Aqal soomaali

23 views
Skip to first unread message

maxameds...@gmail.com

unread,
Apr 24, 2017, 6:19:16 AM4/24/17
to GAHIDH

Dhidde (yagoore)


Waa aqal aan rasmi ahayn, oo inta laga dhisayo aqalka wayn ay hooyadu carruurta u dhiddaysato si habeenkaa loxoska ah carruurta dhaxanta ugala gasho. Dhiddaha waxaa dhisata haweenayda uu aqalkeedu heeryada yahay balse midda aqalkeedu caws iyo calallo yahay ma dhisato.


 Qaabka loo dhisto dhiddaha

 

Seddex udub oo is le’eg oo si iska soo horjeedda madaxyadooda la isku galiyo ama dhagahooda la isku galiyo dabeed la isku xidho, dabadoodana waa la kala fog fogeeyaa xadhkaana lagu adkeeyaa, markaas ayaa hararro aan aad u cuslayn lagu wareejiyaa oo lagu xidhxidhaa, dhankii la doonaa irrid baa loogu yeelaa, af-daahna lagaga xidhaa. Dhiddaha ama yagooraha dhulka looma qodo ee udubbada waa la iska qotomiyaa uun. Dhiddaha waxaa dhex seexan kara dhawr ruux, waxaana inta badan loogu talogalay carruurta iyo hooyadood, oo dadka dhallinyarada ah iyo ragga waawaynba caado ahaan ma dhex seexdaan dhiddaha. Dhidduhu roobka wuu celin karaa, oo dhaxanta iyo qorraxdana wuu celiyaa. Aqalka dhiddaha ah inta ugu badan ee uu dhisnaan karo waa dhawr habeen uun. Haddii reerku ciidan la’aan yahay ama hooyadu xanuunsan tahay waxaa laga yaabaa in dhidduhu toddobaadka loxoska oo dhan uu iska dhisnaado. Laakiin sida caadada ah dagdag baa lagaga baxaa baahidiisa.


                                             Baahida keentay dhiddaha (yagooraha)


-In carruurta dhaxanta, waraabaha iyo wixi la midka ah lagala galo habeenka loxoska ah

-In dadku wax ku dhex cuno oo gabbaad laga dhigto, inta loxoska la yahay

-In xoolaha iyo wixi ku jiidhi lahaa kaaga gudaan, inta loxoska la yahay 

-In hadduu roob imaado laga jirsado, loxoska la yahay

-In qorraxda laga yara hadhsado maalintii, inta loxoska la yahay.


Reer guuraagu waa dad nolasha qaabkeeda aad u fahansan, wax walboo dhici karaana si waayo aragnima ah uga tabaabushaysta. Wax kastaa oo imaan kara, waxay u leeyihiin qorsheyaal degdeg ah oo ay kaga hortagaan. Mararka qaar markay soo guuraan aroornimada, waxaa laga yaabaa casarki iyagoo degi raba in ay ku soo beegmaan xilli rooba baw ah, amase maahee xilli qorraxdu aad u kulushahay, si kastaba ha ahaatee, reerku markuu sidaa u dago, dadka qof walba wuxuu ku dhaqaaqaa hawsha ku habboon. Raggu waxay ku dhaqaaqaan in ay si degdeg ah xoolaha iyo dadkaba ood ugu jaraan. Dumarkuna sidoo kale waxay ku dhaqaaqaan hawlo iyaga ku habboon, sida;


 _Diyaarinta dhuuniga fudud (Shaaha, budada iyo badhaxa)

 _Dhisidda aqalka fudud ee dhiddaha iyo dallaallimaynta iyo xaadhidda geedaha la hadhsado

 _Soo gurashada xaabada fudud ee markaas uun wax bislayn karta

 _Dhaanka fudud ee gacmaha ama dhabarka biyaha lagu soo qaato iyo wixi la mid ah. 


Waa dad ay shaqadu sidaa ugu kala qaybsan tahay, mar walba hooyadu waxay xil iska saartaa, guud ahaan waxa ay danta reerku ku jirto, hadday dhuuni iyo dhanyo noqoto iyo hadday maqooradka iyo maamulka guriga noqotaba, hawsha ugu wayn ee xaaska ruuxa marwalba u xiga waa iyada. Sidaa iyo darteed, hooyooyinku waxay khibrad u leeyihiin in ay aqalka hadba noocii u fudud iyo xaaladda lagu guda jiro isku beegaan, kadibna ay dhismadiisa u dhaqaaqaan.


Reerka soo guuray, markuu xilli nis dambe ah dago, oon markaas laga gaadhsiin karin in aqal qumman la dhisto, ayaa la dhiddaystaa dhiddaha, oo habeenkaa carruurta la seexiyaa, subaxdaa dambana siday haweenku u kala kartibadan yihiin ama u kala gacan fudud yihiin aqalkii waynaa baa dhakhsa la yagleelaa sidaasaana dhiddihii lagaga baxaa. 

Idiris Cali

unread,
Apr 25, 2017, 12:02:05 AM4/25/17
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu calaykum,
Mudane Maxamed:

Aad baad ugu mahadsan tahay maqaalkan kooban ee aad kaga xog warrantay dhiddaha. Maaddaama oo af-Soomaaligu ballaadhan yahay, ma noo sheegi kartaa magacyada "dhidde" iyo "yagoore" degaannada laga adeegsado?

Tixgelin,
Idiris

--
You received this message because you are subscribed to the Google Groups "GAHIDH" group.
To unsubscribe from this group and stop receiving emails from it, send an email to gahidh+unsubscribe@googlegroups.com.
For more options, visit https://groups.google.com/d/optout.

maxamed sheekh shaafici (Af-guun)

unread,
Apr 25, 2017, 6:10:37 AM4/25/17
to GAHIDH

Wcs Macallin Idiriis si gaara salaan qaaliya iga guddoon macallin.

 

Dhidde ama yagoore, waa isku mid labada magac ahaan, waana aqalkaas ku meel gaadhka ah ee xaaska. Macallin Idiriis dhidde (Yagoore), waxaa isticmaala goballadaas soomaalida galbeed ama itoobiya intooda badan. 

Af-guun 
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages