Xaawo waa gabar aad ay dhaleen qoos aad ujecel waxayna ladhalatay 10
wiil waxay ahayd gabar kaligeed qoos dhan gabar u ahayd hase ahaa tee
quruxda alla ku manaystay xaawo ayaa ahayd mid wiilal badan kuu
kaliftay inay kasoomaan cunitaan iyo cabitaanba xaawo mada beecad
xumayn laakiin aad ayay u hadal yareed waxaayna ahayd gabar la
dhihikaro waxay xisood kalamitahay gabdhi hii hore waxay kadhalatay cid
aad udhaqan oo haysata nonol wanaag san waxaa la dhashay wiilal
qaarkood macalin kayihiin jaamacada ha aduunka
Maalin maalmaha kamida ayaa xaawo waxaa adeeg udirsaday hooyadeed
subago, xaawo waxay kusoo laaf yootay laamiga dhalin yarada jardiimoo
yinka fadhiya ayaa mar qura joo jiyay sheekadii iyo hadalday haysteen
waxaa muuqatay in nin walba goonidiisa maaso ugu dhagtay
Quruxda xaawo waxay ahayd mid aan wax tilmaama laga dhiibi Karin nin
aan aragna aan looga sheekayn Karin jalaqsanaanta qoorteeda dheer
indhaheeda buurbuuran suniyaha sida bil dhalatay ah quxux beebe ku
manaystay ayaa kamuuqada xaawo waxay soogaartay mid kamida isgoys yada
magaalada muqdisho waxaa halkaasi kafurnaa gooba canacsi in kastoow ay
dhaafaysay ka na sii hor muuqatay goob tii looga tiray adeega
durbadiiba qasaaro ayaa kadhacay is gowska nin dhalin yaro ah oo
miirayay liin bonboolmo oo ku gadayay is gowska ayaa asagoo
siifiirinaya xaawo waxuu biyihii ku miirayay
Dhulka asna wu xuu malaynayay inuu galaaska ku miirayay mid kale oo bar
shidaal uga furayd goobtaas ayaa asna baabuur salbatoo yadiis shidaal
uu kushubayay markuu isha ku duftay xaawo dhulka aadiyay shidaalkii
mayarayn dhibaatooyinka maalintaas lasoo gudboonaaday dhalinta
kusugnayd goobihii ay socotka kumaraysay xaawo lama aysan socon wax
yaabaha dhacay mana aysan u arkayn ayadu inay wax kabadalan tahay
gabdhaha laakiin markay gabar ka hortimaad xitaa gabdhuhu way eegayeen
aya goo is leh hadaad saas ahaalahayd laakiin xaawo xaal jira alle
lamoog xaawo ayadoo siilaaf yoonaysa meel aan saas uga dheerayn is
goyskii ayaa waxaa kahor yimid baabuur tigniko ah oo ay wateen tuuga
caan ka ah magaalada matukade oo ah nin caan ku ah inuu maalin walba
gaysto falal fil dhac kufsi iyo dhaqan xumo isugu jira ahaana gaan
dhariga gaariga tignikadaa wuxuu kaluu ahaay gu doomayaha maleeshiyo
aan boobka kufsiga iyo dhaca ceebta u aqoon
matukade markuu indhaha qac ku siiye ba waaka keebka qabtay qorigii
dashiikaha ahaay ee gaan dhariga uu ka ahaay waxaa kadhacay kal carar
iyo qofwalba waxay istiri koleey iyo koleeyba la is laay oo la isdirir
ee meel aad kashid xabadaha dhacaya raadso waa yaab waayaab mu xuu
yeeli doonaa mooryaan kani dur badiiba darawalkii gaari ayaa daaqada
iska jaray asagoo layaaban cida lala diriyo hadana wuxuu eegay
saaxiibkiis matukade asagoo isleh bal hubso meesha la idinka soo galay
balse wuxuu dareemay in xaal si un kayahay matukade wuxuu kadharbaaxay
garabka oo yiri war waayo cidaad xabadaynaysaa waa bkase soo naxay oo
yiri aaway ma,uusan garanayn SI TE oo ah saaxiibka matukade wax uu kala
jeedo aaway laakiin isla markiiba hal haleel ayuu isga sootuuray
gaarigii una dhaqaaqay dhica xaawo
matukade socotkiisa waxaalayaabay iqyaartii nsaaxib la ahayd oo
layaaban una fasirtay inuu waashay waxaay go aan kuda gaareen inay xir
xiraan kadibna gaariga saartaan balse wuxuu cotsaday in loo kaadsho
inta uu kala hadlayo gabadhaas oo farta uu ugu jeedsiiyay markaas wuxuu
ku hubaysnaa markaas qoriga AK 47 oo garabka uga raaracay malahayn
hadal soo jiidasho leh matukade ee waaka yiri naayaa is taag naxdin uma
aysan dhimanayn maalintaas xaawo laakiin waxay garan waysay meel ay u
cararto ayadoo korkeeda dhidid uu ka muuqdo ayay tiri yaad la hadlaysaa
adiga?
waa idiga qudhaada ha isku dayin inaad cararto waxaa intaas yiri
matukade oo usoo dhaqaaqaya xageeda dadka goobtaas ku sugnaa ma aysdan
ahayn ku wa difaaci kara gabadha mashaqadu soo maagtay waa ma tukadee
xaawo waxay ahayd gabar aad u aqli badan oo waxay ku talantay kuleey
cid kubadbaadinaysa malahee is badbe oo afkaagu yuusan ku gabin
matukade waaka agta kasoo istaagay waxaana la is dhaaf saday erayadaan
waan kusalaamay gabadha
xaawo oo cabsanaysa oo fiirinaysa qoriga hadii uu dhihi lahaa hadalkaas
nin aan qori sidan waxay oran lahayd war afkaaga iga du qurunkiisa
laakiin ma aysan dhihine way tiri waan kaaqaaday aboowe
Ma igaranaysaa aniga, waxaan ahay ninka ciidankaan wata waana ku
jecelahay aad ayaan kuu jeclahay runtii sidaas darted waxaad ii
sheegtaa xageed dagantihiin ?
xaawo oo yaaban hadalku ku dhaganyahay ayaa tiri waxaan daganahay buula
xuubay runtiina xaafada xaawo waxay ku tiil bar ubax laakiin waxay is
lahayd yaan dib laguu soo raadsan ee been sheeg laakiin matukade intaas
kuma harin eewaaka yiri waan kuraacayaa ee ina bixi xaafadii ayaan
aadaynaaye siina raaciyay baa buurka soo fuul xaafadana ina soo bar
hada kadib anaga ayaa ku soo raadinaynee xwo waa ayaa ku baryay waxay
sheegto ayay garan waysay hadana waxay ku fakartay inay gayso wax
kastaba haka dhacaane maxaa yeelay waxaa fakarka xaawo ka midahaay
hadal ha u xaraarayn waxaa laga yaabaa in lagu dilo hadaad warka
ayrabaan aad uyeeli wayso matukade waakanoo waa oo jeedaa waxaa udaran
arkida guriga xaawo waxaan horay luugu baran inuu naag damac kasoo
galay yiraah aaway xaafadaada waxaa dabeecad u ahaan jirtay asaga iyo
asxaabta uu la socdaba in naagaha la wiidaysto hadana la afduubto
loolana dhaqmo siyaalo xunxun waxaa uyeeray darawalkii gaariga site oo
yiri waryaa maad soo kaxaysid naagta hadii kale inaga keentid waqtiga
hanaga dhamayn qaadkii ayaa soo dhacaye naagtana shaqa ayaalaga
qabanayaa haday is waashee soo baxdheh waxaakaloo hadlay toogte oo yiri
war nin raga ayaan kugu aqeyn ee goormaad nacaska noqotay ma naagtan
kun ayaad tuugaysaa aniga amar iisii gaarigay fuulaysaa haday diidana
waa tooganayaaye
cajiib xaawo waa waxaysan xitaa waligeed kuriyoon inay lakulmayso
laakiin xaawo aqligeeda ayaa ahay mid caawinaya oo waxay diyaarsatay
inay af maasho waatase la soo boo day aboowe waan kutusayaa laakiin
waxaa doonayaa adeeg adigana waxaa tahay nin raga ma ku dhihikaro ila
soo adeeg waxaan diyaar u ahay wax kasta oo aad doonayso ee meesha igu
siisuga waxaan soogadanayaa qudaar iyo hilib waana idiin soo
laabanayaaye matukade ok abaayo waan kusugaynaa
asagoo qoslaya ayuu kasoo laabtay laakiin nasiib daro waxay ahaayeen
rag baqaya oo dakana qaba saaxabadiis asaguse waaba ilaabay inuu
tuugyahay
waxaa cotsi layimit ah aan meesha katagno site oo ah darawalka gaariga
gaashaaman ee wax lagu burbursado
xaawo ma aysan soo laaban awalba fakarka kaliya ee ay doo naysay ayaa
ahaa hadaa halmar fakato ma aysan doonin adeegii dhinac ayay ka
rogmatay waxayna ulaabatay gurigii ayadoo aad unaxsan hareeraheedana
eegaysa waxaa soo baxday oo gan jeelka kafurtay hooyo subago oo aad
udharartay maq naan teeda ayna ufadhiyeen dhalin yaro ay kujiraan
wiilasheedii oo qado sugaya subago oon waxba hubsan waata tiri naa
maxaadhacay aaway adeegaan kuu dirtay alla tanaan layaabay waa
mashaqaysato na ma anaa doona adeega adoo jooga
xaawo oonaxdintii wali weajigeeda kamuugato ayaa tiri ilaahow qufaan
wax ogayn hacdaabin hooyo manta adeegyaad igula xanaaqaysaa ana tuugii
caanka ahaay matukade suuma taqaanid hooyo
subago haa waan aqaan miyuu dad dilayey xaawo ayaa hadalkii kusoo
laabatay ootiri anaiga ayay jidka iifariisteen matukade laftiisii ayay
ii soo dirrn waa ku jeclahay iyo afaaruu ila soogalay xaafadii utus
ayuu yiri waana kasoo dhuuntay waxaana umalaynayaa haduu hada kadib I
arko waa idilayaa aniga iskool ma aadayo suuq aadimaa waan baqayaa
intaas waxaa yiri xaawo oo hadal oo yini kudaran tahay albaab kula
tiirsan
subago waata yaab afka gacanta saartay ee tiri aleen hadad dhima wayso
wax kasta waad arkaysaa maan tana matuugii ma tukade ayaa isoo galay
mawaxuu doonayaa inuu wiila shayda xabadxabad udilo gab dhaydana
kufsado waa wayeey ba ayaay tolbeelayeey erayadaas ayadoon waxay
sheegayso aqoon ayay ku qaylisay waxaa isku soo baxay wiilashii ay
dhashay duq subago oo aad ula yaaban waxa dhacay waxaa su aalo ay
waydiiyeen xaawo waxaa la ogaaday xaaladu say tahay oday qaasin ayaa ku
soobaxay qayladii oo ah xaawo aabaheed hase yeeshee waala fahan siiyay
wuxuu isugu yeeray wiila shii waxuuna soo jeediyay sidii laga yeeli
lahaa ninka nolo shooda soo daaqilay matukade kase yeeshee wiila shii
ayaa midba mar hadlay oo isdhaaf dhaaf satay hadalo xanaaq kujiro
faarax oo ah curadka duq qaasim ayaa hadlay oo yiri ma yeelayno saas
waa inaan weerar naa soona dilnaa in tii uu na sooweerarilahaa naga
xoogila haa gabdha kaligeed gabdha nagala dhalatay
siciid ayaa yiri run ayaad sheegtay waana ku jahaadaynaa matukade yuuse
nafahmin oo aan gaadno waa naga ciidanbadan yahaye
jaamac waa uu aamusnaa intaas wuxuu magaalada joogaa muda kooban waa
macalin jaamacad cilmi naf sigaa kadhiga dalak dibadiisa waxaa jaamac
kamaqnaa wadanka ilaa xiligii nabada arinka aad ayuu ula yaaban yahay
xitaa wuxuu layaaban yahay ninka sidaan looga baqayo asagoo hadal dagan
ku hadlaya waaka yiri aan idin su,aalee ninku masoomaalibaa hadii uu
soomaali yahay waxba managa halaabayaan soomaali waa walaalo waana is
dishaa aniga ayaa gartaas galaya
waxaa kaxanaaqay hadal kiisa faarax oo yiri war nacasyahow ninkani waa
tuug caan ah oo la iska yaqaan wuxuuna doonayaa oo kaliya inuu gaba
dheena nagu horwato makasamartay walaashaa xaawo ii sheeg?
Jaamac ayaa yiri ha la iiga sheekeeyo ninka taa riikh diisa
Oday qaasim ayaa uga sheekeeyay wuxuuna ogaaday in nin kani maalin
walba dilo dhaco kufsado dhibaatana u gaysto dad badan oo soomali yeed
waa fakaray wuxuu ogaaday in arinku dagaal fooda kuhayo matukadena uu
yahay nin aan samrin inuu waxdilo mooyee
Wuxuu cotsaday in asaga looga dan beeyo arinka oday gii qaasim ayaa
yiri soo daa maxaad samayn hadaan arinka kuu dayno wuxuu ugu jawaabay
waan kudaraynaa ninka gabahda haduu jecelyahay waxaa na shuruud looga
dhigayaa inuu kaharo dhibaatada iyo dilka uu ugaysanayo dadka waxaana
laga yaabaa in maalin walba uu dilo tiro dad ah laakiin wuxuu caawin
doonaa tiro dad dhibaataysan haduu gaba dheena jecelyahay
Hadalkaasi wuxuu u cunmi waayay wiilasha in toodii kale ayagoo u arkay
in jaamac baqayo waxaala hadlay mid kamida wiilashii oo yiri jaamac
islabax walaal oo aad wadan kaad katimit anaga ayaa arinkaan
dhamayhaynee
Hadalkaas ayaa la is dhaaf saday waxaase markii danbe loodaayay arinkii
jaamac oo ah wiilka ugu wayn wiilasha ay dhashay duqsubago
Jaamac wuxuu uyeeray xaawo oo kala sheekaystay xaalada waxuuna u soo
jeediyay inay guursato ini tuuga ah eela yiraa matukade haduu
jecelyahay kunja xirto shuruudo ay kamitahay inuu isaga haro dhibaa
tooyinka uumaa lin walba fara ha kula jiro waxaa arintaa argagax kamuu
jisay xaawo oo garanaysa wajiga amatukade sheekadiisana horay
uhayasatay waxaa la yaab la noqotay in walaalkeed kaweyn uu kula taliyo
guur siga ninkan nuu canba waxay horay u qoon jirtay asagoo yiraa
iskailaali lafariisiga dadka xun xun waanadii asagaaba hadana sikale
ubadalaya
Ayadoo fakareysa ayaytire maxaad kal jeedaa arinkaas ma anaa nintuuga
isiinaysaa balse wuxuu uga sheekeeyay jacaylkun qufka inuu ku qasbikaro
inuu kataqaluso dhamaan cama ladiisii hadii ninkaas ku jecelyahay
waxaad sa baba unoqon kartaa inaad kareebto waxleelada
Marka abaayo adoon u arkayn in aan ku necebahay waxaan kuu sheegayaa
inaad dulqaadatid matukade waad usheegaysaa in wax laqabanayso laakiin
waxaad leedahay kahar saaxiibadaa oo aniga saaxiib iga dhigo
Xaawo waa qaadatay dhamaan talooyin kii uu siiyay walaakeed maalin
danbe ayay hadana adeeg doontay ayadoo casanaysa waxay lakulantay
matukade oo dad baabuur bas ah saaraa ku baaranaya laamiga waxaa dadka
qaar ayleeyihiin wuxuu dilay wadihii gaariga in taas markay dhageheeda
soo gaartay waxay istiri maxaad yeeshee macarartaa ileen kuuma jeedee
ma utagtaa oo kolayba waa ku jecel yahay waxaad tiraa iska dhaaf dadka
habaarane hadana waxay istiri waa yaab haduu adna ku wato balkawar oo
saas ay kuugu dhamaato arin waa la cuslaaday xaawo waxayse isla
markiiba sooo saartay ogaan ay kufara nayso dadka saran baabuurka baska
waxay u wacday wiil meesha brunch ku lahaa way tiri walaaloow waxaan
donayaa inaan dadka tuugadu meesha kubaara nayso aan wax ka qabto
hadaannoawoodo laakiin ugu garab sii walaaloow ,
Ok waann kughu garab siinayaa hadaad ii sheegto wax macquul ah miyaad
doonaysaa inaad qori ii dhiibto ood dagaal igaliso alla hay kale makaa
yeelayo taas waxay faham siiyay in tuugaas waxbarana ay saaxiibo yihiin
ayna ku kalsoon tahay inay kabad baadiso dadka uu baaranayo marka ugu
garab sii waxaan kaaga baahanahay inaad usheegto oo tiraa taleefoon
ayaa lagaa rabaa waxaana ku doonaysa gabar xaawo layiraa waxaan kasoo
hadlayaa oon tagayaa brunch horteeda kamuuqnayay kaas ayaan tagayaa
waana ku soo taleefoon garaynayaa iina sheeg raqamka taleefoonkaaga ,
Ok ma kukal soon tahay inaad arinkaas wax ka qabanayso .
Haa aboowe aad iyo aad ayaan iskugu kalsoonahay xaawo raqamkii ayay
qaadatay waana tagtay adadoo usii socota dhinaca brunch aan saas guga
dheeray goobta wax lagu baaranayo
Fu.aad oo ah wilak baranjiga jooha ayaa asna kacabsaday aadista
matukade balse markii danbe gabar ayaa loo diray waxayna u sheegtay in
taleefoonka brunch gaas laga rabo ayna doonayso gabar xaawo layiraa
waxaa xilagaas ufidsanaay go laba nafara oo uu ku aruurinayay lacagta
is baarada halmar ayuu istaagay aaway brunch ga naga fasaxa baabuurka
ee inakeena ayuu kun yuiri tuugadii saaxiibka la eheed qorigiisa ayuu
horay udafayt asagoon dhaga la qabto lahayn oo gaaraya brunch ga fu,aad
bdurbadiiba wuxuu qabtay gacanka taleefoonka durbadii waxaa wada hadlay
xaawo iyo matukade ,
Waxaana xaawo kutri aboowe matukade waxaan garan waayay meel aan kuugu
soo hagaago ma na ihid qof la arkikaro maxaa dhacay adi goormaan
sheekaysanaynaa warkaaga been ayuu ahay ayaan umalaynayaa .
Maya abaayo maxaan sameeyaa hada makuu imaad guriga sifiican iigu
tilmaan waxaan kuu imaanayaa waxyar kadib waxaan haystaa shaqo
Baarasha da dadka ceeblama ahayn matukade wuxuuna moodayay dadaal iyo
xirfa raga nimo uu dadka dheer yahay.
Maxaad haysaa ood kashaqaysaa adi? Abaayo waxaan dad kaqaadayay
ciidanka lacagtiisii iyo qayilaadoodii. Xaawo oo marka uu hadalka
leeyahay si toosa ugu jeeday ayaa tiri waxaan kaa cotsanayaa hadaad
ijeceshahay doonaysana inaan ahaano laba isku fiicnaata waa inaad
baabuur adeerkay ayaa soomaraya wada aadan wax lacaga akaqaadi waa
gaari basa oo madow waxaa kirish bow ka ah wiil caato ah oo shaarcad
wata mar adii baabuurkaas aad aragtid ciidanka iiga dhici ,
Wuxuu fiirshasy gaarigii uu baaranayay wuxuu arkay in tilmaam ta la
bixinayo aysan dhinacna kajirin baabuurka wuxuuna ku qaylyay saa
xiibkiis site oo ah inanka wakiilka uga ah qabashada lacagaha wuxuu
kacotsaday xaawo in wax yar aysugto waxuuna usheegay saaxibkiis in loo
celiyo dhamaan lacagaha laga qaaday baabuurkas lana fasaxo shuruud la
aan aad ayay uga xumaadeen laakiin lacagtiina waa celiyeen gaarigiina
waafasaxeen ayagoon aan diidikarin hadalka matukade matukade wuxuu
ulaabtay taleefoonkii wuxuuna yiri gaarigii waan aragnay laakiin xookaa
waxaa qash qashaaday ciidamada waana ladaayay ee goormaan kuu imaad ood
guriga joogaysaa xageese guri ga kuyaal? Waxay xawo siisay tilmaanta
runtaa eeguriga waxayna u sheegtay inuu uyimaad maalinta jimcaha ah
laakiin wax saacada uma aysan qaban
Xaafadii lama aysan socot siin imaashaha matukade iyo balanta
aylasoogashay waxay filaysay inay guri joogidoonto laakiin nasiib daro
waxaa maalin joog ay isu raaceen duqsubago oo ayadu markasta jecel inay
meelkasta oo ay aadayso wadato gabadheeda xaawo,
Jaamac ayaa asna waxaa u sheekeeyay wiilal booqasho uguyimad una
sheegay meeshaan in la isku qafaasho ninka walaashiis doonayana uu
yahay nin aad uraadsha dad dibada ka yimid si uu u af duubto si doo
kale waxaa loo sheegay inaysan tuugadu asaga oo kaliya ahayn ee aybadan
yihiin ayna sheekadoodu tahay yaa asbuucaan yimid xoogaa halaga qaadee
aan barya qayilnee
Jaamac waxaa gashay cabsi aad u balaaran wuxuu kala garan wayay ma
dadkaa waa lan mise adaa waalan waxaa lasoo gaaray malitii jimcaha
maxaa dhidoona waa maqantahay xaawo waxay maali joog uraacday hooyo
subago ma tukade waa balan san yahay wax og ma lahan maalin taa waxaa
guriga alooga kala tagay jaamac oo kaliya dhamaan daka waa iska qaraaba
salaan tageen waxaa fakar kutaagan ahayd dar daaran kii saaxiibadiis ee
ahaay banankaha isugu bixin waa la afduubtaa dadka iyo guryahaa lagala
baxaa iyo wax yaabo kale .
Waxaan asna balantii hilmaamin matukade waa kanoo soo qaatay aakihiisii
horana usoo heesaya oo dhahaya (intad intad iga maqantahay manastoo
habeenkii waan soo mirkacayaa), qoraga uu wato matukade birta amaanka
loo yaqaan horay ayay ugaluntay oo kumaba taal jaamac maalintaa wuxuu
saxayay natiijada imtixaan uu kasoo qaaday ardo uu soo kal fasaxay
modada uu somaliya soo aaday wuxuu dhagta ku dhiftay garaaca ganjeelka
guriga ooah dabaq ayaan saas loo maqli jirin garaaca ganjeelka balse
maanta waa ba gariirayaa qolkii uu joogay tartiib ayuu u istaagay
wuxuuna daaqada kafiirshay qofka gan geelka taagan waxaa se indhihiisu
kudheceen nin gaaban madoow wasaqbadan qori AK 47 wata oo gadaalna iska
fiirinaya iridkan garaacaya waa yaab maa dooli noqotid maxaa uga
sootagay minsota ileen tana waa isugaysay wuxuu intaa ku fakaray asagoo
car caraya qolka dhaxdiisii isla markiiba waxaa usoo baxay fakar cusub
wuxu raadsaday meeluu ku dhuunto wuxuuse helay meelqarsoon oo ah
armaajo gadaalkeed asagoo isleh xitaa meshaan ku fakan maysid ayuu ku
aruuray armaaja gadaalkeeda oo ah meel aad uyar aan loo malay Karin in
la gali karo naftumacaana nin aan cabsan waa loo cabsadaa wuxuu ku
talagay inuu isbad baadsho jaamac .
Matukade xoog ayuu u garaacay ganjeeda ilaa ay ku soobaxeen daraskii
iyo caruurtii meelaha kadhaway balse waa uu quustay oo waa iska laabta
waxaase cabsi ku sii beeray jaamac markii matukade uu isu diyaarshay
inuu baxo ayaa waxaa isha isisaareen rag ay israad sanayeen xabad ayaa
bilaabatay ilaa 30daqiiqo ayaa xabado kadhacayeen guraga jaamac ku jiro
hortiisa matukade waa iska laabtay wuxuuna aaday ragii uu laqaraaban
jiray iyo meeshiisii is baaradu utiil waayaab jaamac isma dhihin waa
tagay nin kii ganjeelka taagnaa mardanbana iskuma dayin inuu fiirsho
asagoo is dhaha waa lagu afduubayaa jaamac magaalada masoo dhax
marmarin ilaa markii uu yimid garoon kii uu kasoo dagay waxaa looga soo
qaaday baabuur yar guriga ayaana lakeena xitaa magaaladu say u gegtahy
lama socdo waxaa la soo gaaray xili galab gaaba waxaa gan jeelka soo
garaacay xaawo iyo hooyo subago oo soo dhamaystay maalin joogoodii
dhalin yarda kale ayaa waxaa dabeecad u ahayd inay habeenkii oo kaliya
yimaadaan xaafada ,
Jaamac markuu maqlay in lagaraa cayo gan jeelka ayuu is ku yar yaraaday
oo is yiri oo hadana ma soolaabtay waa markii lagu qaban lahaa maro
udhaweed ayuu soo jiitay halkiisii ayuu is ku sii dhajiyay
Xaawo iyo duqsubago waa kuwanoo wax ka furaya maleh ganjeelka waa
fareen aaway wiilkii aan uga taganay xaafada waa yaab ayagoo wali
fakaraya ayaa waxaa isla soo taagay haweenay daris ay yihiin abooyo
subago ii waran manta yaa is ku diriray xaa fadiina ?
Maxaad aragtay alla wiilkeeni ayaaba show maqan waxay bilow day inay u
yeer to wiil keedii ayadoo dhahaysa war jaamac war jaamac markay waysay
Jaamac xiligaas waxaa ka tan waynaatay cabsidii uu ka qabay duu laan
marlabaad lagu sooqaaday waa is dhagii jinayay mana uu san awoodin in
uu kajawaabo hadal hooyadiis subago subago waxay xaqiiqsatay in
wiilkeedii lawatay horay ayaa waxaa luu gu sheekeeyay inay wiilka
kaceliso magaala da oo xiligaas aad ay ugu badnaayeen afduubka loo
gaysano dadka ka imaanaya dibada waxay islamarkiiba su aal way diisay
su leeqo oo ah gabdha dariska la ah subago una timid oo waata tiri
walaaleey yaa isku dagaalay meeshaan ?
Waxay ku jawaab tay suleeqo waxaa manta yimid nin la dhayay ma tukade
mar kuu xaafadiina axageeda u soo gudbana xabado ayaa dhacay maaqaan
waa suura gal in wiilkii la afduubayay,
Baroor ayay afka labadiis yeertay alla wiilkaygii laqaadyeey awalaan
umalaynaayay ayadoo ay weli si arinku uqasan yahay ayaa waxaa yimid
faarax oo subago willkeedii hooyo maxaa bkugu dhacay saa wax dheceen
mal aamus waa sidee xaalka hooyo,
Mahaad ileedahay waa sidee xaalka waxka dheefa waa kaas inikuu
barkahaan oo dhan dhahayay wax manoo dhibayo asagii afduubtee mar kaad
latashaydeen waad waalaydeen muxuu kayaqaan xamar iyo xaalada ha kajira
hada asagii ayaa lawatay waxaa suura gala in aydilaan
Faarax oo naxsan ayaa ayaa farasha iska baxshay oo raad saday meluu ku
ogaay rag ay isku cid yihiin qaylo ayuu iskula dhex tuuray iyo wiilkii
la afduub waxaana aftuubtay tatukade asagfa laftiisii ayuaa watay
dhalin yara caraysan ayaa horay usoo raacday waxaa lasoo watay baabuuur
aysaaran yihiin qoryafudud iyo kuwa culusba waxaa ladoonayay in la
weeraro baraha uu ka qaraabto matukade asaga xaal jira alle lamoog
xiligaas wuxuu ku qayilayay gaari tigniko ah korkiis uma aysan muuqan
cid soo weeraraysa
Mararka qaar wuxuu is yiraa waxa adiga ku soo weeraraya ma wax naftooda
nacaybaa ma aamin sanayn matukade in uu jiroba wax dili kara,
Faarax iyo dhalin yaradii hubays need ee uu watay ayaa mar qura soo
gaaray halkii ay ku sugnayd subago waxaa xiligaas lajoogay subago oday
qaasim oo asna walwalsan mar kuu arkay awuu yiri iga wareega meelaan
karaaco iiga baneeya gaariga wuxuu doonayay inuu duulaanka wax kaqaado
maca duqsubago iyo gabadhii waa raaceen xitaa cidii makala harin allow
qofaan wax ogayn ha cadaabin ileen guriga ayuuba ku jiraa yaase u
sheegaya waa dhib iyo dhibaato kale oo soo mooqanaysa ilen weerar ayaa
lagu maqan yahee maxay lasoo kulmi doonaan dadway nihii dariska la
ahaay reer qaasim waa yaaban yihiin reer qaasin oo caawa duulaana wali
good lama arag cidaas oo wiil kooda qori wato walee arinku ma fududa
nin ka loo socdaana waa matukade cabsi ayaa soo wajahday dhamaan
dariskii maxaa lasoo sheegidoonaa kolay bexe cidii waxna kama harine oo
xitaa maxay gabadha iyo habartu dooneen waayaab
Waxaa la yaab isla markiiba waxaa cii dama dii uu watay oday qaasim ay
aadeen dagaal waxaa arintii maqlay boo liska magaalada waxaana loo
diray askar ka hor tagta duulaanka oday qaasim axaana isla markiiba la
qabtay ciidamadii uu watay oday qaasim waxaana dhamaantood loo taxaabay
xabsiga xaawo ayaase ka soolabatay mar ay suura gali waysay in la aaado
meeshii loo duulaan ka maqnaa waxaa xaawo oo barooranaysay aay soo hor
fariisatay gurigii balse nasiib daro jaamac in tii duulaanka alagu sii
maqnaa ayuu dareemay in xaaladu caadi aysan aheyn cidii oo dhana ay
meel u carareen geesi nmo ayuu iska raadiyay wuxuuna kasoo baxay
gurigii wuxuu halkaa ku arkay wiil yar oo aad unaxsan lana yaaban sida
xaalada caawa tahay wuxuu waydiiyay maxaa dhacay wuxuuna ugu jaweaabay
asagoon horay ugaranayn cidaan ayaa wiil laga afduubtay dhamaan cidii
oo dha waxay qaadee duulaan wayna maqan yihiin asagoo hub sanaya ayuu
waydiiyay waa cidee guri gii uu kasoo baxay ayuu farta ku fiiqay
waxuuna yiri wa cidan jaamac naxdin hada iyo koow abooyoow waa kee
wiilka la afduubtay mafaaraxaa allow qofaan wax o gayn hacaabin ileen
waxa lala yaaban yahay meeluu kabaxay waaba asaga wuxuu sameeyo ayuu
garan waayay wuxuu ku fakar meel xiligii nabada uu ku lacawayn jiray
dhalin yaro inuu kasoo fiirsho bal inuu ka soo helo ciidan ama ay gacan
ka siiyaan dhibaatada haysata laakiin waaxagee meesha waa meel xili gii
waa socotaa
waxaa qoray shariif C/nuur Xassan (shafka)
sharii...@yahoo.com