Gardaran sheeko aad u yaab badan

106 views
Skip to first unread message

somali

unread,
Jun 2, 2006, 11:48:36 AM6/2/06
to jacaylka
Intii aan ku sugnaa Minosoto ayaan qoraal E-mail ah ka helay Xamza , ma
garanayo cid siisay E-mailkeyga, waxaanse uga shakiyey inuu Saaxibkey
C/casiis uu siiyey, waayo isagay ku calaacali jirtay, isagana wuxuu
mar walba iga codsan jiray in aan iska iloobo khaladaadkii ay iga
gashay.

Qalbiga ayaa I ololay, murugo hor leh ayaa ila soo deristay, fikir
iyo naxdin ayaa ii kulmay, markii Xaaskeyga Roda sawirkeeda aan ku
arkay Joornaal (Magazine) Norwey ka soo baxa, iyadoo ka mid noqotay
haweenka xayeysiiya dharka (Model).

Waan maleysan waayay in iyadii ay tahay, shaki ayaa igu laba
lixaadsaday, Joornaalka ayaan indhaha ku soo dhaweeyay, waxaase I
qanciyey markii aan sawirkeeda hoostiisa ku arkay magaceeda oo
saddexan, taasaana shakiga iga saartay, balse maalmo markii aan sii
joogay ayaan ku arkay boggaga Internetka iyadoo sawiradeeda oo marba
nooc ah lagu soo bandhigay, markaas ayaan wareeray oo aan sii joogi
waayay Mareykanka, markaasaan si dhaqso ah ku imid Norwey, maadaama
dareenkeygu uu ii diiday inaan sii joogo Mareykanka, markiiba aan tagay
Norwey waxaan Rooda ku qabsaday dambiga ay gashay iyo cidda u fasaxday
inay dhar xayeysiiso, sawirkeedana Joornaalada iyo Boggaga Internetyada
lagu soo daabaco, waxayse iigu jawaabtay "Ma waalan tahay walaalow,
dambi malihi aniga, shirkad dharka xayeysiisa ayaan ka helay shaqo,
Soomaaliya ma joogno oo xuquuqda haweeneydu leedahay halkan laguma
duudsiin karo, reer ayaan ka soo tagay oo biil igaga baahan, ma ahan
inaan gacantaada un wax ka sugo, marka sharci ayaa jira, qof waliba waa
xor, xuquuqdiisana lama duudsiin karo, adigana gumeysi kuguma
jirayo".

Yaab iyo amakaag ayaa Alle ii keenay, habaarkan xaggee buu kaaga yimid,
ayaan is iri, hadalo caro leh ayaan sidii darandoorigii isu
weydaarsanay, markaasay guriga ka tagtay oo carootay.... Waaba nasiib
mar haddaysan Boolis iigu yeerin oo aysan aniga guriga iga saarin ayaan
hoosta ka iri, markaasaan soo baadigoobay bal inaan soo caro celiyo,
laakiin qof magaalada si fiican u kala baratay intaan maqnaa ayay ahayd
meel ay gashay ayaan garan waayay.... Dhib badanaa adduunyada, Naagtii
aan sidii ogaa ku keenay Norwey ee arooska qiimaha badan aan u dhigay
ayaa arrintan iila timid, dumar xumaa oo aamin daranaa, tii aad is
tiraahdo waa daacad maxaa dacar qaraar ka dhiga?.

Calool xumadii iyo fakarka ayaa iga batay markii gurigu cidlo igu
noqday, markaasaa ereyo heeso noqday oo badan maskaxdu soo tuftay ,
waxaana erayadaasi ka mid ahaa "Amarka Ilaah baan, cidi oodi karino,
wixii Eebo kuu qoro, iimaanso weeye, sow aay cidlaa iyo, oomasooro maan
degin, ileyn waa adduunyoo, orod laguma gaaree, wixii uurka kaa jira,
laguu oofin maayee, ibtiladan I heysana, imtixaanba waayee, beertaan
abuuree, aafaha ka beeraay, ubaxeeda dhigayee, sow ujeeddadeydii,
aas-aas la'aan iyo, eber meel ah mey noqon".

Todobaad markii ay iga maqneyd cidlo iyo wehel la'aana ay dhegaha
iga garaaceen ayaa wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed soo caro celiyeen oo
dib guriga loo keenay, weliba waxa ay iga saxiixeen inaan shaqadeeda ku
faragelin, wax hadal ahna aanan ka keenin, wax aan sameeyo ma lahayne
jidka kaliya ee ii furan inaan ka aqbalo ayuu noqday waana
yeelay...dani kaa xoog badane oo haddaan diido sow cidladii aan ogaa
ima sugeyso.

Si Rooda iigaga caroon mar kale, khilaafkeenuna ku dhammaado ayaan
danaheygii ka raacday oo sidii ay rabtay u yeelay, iyada iyo Ilaaheeda,
qoftii xumaato ku talo gala, ma jiro cid ogaan karta, wanaagana ma aha
mid qalbiga qofka si qasab ah lagu gelin karo, balse waa abuuris
Ilaahay... qof u muuqda inuu xun yahay ayaa sal ahaan wax ka wanaagsan
uusan jirin, mid loo arko inuu fiican yahay ama edeb leh ayaa xumaato u
qarsoon tahay isaga oo isha dadka iska eegaya, inta ay ishu heysana
wanaag samaynaya, marka diiraddu ka leexatana wixii uu doono qasta...
sidaa darted waxba kama sheegi karo Rooda, laakiin ma jeclaysan
sawiradeeda Joornaalada iyo Internetka ka soo muuqda ee mar walba aan
indhaha ku dhufanayo hadba iyadoo si u sawiran, kuwaasoo iyagu igu
riday maseyr.

Xamza fariimaheedu waa igu bateen, markaas ayaa go'aansaday in aan u
jawaabo, mar haddii Roodana si aanan ku tashan ay la timid....Xamza oo
aan jeclaana ay I daba ordeyso.

Qalbiga dadka waxa gala way adag tahay sida ay uga baxaan... boogta
Jacayl ee mar abuurantaana gudaha kama bogsato... cishqiga laabta ka
buuxsamana ma sahlana sida uu ku tirmo... waxaan u heystay in aan
iloobay Xamza, arooskii aan galay iyo farxaddii ka dambeysayna ay
ahaayeen kuwo aan uga gudbay dhibaatadii iyo marxaladihii dhibka
badnaa ee I soo maray xilliyadii aan Xamar ku sugnaa iyo jacaylkii
Xamza.

Rooda iyo aniga waxaa nagu yimid kala shaki, xitaa aniga ayaa magacii
Xamza ugu yeeray dhowr mar oo aan iyada rabay inaan u yeero, gaar ahaan
mararka aan hurdeysnahay, waxay ii sheegtay inay igu dhibsato magacaas
aan marmar ugu yeerayay oo afkeygu boobayay, laakiin wax aan aniga
maamulo ma ahayn haddii aan ogaan lahaa in magaca Xamza afkeyga ka soo
baxayo aniga ayaanba sheegeen si aanan xaaskeyga u irdheyn.

Ma aqaan waxa igu saliday magaca Xamza oo mar walba ka soo fakanaya
afkeyga, waxaan u maleynayay inuu dib u soo cusboonaaday kalgacaylkii
waayo waayo dhibka badan I mariyey, kaasoo aan moodayay inuu iga madhay
intii ay I mooganayd, balse aan noqon sidii aan filayay... hurgumo hor
leh, kacdoon cusub, ifafaalo carcartooda qaba ayuu u qaab eg yahay,
waxaan xusuustay ilintii Jacayl ee ka soo dareertay indhahayga markii
ay dhulka daad ka dhigtay reyskii dhibcaha aruuray geedkii ka soo
baxay, ubixii uu dhalay inuu yahay mid ay hadiyad ahaan isu
guddoonsiiyaan mucaashaqiinta is jecel, taas oo maanta gashay
taariikhda Jacaylka runta ah... tusaalena loo soo qaato halganka xaq u
dirirka mucaashaqiinta samirka u lahaatay ee rafaadka lagu sooray.

Rooda in badan haddii ay dulqaadatay, wey is heyn weyday, inaan mar
walba ugu yeero magic naag kale buuq ayay ka keentay, waxay ogeyd in
Xamza tahay mid I soo Marisa jacayl laga sheekeeyo, waxayna garanaysay
in nafteydu tabeyso, shaki ugama jirin in ay igu weyn tahay, waxaana
taa ugu wacnaa saaxibkey C/casiis Lover oo wax weyn ka bedelay fikirkii
aan ka qabay Xamza igana codsaday inaan aamino markaan.

Aniga waxaan u heystay soo rujuuceeda inuu yahay buufiskii ay u qabtay
Yurub, laakiin saaxibkey ayaa ii caddeeyay markaan in ay run wadato.

"Dadka Ilaahay abuuray wey qaldami karaan, kana soo laaban karaan,
qof cadow wuu noqon karaa, kadibna nasteexo u noqon karaa qofkii uu
cadowga ku ahaa, bakhaylnimo ayaa ruux lagu baran karaa, deeqsinimo
ayaa u dambeyn karta, dabeecad xumo wey jiri kartaa, waayo aragnimo
keenta, qof doqonnimo lagu yaqaanay ayaa suuragal ah in lagu arko
asaga oo garsoore ah, cilmi la'aan qof aad ku ogeyd ayaa dadaali kara
kadibna Jaamacad macalin ka noqon kara... dilaa dadka qudha ka jara
ayaa Muumin aan Masaajid ka bixin Ilaahay ka dhigi karaa... Mowjadaha
Badda ee halaaga dad badan ama Doonyo ayaad maalin maalin aragtaa
iyagoo degan, wax hir ahna aan lahayn, taajir maalmo yar gudahood
sabool ku noqda ayaa la arkaa, ruux shalay noolaa ayaa manta geeridiisa
laguu soo sheegi karaa... qof aad jeclayd oo aad is hannan weydeen
amaba ku diidanaa ayaa kuu soo rujuuci kara.

Haddaba saaxiib waa inaad aamintaa isbedellada aduunyada oo iyaga
maalin walba si aan la fileyn u dhaca, ogow in wax waliba ay iska
bedelayaan habkii ay ahaayeen , marka ogow in haddii Xamza shalay ay ku
necbeyd ay manta ku jeceshahay, taana waan hubaa oo aniga ayaa
tijaabooyin badan ku sameeyay " ayuu igu yiri saaxibkey C/casiis oo
fariintaa E-mail iigu soo gudbiyey, si fiicanna ii fahamsiiyey in
shalay wixii jiray manta ka duwanaan karaan, isbedelladuna yihiin wax
goor walba adduunyada ka dhaca...

Warkaas runta ku fadhiya waan xaqiiqsaday, waxaana arki jiray sanadaha
Ilaahay in midna uu abaar yahay oo xooluhu gaajo iyo haraad la
baaba'aan, dadkuna macluul la soo deristo, sanadna barwaaqo badarku
si fiican u soo go'o, xooluhuna ay dararaan.

Waxaad aragtaa daruuraha cirka oo maalin qaawan, cisho kalena daboolan
yihiin, iyagoo hadba meel u guurguuraya, quruxdoodana lala yaabayo,
taas waa macquul, shalay hadday I diiday maanta waa I ogolaan kartaa,
weliba waxaa macquul ah in jacaylkii I dhibay uu iyada ku wareegay,
taa wax run ah. Bal fiiri niyaddu waxay iska samaysan waxa ay
jeceshahay.

Anigu waxaan ogaaday in ay jirto sababtii aan markii hore-ba u
jeclaaday, Xamza iyadaa kolkii horeba igu xumaatay mooyee aniga ma
nicin, iyaduna maba ahayn qof la dayici karo.

Waa hubanti in naf aragtay Xamza ay mohani, dhaayo jaleecayna
sahal uga jeesanaynin, waa middii I tusay in jacaylka aan u qaaday uu
yahay xaq mudan in loo dhinto.

Waxaan soo daabacday warqad ay E-mail iigu soo dirtay, iyadoo ii
soo raacisay sawirkeeda oo aad u qurux badan, warqaddaa cajiibka ahayd
ayaa u qorneyd sida soo socota:-

Gacaliye... qofka aadanaha qalad waa galaa, waana ka noqon
karaa, waan ogahay in jacayl dhab ah aan kugu cidleeyay oo aad jawaab
iga weyday ama aan qof xun kugu noqday, taa waan kaa raaligelinayaa,
waana yaqiinsanahay in aan kuu gefay, waxaana ku leeyahay iga cafi,
ogow waxaan Ilaahay ahayn waa gefaan, waxaadna ogaataa in Rabbi haddii
addoomadiisa qaldamay ay cafis ka dalbadaan uu cafiyo, waan
rumeysanahay in aad tahay shaqsi fahmi kara arrimahaas, si aad ahna
igaga aqoon badan.... Gacaliye waxaad tahay axad qaali ah oo weliba
samir badan, qofka aadanaha marka la dhalo, wuu koraa, qaangaaraa,
gaboobaa, haddana dhintaa, iilka la geliyaa, haddana aakhiro u hoydaa,
aniga maanta haddii nafta la iga qaado oo ayba dhici lahayd in la I soo
nooleeyo Alle wuu awoodaaye igama ba'ayso oo qalbigeyga marna kama
bixi lahayn shalaaytida uurkutaalada leh ee xumaatidii aan ku
geystay.... Aniga ayay I gubeysaa ee ku iloow gefkeygii shalay ilinta
maanta iga da'aysa... xusuustaadana geli aboowe in wixii shalay adiga
ku dhibayay ay maanta aniga igu soo wareegeen... ogow inaan ahay Dumar
aan mudnayn in laga aarguto, waayo haddaanu Dumar nahay carruur cag
weyn ayaa nalagu misaalaa, waadna garan kartaa carruurta iyo wax ku
dheelkooda.... waxaan sahashanayay oo aan dheeldheel u arkaayay ayaa
maanta dib igala qaraaraaday, Waan hubaa oo xaqiiqsanahay in shalay
aan wax badan bi'iyey, balse haatan ayaan ka soo laabtay oo
garwaaqsaday gefkeyga... aboowe run ahaantii hadda oo aan hadalkan kuu
soo qorayo jirkeyga jiririco ayaa ku soo istaagtay........ ilmada iga
qubanaysana waxay qoysay Kayborka kumbiyuutarka aan dul fadhiyo ee
qoraalka E-mailka aan kugu soo qoraayo, anigoo iska eegaya dadka I
hareer fadhiya inkastoo ay iyaguna Internetka oo xiiso gaar ah leh ku
mashquulsan yihiin oo qofba tiisa gaarka ah ku shuqloon yahay ayaan
aboowe Cumar yare ilmada iska masaxayaa, mar labaad iyo mar saddexaadba
waxaan boowe ku leeyahay I cafi.... I cafi.... I cafi... oo ha iga
aargudan... runtii "I Love You"... ogow adduunyadu waa silsilad is
bedbedel badan, shalay sidii ay wax ahaayeena maanta ma ahaanayaan,
qof dhintay un baan soo noolaaneyn, wax walbana waa la arkaa ee
garwaaqso soo rujeeceyga dhabta ah, waxaan maanta kuu wadaa qalbi ku
raacsan, gacaliye I qabo gacanta aan kuu soo taaganayo, ha iga laaban
haddii shalay aan aniga kuu garaabi waayay, jilci niyaddaada, qalbi
dhagax ha igu noqonin oo cuqdada calooshaada ku jirta iska saar, hana
ka aarsan qof jilbahaaga ku oynaya ee ku soo mutay... igama ahayn kolay
cadowtinimo ee kas Dumar ayaa I hoggaaminayay, waxaana ku leeyahay ha
iga goosan caawaad iga gacan sareysaa".

Aad ayaan ugu garaabay cabashadaas, aniga oo awalba aan rabin inaan ka
aarsado, ayaa haddana qoraalka E-mailka ay iigu soo dirtay uu si fiican
ii raali geliyey, waxaana qasab igu noqotay inaan ugu jawaabo qoraal
nafteeda farxad geliya.

Gacaliye...... waxaan kuu soo marinayaa hawada dheer ee inoo dhexeysa
salaan ku dheehan jacaylkii dhabta ahaa ee aad igu taqaanay oo dib u
soo noolaaday, kadib markii ay damqadeen boogihiisa oo aan hoosta weli
ka bogsan.... Waxaan ogaaday isbedellada dunida ee Ilaahay maamulo oo
ah kuwo raad xusuuseed ama dhacdo xun ku reebi kara qalbiga qofka, in
ay ka mid ahayd xumaatidii aad ii geysatay, sida aad iiga raali gelisay
ayaana u qaatay... waxaad tahay qof madaxa iga saran, middii jacaylka
ciyaalnimo igu abuurtay... qalbigeyga xubigii ugu horeeyay ee gala....
Waan isku dayay inaan ku iloobo, laakiin nafta ayaa diiday... ogow wax
walba oo jira inaan adiga kuu jeclahay... urugo kalgacal oo hor leh
ayaad igu soo kicisay... cishqigii deganaa waad qastay, niyad kuu
baahneyd ayaad u gacan haatisay, naf kol hore ku mohatay ayaad daaqad
iska tustay, jacaylkii aan u maleynayay in aan ku hungoobay ayaad
beenisay, ku soo dhawow jacaylkii aan kol hore kuu sheegay xaq iyo
halgan loo dhiman karo , waan ku jeclahay, weligeyna waan ku jeclaa,
adiga ayaana ila garan waayay, balse haddii aad hadda fahamtay dhib
malaha, wax walba oo dhaca waxaa maamula awood inaga baxsan, wax walba
waa amarka Alle, calafka ayaana ah mid ka xoog badan nasiibka iyo
jacaylkaba, kaas oo ah sababta is hanashada mucaashaqiinta dunida
guudkeeda saran, waxaana rajeynayaa inaan ku guuleysano maanta,
jacaylka dhabta ah ee aan kuu hayo wuxuu iga dhigay abwaan tiriya
maansada, waxaadna iga mudan tahay ammaan.

Xiddig aad u qurxoon

Xishoodkiyo edebtiyo

Xaragada ku wacannoo

Xuuralcelyn ah baad tahay

Xiisaha aan kuu qabo

Xubbiga iyo kalgacalkuna

Adaa ii xambaarshoo

Naftu kuu xakaartee

Xaggaagaan u daranahay

Dartaa yaan xabaal gelin

Xamzaay kaalay

Xabbadkaaga igu qabo

Xays da'ay sidiisii

Xayaabadka daruurtiyo

Qoraxdaad ku xeyn tahay

Xerguduuda waaberi

Inta aan marada xoorin

Ama aan lay xirin daraadaa

Sida xoola duurkiyo

Xayawaanada la meel noqon

Xaggaagaan u daranahay

Dartaa yaan xabaal gelin

Xamzaay kaalay

Xabbadkaaga igu qabo.

Markiiba dhaqso ayaan send u iri si uu qalbigeeda uga ba'o, shakiga
ka buuxa ee ah armuu kaa aarsadaa kol haddaad godkii ugu dhacday.

Rooda iyadu waxay yeelatay awood ila siman oo Naag la qabo uma eka,
amar iyo kala dambeyn malaha, aniga ayaaba gacan ku gabasho ah,
sharciga waddanka aan joogno waa mid aad u garab siiya dumarka oo la
simaya raga, iyaduna markay aragtay kaas kibir iyo isla weyni ayay
keentay... waxay ka baxday raaliyadii ay ahayd, waxaana ka baqayay
haddii aan dood keeno in ay I dacweyso, waxaa intaa uga sii darnaa
maseyr daran oo ku abuurmay kadib markii afkeyga uu ka bixi waayay
magaca Xamza, dhowr jeerna waan isku dhacnay Xamza darted.. waan ka
shalaayay inaan Yurub keeno mar hadday sidan noqotay, dhowr jeer ayaan
damcay inaan Xamar ku keeno qaab shirqool ah, haddana saaxiibo
Soomaaliyeed oo aan ku lahaa Oslo ayaa igula taliyey inaan taas
samaynin....Maalmahanse way xannuunsan tahay oo ubucda iyo mindhicirada
ayay ka sheeganaysay, dhakhtar kasta oo la ammaano ayaan geeyay,
xannuunkaana waxa uu u yimaadaa mar walba oo ay caadada hesho,
dhakhaatiirtuna way ku wareereen, waayo dumarkoodu ma qaadaan cuduradan
oo kale oo gabdhaha afrika ka yimaada un baa u badan, mar hadduu ku
dhacana madaxa ayay ku istaagaan, xannuun dartii.

Mar aanu ku daalnay daweynteeda ayaan u tagnay dhakhtar lagu sheegay
inuu Afrika ka soo shaqeeyay, wuxuuna inoo sheegay in jiradani ay tahay
mid ay badanaaba ku dhacda dadka caadada fircooniga isticmaala,
wuxuuna u soo qoray dawooyin dhiigii ku xirmay ka keenay, isagoo inoo
sheegay in xinjiro waayay marinkoodii oo gudniinku xirxiray inay ka
dambeyso jiradan.

Run ahaantii anigu aad ayaan ula gurmaday Xaaskeyga Roda, inkastoo aan
isku kacsanayn haddana waxaan ku dedaalay inaysan eed iga tirsan oo
Jirada ayuu igu nacay aysan I dhihin, markay dawadii qaadatay kadib
ayayna dareentay caafimaad.

Wax kasta oon ka tirsanayayba waxa aan ku iloobayay farxadda kalgacalka
ii soo hilaacayay, rabitaanka waayaha badan aan waayay oo u eg mid aan
hananayo... Xamza oo warqaddii yaabka badneyd ee farxadda badan aan ka
helay ayaan u hiloobay, naftii la igu kari waayay marnaba inay I
ogolaato ayaaba aniga igaga daran Jacaylka, intaas oo dhan baa isugu
key darsantay, markaasuu joogitaankii Norwey uu ila xumaaday, waan hiyi
kacay, markaasuu qalbigu I rogrogmaday, walaac safar ayaa igu soo
kordhay, waxaana qaatay go'aankii ugu dambeeyay oo noqday inaan Xamar
dhex istaago.

Saaxibkey C/casiis Lover waxa uu mar walba iga codsnayay inaan waddanka
imaado oo aan guursado Xamza, maadaama uu jacaylkeyga cadow yeeshay,
weliba waxa uu sheegay in wiil aan saaxiibo ahaan jirnay ugu daran
yahay oo uu isagu rabo Xamza, xitaa Odayaal u doonay ayay ku soo gacan
seyray, sidaa darteed buu igu yiri Saaxibkey C/casiis imow oo guurso
Xamza dalkana ka wado.

Balse halkan warkeedu ma jiro oo Dumar lama aamin karo , Roodadii
wadaadada ahayd ee aan indho shareerka iyo shukada iska dhigi jirin
ayaa la ogyahay waxa ay la timid waa la ogyahay.

Waxa uu go'aankeygu ahaa inaan Xamar imaado oo aan halkaa ku arooso
Xamza, inta ka horeysana aan saaxibkey C/casiis u shubo lacag si uu
guri Vilo ah oo aan Xamza kula aqal galo iigu sii gado, sanad walbana
labo jeer aan tago oo aan bil bil la soo joogo.

Wax walbase waxaa iigala yaab badnaa ninkii saaxibkey ahaa ee ogaa
dhibka uu jacayl I soo mariyey....maanta oo aan is ogolnahay waxa uu
iiga daba shaqeyn... dad iyo duurba waxaadan fileynin ayaa kaaga
yimaada... waa Ayuub... kii sidaan ogaa iila gurman jiray, malaha waxa
ay u soo dabci weydayba asaga ayaa igu diri jiray.... Anna daacad baan
ahaa oo nasteexeyga ayaan u malaynayay oo xaalkiisu waxa uu la mid ahaa
ninkii baadida kula goobayay aan haddana raaliga ka ahayn in la helo.

Waxa aan ogahay in wax waliba uu calafku ka xoog badan yahay, waxa
Rabbi kuu qoreyna aan cidi kaa qaadi karin, ma jecli in aan qalbiga
dadka dhex galo, waxaanse ka helaa inaan saadaaliyo arrimaha la xiriira
jacaylka, waxaan rumeysnahay inuusan igaga adkaanayn maanta , haddii uu
cadow kasta igu noqdo, Xamza maanta waa geenyo u gacan gashay ciddii
mudneyd ee jacaylka daran u soo martay.

Qof kasta oo I garanaya si fiican ayuu u soo dhaweeyay heshiiska na
dhex ma-ray aniga iyo Xamza, dad badan ayaa ku farxay, waayo waxay
ogaayeen dhibka uu jacaylku I soo mariyey iyo heerka uu ila tagay, taas
darteed ayaa cid walba oo dhegaha ka maqashay sheekadeena ay ku
faraxday in aan is helno.

Jacaylka aan u qaaday Xamza waa mid inta badan Xamaroo dhan laga
wada og-yahay tusaale loo soo qaato jacayl sida Cilmi iyo Hodan ayaan
noqonay, waxaan noqday jacaylka shaahidka ee da'da maanta joogta.

Waxaan go'aansaday inaan safar galo oo Xamar u soo ambabaxo, Rooda,
wal-aalkey Daahir iyo saaxiibo badan oo aan Oslo ku lahaa waxay iga
codsadeen in aanan Xamar aadin xilligan oo la I afduuban karo, sida
laga sheegayo Xamar oo dadka dibadaha ka taga waa lau afduubtaada ah,
kadibna lacag madax furasho lagu soo daayaa amaba waa la dilaa.

Waxaan aaminsanaa in qadarka Ilaahay aan la baajin karin... qof
wax Alle u qorayna marna aysan is moogaaneynin... waxaan ogaa in
xilliyo ay ka xumeyd aan soo dhex joogay Xamar, goortii macluusha iyo
geerida badan adduunku ka qeyliyey... waqtigii dadka intiisii badneyd
ay daaqeen geedkii colaadda, oo waddanku hareeyeen daruuro dhiig ah
... kolkaasoo bulshadu badanaaba ay dunida u kala firxatay iyaga oo
dhibaato ka carar ah, qaar badanna badaha doonyaha kula shiideen...
kuwo kalena aan la ogeyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin.

Waa marka abwaanka Soomaaliyeed uu yiri "Sabankii la jaray
axsaanka iyo ehelu wadaaga, sabenkii umula dooxu dhecee lakala fiigay,
een lakala eegi jirin nin iyo uur-jiifka, arxan goyskiyo markuu batay
ehelu naareedka, sebenkii ilkaha la isku cunayee lakala seegay,
sebenkii agoonta iyo rajada Eygu ku casheeyay, sebenkii Ibleys waxaan
falin aadanuhu sameeyay".

Haddaba aniga oo xilliyadaa la tilmaamay dhex taagnaa Xamar oo
aan meelna uga dhaafin, hadda oo ay caadi tahay waan diiday in aan
qaato talada la ii soo jeediyey ee ah inaan Xamar aadin.

Xamza oo maanta wax ila wadda ha u tegin dad aan waxba ila
wadin hadalkooda ayuu ahaa, inaan is hor fariisano anaga oo is ogol wax
weyn ayaan u arkayay.

Maalmo dhowr ah ayaan ku jiray diyaargarow, marka aan is
dhahaba hadda ayaad baxaysaa wax ayaa dib ii sii dhigayay... dareen
baas ayaa I galay, xaalad aanan isku aqoon jirin ayaa igu soo
korodhay.... Wax maahsan ayaan u ekaaday... indhahaygu wax ma arkaan
aan ahayn humaaga Xamza, adimadu itaalkii socod wey gabeen, maskaxda
dareenkii baa ka lumay, howsheeduna waxay noqotay xusuusta kulul ee la
xiriirta Xamza.

Sariirta ayaan jiifaa, haddana ma hurdo, qalbigu caadi ma aha,
haddana maanku ma daayo soo noqnoqoshada fikirka safarka ee aan
bixidda lahayn... ma aqoonin meesha uu culeysku iga heysto, haddana
waan dareemayay in Ilaahay wax uu ku talo galay oo qaddar ah ay jiraan.

Ayadoo intaas oo dhan aan ku suganahay ayaan haddana
dareemayaa macaanka dhadhanka nolosha ee jacaylka... midkan qalbiga
ku neg waa ka farxad badan yahay kalgacalkii waayadii Muqdisho....
Maalmaha Ilaahay isku xaalad kuma soo mariyaan ee waqtiyadii dhibkiisa
aan la iigu garaabeyn ee qofkii aan mutay uu igu xumeeyay waan ka
rajo iyo farxad weynahay.

Wax aan ku suganahay ayaan garan waayay, waxaana qasab igu noqotay in
aan baxo oo soo taabto halka ay ku nooshahay dayax la moodkii Xamza
ahayd.

Waxaan subixii ka shaqeynayay Xafiis dhaqanka iyo Suugaanta Afrika ku
taxaluqa oo aqoonyahanno afrikaan ah aan ku midownay... kaasoo ay nagu
taageeraan hay'ado Caalami ah... aniga shaqada howshaas daacad ayaan
u ahaa, laakiin dhalinyarada afrikaanka ah ee igala shaqeynaysay
Xafiiskaas waxaa u qarsoonaa baayacmushtaro waxyaabo kotorobaan ah oo
ay dhaqaale fiican ku heysteen, anigana ma ogeyn qorshahoodaas oo inaan
kashifo ayay iiga qariyeen.

Malahayn balwad ka baxsan sigaar cabista, waxaana aad u xiiseynayay
cabista sigaarka Marlaboraha, isaga xitaa ma cabteen waxaa igu
kalifayay qabowga badan ee halkaa ka jiray.

Subax aan isu diyaarinayo inaan u soo ambabaxo Xamar si aan Xamza ula
aqal galo ayaa albaabka waxaa ka soo galay Boolis dareen ka muuqdo
wejiyadooda, si kulul ayay noola hadleen "Istaaga...istaaga" waxay
baaris ugu dhaqaaqeen qaanadihii, ma ogi waxa ay raadinayaan, cabsi
weyn ayaa I gashay... arrinka ay baarayaan waxa uu yahay ayaa walaac
weyn igu abuuray, waxa aan ku mashquulay waxa ay tahay doonistooda,
lalama hadli karo oo carada ku taagan wejiyadooda ayaa argagax I
geliyey... qalab ay wateen markii ay xaggeyga u soo dhaqaaqeen ayuu
dhawaaqay oo nal guduudan shiday, haddana dhinac kale ayay la aadeen oo
aamusay, markii la igu soo celiyey oo xaggeyga la soo aadiyeyna sidii
ayuu bilaabay inuu dhawaaqo oo nalkii casaa u bixiyo.

Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages