Uruurin: Ereybixin

264 views
Skip to first unread message

Idiris M. Cali

unread,
Aug 5, 2013, 1:41:40 AM8/5/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,
Akhyaarta:

Sanadkan bishiisii labaad bay ahayd markii aan Siciid isweydaarsannay dhanjacyo aan kaga baaraandagaynay hawlaha uu Goshigu ku tallaabsan doono wax-gashigooda. Waxaan qoray: "Haddii ay ereybixintu ugu horrayso hawlaha uu Goshigu qabanayo, waxaan horta soo ururinaynaa ereybixinaha jira, ee illaa iyo haddeer la heli karo, siiba ereybixinaha waxbarashada. [...] Wixii ka maqan ereybixinahan, amma aynu ku saxayno qaarkood, waan ku daraynaa (Eebbe idinkii). Haddii aynu saxayno, waa in aynu faaqidnaa sababta ay ugu baahanyihiin sixista. Tusaale ahaan, Atom ma "Atam" baan ku daynaa, mise erey kale ayaan u daydaynaa?"

Siciid oo ka soo warceliyay weydiintaas baa yiri, "Xaga ereyga ATOM: Waxaa jira dar ama aqoonyahanno Djabouti ku kulmay kolal hore, oo uu iga soo gaadhay Qaamuus lagu magacaabay EREYKOOBE waa ilaa 30,000 oo erey. Kii ugu rasmisanaa wuxuu ahaa Kii Yaasiin Cismaan Keenadiid - ee 70-tameeyadii, wuxuu ahaa 10,000 oo erey. Haddaba waxaa EREYKOOBE ku qoran ereyga INIQ = Atom. Ereygan marba waxa loo yeelaa caynti gooniya INIQ-a marna INIQ-da: Tii uu yahayba ha ahaado balse waa erey uu Sayid M.C.Xasan Maansooyinkiisa ku dhex jiray."

Dhanka uruurinta ereybixinta Soomaaliyaysan, dhabtii waxaa isasoo taraya buugaagta lagu soo gurayo galshada ee khuseeya (qaamuus ahaan) ereybixinaha waxbarashada. Awal hore buugaagtan waxaa loogu tegi jiray uun Qoroollada waaweyn amma xarumaha cilmibaarista ee Soomaaliyeed (ee Jaamacadaha Indiana, Roma Tre, iyo London (SOAS)). Ayaan wanaag, waxaan karnaa in aynu halkan ku wadaagno buugaagtaas, kuwaas oo kala ah:
Talo: Qaamuus kasta marka uu kuu furmo, waxaa wanaagsan in aad ku kaydsatid falkiskaaga (kumbuyuutarkaaga). Sida kale, qaamuus walba waxa uu ku jiraa laanta dadweynaha (Public domain); oo in aan halkan ku wadaagno way inoo bannaan tahay (amma aynu kaydsanno). 

Goobaha Raadraaca: Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed > Archivio Somalia > Collections > Volumes > Search for > Qaamuus.

Seid Abdi

unread,
Aug 26, 2013, 7:43:53 PM8/26/13
to gah...@googlegroups.com
Bariidin Nabada Dhamaantiin.

Mahadsanid Idriis dhanbaalkaagan ugu danbeeyay iyo kuwo ka horeeyayba waxa aad noogu soo gudbisay waxyaabo nuxur ballaadhan xanbaarsan. Iga raalli ahow in aanan judhii ay habbooneyd warcelinta aanan soo dhanbaalaynin, Tubsheelka oo iga ciladaysnaa awgeed. Mar kale mahadsanid Idriis, aad iyo aad baanu uga faa'ido helnay dhanbaallodaadaas.

Seid Abdi

Omar Ilkur

unread,
Dec 17, 2013, 6:00:59 PM12/17/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaam aleykum Said.
Thank you for the interesting website for somali-english children.
It is a great site to explore for them and has many entertaining and educational opportunities.

We look forward to more publications.
Again, thanks!
Omar



Date: Mon, 26 Aug 2013 16:43:53 -0700
From: seid...@gmail.com
To: gah...@googlegroups.com
Subject: Re: Uruurin: Ereybixin
--
You received this message because you are subscribed to the Google Groups "GAHIDH" group.
To unsubscribe from this group and stop receiving emails from it, send an email to gahidh+un...@googlegroups.com.
For more options, visit https://groups.google.com/groups/opt_out.
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages