TIXDA GUURKA: Soomaalida

22 views
Skip to first unread message

Seid Abdi

unread,
May 9, 2013, 3:22:31 AM5/9/13
to gah...@googlegroups.com

Bariido-san Xushmadoorro!


Qoraa' Wax-ku-qora wargeys Soomaali ah, oo ka soo baxa London ayaa isweydiin ku keenay GUURKA SOOMAALIDA iyo siyaabihiisa kala duwan, iyadoo barbaar kalana isweydiintaas ay qabaan:

Haddaba Tixdan ayaa aan ku koobay wabmadii(Jawaabtii) isweydiintu lahayd.


Ga’da gabayga haddaan galo    oo gara tiraabeeyo

Haddaan gedaha tixi leedihiyo  gol abbaarsiiyo

Haddaan tidic-tidic u soo gamoo   gole ka sii daayo

Haddaan gacalka bilaabay   gaar ugu soo jawaabo

Haddaan sida guudee ay tahay   bulshada u horgeeyo

Gorroddiisu wuu suntee haddaan  guur ka faalloodo

Garashaday aan yeedhee idin-na bal guntoo dhegaysta!

 

Guur waa dhaqan soo yiil taniyo aabbaheen geeddi

Gallad weeye ababshuhu ka dhex garay lab iyo dhedig’e

Gaaf weeye ay sugayaan inta gabadh seemaniye

Ama daan-gasle maagan yahay inuu kol gibladaaye

Ab-uun laysuma gurtoo xididna waa isgacashadaaye

Geddaha labadu isku-helaan aan gibisha ka qaado!

 

Gibbin buu soo arkoodaa gaban doobnimo galaye

Kolkaasuu ged-sheegtaa ii doonan gabadhaasuye

Reeruhuna gaar ugu ogaadaan inan ugu guntane

Googoos bay u wadaagaan gelinba haasaawaha

Timaaddo goor ahaan na way isguursan doonaane

Milcaduu gaashaanqaad noqdo iyana gashaantiyowdo

Ayuu guurtida reerkiisa ardaa-geeyaaye

Gole-fadhiisad baan nahay goobta ka tiraabaane

Guud-haldhaaley hebla ayaanu Gurey u rabnay maanta

Geestayada na waa naga kan gabaati aan bixinaa

Geesta kaluu ka kacaa gadhcase warceliyaaye

Guddoonay gabaatigii gabadhiina waydin siinay

Waxse gaarkeeda ha ogaado guunyo meherkeed ah

Gacmaha laysa saar kadibna gabadhaa la meheriyaaye

Labaduna gedoodaas u gurtaan ayaan iyo calaf

Gu’goodu uu samaadaa aroos loo gengaamaa!

 

Iscalmasho ged kale weeyoo laba isku soo galaan’e

Gaashaanqaad la kulma gabadh iyaduna abeera

Googaa yidhaahdoo cigalle ay ugu geda-celiso

Isu gonda-dega haasaawaha guurna kuba heshiiya

Labaduna geddoodaas u gurtaan ayaan iyo calaf

Gu’goodu uu samaadaa aroos loo gengaamaa!

 

Ged kalana dhaqanka waa ka mid gabadhsiin muuno ah

Aabbaheed ama gadhwadaheed gartay inuu bixiyo

Ninkaasaa laguu gaaray iyana guddoonsaday tidhi

Labaduna geddoodaas u gurtaan ayaan iyo calaf

Gu’goodu uu samaadaa aroos loo gengaamaa!

 

Haweeney guur la’aan ka gilgilataa dhaqaaqda

Aada geesta uu jiro geyaankeeda sheelani

Hadba reer goobka yaal marti ugu ahaato gelin

Iyadoo geddeed warisay guurdoon heerimaan ahay

Reer uun goortaas uu u kacay doob gaasiran

Ayaa garta inuu guursado gabadhaas heerin-jaro

Labaduna geddoodaas u gurtaan ayaan iyo calaf

Gu’goodu uu samaadaa aroos loo gengaamaa!

 

Ragguna guur la’aan wuu ka gilgishaa dhaqaaqaa

Aadaa geesta ay jirto  gabadha ka sheelanaatay

Geddii buu dhahaa isna doolaal baan ahay garan

Innaba wuxuu goobaa guurdoon ka sheelan’e

Reer uun  goortaas inan guun ku sigatay joogto

Ayaa soo gol-bixiya oo u garta doolaalkaas’e

Labaduna geddoodaas u gurtaan ayaan iyo calaf

Gu’goodu uu samaadaa  aroos loo gengaamaa!

 

Xigsiisin ged baa ahoo gabadh lagu hooyaaye

Marka gaaridii nin qabay Dar Allah uga geeriyooto

Xididkaa garta inay u xigsiisimaan gacaladeede

Iyaduna geddeedaas u gurataa ayaan iyo calaf

Gu’goodu uu samaadaa aroos loo gengaamaa!  

 

Dumaal ged baa ahoo garoob lagu guursadaaye

Waa dhaqan gobeedoo samoo guyaal soo jiray’e

Afo laga geeriyoodaa say loogu gareeyaaye

Iyaguna geddoodaas u gurtaan ayaan iyo calaf

Gu’goodu u samaadaa aroos loo gengaamaa!

 

Godobreeb ged baa ahoo laba isu guri gashaaye

Gulufkiyo collaadaha marka  la soo gabagabeeyo

Ee nabad la guddoonsadee la isna gacanqaado

Gadaafadii tagtiyo utun gaaxdeed si loo reebo

Gacalnimaa laysu-weydaarsadaa gabdho godobreeb ahe

Dar baa guryo ugu dhismaan  gocasho tira reeraha’e

Iyaguna  geddoodaas u gurtaan ayaan iyo calaf

Gu’goodu uu samaadaa aroos loo gengaamaa!

 

 Seid Abdi

 

 

 

 

 

Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages