Heesaha

1,035 views
Skip to first unread message

Idiris M. Cali

unread,
Mar 15, 2013, 7:50:15 PM3/15/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,
Akhyaarta:

Mawduucan waxaan ku lafaguri doonnaa heesaha. "Hees" kama wadno tan mashdhaca (miyuusigga) wadata, ee waatii u kala qaarnayd, sida laga hayo Sheekh Jaamac Cumar Ciise iyo Muuse Xaaji Ismaaciil (Galaal), mid hawleed iyo mid ciyaareed. Hees-hawleeddu waa midda la qaado marka hawl, laga bilaabo adhi-jiris iyo illaa guri-dhisid, lagu guda jiro. Jiib iyo jaan uma baahato, iyo qalab la tumo toonna. Waana waxay kaga geddisantahay midda loo yaqaanno hees-ciyaareedda. Tan dambe jaan iyo jiib ayey wadataa; waxaana la qaadaa goor ay hawli soo dhammaatay (caweysinka, galabaha, iwm), oo da'yartu tumasho u soo ban baxday.

Heesaha aan halkan ku soo wadhi doonno waxaan u kala goonninaynaa hadba mawduuca ay ku dabuubanyihiin -- oo u kala sooc-sooci mayno hadba xubinta maanso ee ay yihiin! Haddii laga fursan waayo, hees waliba xubinta ay maanso ka tahay baan ku hor qoraynaa. Waxa intaa dheer, heesaha qaar baa qayaxan - annaguna daahi mayno, ee sidii aynu ka maqalnay baan u soo qoraynaa. Haddii ay jiraan ilduufyo dhanka qorista ah, amma sixitaan kale oo anfac leh, waan isla wadaagaynaa. 

Ujeedadda mawduucani waa isla-wadaagis-iyo-shaandhayn iyo kaydinta heesaha sii dabar go'aya (amma aan la daabicin), kuwaas oo ay na soo gaarsiiyeen darkii innaga horreeyay. Sidaas daraaddeed, waa lagamamaarmaan in aan isku saxno, is lana qaadaadhigno heesahan - haddii ay noqoto gorfayn sooyiileedkooda (sida iyo sababta ay ku soo baxeen, ciddii curisay haddii la helayo, iwm), amma faaqidaad aynu ku soo bixinayno murtida (t.a. sarbeebta, iwm) iyo dabuubaha ay heesahanu xambaarsanyihiin. 

Waxaan ku faraxsannahay in heeso badan oo geela khuseeya lagu uruuriyey buugga Geel waa Magool Xoolaad ee uu qoray Khaalid Cali-Guul Warsame. Sidoo kale, waxaa heeso badan oo geela khuseeya laga soo helayaa buugga Suugaanta Geela ee uu qoray Axmed Cali Abokor. Sidoo kale, waxaa heeso badan lagu uruuriyey buugga Suugaanta Dhallaanka ee ay qortay Aamina Xaaji Aadan.  Runtii, ujeedadda aan halkan u jeexnay ma'aha in aan heesahaas (buugaagtaas lagu kaydiyey) dib ugu soo daabacno, balse ujeedaddu waa raadinta iyo kaydinta heesaha aan wali la daabicin - waa heesaha aan ka soo uruurin karno waalidiintayada, duqaytida ku noolnool magaalooyinka aan degganahay, amma buugaagta duuqoobay ee daabacaadda ka baxay. 

Ugu dambayntii, waxaa muhiim ah in qof kastaaba xuso meelaha uu ka soo kala gurbiyey amma cidda uu ka soo qoray heesaha uu halkan nagu la wadaagayo.

Mahadsanidin,
Idiris

Idiris M. Cali

unread,
Mar 15, 2013, 11:20:08 PM3/15/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,
Akhyaarta:

Hees-Hawleedda Mooyaha

Waxaa jira heeso kala geddisan oo marka lagu guda jiro hawsha "Mooyaha" la qaado. Heesaha aan halkan ku soo tebin doono waxay ku lug leeyihiin oo qudha budlinta saraca sida galleyda iyo hadhuudhka, mana ah heeso ku lug leh (hawsha) suugaamista (nashkhadaynta) iyo samaynta agabka qudhaddiisa. 

Kolka ay laba habloodi goostaan in ay hadhuudh (iwm) tumaan, waxay qaadaan heeso badan oo ay goorta iyo hawsha culayskeeda isku moodsiiyaan. Mararka qaarkoodna, heesuhu waxayba u noqdaan tamar ay daalka ku illoobaan. Heesahan ayey kolba mid qaadaan; mid markay dhammeeyaan, mid kale ayey ku xijiyaan, illaa ay ka gabagabeeyaan hawshii ay bilaabeen. 

Heestan ugu soo horraysa waa midda ugu gaaban xubnaha (amma laamaha) maansada. Waxaa heestan wada qaadaya laba hablood, waxayna u qaadayaan sidatan:

Mooyaha
- Malablaha
Magicii?
- Mooyaan!
 
Mooyaha
- Malablaha
Magicii?
- Calaliye

Magicii?
- Ciil tire
 
Magicii?
- Dumar dhibe!
Ragga dhaye!
 
Tibahana?
- Culus iyo
Cabban baa
- La yiraah 
 
Sida aan u soo qoray heestan kore sheekaa inooga dhex muuqata. Xariijintu waxay hor taallaa meerisyada ay inanta jiibinaysaa (xog-warramaysaa) qaadayso.

Heesahan soo socdaa waxay leeyihiin dhismaha (xubinta maanso ee loo yaqaanno) baarcaddaha amma saarka. Waa heeso la isku xifaalaynayo. Immika, inanta jiibinaysa waxay leedahay oo qudha "haa haa" oo aan wax u dhaafsiisnayn. (Mararka qaarkood, carruuraha ayaa haweenkan ka hoos qaada heesahan, oo ka dibna dib u qaada, ereyadana bad-baddala.)

Hiyeeyeeyeey hiyee - haa haa
Hiyeeyee hoobi waa - haa haa 
 
Eddoy oday baa i yiri - haa haa
Ma kuu gabangaabsadaa - haa haa
Garayska ma kaa furaa - haa haa 
Guntiga hoos ma u dhigaa - haa haa
Eddoy anna waxan ka idhi - haa haa
Oday dhoosaaliyo - haa haa 
Oday dhuusa-harjacow - haa haa
Ma dheehii baa ka dhacay - haa haa 
Ma dhaan buu gudinayaa - haa haa 
Ma dhuusuu soo wadaa - haa haa 
 
***
Hiyeeyeeyeey hiyee - haa haa
Hiyeeyee hoobi waa - haa haa 
 
Cismaan yare caga dabayl - haa haa
Shalaytuu Cadan ka yimi - haa haa
Cagaha wuu dhawrayaa - haa haa
Casuustii baa ku taal - haa haa

***
Hiyeeyeeyeey hiyee - haa haa
Hiyeeyee hoobi waa - haa haa

Sidii markabkii Shuwaal - haa haa
Shuwaal oo shalayto yimi - haa haa
Shiraacii laga baddalay - haa haa
Shan naagood buu wadaa - haa haa
Shantuba shaahay cabbaan - haa haa
Shan garac bay kala sitaan - haa haa
Ta dheeree ugu dhexaad - haa haa
Dhurwaa naasaha ku goo! - haa haa

Heestan hoose waxay labada hablood (ee wada tumaya hadhuudhka) ugu dhago-hadlayaan nin geed halkan ah ugu looxan, oo moodaya in aysan habluhu ka warhaynin. 

Naa Marooro 
- Hee Muraado
Mooyahaygan 
- Hee Muraado
Fool maroodi 
- Heer Muraado
Saw ma mooddid? 
- Haa Muraado!

Heestan kale waxaa ku cad in ay gabar keli ahi hadhuudhka tumayso. Waxayna u yeeraysaa gabartii la tumi lahayd hadhuudhka (balse uma iman doonto!):

Alla yay la tumaay
Ila taakuliyaay
...
Alla yayga tagaay! 

Heestaas kore waxay isku dhisme yihiin middan soo socota, oo aan ka helay laba meeris oo qudha. Heestan meerisyada ka dhiman oo uu af-Ingiriis ku tebinayo Bsr. Johnson halkan ka daawo

Gacaloy gacaloy - gacaloy
Gacantay midigay - gacaloy
...

Halkaas ayaan maanta ku hojinaynaa. Heesahaas waxan ka soo qoray Hooyaday iyo Ayeyday (Luulyo 25, 2009). Waxaana qayb ii saxay Bsr. Hodan Ciise, oo aan ku kullanay Boston

Mahadsanidin,
Idiris

Idiris M. Cali

unread,
Mar 19, 2013, 8:01:52 AM3/19/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,
Akhyaarta:

Hees-Hawleedda Mooyaha [2]

Tuducdan hoose waxay ku taxmaysaa heesta "Gacaloy." Dabcan, wali waxaa innaga maqan tuducyo badan oo ay kamid tahay midda uu Bsr. Johnson micnaynayo. Heestan "Gacaloy" waxaa qaadaysa hooyo inanteeda guur uga dardaarmaysa! Hooyadu hadhuudh bay tumaysaa, waxaana ka ag-jiibinaya* dumar kale. Waxay tiri hooyadu:

Gacaloy gacaloy - gacaloy
Garbasaarro carwoy - gacaloy
Gacantay midigeey - gacaloy
Gabdho taan u jeclaay - gacaloy
Haddan geenyo lammaan - gacaloy
Iyo geel kugu waay - gacaloy
Iska joog gurigeen - gacaloy
Gabadhaada ahaw - gacaloy
Iska guudad xidhnaw - gacaloy
Hana guursaninoo - gacaloy
Goblan geeri ku dhowr - gacaloy

Tuducdan kore waxaan ka soo fujiyey waraaq ay Aamina Xaaji Aadan qortay 1981i. Mar dhow ayaan heesaha "Hobeey" ee waraaqdaas ku qoran isla wadaagi doonnaa. Haddii Eebbe idmo.

Mahadsanidin,
Idiris

Sixitaan: Hordhicii mawduucan waxaan ku xusay in aysan hees-hawleeddu jiib iyo jaan u baahannin. Jaan la garay, oo uma baahato, balse hees-hawleeddu jiib inta badan kama maaranto! Ka geela waraabinaya waa loo jiibiyaa, ta hadhuudhka tumaysana waa loo jiibiyaa, iwm, iwm. 

Seid Abdi

unread,
Mar 20, 2013, 7:20:20 PM3/20/13
to gah...@googlegroups.com
Mahadsanid Idriis
Aad bay muhiim u yihiin Heesahani, waa suugaan loo baahan yahay.
Adna Maahmaahdan iga qabo.. Mooyi Tib Moog! bay dhahaan ragguna marka habluhu ku heesaan..
Mooyidiisa Mooye
Wuxuu Mooye u yahay Mooyi..Iwm

Seid Abdi

Idiris M. Cali

unread,
Mar 22, 2013, 6:30:13 AM3/22/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,
Akhyaarta:

Hees-Hawleedda Hobeeyo

Heesahan "hobeeyo" waxaan ka soo fujiyey waraaqda ku daban dhambaalkan ee ay qortay Aamina Xaaji Aadan. Magaca "hobeeyo" waxaa laga qaatay sargooyada-meeriseed ee ay heesahanu leeyihiin. Waxay tahay sargooyadu:

Hobeeya hobeey hobeeya

Magaca kale ee ay heesahani leeyihiin waa "Heesta-Dhallaanka." Waxaa macaan, oo qurux badan in ay heesahani ku magcawnaadaan "hobeeyo." Marka, gabayga, geeraarka, jiiftada iyo xubnaha kale ee maansada, kuwaas oo leh magac ka kooban erey qudha, ayey la barbarroobayaan.*

Waxaa heesaha "hobeeyo" lagu sabaa carruurta, oo lagu seexiyaa. Sidaas ayeyna ku yihiin hees-hawleed. Inta heesood ee aan ka soo qaatay waraaqdu waa:

Gudooy wey noo gefeene
Ardaa aan gabadhi joogin
Gudooy geel laguma maalo
Gammaan faras laguma raaco!

Haddaan Herer waaqla joogo
Haddaad Hawd halo ku haysid
Anuun baa hooyadaaya!

Anaba geel dhalay ma maalno
Anaba googaan* ma guranno       [*timir]
Anaba kaa gubayo weynin!

Sidaan gumanow ku qadinnay
Sidaan gole kale wax siiyay
Sidaan keliday wax quutay
Qalbiga mayga la collowday?

Miyaad gaajootay gacalo?
Ma geelii baa hayaamay
Hayaamoo Hawd ku oomay?
Ma naaskiibaa gudhoobay
Gudhoobood godal ka weyday?
Ma ’doygii baa socdaalay               [Ma odagii baa socdaalay]
Socdaaloo safar ku raagay?

Markaad dhalateed dhawaaqday
Dhammow dhaxan bayga duushay
Dhulkii bay wada iftiimay
Dhurwaayaa iga dareeray
Dhirtii bay wada magooshay!

Haddaan heestaada qaado
Haddaan qaadoon qindhiciyo
Haddaan qalqalooc u diido
Kasli’i kabahay ka roori
Xumii baa xaaska daadin
Dhibeel daran way dhaqaaqi

Bullow wiil boqol halaad leh
Bullaaliyo xamar ku jooga
Bartiisa ka dheeriyaana!

Haddii gedahaagu gaadho
Haddii guur kuu maloobo
Haddii Guulle Alle yeelo
Mid baas oo xero bilaal ah
Mid baas oo bowdo jebiya
Ku siin maayee ku seexo!

Habeen baas iga guddooya
Gambada haabhaabatooya
Habaarqabe guursatooya
Hangool jabay lala dhacyeeya!

Mahadsanidin,
Idiris

* Aamina waxa kale oo ay heesta-cawska ku dhejisay magaca "hoyal." Waana ta la dhaho:

Cawskanow sabool diidow - hoyal
Waqan suuqa lagu dhiginey - hoyal
Soddon lagugu baayiciney - hoyal
Yaa sameeyay lagu oraney - hoyal 
womenandwords.pdf

Idiris M. Cali

unread,
Mar 22, 2013, 6:36:00 AM3/22/13
to gah...@googlegroups.com
Waa nabad, Siciid:

Ma'ogi-->mooyi-->mooye-->mooge-->ma'oge. Mooyuhu waa mooge tib mudaysa!

Idiris

Seid Abdi

unread,
Mar 22, 2013, 10:13:28 PM3/22/13
to gah...@googlegroups.com
Mahadsanid Idriis!

Aad iyo aad kaaga mahadinayaa, adiga iyo Aamina X. Aadan; Aniga iyo goluhu-na ama Goshigu-ba waan idinka guddoonnay. Hindisaha ku jira ee ah in magac gaarra loo aheeyo, suugaanta jaadkan ah, xagayga ila meelmar weeye. Sida HOOBAALO loogu bixiyay FOLKLORE-kaba oo kale.
Dunida maanta waxaa ka jira DUUGDHIGAALLO (MUSEUMS)- Waxa ila wacnaan lahayd, in Maamullada dalkeena ka jiraa, ay sameeyaan , ama inagu-ba haddii karaankeenu gaadho, aynu samayno Duugdhigaal u gaarra AFKA iyo SUUGAANTIISA. Kaasoo lagu muujinayo, xilliyadii kala duwanaa , ee afka lala soo maray, intii la farqoray, iyo wixii ku soo kordhay. Goosh kasta iyo sidii uu soo ahaa, ama suugaantu soo ahayd iyo jaadadkeedaba.

SEID ABDI



On Friday, 15 March 2013 23:50:15 UTC, Idiris M. Cali wrote:

Idiris Cali

unread,
Mar 23, 2013, 1:17:18 AM3/23/13
to gah...@googlegroups.com
Waa nabad, Siciid:

Waa arrin wanaagsan. Waxaa dhisan xarumo badan oo cilmibaarista afkeenna ku hawlan. Waxaa kuwan kamid ah, Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed (XCS). Xaruntan waxaa ku keydsan xogo badan oo ilo u ah duugdhigaal afka iyo suugaantiisu yeesho (gaar ahaan, inta ku siman 1.5 qarni ee u dambeeyay). 
 
Sida kale, sooyiilka suugaanta soke waxa uu Macalin Guush* u kala qaybiyey marxaladahan:
  1. Xilligii Dahabiga (gumeystayaashii ka hor)
  2. Xilligii Dabka iyo Dhuxusha (1899 - 1944)
  3. XIlligii Kabanka (1944 - 1969)
  4. Waaga Cusub (1969 - immika)
Suugaantii la tiriyey saddexda marxaladood ee ugu dambeeya waynu ka cokan nahay, oo waxaynu helaynaa buugaag/meelo/maskaxo badan oo ay ku kaydsanyihiin. Rogrogistooda/habayntooda si looga sameeyo duugdhigaal suugaaneed waa hawl culus, balse lagu dhiirran karo. Waase in loo xogo-urursadaa (oo XCS oo qudha inagu filnaan mayso).

Anigu waxaan xiise u qabaa suugaantu siday ahayd xilliyadii ka horreeyay Xilliga Dahabiga. Raadraacisteeda waxaa ugu xooggan maahmaahda iyo sheekaxariirooyinka, oo qaar laga helayo maansooyin!. Tusaale ahaan, dhagdheer markii ay dhimatay dadkii isku soo baxay waxay ku dhaanteeyeen (oo aan meeriskan ka hayo):

Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadeey!

Dhagdheer oo jar ka boodi weyday waata ku balweysay:

Bal naagtaas badhida daya
Bal balaq-balaqdeeda daya
Bal bawdya-caddaanta daya
Bocoolkay sidato daya
Cakuye boholaha Xargega

Marka kale oo ay wadaad socdaal ah diiratay waata ku hobeeyaysatay:

Wadkiisaa wada wadaadka
Maxaa waddadayda keenay

Dhanka kale, Arraweelo waxay meeris gabay ah ku tiri:

Maantana far baa meyr la'e, hay fadhiyo geelu!

Weydiimo badan ayaa laga keeni karaa xogahan kore. Sheekaxariirooyinka, sida ta Arraweelo, yaa curiyey; goormaa se la curiyey? Meerisyada maanso ee ay wataan yaa ku daray, goormaa se lagu daray? Ma yihiin sheekooyinkanu mala-awaal, mase waaba dhab? Waxaan la kulmay dhawr qof oo yiri Dhagdheer baan ka soo jeednaa! Waana ta la arko qabrigii Arraweelo oo dhagxaan iyo sidii caleemo qoyan loogu tuurayey buur soo baxday!**

Waxbaaris ballaadhan, oo aqoomo badan hilan, baan laga maarmaynin haddiiba la duugdhigaal-aynayo xogahakaas kore iyo kuwa lamidka ah.

Mahadsanidin,
Idiris

Xogtan kore waxaan ka soo kala qaatay:
** Sheekoxariirooyin Soomaaliyeed, Axmed Cartan Xaange (bog 16, 17, 28, 31, 34).


2013/3/23 Idiris Cali <idiris...@gmail.com>
Waa nabad, Siciid:

Waa arrin wanaagsan. Waxaa dhisan xarumo badan oo cilmibaarista afkeenna ku hawlan. Waxaa kuwan kamid ah, Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed (XCS). Xaruntan waxaa ku keydsan xogo badan oo ilo u ah duugdhigaal afka iyo suugaantiisu yeesho (gaar ahaan, inta ku siman 1.5 qarni ee u dambeeyay). 
 
Sida kale, sooyiilka suugaanta soke waxa uu Macalin Guush* u kala qaybiyey marxaladahan:
  1. Xilligii Dahabiga (gumeystayaashii ka hor)
  2. Xilligii Dabka iyo Dhuxusha (1899 - 1944)
  3. XIlligii Kabanka (1944 - 1969)
  4. Waaga Cusub (1969 - immika)
Suugaantii la tiriyey saddexda marxaladood ee ugu dambeeya waynu ka cokan nahay, oo waxaynu helaynaa buugaag/meelo/maskaxo badan oo ay ku kaydsanyihiin. Rogrogistooda/habayntooda si looga sameeyo duugdhigaal suugaaneed waa hawl culus, balse lagu dhiirran karo. Waase in loo xogo-urursadaa (oo XCS oo qudha inagu filnaan mayso).

Anigu waxaan xiise u qabaa suugaantu siday ahayd xilliyadii ka horreeyay Xilliga Dahabiga. Raadraacisteeda waxaa ugu xooggan maahmaahda iyo sheekaxariirooyinka, oo qaar laga helayo maansooyin!. Tusaale ahaan, dhagdheer markii ay dhimatay dadkii isku soo baxay waxay ku dhaanteeyeen (oo aan meeriskan ka hayo):

Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadeey!

Dhagdheer oo jar ka boodi weyday waata ku balweysay:

Bal naagtaas badhida daya
Bal balaq-balaqdeeda daya
Bal bawdya-caddaanta daya
Bocoolkay sidato daya
Cakuye boholaha Xargega

Marka kale oo ay wadaad socdaal ah diiratay waata ku hobeeyaysatay:

Wadkiisaa wada wadaadka
Maxaa waddadayda keenay

Dhanka kale, Arraweelo waxay meeris gabay ah ku tiri:

Maantana far baa meyr la'e, hay fadhiyo geelu!

Weydiimo badan ayaa laga keeni karaa xogahan kore. Sheekaxariirooyinka, sida ta Arraweelo, yaa curiyey; goormaa se la curiyey? Meerisyada maanso ee ay wataan yaa ku daray, goormaa se lagu daray? Ma yihiin sheekooyinkanu mala-awaal, mase waaba dhab? Waxaan la kulmay dhawr qof oo yiri Dhagdheer baan ka soo jeednaa! Waana ta la arko qabrigii Arraweelo oo dhagxaan iyo sidii caleemo qoyan loogu tuurayey buur soo baxday!**

Waxbaaris ballaadhan, oo aqoomo badan hilan, baan laga maarmaynin haddiiba la duugdhigaal-aynayo xogahakaas kore iyo kuwa lamidka ah.

Mahadsanidin,
Idiris

Xogtan kore waxaan ka soo kala qaatay:
** Sheekoxariirooyin Soomaaliyeed, Axmed Cartan Xaange, ee ku daban dhambaalkan (bog 16, 17, 28, 31, 34).



2013/3/22 Seid Abdi <seid...@gmail.com>
--
You received this message because you are subscribed to the Google Groups "GAHIDH" group.
To unsubscribe from this group and stop receiving emails from it, send an email to gahidh+un...@googlegroups.com.
For more options, visit https://groups.google.com/groups/opt_out.
 
 


Idiris M. Cali

unread,
Apr 10, 2013, 12:46:48 AM4/10/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,
Akhyaarta:

Waxaan soo helay mirihii heesta uu Md. Johnson ku tebinayey af-Ingiriiska. Waxaan ka soo helay buugga, Power, Marginality and African Oral Literature, ee ay wada tifatireen Graham Furniss iyo Liz Gunner. Cutubka 8d, oo uu ku deeqay Md. Johnson, ayaan ka soo fujiyey miraha heestan, waxaanan u soo qorayaa sida uu mudanuhu u qoray, oo ah sida loogu luuqeeyo*:

Gaacalooy gacalooy - gacalooy
Gaacalooy gacalooy - gacalooy

Gaacantay midigay - gacalooy
Waan ku faanninayaa - gacalooy

Faan u waa kugu yaal - gacalooy
Faayahaad ku siddaa - gacalooy

Afar kaaga digaa - gacalooy
Kaaga dayriyayaa - gacalooy

Gaacalooy gacalooy - gacalooy
Kaaga diin dhigayaa - gacalooy

Ninka geesi ha gursan - gacalooy
Ninka gaaban ha gursan - gacalooy

Ninka dheer na ha gursan - gacalooy
Fuleygii na ha gursan - gacalooy

Ninka geesi ha gursan - gacalooy
Marka geela la qaado - gacalooy

Gudub buu [u] ordaa - gacalooy                 
Goob xun baa la dhigaa - gacalooy

Goblan buu ku badaa - gacalooy
Gaacalooy gacalooy - gacalooy

Ninka gaaban ha gursan - gacalooy
Marka geelu cadhoobo - gacalooy

Garba-saarka ma gaadhe - gacalooy
Goondhuhuu ka dayaa - gacalooy

Ninka dheer na ha gursan - gacalooy
Marka gaajo timaad - gacalooy

Guriguu is goglaa - gacalooy
Go'ayeey ku yidhaa - gacalooy

Waana baahi darteed - gacalooy
Waana been quwideed - gacalooy

Fuleygii na ha gursan - gacalooy
Meel ficiis ka teguu - gacalooy

Feyla weyn yahayee - gacalooy
Foolxumaa la rergaa - gacalooy

* Ereyada qaar ayaan  dhawaaqooda saxay, sida: geeb --> goob, geeblan --> goblan, iwm. Haddii uu mudahunu ereyadan u qoray sidii uu u maqlay, waxaan malaynayaa in ay lahjad kale ku arooraan. 

Mahadsanidin,
Idiris

Mohamed Abdullahi

unread,
Aug 16, 2014, 10:50:31 PM8/16/14
to gah...@googlegroups.com
Salaamullaahi akhyaarta
Waxan rabay inaan ku darsado hees hawleed ku saabsan Tibta iyo Mooyaha, oo aan yaraantaydii maqli jiray:

Ma caddee ha u caddaado
Sida caana geel ha u caddaado
Culimmaa cunidoonta iyo
Caalim wadaada iyo
reerka curadkooda

Idiris M. Cali

unread,
Aug 17, 2014, 12:44:20 AM8/17/14
to gah...@googlegroups.com
Wacalaykumas-Salaam,

Soo dhowow, mudane Maxamed Cabdullaahi Jaamac! Dhawrkaa meeris waxaad ka dhex arkaysaa sida ay haweenku daalka hawsha badar-tumidda ugu dulqaadanayaan, iyagoo ka cararaya dhaleecayn!

...Hees-Hawleedda Mooyaha...

Heesaha "badar-tumidda" waxaa ku duugan arrimo cajiib ah. Waxaannu ogayn in ay Soomaalidu geela u heesto sababta oo ah waxa ay dhadhaan geelu heesaha waa uu "ku murqaamaa"! Sidaas si la mid ah ayay badarkana ugu heesaan. Dabcan, xayawaanka iyo manooluhu murtida iyo sarbeebaha heesahan uma dhacsana (waan sidaan is leennahay), inkastuu xayawaanku jugdhebta (beat) iyo jaandhaca (rhythm) heesahan ku raaxaysan karo. Sida muuqata, haddaba, heesahan dadka ayaa loogu duurxulayaa. Duurxulkan in la macneeyo weeyi. Bal se waa shaqo aan dib ugu soo laaban doonno, inshaa' Allaah. 

Waxaan YOUTUBE ka soo helay dumar jooga Qorraxeey oo heesaha badar-tumidda soo bandhigaya. Heesahan ayaan qoray - inkasta oo aanan haynin magaca haweenayda sida debecsan u qaadaysa - oo aan halkan ku soo wadhayaa. Qaybtan hore waxaan ka soo helay HALKAN:

[Gacaloy gacalooy - gacalooy]
Gacanteey midigeey - gacalooy
Geel la waayay wadaay - gacalooy
Garbo wayrixiyaay - gacalooy
Geel ma kaala baxaa - gacalooy
Iyo gaabo riyaad - gacalooy
Iyo giiryar lammaan - gacalooy
Gaabanow qorigii - gacalooy
Iyo garooy adhigii - gacalooy
 
Taasu waa iga taa - gacalooy
Tu kalaan se hayaa - gacalooy 

Naa dalaalacaneey - gacalooy
Naa daruur ugubooy - gacalooy
Durdur waa Qorraxeey - gacalooy
Dadna waa kuwa yaal - gacalooy
Iyo intii dabo taal - gacalooy

Daaran gabadh ahaa - gacalooy
Oon gashaanti ahaa - gacalooy
Guudku ii rax lahaa - gacalooy
Aabbahay gadh cillaanle - gacalooy
An gadaadin ogaa - gacalooy

Hadda waan habaroobay - gacalooy
Mar haddaad habarowdo - gacalooy
Ood haraad balaqowdo - gacalooy
Oo hortaada la meero - gacalooy
Hayin baad noqotaa - gacalooy
Hayin haamo ma diido - gacalooy
Hooyoy haamo i saar - gacalooy
Aan la sii hitiyee - gacalooy

Taasu waa iga taa - gacalooy
Tu kalaan se hayaa - gacalooy

Gabdhahaannagiyow - gacalooy
Garasweyne dagow - gacalooy
Geedka loogu jiryow - gacalooy
Allow aanan ku waayin - gacalooy
Adna aadan i waayin - gacalooy
Oodan guul dhaxammoonin - gacalooy
Oonan goor xun gableynin - gacalooy

Taasu waa iga taa - gacalooy
Tu kalaan se hayaa - gacalooy

Wada dhashaa wada dheela - gacalooy
Wada dhashaa dhabdhableeya - gacalooy
Wada dhashaa dhulka maaxa - gacalooy
Wada dhashaa is dharbaaxa - gacalooy

Qaybtan labaadna waxaan ka soo helay HALKAN:

Saddex kaaga digaa - gacalooy
Kaaga dayriyayaa - gacalooy
Kaaga diin dhigayaa - gacalooy

Ninka gaaban ha guursan - gacalooy
Markuu geelu cadhoobo - gacalooy
Marqo-saarka ma gaadho - gacalooy
Gonduhuu ka dhayaa - gacalooy

Ninka dheerra ha guursan - gacalooy
Markay gaajo timaado - gacalooy
Aqalkuu is goglaa - gacalooy
"Waan bukaa" bu dhahaa - gacalooy
Ma bukee ha bukoodo - gacalooy
"Beerkayow" ha yidhaahdo - gacalooy
Biyaa ha loo kululeeyo - gacalooy

Ninka geesi ha guursan - gacalooy
Oo waxaadan u guursan - gacalooy
Marka geela la qaado - gacalooy
Gabgab buu u ordaa - gacalooy                 
Gaagidaa la dhigaa - gacalooy
Gabadh buu ka tagaa - gacalooy
Gablan buu ku badaa - gacalooy

Taasu waa iga taa - gacalooy
Tu kalaan se hayaa - gacalooy

Ninka waalid u roon - gacalooy
Ninka weedha qabow - gacalooy
Ninka weyso ku taal - gacalooy
Kaa haddaad heli weydo - gacalooy
Gabadhaada ahow - gacalooy
Gablan geeri ku dhawr - gacalooy
Iska guudad xidhnow - gacalooy

[Taasu waa iga taa - gacalooy
Tu kalaan se hayaa - gacalooy]

Adagaa adagaa - gacalooy
Adagaa ma bir baa - gacalooy
Ma biriiri lab baa - gacalooy
Ma Barrow dhebey baa - gacalooy
Ma dameer lafti baa - gacalooy
Ma dayuus nin ahaa - gacalooy

Masaggooy masaggooy - gacalooy
Masaggooy adageey - gacalooy
Adageey ashahaado - gacalooy
Isha baalka ka qaad - gacalooy
Illalaahi ku waar - gacalooy

Way sii socotaa...

Mahadsanidin,
Idiris

Message has been deleted

Mohamed Abdullahi

unread,
Aug 17, 2014, 6:49:59 PM8/17/14
to gah...@googlegroups.com
Asalaama Calaykum Akhyaarta:

Heeskaan waxa ii soo gudbiyey walaasheen Dhuux Gani oo qoraa ah, suugaantana aad u xiiseysa, waxay tiri:
"Heestaan waa mid ka mid a kuwa badarka lagu tumo, oo eeddo lagu halqabsanayo oo ka hadleysa qorqode ama xilo gube:

Eedooy qorqode wuu qayliyaa
Waa qayliyaa yoo qalactamaa
Oo sida shabeelkuu shuuriyaa
Oo sida dawacaduu daba lulaa
Oo sida libaaxuu laba liqaa

Eedooy qorqode wuu qayliyaa
Waa qayliyaa yoo qalactamaa

Naa rida qal oo qari buu ku dhihi
Naa xiidan waa xubin buu ku dhihi
Naa qiiqu yuu bixin buu ku dhihin
Naa hooyadaa qadi buu ku dhihi.

Ayeeyaday ayaa nooga sheekayn jirtay Allaha janadii geeyee, waxay ku dhalatay baadiye, marka waxyaalo badan oo dhaqanka ah ayaan ka baranay"


On Friday, 15 March 2013 19:50:15 UTC-4, Idiris M. Cali wrote:

Idiris M. Cali

unread,
Sep 8, 2014, 5:35:52 PM9/8/14
to gah...@googlegroups.com
Wacalaykumas-Salaam,
Mudane Maxamed:

Mahadsanid. Waa hees laga dhex arki karo sida ay dumarku uga sheekaysan jireen ragga xilo-bilaalka ah.

Ciyaalkii reer miyaga ahaa oo miraha heestaas si kale u dhigay waxay dhaheen:

Mulucoow hashii Mayey ma aragtaa?
Maya ee maqaarkii maw siddaa?

Nin yar oo nin weyn dilay ma aragteen?
Dabangaalle aar dilay ma aragteen?
Kabatole kureed le'eg ma aragteen?

Malahayga kuwo reer magaal ah na waxay ku dareen:

Xasan oo Xuseen dilay ma aragteen?

Tixgalin,
Idiris



Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages