Aqal Soomaaliga

234 views
Skip to first unread message

Seid Abdi

unread,
Mar 20, 2013, 9:49:19 PM3/20/13
to gah...@googlegroups.com
Aqal Soomaaliga, ayaa ah, aqal hilaad ahaan duugdheer. Waxa lagu hilaadiyaa, inuu soo jiray tan iyo Nebi Aadam. Abwaannada qaarkood baa dhaha wuxuu ahaa, aqalkii ugu horeeyay ee Bini-Aadam samaysto. Waxa aan soo xusayaa, waxyaabo ka mida. Reer-guuraa'nimoda Soomaalida hortood waxaa iyaguna reer-guuraa soo ahaa, dadyow kale , oo Carabtu ka mid ahayd. Haddaba waxaa jira , ereyo higgaadda Carabiga ah oo ah kuwan:
ABJAD, HIWAZ, XUTDAYA, KALAMUN, SACFASS, QQARASHAT, THAKHATTUN, DTAQADD.
Waxa ay ahaayeen waxyaabo ka mida saabaanka aqalka oo sideed ah:
Haddaba Aqal Soomaaliga ayaa waxa uu sii hayaa weli ABJAD. Kuwa kale ayaa soo sheegi kara waxa ay ahaayeen saabaan ahaan?
SEID ABDI

Idiris M. Cali

unread,
Mar 20, 2013, 11:56:18 PM3/20/13
to gah...@googlegroups.com
Waa nabad, Siciid:

Haddii higgaad loo danleeyahay, haddaba:

Abjed = A, B, J, E, D
----------------------------
Alool = L, OO
Harar = H, R
Kebed = K
Sariir = S, II
----------------------------
Intaasaan dhaafin waayey! Waa labiyo-toban tibxood/higgaadood. Waxaan malaynayaa inaad magacyo kale [oo aan kuwan badi ahayn] aad hayso.

Mahadsanid,
Idris



Idiris M. Cali

unread,
Apr 5, 2013, 9:15:07 PM4/5/13
to gah...@googlegroups.com
Waa nabad Siciid:

Waxaan soo tixi lahaa saabaan badan magacyadood; balse, afartii aan horta soo qoray miyey ka mid yihiin ereyada aynu goobayno?

Mahadsanid,
Idris

Seid Abdi

unread,
Apr 7, 2013, 6:07:43 PM4/7/13
to gah...@googlegroups.com
Nabad Ku Bariidiyay Idiris,

Arrinkii ahaa Ereyada Higgaadda Carabiga, ayaa ahaa ereyo ku soo taxnaa afka Carabiga, oo ay ku baran jireen higgaadda..Haddaba ereyadaas ayaa waxa u horeeyay ABJAD oo Aqal Soomaaliga ka mida..Kuwa kale sida igu maqaalo ah, waxay iyaguna ka dhignaayeen agabka aqalka Carabtii Reer-Guuraaga ahayd..Anigu ahaan..Ma aan hayo..Carabta maanta noolna laga yaabee in qaarkood og yihiin..balse waa wax haatan adag in waxyaabaha agabeed ee ay ahaayeen la carabaabo..Waa wax u baahan baadhis.
Mahadsanid
SEID ABDI

Idiris M. Cali

unread,
Dec 17, 2013, 10:26:46 PM12/17/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,

Buuggan aan idin la wadaagayo waxa uu ka sheekaynaa farshaxannimada dumarka Soomaaliyeed, oo tusaalaha ugu weyn ee loo soo qaadan karo uu yahay aqal-Soomaaliga!

Buugga waxaan ka degsaday ArchivioSomalia.

Mahadsanidin,
Idiris
Handicrafts of the nomadic women of Somalia.pdf
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages