Samaynta Jacaylka iyo Nolosha

3 views
Skip to first unread message

mudane

unread,
Jun 2, 2006, 11:06:51 AM6/2/06
to jacaylka
Wadnayaal Is jeclaaday!!!!Waa sheeko jacayl ah oo dhex martayQalbi
Xaaji Aden Iyo Aqli jaamac yare

Gedoweb Online Qisa dhaba

Qalbi, waxay ku dhalatay xaafada shacabka ee magaalada Hargaysa,
Sanadkii, 1972.

Wax barashadeedi hoose waxay ku soo qaadatay dugsiga sheekh Bashir, wax
barashadeedi sarena Qalbi, waxay ku soo qaadatay dugsiga ina Oomaar, ee
isla magaalada Hargaysa.

"Hibo eebe ku siiiyey iyo habeen la iskama qaado," ee Qalbi,
kasokow waxbarashadeeda dugsiga waxay aad ugu wanaagsanayd guud ahaan
cayyaraha fud-fudud gaar ahan cayyarta kubada koolayga ee loo yaqaan
"Basket Ball." Qalbi waxay markiiba ka mid noqotay gabdhihi u
cayaari jiray kubada kolayga isla dugsiga ina Oomaar ee magaakada
Hargaysa.

Fir-fircoonidi iyo cayaar wanaagi ay Qalbi, muujisay waxay dhaxalsi-say
in ay isla markiiba u gudubto oo loo qaatay xulka gabdhaha kubada
kolayga ee gobolka waqooyi galbeed.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa Qalbi u yeedhay gudoomiyihi Gudiga
olombikada gobolka waqooyi galbeed "Adbillahi Dheere" iyo
taba-barihi kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi
Galbeed "Axmad jinac" oo Qalbi ugu bishaareeyey in Ayyada loo
doortay kabiteenada hogaamin doonta kooxda xulka gabdhaha kubada
kolayga ee gobolka. Waxa kale ooy Qalbi u shegen in dhammaan kooxaha
xulka wiilasha iyo gabdhaha kubada kolaygu soo diyaar noqdaan maalinta
Jimcaha, 10 ka Subaxnimo, si ay ugu kici timaan magaalo madaxda
Muqdisho ooy kaga qayb gali donaan tartanka ciyaaraha koobka horyaalka
gobolada ee kubada kolayga.

Qalbi magaalada Muqdisho dad qaraabo ah iyo asaxaabatoona kama-taqaan,
sida darteed, waxay go'aansatay inay dhanba u dhaafin gurigi mar-tida
lo dajiyey oo Qalbi waxay wakhtigeedi ku soo koobtay: .

Mar ay tartan ciyaareed ku maqantahay,

Mar ay tababar ku maqantahay,

Iyo mar ay Buug aqrisanayso.

Qalbi, intii lagu gudo jiray tartankii ciyaaraha koobka horyaalka
kubada kolayga waxay isbarteen- Nimco Jeego oo ahayd, kabitanka kooxda
Xulka horyaalka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka Banadir. Nimco Jeego
waa gabadh aad u fur-furan, si wanaagsanna uga qayb-qaadatay dhinaca
soo dha-weeynta iyo marti-galinta dhammaan kooxihi ka kala yimid
gobolada dalka.

Maalin maal maha ka mid ah, rugtii ay daganayd Qalbi, waxaa ugu timiday
Nimco Jeego, waxayna u sheegtay inay kooxda horyaalka gabdhah iyo
wiilasha gobolka Banadir ee kubada kolaygu casho ugu marti qaadeen
Hoteelka Curuba, habeenka Qamiista ee Jimce soo galayo dhammaan koxda
Horyaalka Gabdhaha iyo Wiilasha kubada kolayga ee ka yimid gobalka
wo-qooyi galbeed.

Waxaa lasoo gaadhay habeenki Qamiisti ee Jimce soo galayey:

Waa habeen u haba-yaraate wax caad ihi saarnayn cirka.

Waa habeen u heer-kulka magaalada Muqdisho taagan yahay halkii ugu
wanaagsana.

Waa habeen saxan-saxo udgoon badani babanayso daafaha magaalda.

Waa habeen aad laydha caafimaad iyo naacawda caashaqa Ood hawada ka
nuugtid mooye, waa habeen ay naftu, Waa habeen ay naftu guriga galba ku
dhahayn.

Waxaa hal-hal, laba-laba, koox-koox iyo raxan-raxanba loo soo galaya oo
la iskugu yimid waa marti-qaadkii cashada iyo hoteelki Curuba. Waxaa
wiil iyo gabadh loo labisan-yahay maxaa kaa galay camal. Waxaa qof
walba sitaayi waa labiskii aynan uga danbaynin. Waa labiskii u qof
walba is-lahaa hadaad mar uun xidhan lahayd Allay-illehe, Alla-ilehe
caawa xidho (xiro).

Saacadu markay ahayd, 7:30 kii, fiidki, waxaa albaabka hoteelka Curuba
gaar ahaan qolkliisa xafladaha ka soo gashay gabadh u Allahen, Dhumuc
iyo dhererba u dhameeyey, hubqaa- dkeeda iyo hannaan wanaageeda ba aad
iyo aad lola dhaygagay.

Waxaa mar qudh ah is-taagtay shan-qadhii qolka, dhammaan wiil iyo
gabadh inta lawada aamusay waxaa daymo layaab leh sidaa loo wada
Jalleecay dhinici gabdha oo aad moodaysid in Nal ama laydh laga soo
iftiimshay.

Waxaa fadhiya dhanka midigta ee albaabka laga soo galo hoteelka Curuba,
gaar ahaan qaybtiisa xaafladaha Afar wiil oo dhallin-yar ah. Waxay aad
iyo aad ugu qushuuceen sha'ni wanaagi iyo sharfti ka muuqatay
gabadhan albaabka ka soo gashay, oo wiil walba is-dhahay Ar-may taada
noqota, waxaase wiilashi iswa-ydiyeen carr yaa gabadhaas la hadli oo
nin raga ah?, wiilka ka mid ah wiilashi ayaa soo kacay isagoo sharad ku
soo galay inu gabadha la hadli dono oo u isagu ku qaban doono wiilku
isaga un ba is- dhahaye, ma oga waxa u kala kulmi iyo wax u mudan
midba, wuxa u wiilku ogayn hadal adayga hablaha Soomaaliyeed
guud-ahaan, gaar-ahaan habeenka iskugu kiin horaysa in-aan dhayal iyo
ciyaar ciyaarba loogu soo gali karin Qalbi se, wayba ka sii xag jirtaa
oo waa gabadh aad u dagan, hadal kooban, miisaaman oo xikmad badan leh
waa gabadh aan haba-yaraate loola iman karin sheekooyinka raqiiska ah.

Waa laba aan is ogayne isku eeg waxay kala qaadan. Horayba seLo yidhi,
" Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin."

Wiilki, gabadhi waa u yimid isagoo ilka cadaynaya oo wuxu ku dhahay,

"Qalbi,"- walaal waa lagaa qaaday.

"wiilki,"- Abaayo qof miyaad raadinaysay.

"Qalbi,"- Walaal qof baan raadinayeyba kumaan odhan.

"Wiilki,"- Abaayo hablihi martida aha inad tahay wan u jeeda,
side-waaye

"Qalbi,"- walaal waxba taas kaama galine, danhaaga sheego.

"Wiilki,"-Abaayo adiga uunbaan ku caawin-rabay NO.

"Qalbi,"- Walaal intaas mooye wax kale miyaad haysa.

Markay intaas iswaydaarsadeen, wiilki yaabka ka dhammaday, oo cabaar
intu aamusay ba waax hadal ahi ka soo bixi waayay.

Waxaa gadaal kaaga timid Nimco Jeego oo intay ku soo booday labada daan
ka dhunkatay waxay tidhi, "Alla waa Qalbi abaayo ii warran sideed
tahay."

"Qalbi,"- Walaal waan iska fiicanahay ee adigu ii warran, sideed
tahay.

"Nimco"-Abaayo waan fiicanahay, oo hadaan isdhahayey maxaa ku dhacay
gabadhi.

"Qalbi,"-Walaal malaha waan idinku soo daahay ee iga raali ahaada.

"Nimco,"-Maya, abaayo naguma aad soo dahin ee, walaalkay Aqli na maad
istaqaanaan oo inteed isku barateen.

La soco qaybo kale oo xiisa badan.

Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages