JACEYLKA DHABTA AH WAA MIDKA LABADA DHINAC LA WADA HAAYO?.

157 views
Skip to first unread message

mudane

unread,
Jun 2, 2006, 11:13:24 AM6/2/06
to jacaylka
Waxaad moodaa in dad faro badani ay garanaynin micnaha jacaylka, wali
mala is waydiiyey micnaha jacaylka dhabta ah? Ma doonaysaana jacayl
waaro in aad heshid iyo nolol farxad leh oo waarta rabina raali ka
yahay? Haddaba walaal adigoo mahadsan ila eeg qisooyinkan iyo
dhanbaalkan jacaylka ah.
Ugu horrayn jacaylku waa nolol, noloshuna waxay u baahan tahay biyo,
biyihii nafta lagu waraabin lahaana waa jacaylka. jacaylka naftaa ku
degta, qalbigaa ku farxa, waa iftiinka nolosha, waa nolosha aayeheeda,
jacayl la' aantiina nolol ma jirteen!!!.

Dad faro badan ayaa jacaylkii qiimaha lahaa ku cayaaray oo qiimihii iyo
quruxdii ka qaaday, dariiqad qaldanna u maray, jacaylka dhabta ahi waa
kan ilaah subxaanahu wa tacaalaa ku sheegay quraankiisa kariimka ah "
wa min ayaatihi an qalaqa lakum min anfusikum azwaajan li taskunuu
ilayhaa wa jacala baynakum ma wadatan wa raxmah ina fiidaalika li
ayaatihi li qowmin yatafakaruun"

Micnaha aayadan ayaa cadaynaysa jacaylka dhabta ah, jacaylkaasoo ka
dhaxeeya labada qof ee is qaba, wuxuu ilaahay aayadiisa ku leeyahay in
aan idiin abuurnay azwaaj si aad ugu degtaan waxaana dhexdiina yeelay
jacayl iyo raxmad, jacaylka dhabta ah ee aan ka hadlaayo waa kan ka
dhaxeeya labada qof ee is qaba, haddaba walaalahayga is qaba ayaan la
hadlayaayee hadaad doonaysaan nolol degan ku salaysan jacayl waa in aad
gurigiina ku dhistaan taqwada ilaahay iyo caabudaadiisa.
Waxaa waayadaan danbe dhibaato wayn ka taagan tahay qoysaska
soomaaliyeed kuwii horay u dhisnaa iyo kuwa hadda dhisitaankoodaa lagu
talo jiro!!!!

Waxaadba mooddaa hadda in dad faro badani ay ka cararaan guurkii waayo
waxay ay arkaan maalin walba dhibaatada kala haysata dadkii is qabay,
iyo sida fudud ay guryaha ku dumayaan, waxaan marar badan is waydiiyey
su'aalo faro badan kuwaas ooy ka mid yihiin maxaa ugu wacan dhibaatada
kala haysata raggii iyo dumarkii soomaaliyeed? ,muxuu u fududaadey
furitaankii? Markay baaritaan badan sameeyeen culumaa'udiin faro badan
waxaa la ogaaday in furitaankii ka batay guurkii!!!
Sida aan ogsoonahayba walaalayaal sacaadada iyo farxadda laguu
sheegayaba waa mid ay labada qof ee is qaba samaysan karaan hadii ay u
maraan dariiq sax ah kaasoo ah in ay ku dhaqamaan diintooda una
jajabnaadaan raali galinta rabil caalamiin, ayna ka fogaadaan wax kasta
oo keenaya carada Ilaahay, waxa ugu badan ay guryaha badankood ku
dumaan waa iyada oo laga fogaaday diintii iyo sunnadii nabigeena S C W,
waxaa hubaal ah haddii diinta lagu tadaburi lahaa in guryo badani ay
dhisnaan lahaayeen farxadna loogu noolaan lahaa, haddaba walaalayaal
haloo noqdo diinteena barakaysan si aan horumar adduunyo iyo mid
aakhiro u helno ilaahayna noogu naxariisto.

Waxaan jeclahay in aan halkan idiin kaga soo gudbiyo dhowr waano oon
rajaynayo in ay na wada anfacdo dhamaanteen gaar ahaan waxay
waanadaydan ku socotaa Zawi iyo Zawjo kasta.


In labada qof ee is qaba ay mar walba hadiyadaha is dhaafsadaan.
In ay samaystaan maalin iyaga u qaas ah oo ay si fiican ugu
sheekaystaan.
In marka la kala tagayo si fiican la isu macsalaameeyo, ama la isu soo
dhaweeyo marka la isu yimaado.
In aad xaaskaaga ama gabadhaada aad amaanto mar walba, sidoo kale
gabadhana ay amaanto ninkeeda, iyo in uu qofna qofka kale xaqirin.
In shaqada guriga aad isla kaalmaysaan .
In aad hadalo wan-wanaagsan ku wada hadashaan, in aad sawjadaada u
sheegto masalan in aad jeceshahay gabadhana sidoo kale .
In hadii aad aragto wax aad ka dhibsato sawjadaada ama sawjkaaga aadan
qarsan ee si tartiiba uu qofba qofka kale ugu sheego in uu dhibsaday
waxaas, waayo haddii qalad walboo la kala galo aan horay laga sheegin
wuu uruurayaa ilaa heer uu marka danbe gaaro in uu qarax sameeyo.
In aad sowjadaada ugu yeerto magacyadeeda kuwa ay ugu jeceshahay.
In ay gabadhu ninkeeda u mhadceliso mar walba, waayo ilaahay uma
shukriyo qofaan aadmiga u shukrin, bal ka waran in aad odagagaa u
mahadcelisidna.
In la isu cudur- daaro marka labada qof uu midkood qaldamo.
In si wayn ay isu ixtiraamaan labada qof ee is qaba.
In aad isku daydaan in aad aqrisataan siiradii nabigeena iyo dadkii
saalixiinta ahaa.

Waxaad walaalayaal ogaataan hadii aad donaysaan in ubadkiinu idiin
wanaagsanaadaan in aad noqotaan labo qof oo is jecel isna qadariya, si
qoyskiinu u noqdo qoys isku xiran.
Macnaha ma ahan marka ay yihiin labada qof ee is qaba laba qof oo is
jecel in mashaakil jiraynin waxaad ogaataan in aduunkuba uu yahay
mashaakil soconaaya mana jiro guri maanta mashaakil ka maqan yahay,
balse dhib kastoo yimaada in aad xal u heshaan si aad u gaartaan u
jeedadiina amase uusan gurigiina u burburin
Waxaan kula dar daarmayaa walaalahayga is qaba in la isu dul qaato in
badan si aad u gaartaan guul kama danbays ah..

Wa bilaahi towfiiq

WD:- C/QAADIR {JORDAN} joo...@hotmail.com

Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages