ARAWEELO IYO BILQIIS

19 views
Skip to first unread message

Seid Abdi

unread,
Mar 26, 2013, 10:42:53 PM3/26/13
to gah...@googlegroups.com
Bariidin Nabada Idriis,
Waxa Aad I Tustay Infiirooyin(Remarks) Jira. Waxa Jirtay In Bilqiis, Intii Aanay Hoos-imanin Nebi Sulaymaan, Ay Boqortooyadeedu Gaar U Taagneyd, Oo La Magacaabi Jiray Boqoraddii Dhulka Ama Malikat-Al-Saba! Sida Waraanwaryooyinka Orafka Ah(Oral Narrations), Inagu Soo Gaadheen Kolay Wax Badan Bay Ka Beddelnaanayaan Runtii Jirtay, Ama Sidii Runtu Ahayd. Awoda Aan Isula Ekeynayo Bilqiis Iyo Araweelo, Labaduba Waxay Ahaayeen Boqorado - Waxa Aanay Ka Jireen ARABIAN PENINSULA (Degelweynaha Carabta) - Kaasoo Aynu Ku Barbar-qabsan Nahay. Qofta Sidaas Ugu Magac Dheeraatay Agagaarka-kan-na Kolayto Waa Qof Ku Dhow-dhow Qof Sidii Bilqiis Magac Dheeraatay.
Sidaas Aad Xustay Haddii La Fadaljeeriyo, Oo Loo Fadaljeeriyo Si Sudnaan Leh, Wax Badan Baa Laga Soo Ogaan Doonaa. Haatan Araweelo Sheekooyin Orafeed Oo Keliya Baa Laga Soo Waraanwariyey.
Waxaa Isweydiin Leh..Dhowrkaas Kun Ee Shimil.. Af-Soomaaliga Laga Soo Hadal-warinayaa Ama Laga-Soo-Hawraar Warinayaa, Ma Ahaa Sisibaha Kan Aynu Maanta Ku Hadalno.. Ileyn ...Facii Duugmaba Af-Soomaaligu Wuu Qaabdoorsoomayee...! Intaas Afku Wuu Soo-Miniinayay (It Was Evolving/Evoluting)..Weli-na Waa Uu Sii Miniinayaa. Waxa Kaloo La Inagu Soo Xidhiidhiyaa FARAACIIN-tii... Iyaga-na Raadad Baa Looga Helayaa Dalkeena...Waxa Soo-Warin Lagu Sheegaa.. Boqoraddii Xibsatshuud Oo La Dhaho Waxa Lagu Soo Caleema-saaray Dalka Soomaalida Oo Loo YIqiin CARRA-UDUG.
Sidaas Iyo Nabad
Waa Inoo Kol-kale!
SEID ABDI

Idiris Cali

unread,
Mar 27, 2013, 5:21:15 PM3/27/13
to gah...@googlegroups.com
Waa nabad Siciid,

Sooyiil inoo dhigan hadduunan jirin, tabo kale oo sooyiilkeenna aan ku kakaban karno ayaa jira. Waxaa tabahan kamid ah isirraadinta ereyeed. Tan lafteeda, haddii aan loo haysan daw (methodology) fiican, micnayaal habow ah ayaa ka dhalan kara. 

Axmed Cartan Xaange wuxuu ereyga "Arraweelo" u micneeyay, sida dadka qaarkiina ugu dhawaaqaan, "Carraweelo." Micnuhuna yahay, "Dhulka tii weel-eysay!" Nacam, tii dhulka lahayd, ee u talinaysay.

Sida kale, "Carra-udug" waxaan u malaynayaa in maanta la yiraahdo "Carra-edeg"! Bari baa "Gaal" geela la oran jiray. Waa isbaddal yimaadda, oo wakhtigu wato.

Carraweelo 600 oo shimil ayey ka dambaysay Xibsatshuut (waa haddii Carraweelo noolayd beri Nebi Sulaymaan noolaa). Malahayga, ereyga "Carro" dhulkana waa lagu suntan jiray, sida: Somali-land amma Somali-stan, iwm., madaxdana waa la siin jiray, oo xorhir ayuu u ahaa, sida: Carra-weelo. 

Eebbaa innaga wada og,
Idiris




2013/3/26 Seid Abdi <seid...@gmail.com>

SEID ABDI

--
You received this message because you are subscribed to the Google Groups "GAHIDH" group.
To unsubscribe from this group and stop receiving emails from it, send an email to gahidh+un...@googlegroups.com.
For more options, visit https://groups.google.com/groups/opt_out.
 
 

Seid Abdi

unread,
Mar 27, 2013, 7:55:42 PM3/27/13
to gah...@googlegroups.com
Mahadsanid Boowahay Idirisow!
Waan u malaynayaa inaan higtay ama akhriyay Axmed Xaange wax uu ka qoray...Suurihii ama suurayntii...Waxa ay ku soo suurayn dhowaatay MALIKAT SABA...Saba-na waa Dhulka..Oo Waa erey Soomaali-Carabiya..Waa Carabigii Duug-hore..Ilaa haatan inagu SABO waa aynu dhahnaa...
Xaga ETYMOLOGY-ga waa runtaa..Haddii la tibxo-furo ereyada waxaa la xog-heli-karaa..Ereyga Micnihiisa TARKIIBADIISA, Sidii uu u samaysmay, iyo ujeedkii sidaas loogu tiraabeeyay. Waxaa jira Tix uu Xaaji Muuse Galaal leeyahay ..Oo dhahaysa..Dhulka Magacyadiisay Wixii Dhacay Ku Yaalaan! Tixda Ma Wada Hayo Haatan.. Waxa se aan tusaalihiisa u soo qaadanayaa..Maalin dhoweyd ayaa rabac aan ka mid ahaa..Isweydiiyeen ..Magaalada GAALKACAYO...Oo qofba si u fasiray.. Mid dhaha "Gaal Ka Kacyo!"...Aakhirkii waxa.."Qof naga mid ahaa u tiraabay.."GAAL-KA-CABYO"..Ceel Geellu Ka Cabi Jiray...Oo JAWAQU ka yeelay ama Carabjalaqdu ula leexatay GAALKACAYO...
Waxaan ku darayaa..Waxaa jira MAGAC-MICNEED oo aynu dhihi karno ABSTRACT, iyo magac-malaaseed...Magac-Micneedka waa la micnaysan karaa, oo nuxur baa ku jira..Magac-Malaaseedka se, waa lagu jahwareeraa..Waxa ka mida ereyga DHUL wax micnaysi ahi kuma jiraan..Waxa lagu haybdari karaa..CONCRETE NOUNS..Waa wax aynu taabsan karno ishu arkayso..Ku dheeraan maayo..Oo ka ogid  wax badan..
Nabad-hel Waa Inoo Mar kalee
SEID ABDI

2013/3/27 Idiris Cali <idiris...@gmail.com>
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages