TIRAABEYNTA

32 views
Skip to first unread message

Seid Abdi

unread,
Sep 1, 2013, 4:25:01 PM9/1/13
to gah...@googlegroups.com
Bariidin Nabada Dhamaantiin,

Waxa aan dhanbaalkan ku soo bandhigayaa, saabsane aan hore-ba wax uga qoray, oo lugleh TIRAAB. Waxyaabihii hore looga dhahay TIRAAB, waxaa la garabdhigay TIX, taasoo lagu kala aqoodsanaayay kala-duwanaanshaha TIX-da iyo TIRAAB-ta.
Waxa looga jeeday kala-qoodaabka (The Classification) afka. Si labaad oo loo kala qoodaabay, ayaa iyadu-na ahaatay HADAL iyo HAWRAAR. Haddii aad dhugato Bog-galsheedkan www.af-haaneed.blogspot.com waxaa aad arkaysaa, siyaabahaas kala duwan. Aniga oo is-waafajinaya dhamaan hababka loo kala qoodaabay ayaa aan ku tiraabayaa, goobtaas. Waxa ka mida, iyada oo aan tilmaamayo, kala duwanaanshaha EREY iyo TIRAAB.

HADAL-ku waxa uu yeedhaa:- EREYO --Taas oo aan uga baahnayn dedaal ama tabar badan in lagu dhaato micnayaasha ereyo xanbaarsan yihiin.
HAWRAAR-tu waxa ay yeedhaa TIRAABO-- Kuwaas oo ka rabnaanaya qofka in uu u kuurgalo dhaadashadooda iyo adeegsigooda.

QEEXNAANTA TIRAAB: Tiraab waa erey ama dhowr erey, oo xanbaarsan saanyad kasmeed ama murtiyeed(Scientific or a literary concept).
Waxa jira shan tiraabeynood:
marka hore waa laba:

1. KASMA-TIRAABEYN: (Scientific Terming)
2. MURTI-TIRAABEYN: ( Literary Terming)

1.1. Kasma-Tiraabeyn = Scientific Terming.
1.2. Farsama-Tiraabeyn = Technical Terming.
1.3. Garne-Tiraabeyn = Legal Terming.
1.4. Dana-Tiraabeyn = Business Terming
2. Murti-Tiraabeyn = Literary Terming

Anigoo ka mida Halhureyaal kale(volunteers), ayaa aan hore uga qeybqaatay gudbandhigaadda tiraabaha GOOGLE-ka. Kuwaasoo ahaa, tiraabaha farsamo ee ka muuqda Xuuraamaha Google(Google Browser).
Aniga iyo halhureyaashii kale , ama dhamaan halhureyaashu waxyaabaha aanay isla meeldhigin waxa ka mid ahaa, ereybixinnada fofka ah(Freshly Coined Words), kuwaasoo keenayay halkaannimo la'aan(Lack of uniformness). Taasi waxay baajisay, in Google-ku ku soo bandhigmo Af-Soomaali.
27-Bishii August ayaa Google-ku soo bandhigay maqaal, tilmaamaya in uu af-Soomaaliga ku soo dari doono qeybta Google-ka ee Transaltions-ka. Kaasoo ahaan doona, MACHINE TRANSLATIONS. Waxa ay tilmaameen inay u baahan yihiin halhureyaal, tamadiya oo qiimeeya, sida TRANSLATION-koodu yahay.
Bulsho badan oo soo wabatay(responded) ayaa, u aragtay baaqaas mid guul ugu muuqda afka Soomaaliga dadkiisa. Waxa se weli muuqata in hawsha gudbandhigaaddu tahay mid heer-bilow ah, oo aan gaadhsiisnayn heerarka ay gaadheen afaf kale oo si horumarsan MACHINE TRANSLATION-koodu u fulo.

Xushmadoorrada Goshigan, dhamaantood waxa aan u tilmaami lahaa, bal inay ka warhayaan, oo la socdaan, halka hawshaasi biya-dhigto, maadaama danteena GAHIDH ay tahay, horumarinta iyo hab-qumanaynta af-Soomaaliga HADAL-kiisa iyo HAWRAAR-tiisa-ba.

SEID ABDI

Idiris Cali

unread,
Sep 1, 2013, 6:55:24 PM9/1/13
to gah...@googlegroups.com
Bariido wacan, 
Dhammaan:

Waa hawl weyn sidaad tilmaantay, balse hadday in u firfircoon oo u maskaxyo furfuran isku bahaystaan waa hawl si degdeg ah loo gudan karo. 

Horta, sidaad qeexday wixii Kasmo-tiraabeyn ah waa meesheeda, oo ereybixinta la isku raaco ayaa la adeegsan karaa -- inkasta oo raadraaca loo noqonayo ay tahay ereybiximihii hore loo sameeyay. Isku duwid iyo isla helid ayay hawli tahay.

Sida kale, murti-tiraabeynta laffteedu hawshaas kasmo-tiraabeynta oo kale kama maarranto. 

Waxaa intaas dheer dedaalka gudbadhigaha. Anigu inkasta oo aan ku shaqo gelin gudbadhigista, haddana mararka qaarkood waxaan gudbadhigaa tix iyo tiraab waxa aan ka helo. Halkan iyo halkan ba eega.

Waxaan bilaabay, debadeedna joojiyay intaan ka caajisay, gudbadhista xogjeedinta, "Sababta aan u Diiddanahay Dagaalka Fiitnaam," ee Martin Luther King, Jr. Gudbadhista qabyada ah iyo tii Ingiriiska ahaydba waad la degi kartaan. 

Haddaad labada isu eegtaan, waxaa muuqanaysa in aan ku dedaalay "ereyo-yaraynta" gudbadhista, oo meelaha qaarkood (aan waliba farta jiifta ku qoray) waxaan adeegsaday sarbeebo (idiom) caan ah. Ereyayaranta waxaa igu dhaliyay in aan gudbadhista u arko wax looga danleeyahay in nuxurka hadalka loo gudbiyo sida ugu habboon ee uu ugu gudbi karo afka loo gudbinayo. Taasna waxay meesha ka saarasaa adeegsashada qeexdimaha, haddiiba xitaa afkaloo gudbinayo uu ka arradan yahay tiraabo meelgal ah.  Ereyayarayntu waa xayndaab aan ka gudbadhige ahaan isa saaray, waana falaasifo aan ku gudbadhigis galo.

Ugu dambayntii, Mashiinku inuu karaar u yeeli doono isu soo duwidda iyo bulaalidda gudbadhista ayaan ku han weynahay, maaddaama oo mashiinku wato maskax ka firfircoon tan dadka. Waanan in aan gacan siinnaa mashiinkaas innagoo gudbadhigiteenna ku darsanayna kuwa badan ee uu kala rogrogaya. 

Mahadsanid,
Idiris




2013/9/1 Seid Abdi <seid...@gmail.com>

--
You received this message because you are subscribed to the Google Groups "GAHIDH" group.
To unsubscribe from this group and stop receiving emails from it, send an email to gahidh+un...@googlegroups.com.
For more options, visit https://groups.google.com/groups/opt_out.

Sababta aan u Diiddanahay Dagaalka Fiitnaam.docx
Why I Am Opposed to the War in Vietnam.docx
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages