Jaadadka Sheeko Caruureedda

35 views
Skip to first unread message

Seid Abdi

unread,
Mar 24, 2013, 5:15:49 PM3/24/13
to gah...@googlegroups.com
Mahadsanid Jaalkay Idiriis,
Inaad noo soo bandhigtay XCS: Iyo Sooyaalkii kale ee suugaanta caruurta:
Sida aad ula socoto: Waxa suugaanta ama Sheekooyinka Caruurtu u kala soocan yihiin: Jaadadkan:

1. Kuwa Caruurta Lagu Seexiyo:(Bedtime Stories): Kuwa kanu, ma ahaadaan kuwo cilmi ama kasmo badan ku dhisan waxa keliya oo loo wariyaa si xidhiidhsan tan iyo inta ilmuhu ka seexanayo.

2. Waxa jira kuwo lagu bajiyo, oo looga gol-leeyahay in aan ilmuhu kaa aadin meel kale oo uu ka soo cabsado oo gosha hooyada uu mar walba bido meesha nabada iyo amaanka leh. Waxa looga sheekeeyaa, Dadqal, Reerguura-raac, Dhegdheer iyo qaar la mida. Raadka danbe ee ay ku yeelanayso nafsada caruurta ma aan ogi.

3. Waxa jira kuwo Kasmo-ku-dhisan, oo SCIENTIFIC ah: Kuwakan waxaa lagu dhigaa dugsiyada si garaadka caruurtu sare ugu qaadmo.

Intaa haddaan ka soo tago: ARAWEELO ayaa aad soo hadalqaaday, ama carabaabtay: Ma ogtahay in ay hilaadeedu ku siman tahay CAHDIGII uu Nebi Sulaymaan noolaa, taas oo la dhihi karo waxay ahayd BILQIIS oo ah magaca Carabtu u taqaanay Boqoraddii Saba: Ee Reergalbeedkuna dhaho Queen Of Sheeba ama magaca ah LAYLA.
Waxa ay ila ahaatay in Soomaaliduna dhahday ARAWEELO.

Waa aad iska hubsan doontaa, in ay saas tahay iyo inkale
SEID ABDI 

Idiris Cali

unread,
Mar 25, 2013, 12:46:30 AM3/25/13
to gah...@googlegroups.com
Waa nabad, Siciid:
 
Arraweelo sawirka aan ka haysanno waa "Boqorad Kelitalis Ah." Dhinaca kale, boqoradda Bilqiis waxay caan ku ahayd talawadaagga: QAALAH YAAA AYYUHAL MALA-U AFTUUNII FII AMRII MAA KUNNTU QAADHICATAN AMRAN XATAA TASHHADDUUN! (Qudhaanyo, 32). [Sida kale, Arraweelo dumarka way la tashan jirtay, ee ragga ayaysan la tashan jirin! Marka kelitalis ma aysan ahayn, ee xukun dumartalis ah bay madax u ahayd. Marka, madaxyaweynta ay Bilqiis la tashanayso yey ahaayeen? Ma rag baa, mise dumar? Taas oo inoo caddaata, baa farqi in uu le'eg keeni karta.]

In ay Arraweelo jirtay iyo in kale shaki baa iiga jira. Degelbaadhis waa in lagu sameeyaa agagaarka meelaha la yiri way ku noolayd!

Mahadsanid,
Idris

Idiris Cali

unread,
Mar 25, 2013, 12:01:21 PM3/25/13
to gah...@googlegroups.com
Tusmadii aan laaxinka soo raaciyey baan sidan u saxay: QAALAT YAAA AYYUHAL MALA-U AFTUUNII FII AMRII MAA KUNNTU QAADHICATAN AMRAN XATAA TASHHADUUN!


2013/3/25 Idiris Cali <idiris...@gmail.com>
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages