Mooyaha
- Malablaha
Magicii?
- Mooyaan!
Mooyaha
- Malablaha
Magicii?
- Calaliye
Magicii?
- Ciil tire
Magicii?
- Dumar dhibe!
Ragga dhaye!
Tibahana?
- Culus iyo
Cabban baa
- La yiraah
Hiyeeyeeyeey hiyee - haa haa
Hiyeeyee hoobi waa - haa haa
Eddoy oday baa i yiri - haa haa
Ma kuu gabangaabsadaa - haa haa
Garayska ma kaa furaa - haa haa
Guntiga hoos ma u dhigaa - haa haa
Eddoy anna waxan ka idhi - haa haa
Oday dhoosaaliyo - haa haa
Oday dhuusa-harjacow - haa haa
Ma dheehii baa ka dhacay - haa haa
Ma dhaan buu gudinayaa - haa haa
Ma dhuusuu soo wadaa - haa haa
***
Hiyeeyeeyeey hiyee - haa haaHiyeeyee hoobi waa - haa haa
Cismaan yare caga dabayl - haa haa
Shalaytuu Cadan ka yimi - haa haaCagaha wuu dhawrayaa - haa haaCasuustii baa ku taal - haa haa
***
Hiyeeyeeyeey hiyee - haa haaHiyeeyee hoobi waa - haa haa
Sidii markabkii Shuwaal - haa haaShuwaal oo shalayto yimi - haa haaShiraacii laga baddalay - haa haaShan naagood buu wadaa - haa haaShantuba shaahay cabbaan - haa haaShan garac bay kala sitaan - haa haaTa dheeree ugu dhexaad - haa haaDhurwaa naasaha ku goo! - haa haa
Naa Marooro
- Hee MuraadoMooyahaygan
- Hee MuraadoFool maroodi
- Heer MuraadoSaw ma mooddid?
- Haa Muraado!
Alla yay la tumaayIla taakuliyaay
...Alla yayga tagaay!
Gacaloy gacaloy - gacaloyGacantay midigay - gacaloy...
Gacaloy gacaloy - gacaloyGarbasaarro carwoy - gacaloyGacantay midigeey - gacaloyGabdho taan u jeclaay - gacaloyHaddan geenyo lammaan - gacaloyIyo geel kugu waay - gacaloyIska joog gurigeen - gacaloyGabadhaada ahaw - gacaloyIska guudad xidhnaw - gacaloyHana guursaninoo - gacaloyGoblan geeri ku dhowr - gacaloy
Hobeeya hobeey hobeeya
Gudooy wey noo gefeeneArdaa aan gabadhi jooginGudooy geel laguma maaloGammaan faras laguma raaco!Haddaan Herer waaqla joogoHaddaad Hawd halo ku haysidAnuun baa hooyadaaya!Anaba geel dhalay ma maalnoAnaba googaan* ma guranno [*timir]Anaba kaa gubayo weynin!Sidaan gumanow ku qadinnaySidaan gole kale wax siiyaySidaan keliday wax quutayQalbiga mayga la collowday?Miyaad gaajootay gacalo?Ma geelii baa hayaamayHayaamoo Hawd ku oomay?Ma naaskiibaa gudhoobayGudhoobood godal ka weyday?Ma ’doygii baa socdaalay [Ma odagii baa socdaalay]Socdaaloo safar ku raagay?Markaad dhalateed dhawaaqdayDhammow dhaxan bayga duushayDhulkii bay wada iftiimayDhurwaayaa iga dareerayDhirtii bay wada magooshay!Haddaan heestaada qaadoHaddaan qaadoon qindhiciyoHaddaan qalqalooc u diidoKasli’i kabahay ka rooriXumii baa xaaska daadinDhibeel daran way dhaqaaqiBullow wiil boqol halaad lehBullaaliyo xamar ku joogaBartiisa ka dheeriyaana!Haddii gedahaagu gaadhoHaddii guur kuu malooboHaddii Guulle Alle yeeloMid baas oo xero bilaal ahMid baas oo bowdo jebiyaKu siin maayee ku seexo!Habeen baas iga guddooyaGambada haabhaabatooyaHabaarqabe guursatooyaHangool jabay lala dhacyeeya!
Cawskanow sabool diidow - hoyal
Waqan suuqa lagu dhiginey - hoyalSoddon lagugu baayiciney - hoyalYaa sameeyay lagu oraney - hoyal
Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadeey!
Bal naagtaas badhida dayaBal balaq-balaqdeeda dayaBal bawdya-caddaanta dayaBocoolkay sidato dayaCakuye boholaha Xargega
Wadkiisaa wada wadaadka
Maxaa waddadayda keenay
Maantana far baa meyr la'e, hay fadhiyo geelu!
Waa nabad, Siciid:Waa arrin wanaagsan. Waxaa dhisan xarumo badan oo cilmibaarista afkeenna ku hawlan. Waxaa kuwan kamid ah, Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed (XCS). Xaruntan waxaa ku keydsan xogo badan oo ilo u ah duugdhigaal afka iyo suugaantiisu yeesho (gaar ahaan, inta ku siman 1.5 qarni ee u dambeeyay).Sida kale, sooyiilka suugaanta soke waxa uu Macalin Guush* u kala qaybiyey marxaladahan:Suugaantii la tiriyey saddexda marxaladood ee ugu dambeeya waynu ka cokan nahay, oo waxaynu helaynaa buugaag/meelo/maskaxo badan oo ay ku kaydsanyihiin. Rogrogistooda/habayntooda si looga sameeyo duugdhigaal suugaaneed waa hawl culus, balse lagu dhiirran karo. Waase in loo xogo-urursadaa (oo XCS oo qudha inagu filnaan mayso).
- Xilligii Dahabiga (gumeystayaashii ka hor)
- Xilligii Dabka iyo Dhuxusha (1899 - 1944)
- XIlligii Kabanka (1944 - 1969)
- Waaga Cusub (1969 - immika)
Anigu waxaan xiise u qabaa suugaantu siday ahayd xilliyadii ka horreeyay Xilliga Dahabiga. Raadraacisteeda waxaa ugu xooggan maahmaahda iyo sheekaxariirooyinka, oo qaar laga helayo maansooyin!. Tusaale ahaan, dhagdheer markii ay dhimatay dadkii isku soo baxay waxay ku dhaanteeyeen (oo aan meeriskan ka hayo):Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadeey!Dhagdheer oo jar ka boodi weyday waata ku balweysay:Bal naagtaas badhida dayaBal balaq-balaqdeeda dayaBal bawdya-caddaanta dayaBocoolkay sidato dayaCakuye boholaha XargegaMarka kale oo ay wadaad socdaal ah diiratay waata ku hobeeyaysatay:Wadkiisaa wada wadaadkaMaxaa waddadayda keenayDhanka kale, Arraweelo waxay meeris gabay ah ku tiri:Maantana far baa meyr la'e, hay fadhiyo geelu!Weydiimo badan ayaa laga keeni karaa xogahan kore. Sheekaxariirooyinka, sida ta Arraweelo, yaa curiyey; goormaa se la curiyey? Meerisyada maanso ee ay wataan yaa ku daray, goormaa se lagu daray? Ma yihiin sheekooyinkanu mala-awaal, mase waaba dhab? Waxaan la kulmay dhawr qof oo yiri Dhagdheer baan ka soo jeednaa! Waana ta la arko qabrigii Arraweelo oo dhagxaan iyo sidii caleemo qoyan loogu tuurayey buur soo baxday!**Waxbaaris ballaadhan, oo aqoomo badan hilan, baan laga maarmaynin haddiiba la duugdhigaal-aynayo xogahakaas kore iyo kuwa lamidka ah.Mahadsanidin,IdirisXogtan kore waxaan ka soo kala qaatay:** Sheekoxariirooyin Soomaaliyeed, Axmed Cartan Xaange, ee ku daban dhambaalkan (bog 16, 17, 28, 31, 34).
--
You received this message because you are subscribed to the Google Groups "GAHIDH" group.
To unsubscribe from this group and stop receiving emails from it, send an email to gahidh+un...@googlegroups.com.
For more options, visit https://groups.google.com/groups/opt_out.
Gaacalooy gacalooy - gacalooyGaacalooy gacalooy - gacalooyGaacantay midigay - gacalooyWaan ku faanninayaa - gacalooyFaan u waa kugu yaal - gacalooyFaayahaad ku siddaa - gacalooyAfar kaaga digaa - gacalooyKaaga dayriyayaa - gacalooyGaacalooy gacalooy - gacalooyKaaga diin dhigayaa - gacalooyNinka geesi ha gursan - gacalooyNinka gaaban ha gursan - gacalooyNinka dheer na ha gursan - gacalooyFuleygii na ha gursan - gacalooyNinka geesi ha gursan - gacalooyMarka geela la qaado - gacalooyGudub buu [u] ordaa - gacalooyGoob xun baa la dhigaa - gacalooyGoblan buu ku badaa - gacalooyGaacalooy gacalooy - gacalooyNinka gaaban ha gursan - gacalooyMarka geelu cadhoobo - gacalooyGarba-saarka ma gaadhe - gacalooyGoondhuhuu ka dayaa - gacalooyNinka dheer na ha gursan - gacalooyMarka gaajo timaad - gacalooyGuriguu is goglaa - gacalooyGo'ayeey ku yidhaa - gacalooyWaana baahi darteed - gacalooyWaana been quwideed - gacalooyFuleygii na ha gursan - gacalooyMeel ficiis ka teguu - gacalooyFeyla weyn yahayee - gacalooyFoolxumaa la rergaa - gacalooy
[Gacaloy gacalooy - gacalooy]Gacanteey midigeey - gacalooyGeel la waayay wadaay - gacalooyGarbo wayrixiyaay - gacalooyGeel ma kaala baxaa - gacalooyIyo gaabo riyaad - gacalooyIyo giiryar lammaan - gacalooyGaabanow qorigii - gacalooyIyo garooy adhigii - gacalooy
Taasu waa iga taa - gacalooyTu kalaan se hayaa - gacalooyNaa dalaalacaneey - gacalooyNaa daruur ugubooy - gacalooyDurdur waa Qorraxeey - gacalooyDadna waa kuwa yaal - gacalooyIyo intii dabo taal - gacalooyDaaran gabadh ahaa - gacalooyOon gashaanti ahaa - gacalooyGuudku ii rax lahaa - gacalooyAabbahay gadh cillaanle - gacalooyAn gadaadin ogaa - gacalooyHadda waan habaroobay - gacalooyMar haddaad habarowdo - gacalooyOod haraad balaqowdo - gacalooyOo hortaada la meero - gacalooyHayin baad noqotaa - gacalooyHayin haamo ma diido - gacalooyHooyoy haamo i saar - gacalooyAan la sii hitiyee - gacalooyTaasu waa iga taa - gacalooyTu kalaan se hayaa - gacalooyGabdhahaannagiyow - gacalooyGarasweyne dagow - gacalooyGeedka loogu jiryow - gacalooyAllow aanan ku waayin - gacalooyAdna aadan i waayin - gacalooyOodan guul dhaxammoonin - gacalooyOonan goor xun gableynin - gacalooyTaasu waa iga taa - gacalooyTu kalaan se hayaa - gacalooyWada dhashaa wada dheela - gacalooyWada dhashaa dhabdhableeya - gacalooyWada dhashaa dhulka maaxa - gacalooyWada dhashaa is dharbaaxa - gacalooy
Saddex kaaga digaa - gacalooyKaaga dayriyayaa - gacalooy
Kaaga diin dhigayaa - gacalooy
Ninka gaaban ha guursan - gacalooyMarkuu geelu cadhoobo - gacalooyMarqo-saarka ma gaadho - gacalooyGonduhuu ka dhayaa - gacalooyNinka dheerra ha guursan - gacalooyMarkay gaajo timaado - gacalooyAqalkuu is goglaa - gacalooy"Waan bukaa" bu dhahaa - gacalooyMa bukee ha bukoodo - gacalooy"Beerkayow" ha yidhaahdo - gacalooyBiyaa ha loo kululeeyo - gacalooyNinka geesi ha guursan - gacalooyOo waxaadan u guursan - gacalooy
Marka geela la qaado - gacalooy
Gabgab buu u ordaa - gacalooyGaagidaa la dhigaa - gacalooyGabadh buu ka tagaa - gacalooyGablan buu ku badaa - gacalooyTaasu waa iga taa - gacalooyTu kalaan se hayaa - gacalooyNinka waalid u roon - gacalooyNinka weedha qabow - gacalooyNinka weyso ku taal - gacalooyKaa haddaad heli weydo - gacalooyGabadhaada ahow - gacalooyGablan geeri ku dhawr - gacalooyIska guudad xidhnow - gacalooy[Taasu waa iga taa - gacalooyTu kalaan se hayaa - gacalooy]
Adagaa adagaa - gacalooyAdagaa ma bir baa - gacalooyMa biriiri lab baa - gacalooyMa Barrow dhebey baa - gacalooyMa dameer lafti baa - gacalooyMa dayuus nin ahaa - gacalooyMasaggooy masaggooy - gacalooyMasaggooy adageey - gacalooyAdageey ashahaado - gacalooyIsha baalka ka qaad - gacalooyIllalaahi ku waar - gacalooy