Isbarasho!

22 views
Skip to first unread message

Idiris M. Cali

unread,
Mar 15, 2013, 4:55:17 AM3/15/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,
Akhyaarta:

Horta aan iskiin baro! Magacaygu waa Idiris M. Cali; waxaanan degganahay magaalada Boston, MA, USA. Waxaan ahay barte ka tirsan jaamacadda UMass Lowell; waxaanan bartaa waxhindiska giraareed (mechanical engineering). Sida kale, waxaan ahay bare dhiga af-Soomaaliga; waxaanan (xagaayada) afkan u dhigaa da'yar badan oo Soomaali iyo ajnabi ba leh. Waxaan isku haystaa qoraa, balse waxqoristu ma'aha mid aan ku shaqaysto.

Waxaa i soo jiitay sida uu goshigani ugu taammayo "horumarinta af-Soomaaliga," waana sababta aan uga tirsanahay, uguna heellanahay ka qayb-qaadashada "wax-isweydaarsiyada" goshigan.

Hayeh, adiguna iskay bar!

Mahadsanid,
Idiris
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages