FOLKLORE - HOOBAALO-DA

173 views
Skip to first unread message

Seid Abdi

unread,
Apr 21, 2013, 10:02:36 PM4/21/13
to gah...@googlegroups.com
Bariidin Nabada Dhamaantiin, Xushmadoorrada Goshigan:

Waxa Aan Ka Faalloonayaa Waxa Loo Yaqaan FOLKLORE-ka Soomaalida, oo Lagu Magacaabo HOOBAALO-da:
Sida La Ogyahay Waxa Ay HOOBAALO-du Ka Kooban Tahay:

1. HEELLO (Oo Ah Midho Suugaaneed Oo Luuqi Saaran Tahay)
1.1-. OR baa ay leedahay; Taasoo Ah: Bilaabista Heellada
1.2- JIIB(CHORUS) baa ay leedahay: Oo Ah U Luuqcelinta ORKARKA

2. DHAANTO= (DANCE): Ayaa Ay Leedahay Oo Ah QOOBKACIYAAR marka ereyo kale lagu sifaalleeyo, ama lagu tilmaamo.
2.1- JUGDHEB (BEAT) iyo JAANDHAC(RHYTHM): Ayaa Ay Leedahay
Adimada ama Lugaha Ayaa Lagu Sameeyaa JUGDHEB-ka - JAANDHACA-na Sacabka.

HOOBAALO-du Waa Dareen-Ifaalleyn(TACBIIR/Expression): Loo Adeegsado Af iyo ADIN-ba: Iyadoo la HEELLEYNAYO lana DHAANTAYNAYO.
Dhaanto Walba Magac Gaarra Ayay Leedahay: Marka Laga Reebo Midda Haatan Loo Badan Yahay Oo Aan Magac Gaarra lahayn oo lagu magacaabo DHAANTO. Waa Sida Suugaanta Oo Kale..Maanso Walba Magac Gaarra Ayay Leedahay Waxa Se Jirta Maanso Aan Magac Gaarra Lahayn Oo La Dhaho MAANSO.

Magacyada Dhaantooyinka:

BOOBTO
BAARCADE
BALOOLLEY
BATAR
BARIYO
JAANDHEER
JUFLO
GABLEYSHINBIR
SAYLICI
WAALO
WALASAQO
WILWILO
WEGLO
HIRWO
KABEEBEY

Awn(Munaasibad/Ocassion)-kasta waa aynu u taawin karnaa MIDHO SUUGAANEED HEELLO ahaada oo lagu ORAYO isla markaasna laa JIIBINAYO: Waxa se aynu u baahan nahay JAANDHACA gaarka ah RHYTHM-ka ay dhaanto walbaa ku fadhido, si aynu TAAWO DHAQAMEED-keena u sii amba-qaadno.
Inta aan ka warqabo, Dhaantada aan magaca gaarka ah lahayn ee la dhaho DHAANTO ayaa aan aqaanaa RHYTHM-keeda ama JAANDHACEEDA..kaasoo ah REGGAE Rhythm.
Dhaantada Lagu Magacaabo GABLEYSHINBIR-ta Waxa Loo Aqoonsanaa Dhaanto Heer Qaran Ah Oo Meteli Karta Qaranka Soomaalida Marka Dadyowga Dunidu Isu-Dhaanto Dhiganayaan. Waxa La Dhahaa Waxaa Gableyshinbir-tu ay soo taxnayd tan iyo FARAACIIN-tii.
Waxa Kaloo Hooballoda Qaranka Soomaalidu Fagaarayaasha La Tegi Jireen, SAYLICI-DA iyo HIRWO-DA.
Ha Moogaanin FOLKLORE-ku inuu yahay Is-Ifaalleyn Dhaqameed( Cultural Expression); Oo GUHAAD ama BOGAAD labadaba lagu ifaalleeyo.
Dhaantooyinka qaar baa lagu baanaa: Sida Dhaantadan midhaheeda ay ka midka yihiin: HERI MAAHEE HA NA HAABAN - NIMAAN HEELAAN MA HABBOONEE!

SEID ABDI

Idiris Cali

unread,
May 2, 2013, 6:37:10 PM5/2/13
to gah...@googlegroups.com
Waa nabad, Siciid:
 
Kansho umaan helin inaan halhaleel uga soo warceliyo qoraalkan xiisaha leh. 

Waxay iigu muuqataa in aad magaca "Dhaanto" u adeegsatay sidii magaca "Ciyaar." Ciyaar waliba dhaanto ma'aha, balse dhaantadu waa ciyaar. Sidaas awgeed, ciyaar iyo dhaanto la iskuma baddalan karo, aragtidayda. 

Mahadsanid,
Idiris




2013/4/21 Seid Abdi <seid...@gmail.com>

--
You received this message because you are subscribed to the Google Groups "GAHIDH" group.
To unsubscribe from this group and stop receiving emails from it, send an email to gahidh+un...@googlegroups.com.
For more options, visit https://groups.google.com/groups/opt_out.
 
 

Seid Abdi

unread,
May 3, 2013, 6:26:50 PM5/3/13
to gah...@googlegroups.com
Mahadsanid Idriis,

Waxa aan si guud ugu aqaanaa, DHAANTO ...Qoobkaciyaarrada Heelladooda wata dhamaantood, marka lagu daro tan haatan dhaantoda loo yaqaan. Haddii magacaabistaydu meel ka leexsan tahay, waa aan kaa filayaa inaad dheeliga iga toosisid.
Mahadsanid
SEID ABDI

Idiris M. Cali

unread,
May 7, 2013, 3:42:21 AM5/7/13
to gah...@googlegroups.com
Waa nabad, Siciid:

Wali ma maqal qof inta uu batar soo dheelay dhahay "Waxaan soo tuntay dhaanto." Dabcan qofkani waa ay u kala soocanyihiin labadan ciyaarood. Marka, dhaanto ma'aha magac hooyo u ah ciyaaraha dhammaantood. Kala duwanaanshuhu [ciyaarahani (intooda ugu badan)] waxa uu ka jiraa dhanka adeegsiga miraha iyo waliba dhanka qaabciyaareedkooda (sida loo ciyaaro), xilliyada la ciyaaro, iwm. 

Dirka Dhaantada

Ciyaaro badan ayaa iskaga mid ah dhanka adeegsiga miraha. Ciyaarahan waxaa ka mid ah: Dhaanto, heello, weglo, hirwo, iyo waliba balwo (iyo qaraami oo dhan). Geddi waxay adeegsadaan miro isku wada miisaan ah. Waxay na (inta badan) u hoorsamaan bayd bayd (laba laba meeris). Tusaale ahaan, heelladan u fiirso:

Hadhuub nin sitoo hashiisa irmaan
Ha maalin la leeyahaan ahay

Horseed nin ahoo horweyntiisii
Ha oodin la leeyahaan ahay

Nin Hawd fadhiyoo harraadna diloo
Biyaa laga heegay baan ahay

Habaas nin dhex jiifa oo ku haftoo
Hayaanki ka soo hadhaan ahay

Niman hadalkiis hadh-qoodaarkiyo
Haweenkaba dhaafin baan ahay

Dagaal nimu haysto meel halisoo
Hubkiisu hangool yahaan ahay

Wixii ku habboon nin haybinayoo
Bahdiis ka horjoogto baan ahay

Hobyiyo Hereriyo Hawaasta Galbeed
Hadmay isu hiilin doonaan?

Laba labadan meeris midka hoose waxa uu ka kore ka gaabanyahay hal cod (shaqal) oo dheer. Badanaa waxaa codkan lagu buuxiyaa dhawaqa "eey". Tusaale ahaan:

Haddaan ku dhawaaqo dhaantado'eey
Walee dhayal looma jiifsado eey

Sida ku cad labadan meeris ee kore, dhawaqa "eey" waa mid (mararka qaarkood) laga maarmi karo. Midda kale magaca "dhaanto" sida uu ugu milanyahay meeriska kore u fiirso. 

Ka sii socoo, Sayid Muxammad ayaa weglo ku bilaabay:

Ilaaheennii Jaliilka ahaa
Labaatan sifaa u waajibtayee

Inuu jiro baa u waajibtayoo
Haddii kale maanan joogneeneey?

Inuu jiri jira[a] u waajibtayoo
Haddii kale yaa jirreysiiyeey?
...

Waayadan dambe waxaa dhacda in dhiska laba-labada meeris laga kaaftoomay; maansada "Heego" ee abwaan Hadraawi ayaa tusaale u ah. [Sida ay ereyada qaar ee maansada Heego u qoran yihiin, inkasta oo ay saxanyihiin qoraal ahaan, haddana ma qummana maanso ahaan. Waayo, dhawaqa ugu horreeya ee maansadu waa inuu ahaadaa mid gaaban.]

Guud ahaan, maansooyinkan kore waxay ka simanyihiin dhismaha meeriseed. Maxaa kala duway magacyadooda? Warcelintu waa: Sida loogu luuqeeyo! Tan waxaan ogaaday mar aan dhagaystay Xaaji Baal Baal oo siyaabo kala duwan ugu kala luuqaynaya maansooyin isku wada miisaan ah, haddana mid walba magac goonni ah ugu yeeraya!

Dhaqankaas waxa uu sii xoogaystay marka la soo saaray "balwo" oo iyaduna u sii kala qaybsanaatay, Jawhariyaluul iyo tobaneeyo kale. Magacyada "balwo," "Jawhariyaluul," iwm., waxaa laga soo dheegay hadba maansada (caanka noqotay) ee ay ku jiraan. Cabdi-Sinimoo ayaa mar uu gaadhi kula jabay banka Giyiraad inta uu daasad soo qaatay, baa la yiri, ku maararroobay:

Balwooy balwooy hoy balwooy
Waxaa i baleeyay baabuur

Ibraahim Garabyare (IHN) oo si wacan ugu luuqaynaya balwadan dhageyso.

Dhaantada xilliyo goonni ah ayaa la ciyaaraa, waa halkii Idaajaa e, waxaa lagu ciyaaraa goleyaal ka fog xaafadaha (amma duleedka magaalooyinka). Jaan iyo jiibba waa loo yeelaa. Waana ciyaar-dhaqameed soojireen ah; laba qof ayaa isu baxa, oo is-hal-xiraaleeya, amma isla qaadaadhiga miraha maansada. Dhanka kale, ciyaaraha kale ee balwada ku abtirsada waxay ku baxaan kaban la tunto iyo mashdac casri ah. Guud ahaan se, dhanka miraha waa iskaga mid! 

Dirka Batar

Xaaji Baal Baal inta uusan soo bixin dhaanteeyee caan ah, waxa uu caan ku ahaa ciyaaraha jaandheerta (batar). Miraha batar waxaa ah:

Saddex waa dhalaashaa(yeey)
Dhaameelka Ciideed(iyo)
Dhiinow sacaan dhalin(eey)
Ninka dhabeel u dheelmaday(eey)

Mirahan kore waa jiifto, lamana saansaan aha dhaanto (iyo kuwa la masooba miro ahaan), sidaan kor ku soo aragnay.

Waan ka sii socon doonnaa...

Idiris Cali

unread,
May 14, 2013, 10:21:36 PM5/14/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,

Waxaan soo helay wareysi (q1, q2) lala yeeshay Awbaan Aabi-Duulaa; waxa uuna ka warramayaa taariikhda dhaantada.

Daawasho wacan,
Idiris


2013/5/7 Idiris M. Cali <idiris...@gmail.com>
--

Seid Abdi

unread,
Jun 16, 2013, 7:09:08 PM6/16/13
to gah...@googlegroups.com
Bariido Nabada: IDRIIS, iyo Bahda kale ee GOSHIGAN:

Dooddayda ku aadan MAGACA DHAANTO waa mid aad u qoto-dheer. Dhinacyo badan-na waa aan kaa tusi:
1- Waxa aad soo tiraabtay MIDHAHA Dhaanto ku jiri kara, ee u ahaada HEELLO : Heello waxa ay kaga duwan tahay HEES waa midho LUUQDOODA wata, marka ay soo yeedhayaa, ee lagu ORO ama Laga daba JIIBSHO.
Midhuhu waxa ay ahaan karaan midhoyow kala duwan, taasoo ku xidhan, kolba dabuubta ama ujeeddada habeenkaas ama kolkaas la HEELLAYNAYO jirta.

2- Xaga U-KUURGAL-ka: Muddo ku siman shan sanadood ayaa aan RESEARCH ku samaynayay, anigoo kala kulmay, Abwaanno iyo Hooballo caan ku ah saaxadda FANKA Soomaalida. Waxa ka mida Hooballada aan kala saaxiibka ahaa, Allaah-Ha-U-Naxariistee AWEYS Abubakar GOOBE, oo caan ku ahaa, RHYTHM-ka dejintiisa CURINTA MASHDHACA iyo Laashimaadda Heesaha. Anigoo aqoon u leh, Mashdhaca ama MUSIC-ga, ayaa waxa aan wax ka weydiiyay, siyaabaha ay ugu kala duwan yihiin DHAANTOOYIN-ku RHYTHM-ka. Waa-nuu ii tiraabay , in qaarkood ay isku JAANDHAC yihiin, siyaabaha loo kala qoodaabo(Classify-gareeyo) waa aan weydiiyay, waxaanuu ii tiraabay, in ay tahay MAGACYADA ay kala leeyihiin, JAANDHACA iyo habka HEELLODEEDU dhaanto-ba ay tahay, ORTEEDA IYO JIBTEEDU sida ay ahaato kolba.
Midho fofa oo cusub ayaa lala gole ama goob iman karaa kolkii la dheelayaba, waxa se sidoodii ahaada JAANDHACA JUGDHEBTA ay dhaantadu leedahay, oo ahaada haybsoocdeeda.
3- Dooddaydani waxaa ay ka dhigan tahay sida MAANSADA oo ah Magacguud oo tixuhu wada leeyihiin, marna ahaata TIXGAAR uu nooceeda hore-u-hiriyay Muxamed Cabdalla Xasan, haatanna uu caan iyo horumood uu ku yahay ABWAAN Hadraawi.
4- Xaga cidda aad ka xogtoyato, waxa ay ku xidhan tahay, aqoonta qofkaas iyo heerka uu ka joogo garashadeeda taasoo ku sii xidhnaan karta degaankiisa ama degelkiisa waxa looga yaqaan.
Xagayga iguma cusba, qofaf igu khilaafsan oo sida ay u qabaan, macangagnimo dooda, waxa se aan weli ka taagnahay, halkaygii, taasoo aan weli dhahayo, Magaca Guud ee ay wada leeyihiin waa DHAANTO.
In aad maqashay mooyee, xaga hadalka waxa la dhahaa, DHAANTAYN oo ka dhigan DANCING.
DHAANTOOYINKA HOOBAALO-da = FOLKLORE DANCES
Sidaas iyo Dood wacan
SEID ABDI

Idiris Cali

unread,
Jun 17, 2013, 9:28:22 AM6/17/13
to gah...@googlegroups.com
Waa nabad, Siciid:

Horta heestu (sideedaba ta' hawleed iyo waliba ta' ciyaareed) luuq waa la saari karaa, la-iskuna jiibin karaa. Tusaale u soo qaad, kolka geela la waraabinayo, amma guri la dhisayo. Waad dhihi kartaa, sidaad u qeexday, "Heestani waxay isu baddashay heello, maaddaama oo ay luuq wadato, tahayna midho luuqdooda wata." Sida muuqata se, ereyga Heello waxa uu meesha ka riixday ereyga Hees. Sidaas oo kale ayaa marka ereyga Dhaanto la siiyo qeexdin hor leh loogu cabbiran karaa "Dance." Haddana wuxuu meesha ka riixanayaa ereygii Ciyaar ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, magacyo badan baa la falayn karaa, sida: Ciyaar, ciyaarid; dhaanto, dhaantayn; heello, heellayn; balwo, balwayn, iwm. "Aynu dhaantayno" waxay ka dhigantahay "Aynu dhaanto ciyaarno" kamana dhigna "Aynu jaandheer ciyaarno" amma "Aynu buraanbur tumanno" amma "Aynu Saylici qabsanno" ammaba "Aynu ciyaarno!" iwm.

Haddana haddaad isku baddalato ereyada Dhaanto iyo Ciyaar (siiba ta maansada wadata) waa horumar fiican. 

Mahadsanid,
Idiris






2013/6/16 Seid Abdi <seid...@gmail.com>
--
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages