WAA MAXAY NOLOSHU. AMA ISLA NOO LAANSHO (GUUR)

96 views
Skip to first unread message

somali

unread,
Jun 2, 2006, 11:56:30 AM6/2/06
to jacaylka
(MAQAALKANI WAXA UU QUSEEYAA GUURKA QURBAHA).

Maanta waxaan bara naynaa mawduuca ah. Waa maxay isla noolaansho?

Maxaad u taqaanaa wanaag?

Maxaad u taqaannaa kalgacal?

Maxaad u taqaannaa isla noolaansho ay labada qofi isla noolyihiin?.

Hadaba hadii aan ka bilaabno guurka. Guurku waxa uu ka yimaadaa, jacayl
ama rabitaan uu qofku qofka kale rabo. Xataa ha ahaato hal maalin ood
aragto oo tiraahdo waa rabaa qofkaa, macnaheedu waxay tahay waa rabaa.

Xataa hadii aadan arag oo lagu siiyo, lakiin aad tiraahdo waan rabaa
ama doonayaa, macnaheedu waxay tahay waan rabaa in aan la noolaado.

Hadaba sual? Maxay tahay isla noolaansho?

Isla noolaansho waa axdi lakala saxiixday oo ah(agreement) aaxdigaasi
waxa uu socon karaa mudo yar, mudo dhexe, mudo aan la soo koobi Karin
oo waligeed socda oo ah ilaa labada qofood mid ka dhinto.

Hadaba aduunkan aan ku noolahay gaar ahaan qurbahan aan joogno wuu ka
duwan yahay kii wadankeenii. Hadii aad is tiraahdo u nooloow ama u
dhaqan sidii kii aan ka soo tagnay, waxaa imanaysa is fahan la-aan, is
fahan la-aantaasi waxay ka iman kartaa labada dhinacba ama labada
qofood ee nolosha wada wadaagaya.

Waxaan idin tusayaa tusaalahan ee ii ogolaada.

Waxa is bartay wiil iyo gabar waxay isla ogolaadeen in ay isla
noolaadaan(guur)

Hadaba iyaga oon haysan guri marka hore, ama haysan shaqo laga helo
nolol maalmeedka, ama is waydiin waxa ama waxay qaban doonaan bilahan
soo socda haduu ilaahay yiraa ayay isla soo dagayaan. Waxa laga yaabaa
wiilkii ama gabartii in ay u soo guurto ama uu u soo guuro qolkii ay
daganaayeen.

Waxaa laga yaabaa in markiiba ay uur qaado hadii ilaahay wax
siiyo,ayadoon laga tashan waxa soo socda.----(kama wado xumaan, qofkii
u qaata sheekadan raali ha ka noqdo, waxaan ka hadlayaa dhibaatada
qurbaha naga haysta oo run ah, qofkii beeniyana waxaan qabaa in uunan
runta la socon ama inkirayo dhibaatada na haysata gaar ahaan somalida)

Aduunyadan waxa ugu wanaagsan ama save ah in aad hesho partner, waxaad
ka badbaadaysaa xumaan, waxaad helaysaa sharaf,raaxo labadaba, waxaad
ka badbaadaysaa cidlada,gaar ahaan qurbahan aan joogno,. Laakiin hadii
labada qofood is fahanku ka lumo ama beentu badato waxa lumaya is
aaminkii iyo is ixtiraamkiiba.

HADABA MAXAA NAGA QALDAN?.

Waxa naga qaldan beenta la sheegayo marka hore, gabartii oo la qabo
ayuu wiilkii ku o ranayaa waxaa tiraahdaa la ima qabo dheh.

Waxaa laga yaabaa in ay uur qaado, way dhalaysaa, hadana uur kale way
dhalaysaa-hadana-------------.dhalaysaaaaaaaa.

Rutii caruurtu waa wax loo baahan yahay lakiin wadan keenii ma joogno,
oon helaynay jariyadama booyaaso hadba sida aad u taqaano, ama ehel
guriga ka buuxa.

Rutii halkan waa stress miiran, wal walbadan, adiga iyo caruutii waxaad
ku xaraysan tihii labo ilaa sadex qol iyo meel yar oo la fariisanayo
ayaad kuligiin isugu imanaysaan. Islaantii maanta oo dhan ayay
ciyaalkii haysay. Odaygii waxa uu u baahan yahay in uu dibada u yara
baxo, ma la isku helaa caruur badan iyo dibad bax. Halkaa waxa ka
bilaab maya muran ila caawi iyo ma kula caawin karo, iyo doowlada ayaa
ii masruufaysa hadii aadan ila caawin Karin.

Isagii ma fahmayo noloshii waxa uu u haystaa hadii ay tiri ila caawi
waxa uu u qaadanayaa in la handadayo.

Iyadii waxa ay u haysataa in ay leedahay lacagta caruurta oon loogu
iman Karin.

Isagii waxa uu leeyahay naa yaa caruurta kaa dhalay, iyadii ima
caawisid.

Maxaa keenay markii hore ayaan laga tashan taas.

Halkan hooyo ma noo joogto, hadii ay joogtana wax badan ma naga caawin
karto. Ninka waxa looga baahan yahay in uu caruurtiisa ka caawiyo wixii
loo soo dhiibay sida, xisaabta,la dhaqanka dadka,in uu ka xeeyo
caruurtiisa,in uu ka farxiyo xaaskiisa. Ogoow ma suuliyadu adiga ayay
ku saran tahay,hadii aan nimanka nahay. Si kasta oo gabadhu u xun tahay
hadana waad ka keen san kartaa wanaag iyo nolol, marka hore wiilashu ha
is too siyaan, tii xun way muuqan.

MAXAA LAGAAGA BAAHAN YAHAY HADABA.


Waxaa lagaaga baahan yahay jacayl,,raxmad,dulqaad,ixtiraam,runta,iyo
daganaan.

Sideed isku jecleeysiin kartaa?.

Tus farxad, u sheeg in aad u baahan tahay, u sheekee marka aad caruurta
seexisaan, iska ilaaw tv,iyo wixii la mid ah, u sheeg waxaad qabto hana
qarsan, kala sheekayso sariirta macnaheeda, waxaad jeceshahay waynan ku
fahmaysaa.

Waamaxay sariirtu hadaba?.

Dad ayaa u yaqaana isku tagid , lakiin sidan ayaan ku qeexayaa. Waa
raxmad aad qofka kale u hayso.

Sriirta waa lagu nastaa, yay kugu nasanin sariirtu, waa hadal wayn
hadii aad fahmayso.

Qofka partnerkaaga waa in aad qan cisaa, sida aad ula socotaba way kala
du wan yihiin wiilka iyo gabartu, ninku waa in uu sheegaa waxa uu qabo
ama rabo isaga oon qarsanayn, la soco mar walba isku mid ma tihid.

Marka aad waxaad jeceshahay sheegato, waxa sii badanaya raxmadii iyo
jacaylkii laguu hayay, is fahankuna wuu sii badanayaa.

U sheeg in aad jeceshahay mar walba adiga oon ka qarinayn.

Labalan xaaskaaga iyo caruurtada bishii mar, hadba sida uu dhaqaluhu
kuugu saamaxo, in aad kaxayso, balankaasna ha jarin, iska ilaaw saxiibo
iyo tol kula balamay maalintaas aad ka xaynayso.

KUWA QALDAN

_______________

Waxay dhalayaan caruur badan ,iyaga oo kuwii horeba tabar loohayn,ama
ay gabartu ogtahay in uunan caawin, ama aqoon sida loo caawiyo ayay
hadana dhalaysaa, oo ay u sii socotaa cayrtii ama sosialkii dadka
tabaalaysan caawinayay. Marka ay waydiiyaan yaa kaa dhalay caruurtan,
waxay ku jawaabtaa saxiibkay mana aqaan meesha uu dagan yahay.


Waxaa hadaba dhacday sheeko run ah waana tan sheekadii.


Waxa ka dhacday yurub in gabar ay nin u dhashay laba caruur ah ka dib
way kala tageen.

Waxa hadana guursaday nin kale, waxay u dhashay laba caruur oo kale.

Maalin ayay maxkamadu waxay u yeertay ninkii hore ee caruurta ka
dhalay, in- uu bixiyo kharashka afarta caruur, isaguna waxa uu ku
dacwoonayay, aniga laba ayaan dhalay labada kale ma aqaan wax ka
dhalay.

Ninkii labada danbe dhalay waxa uu ku yiri xaaskiisii ha I sheegin,
mana rabo in uu bixiyo lacag yar oo laga qaadi lahaa, waa hadii uu
shaqeeyo, hadii kale lagamaba rabo.

Maxkamadii waxay naagtii ku xukuntay in ay sheegto ninka caruurta ka
dhalay, magacyadii caruurtana waxa loobixiyay magaceedii.

Hadii ay xanuunsatana waxa lagu wareejin doonaa kaniisad.

Naagtii caruurta dhashay meeshii ayay ku saxiixday,iyadoo u malaynaysa
in aynan waligeed xanuunsanayn.

Nasiib daro markii ay mudo ka soo wareegtay ayaa gabadhii caruurta
dhashay xanuunsatay madaxana laga galay, ilayn ma hayn karto 4 caruur
ah oo 5jir u wayn yahay, wax la caawiyana aanay joogin

Hada caruurtii waxa haysata kaniisad, ninkiina ma sheegan karo, shalay
isaga ayaa in kiray, hada haduu sheegto 4sano lacagtii ayaa laga rabaa,
waa yaab goorma ayuu bixinaa imisa sano,,,, waa beenta faa iidadeeda.

Qaarkiin hadii ay dhib sadeen sheekadan dheer raali ka ahaada.

Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages