LinkedIn and 3rd parties use essential and non-essential cookies to provide, secure, analyze and improve our Services, and to show you relevant ads (including professional and job ads) on and off LinkedIn. Learn more in our Cookie Policy.
Maanta halka aynu joogno iyo sannad kaddib halkaynu gaadhi doonno waxa go'aamin doona nooca buugaagta aynu akhrino Ilaahay idamkii. Kaliya ma aha buugaag balse waa qaybta ugu muhiimsan ee maalgelinta caqliga, inkasta oo ay dhinac kasoo galayaan maqalka iyo muuqaalka barnaamijyadu.
Haddii aanad xiiseyn buugga aad akhriyeyso, in aad ka caajistaa waa caadi. Haka baqan inaad joojiso, bedesho ama aad iskaga kacdo akhriskiisa. Xulashada badso kaddib markaad qiimeyso naftaadu mawduucyada ay u bogto oo ay ku dareento rayn-rayn akhrintooda.
Buugtu waa midkamida maalgelimaha qofeed ee ugu weyn kana qayb qaata horumarka qofka. Buugtu waa maalgelinta ugu fudud ee jaban qiime ahaan marka loo eego kharashka aad ku bixiso baahiyahaaga kale ee aasaasiga ah iyo kuwa abaalmarinta nafta ahba. Si lamid ah sidaad cunto, cabitaan, dawo, maryo iyo agabkaleba aad kharash ugu talo gasho, u qorshee iibsiga buugaagta bishiiba in go'an.
Isku daqiiqad uma jeedno, Balse dhowr buug ha iskugu kaa dhex qalnaadaan oo wada wad akhrintooda. Waxaad ka badbaadaysaa xiise go'a oo haddii midi ku cajabin waayo, midka kale ayaa laga yaaba inuu nalka xiisaha kuu daaro. Faraxdo, qososho, oydo, murugooto intaasiba waa dareeno aad ka heli karto buugaag kala jaada akhrintooda todobaadkiiba tusaale ahaan.
Noolaha dhammaan kugu hareeraysani waa deegaankaaga. Xulo deegaan aad ka helayso dhiirigelin iyo faaqidaad ku aadan akhriska buugaagta iyo falanqeyntoodaba. Waa isha aad ka biyo cabi karto si aad u joogtayso abuurashada caado wax akhris
2024 imisa buug ayaan rabaa inaan akhriyo. 6 bilood, 3 bilood, 1 bil, 1 toddobaad iyo maalintii maxaan akhrinayaa? Waydiimahaa jawaabtoodu waa hadaf cad inaad ka yeelato. Tusaale Todobaadkasta buug baan akhrinayaa.
Si aad u hesho asxaab sidaada xiiseysa akhriska, Ku biir naadiyada akhriska ka shaqeeya iyo makabaddaha qabta kulan todobaadle, bile ama 2 biloodba mar ay ku falanqeeyaan buugaag ay soowada akhriyeen. Wacyigaagu si xawli ah ayuu u kori Ilaahay idamkii.
Akhriskaad ku liidataa ku bedel inaad ku fikirto ahaanshaha qof buugaag badan akhriya. Sawiro adigoo sannadkii akhrinaya 24 buug, 48, 80, 150 iyo 200 buug. Waa hiigsi iyo hadaf ay dad hore u dejisteen gaadheenna. Adiguna waad gaadhi kartaa.
Muhiimad hasiinin ka jawaabista imisa buugbaad akhriday sannadkan ama kii hore, balse raaxeysiga akhriska diiradda saar. Hakuu noqdo midkamida tiirarka aad dadka kaga horumarsantahay, horeyso oo aad kaga wanaagsantahay.
Xafladii suugaanta Soomaalida ugu weynaa oo London ka dhacayxafladan aan horey mid lamid ahoi uga dhicin Qaarada Yurub iyo America, oo lagu soo bandhigay buugaag aad u fara badan.buuktaas oo baden kood lagu soo daabacay Jamhuuriyada Jabuuti ayna wadeen waftika Jabuuti ka yimi.
Waxaa ka soo qayb galay xafladaas dadweyne aad u fara badan oo soo buux dhaafiyay hoolkii xafladu ka dhacaysay , xafladan ayaa waxa soo qabanqabiyay iskana kaashatay ururka PEN, Somali Comunity, Sheba Media. xafladaas oo uu qaban qabiye ka ahaa Axmed yusuf (Axmed Cawar).
Waftika lagu casuumay barnaamijkan oo ka yimi wadanka Jabuuti ayaa xubnaha waftikaas waxa ka mid ahaa ku ahaa dad qiima ku leh buslahda Soomaalida, waxaana ka mid ahaa qoraaga taariikhyahanka Soomaaliyeed Aw Jaamac Cumar Ciise ,Abwaan Cabdi Stube ,Abwaan Ali Sugle ,Qoraaga Caanka ah Axmed Cali Faarax Idaajaa, Dr Mohamed Daahir Afrax , Qoraaga Saalax Xaashi Carab ,Abwaan Faarax Waceys Qoraaga reer Jabouti Mohamed Riiraash, Prof Mohamed Hassan oo Minisota USA ka yimi, Prof Salwe , Dr Axmed xaaji Abdirxmaan ,Dr Ali Bolay ,Wariyaha BBC Abdulaahi Xaaji , Madaxii TVkii Somalia Axmed Cali Askar , Khalif Ashkir Fanaanada caank ah Faaduma Qaasin Hilowle , Qoomaal, Xatanteeyo,Samsam, iyo Fanaani Fara badan oo reer Jabuti ah.
Waxaa hadalka qabsaday dadkuna u yimaadeen aragiis iyo hadalkiisa qoraaga caanka ah Aw Jaamac Cumar Ciise, markii loo dhiibay Microphone ka, ayaa waxa dadkii qiiro iyo ilmaba ka timi hadalkii isagoon bilaabin, Aw jaamac ayaa isagu ku bilaabay hadalka inuu ku farxay imaashaha Uk isagoo amaanay dowlada Jabouti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar geele.
Intaa ka dib AwJaamac ayaa ka warbixiyay sida uu ku bilaabay inuu qoro Taariiqda Soomaalida iyo Halgankii Jihaadka ahaa ee Daraawiish, hadalkii Aw Jaamac waxaa ka mid ahaa taariikh qorista qisooyinkii Daraawiish, waxa aan bilaabay ayuu yidhi Aw Jaamac Cumar 1954, wuuna yidhi waxaan haystay 4 qaalmood oo geel ah. waxaan qaalmihii u iibshay inaan xifdiyo ugana tago dhaxal Ummada Soomaaliyeed ku faanto.
Aw Jamac ayaa ku dheeraaday sida uu soo baandhigay Buugaagta uu hore u qoray, dibna loo daabacay ay kamid ahaayeen Diiwaanka Sayid Mohamed Abdule Hassan iyo Buuga Taariikhda Daraawiish, qoraaga ayaa soo bandhigay buugaag cusub oo aan la soo koobi karin ,qiimaha ay u lee yihiin ummadda Soomaaliyeed , Aw Jaamac ayaa soo bandhi doona Buug wali qoraalkiisu socdo oo ah, (Taariikh Al Qarnil Ifriiqi ) Taariikhda Geeska Afrika oo kn qoran luqada Carabiga ,,Aw Jaamac ayaa ka hadlay qiima wadniyada iyo Soomaalinimada, isagoo ka hadlay in qabyaalad ay wadankeena bur,burisay ,hadana aynaan wali ka tagin, isaga oo ka hadlay sida uu u arko in la soo saaro buugaagta afka Soomaali ku qoran waxaana uu Aw Jaamac yiri waan ku farxaa hal,abuurka Soomaaliyeed ee soo koraya, Intaa ka dib Aw Jaamac ayaa ummadda kala dar,daarmay in ay qabiilka ka fogaadaan midnimo raadshaan.
Waxaa ka mid ahaa hadalkiisa waa in Ummada Soomaaliyeed la raadsho midnimadii ay lahayd, Aw Jaamac markii uu dhameeyay hadalka ayaa dadkii Dhamaantood fadhiga ka kaceen qiirooodeena ilaa uu ka fariistay.
Intaas kadib waxaa hadalka qabsaday, Abwaan Shube oo soo bandhigay buugii cusbaa ee uu qorey lana magac baxay Durbaan Garasho, isagoo tiriyay tixooyin maaso ah, dadkii ayaa hadana qiiro iyo farxad gashay sida Abwaan Shube uga haqab tiray tixdiisi.
Waxaa sidoo kale hadlay qooraaga caanka ah Mohamed Riiraash oo soo bandhigay buug si weyn loo sugayay oo ahaa, Futuuxal Xabashah, oo lagu turjamay afka Soomaaliga, Riiraash ayaa ka warbixiyay halgankii loo maray qorista buugan isagoo yiri waxaan ku jirey mudo dheer in aa buugan qoro, buugaan ayaa ahaa mid dadka Soomaalida horeyba u kala qaateen maadama uu ahaa mid dadku aad uuga heleen.
Hadalka ayaa waxaa isaga danbeeyeeyay dad aan la koobi karin ayna kamid ahaayeen, Dr Ali Boolay, Saalax Xaashi Carab ,Khalif Ashkir Bootaan, Faadumo Qaasim ,Ali seenyo ,Cabdule Xaaji, Maxamed Baashe, iyo dad aan la soo koobi Karin, ugu danbeyntii waxaa lagu balamay in la sii wadi doono lana weyneen doono hadii alle idmo Barnmaajikan lagu magacday suugaanta Soomaalida, waxaa hadalka soo xirey marti sharaf ka soctay dalka Jabouti uu ka mid ahaa Cabdala Xaaji Waceys.
Puntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22
Qoritaankii far Soomaaliga inkasta oo aysan ka soo wareegin nus-qarni, haddana waa luuqad meel sare gaartey, laguna qoran manhajyo lagu barto dugsiyada, isla markaasna lagu qoray buugaag badan oo wax ku ool ah. Waa luuqad ay Soomaalidu ku faanto oo danahooda ku sheegan karaan, taas oo hiigsaneysa in ay la tartanto luqado qarniyaal qornaa.
Haddii aan anigu iska bilaabo: Xilligii aan dhigan jirey dugsiga sare waxaa muhiimad weyn ii lahaan jirtey maadada xisaabta, anigoo baadi goob ugu jirey in aan kor u qaado xirfadayda xisaabeed ayaa waxaa gacantayda soo galay buug xisaab ah oo si faahfaahsan Af-Soomaali ugu sharxaya xisaabta.
Hadda waa markaagii: Fadlan qaybta jawaabaha ee hoose ku qor haddii uu jiro buug Af-Soomaali ku qoran oo raad wanaagsan ku yeeshay noloshaada iyo sababta aad u xulatay buuggaas. Waa in uu yahay buug Af-Soomaali ku qoran.
Alcumuum waxan hadal ku soo gaabshay Luqada Soomaaligu waa luqad weyd ah, naf weyd ahna caano iyo cadna midna lagama rajeeyo ilaa uu muuqiisa ka qurxaanaado, waxan ulajeedaa marki aan arkay dhowr buug oo af-soomaali lagu qoray marar dhexdaana, waxa ii soo baxday in aan raaxo iyo macaansi iga raaceynin Buug af-soomaaliba ku qoran, ilaa qoraayaasha wax ku qora afka soomaaliga ay ku soo biiraan dad luqada naaxiyo.
waxaan oran karaa buuggan wuxuu iga kaafiyey taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo xilligii daakhiliga ilaa ay burbirtey wuxuuuna si faahfaahsan uga sheekaynayaa dhacdooyin bada n oo aan kutirikuteen ku maqlay
asc macalin waan kusalaamay waxaan ka mid ahay ardeyda ka faaideesaty website kan iyo caharada aad ku so ban dhigtay 100% waan kaaga mahad celinayaa waxaan rajeynayaa cashiro cub inaad noo soowwado.
hadaan uso noqdo jawaabtayda may ka kama faidesan buug afsomali ku qoran inkastoo aan aad uxiiseeyo psychology ga iyo cilmiga IT ga hadana nasiib wanaag mahelin ayago somali ku qoran.
Ustaad aan u jeelay qalinkiisa, una darsaday duruustiisa, wax badanna aan ka bartay, isla markaasna u heelan horumarinta dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa ba, Eng. Maxamed Cali Aadan bariido san iyo Ramadaan Barakeysan Macallin.
Asc marka hore waan ku salamay waxaa jir buug magacii siibaa ig baxaye aad iyo aad aan ul dhacya waxaan qoray Axmed faarax cali idaaj wuxuun ka sheeken yaa abwaan dii soomaliyeed ee gabayad ugu hor aliifay ama dhaq madii hore ee soomalidu soo martay sid waxaay ubaah daan qaabab keey ku heli jireen iyo wax aay isku Af garan jireen marka wax lasoo darsaan ama suldaan kood waxaay ugu gudabin jireeb waxaay ubaah daan iyo xeerar koodi
ASC SOO NOQOSHO WANAAGSAN MCLIN NAGU QAALI AH SIDA AN KUGU MAHAD CELSHO MA AQAAN ALLAHA KUDHOWRO AAMIIN, MAJIRO BUUG AF SOOMAALI KUQORAN OO AAN WAX KA FAAIIDAY LAAKIIS WAXAA JIRA BUUGAAG AF INGIRIIS AH SIDA (RICH DAD POOR DAD) OO UU QORAY ROBERT KIYOSAKI IYO BUUGAAG KALE OO BADAN.
1-Qaamuuska Afsoomaaliga ee uu qoray Keenadiid wuxuu ijeclaysiiyay Afkayga hooyo
2-Hilin-hayaan ee uu qoray Abwaan Cabdi Muxumed Amiin wuxuu ijecleesiiyay Suugaanta
3-Futuuxul Xabasha oo ay soo tarjumeen Baleelo iyo Riiraash wuxuu ijecleesiiyay Muslimiinta Geeska Afrika.
4-Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu qoray Cabdalla Cumar Mansuur wuxuu ijeclaysiiyay Qowmiyadda Soomaaliya iyo Qowmiyadaha Reer Kuush.