Bariidin iyo isbarasho

13 views
Skip to first unread message

Jamàl

unread,
Mar 25, 2013, 1:34:53 AM3/25/13
to gah...@googlegroups.com
Nabaaddiino,

Magacaygu waa Jamaal, waxana aan xirfad ahaan ahay web-based application developer, haseyeeshee waxa aan jeclahay barashada iyo raadraaca af Soomaaliga, murtidiisa hodanka ah, suugaantiisa iyo dhadhankiisa/milgihiisa (semantics).

Waxa aan kobgalshooyinka Saciid iyo Idiris helay aniga oo raadinaya ereybixin aan u sameeyo habka dhigaallada lagu maareeyo (content management system) ee WordPress, iyo qorshedaar hoosaad aan danaynayey in aan bilaabo oo ah habka maaraynta xawaaladaha (money transfer management system); maadaama ay ereyo badani igu adkaadeenna aan keligay socodsiin waayey.

Intii aan raad-goobayey ereybixinta Soomaaliga, waxa aan helayo ereyo kasmo iyo farsameed oo aan yarayn, kuwaas oo qaarkood ka helay blog-yada Siciid, qaar na dad kale igu taageereen, qaar kale na aan ka helay ururiska Jaamacadda Indiana.

Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka mid ahaado xubnaha gashigaan, waxana aan rajayn in uu noqdo mid aynu ka wada faa'iidasanno.


Mahadsanidiin,

~Jamaal

Idiris Cali

unread,
Mar 26, 2013, 3:36:00 PM3/26/13
to gah...@googlegroups.com
Soo dhawow, Jamaal!


2013/3/25 Jamàl <jmlw...@gmail.com>

--
You received this message because you are subscribed to the Google Groups "GAHIDH" group.
To unsubscribe from this group and stop receiving emails from it, send an email to gahidh+un...@googlegroups.com.
For more options, visit https://groups.google.com/groups/opt_out.
 
 

Seid Abdi

unread,
Mar 26, 2013, 10:06:41 PM3/26/13
to gah...@googlegroups.com
Bariidin Nabada Kaa Guddoonay, Jamaal!
Ku Soo Dhowow Golaha Ama Goshigan: Ereyga Goshi: Waa Erey Ka Dhigan ACADEMY.
Waxa Aan Ogohay In Aan Dedaalkaaga Aad Af-Soomaaliga U Gashaa Aanuu Yarayn. Waxa Aan Kuu Rajaynayaa In Aad Ka Gaadho Heerkiisa Waxbarasho Ee Ugu Sareeya. WACAYSLE = Phd HOLDER.
Heertannada Waxbarasho Waxaa Hore Loo Gudboondhigay YAHANNIMODA - Oo Lagu Tiraabay YAHAN = MASTER.
Waxaa La Yaalaa Dhahaa AQOONYAHAN, Oo Ka Dhigan SCHOLAR. Yahanku Se Waa MASTER.
Waxa Kaloo Jira YOODLE = BACHELOR . YOOD-ku Af-Soomaaliga Waa Doodda.
Mar Kale Soo Dhowow.
Wixii Naga Gedmada Hubaal Waa Aad Sudi Kartaa.
SEID ABDI
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages