Ka caawi Google Translate gudbadhigga af Soomaaliga

41 views
Skip to first unread message

Jamal

unread,
Dec 10, 2013, 1:30:16 PM12/10/13
to gah...@googlegroups.com
Nabaaddiino,

Google waxa uu doonayaa in uu af Soomaaliga ku soo daro afafka uu gudbadhigi karo, sidaas darteed waxa uu doonayaa in ciddii af Soomaali iyo Ingriis ku hadli kartaa ay ka caawiso qiimaynta gudbadhigga oo iminka heerka BETA maraya.

Halkaan ayuun baad ka dooran kartaan qiimaynta weedhaha Ingiriis Soomaali lagu gudbadhigay iyo Soomaali Ingriis lagu gudbo dhigay, hadba qaabkii u fudud qofka wax qiimaynaya (raac dabarkaan).

Idiris Cali

unread,
Dec 10, 2013, 9:17:01 PM12/10/13
to gah...@googlegroups.com
W.s., Jamaal:

In badan baan isku dayoo, wali darajada aan ku qiimayn karo gudbadhista Google ee af-Soomaaliga waa: Poooooooooooooor, iyo fair!

Waxaan garan waayey, siday hawsha u wadaan. Sarbeebaha (idioms) ayay si ugu marganayaan, oo naxwaha uma aabbo yeelayaan. 

Bal waan wadi doonaa, inay soo waantoobaan iyo in kale!

Mahadsanidin,
Idiris


2013/12/10 Jamal <jmlw...@gmail.com>
Nabaaddiino,

Google waxa uu doonayaa in uu af Soomaaliga ku soo daro afafka uu gudbadhigi karo, sidaas darteed waxa uu doonayaa in ciddii af Soomaali iyo Ingriis ku hadli kartaa ay ka caawiso qiimaynta gudbadhigga oo iminka heerka BETA maraya.

Halkaan ayuun baad ka dooran kartaan qiimaynta weedhaha Ingiriis Soomaali lagu gudbadhigay iyo Soomaali Ingriis lagu gudbo dhigay, hadba qaabkii u fudud qofka wax qiimaynaya (raac dabarkaan).

--
You received this message because you are subscribed to the Google Groups "GAHIDH" group.
To unsubscribe from this group and stop receiving emails from it, send an email to gahidh+un...@googlegroups.com.
For more options, visit https://groups.google.com/groups/opt_out.

Jamal

unread,
Dec 14, 2013, 1:14:11 AM12/14/13
to gah...@googlegroups.com
Idiris,

Waa runtaa oo waxa aan is iri dadkii qorshedaarka u tababarayey af Soomaaliga baan naxwaha af Soomaaliga ku fiicnayn. 

* Waxa aan arkay in ay u tabobareen in ereyada asal ahaan wadarta ah sida "dad" kolka ay ahaysiinayaan in ay ahaayaanshaha u dhigeen qaab wadareed, halka uu ahaanshuhu ahaan lahaa qaab keli ahaaneed. Tusaale:

Sax: "Dadku waa siman yahay.", "Dadku waa u siman yahay."
Khalad: "Dadku waa siman yihiin.", "Dadku waa u siman yihiin."

* Waxa kale oo aan arkay in ay ereybixino fudud sida "browser" u gudbadhigeen "bog fure", kaas oo aan la yaabay.

* Erayo kale oo shaqal dheere ahaa waxa ay gaabiyeen shaqalkii dheeraa.

* Kuwo labanlaab ku jiray waa ay ka saareen labanlaabkii gebi ahaan.

Waxa aan garan waayey cidda sidaas Soomaaliga faraha ula gashay oo ku cayaartay iyaga oo aan dadkii afka aqoonta u lahaa kala tashan.

Idiris M. Cali

unread,
Dec 15, 2013, 4:35:03 AM12/15/13
to gah...@googlegroups.com
Jamaal,

Siduu Siciid mar hore inoo sheegay, waa mashiin waxa afka gudbadhigaya ee dad ma'aha. 

Kollay mar uun bay gudbadhigistu qumi doontaa, maanta se ma'aha..

Mahadsanid,
Idiris

Jamal Jama

unread,
Dec 15, 2013, 5:06:32 AM12/15/13
to gah...@googlegroups.com
Idiris,

Sidaas waa aan gartay, laakiin sow dad uma tabobarin mashiinka qaabka uu wax u gudbadhigayo? Yaallaa mashiinku waxa uu ereyada ka soo ilguuriyaa buugaag tiro badan oo afkaas ku qoran. Maadaama afkeennu uusan horey u higgaadsanayn waxa dhacda in ereyeda qaarkood qof ba si ugu qoray buuggiisa, gaar ahaan kuwa la qoray wixii ka danbeeyey 1991.

Kolkaas, hubinta aan sheegayey waxa ay ahayd in ay ku sii daayeen erayo badan oo qalad u higgaadsan.

Sida aad sheegtay ba kol uun bay qumi doontaa.

Mahadsanid,

Jamaal


2013/12/15 Idiris M. Cali <idiris...@gmail.com>
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages