabulku socdey loogu soo jaajuusay,
qaarna ayagaaba u soo dhuuman jirey. Aad uguma uu baahna in uu waraaqda
nacasnimada xanbaarsan oo dhan akhriyo.

Ookiyaalihiisii buu intuu gashaday................

U taagnaada Naakhuude waa, sheeko taxane ahe!


Ookiyaalihiisii buu intuu gashaday oo waraaqdii miiska ku tuuray ayuu
dhudhumadiisii waaweynaa miiska ku cuskaday, oo calaacalo faro
buurbuuran leh dhabanno saaka harreeddo cirro ah laga xiiray ku qabtay.
Wuxuu iskula hadlay "Markii aan filoobey oo jilcay bay habar kastaa
waraaq xun ah soo qoratay. Ma kuwaas oo kalaa ila hadli jirey rag baa
xaniinyaha i qabtaye!?"

Telefoonkii baa dhacay, haddana mar kale ayuu dhacay, mar saddexaad buu
dhacay, wuuna qabtay:

- Halow.

Cod dumar baa ka soo baxay, markaas ayuu xoogaa farax ahi dareenkiisa
saameeyey, waxayna leedahay:

- Maalin wanaagsan jaalle naakhuude waa Udgoon Halac.

Telefoonka dhegtiisii buu si wanaagsan u qabsaday, wuxuuna asaga oo
qosol dhixdhix ah cirka ku shareeraya inta soo kaankaansaday yiri:

- Marxabba, marxabba Udgoon. Wallaahi billaahi tallaahi haddeer ayaad
maskaxdayda ku wareegaysey, maxaa yeelay waxaad tahay wadnihii nolosha
umadda rakaabka ah. Anigu naakhuudihii markabka ayaan ahay adiguse
waxaad tahay naakhuudihii dadka saaran oo dhan.

Wuxuu ogyahay in ay aad u faan jeceshahay, ayaduna waxay taqaan in uu
gabdhaha u roon yahay, waxayna ayada oo qosol macaan dhegtiisa midig
nuugsiinaysa tiri:

- Mudane naakhuude waraaqdii aad habeen afraad kolkii aynu xoogaa gaar
u sheekaysannay ii sheegaysey waa la qoray, waxaana xalay ii dhiibey
Shuuriye Magan oo hadda gacanta ayaan ku hayaa. Qalqaalo xooggan baan u
galay in aan aniga iyo Shuuriye wada qayilno, oo waxaan hawshaas keli
ah ku bixiyey lacag aan boqol kun oo doollar ka yarayn....

Markii ay halkaa hadalkii marinaysey buu wuxuu uurka iska yiri:
"Iimaanka Alle kaa qaad, been badanaa! Ma Shuuriye ayey lacag intaas
la'eki ku bixi kartaa? Haddii ay cirkaas u booddo waxaa kaga baxay
toban kun oo doollar. Waraaqdase ma aniga ayaaba u baahan, sow tan
hortayda taal ma aha?". Afkana wuxuu ka yiri:

- Boqol kun risiq ma ahee warka isii.

Aad bay ugu faraxday in uusan boqol xoolo u qabin, waxayna inta xoogaa
codkeeda hoos u dhigtay tiri:

- Ma xasuusataa in ay boorsadii yarayd oo markii aynu aroortii kala
tegayney aad ii dhiibtey siddeed boqol oo kun oo dollar ku jirtey?

Intuu sidii nin aan lacagta danaynayn ee warka ay soo heshay iyo ragga
ay siyaasadda markabka xaggiisa u soo dabtay ka sugaya iska dhigay buu
wuxuu yiri:

- Kolba waxaan garanayaa in ay wax aan malyan dhammayni ku jireen, mana
xisaabiyo wixii aan adiga kuu dhiibo, maxaa yeelay danta guud oo
markabka adigaa halbowle u ah, isla markaas waan ku jeclahay oo
nafsaddayda ayaaba kugu xiran.

Run ahaantii wuu xasuustaa in ay lacagtu ahayd siddeed boqol iyo
sagaashan kun oo uu Udgoon gacantiisa ugu dhiibey. Hal malyan oo boorso
xafiiskiisa tiil ku jirtey buu boqol kun oo ka mid ah inta waraaq ku
duubay Batuulo Xaange gabar kale oo markabka ka shaqaysa ugala
ballamay. Markii uu la ballamayey buu inta Batuulo-Caddey afka ka
dhunkaday oo cabbaar ammaanay wuxuu siiyey toban kun oo doollar. Intii
kale wuxuu ku wareejiyey Udgoon Halac oo ay habeen dhan ka
sheekaysanayeen arrimo ay ka mid tahay waraaqda hadda hortiisa taalli.

Udgoon Halac way uga qaadatay in uusan xisaabin lagacta uu mar kasta u
dhiibo, waxayna isku ciilkaambiday in ay lacagta ay u sheegtay badisay,
oo ay xisaabta guud ku fiicnayd in ay "Shan boqol oo kun oo
doollar" tiraahdo iyo in ay u sheegto in ay Shuuriye Magan ku soo
dabtay labo boqol oo kun oo doollar. Si kastaba ha ahaatee ayada oo ay
kalsooni iyo farxadi qalbigeeda buuxiyeen bay waxay tiri:

- Mudane naakhuude Shuuriye Magan xalay qolkayga ayuu waagu ugu baryey,
wuxuuna safka hore kaga jiraa ragga waraaqda ku saxiixan oo gaaraya
boqol iyo dheeraad. Hadde Shuuriye aad ayaan u soo dhaweeyey isaguna
wuu ii xog warramay.

"Aad ayaan u soo dhaweeyey" markii ay tiri wuu ka naxay, maxaa
yeelay naakhuude Kediye Bulxan iyo Udgoon Halac siyaasadda markabka
keli ah iskama kaashadaan ee waa gabar iyo nin gashaan ah oo ay
haasaawuha iyo halaasigu isugu baxaan. Inkasta oo ay arrimo culculus
soo qabatay haddana Shuuriye Magan in uu qolkeeda waagu ugu baryey oo
ay habeen dhan soo dhaweysey raalli kama uu noqon karo.

Markii ay kala war dhammaysteen oo uu telefoonkii isi saaray..........

Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages