Yaresheeko

15 views
Skip to first unread message

Idiris M. Cali

unread,
Mar 30, 2013, 1:37:52 PM3/30/13
to gah...@googlegroups.com
Asalaamu Calaykum,
Akhyaarta:

Maahmaah la moodda, "Illeen sagaaro ima barato," waxaa ku duugan sheeko. Sheekadan waxaa soo koobay afartaas erey ee weedhaas ku jira. Sidaas oo kale, haddii la damco in sheeko lagu soo koobo ereyo aan ka badnayn lix, maxay ereyadani ahaanayaan? Ernest Hemingway baa bari ku kaftamay inuu curin karo sheeko dhan, isaga oo lix erey oo qudha adeegsanaya. Wuxuuna soo tufay ereyadan: "For sale: Baby shoes, never worn." 

Weydiimo badan ayaa ka imanaya lixdaas erey (amma yaresheekadaas). Maxaa kabaha loo iibinayaa? Ma ilmihii loo iibiyaa diiday/dhintay? Miyaase la soo xaday? Halkee ayaa lagu iibinayaa? Iwm, iwm. Weydiimahan oo qofba si uga warceliyo ayaa dhalinaya sheekada. Lixdaas erey waxay noqonayaan saabkii/qalfoofkii sheekada. Qof kastaana waa siduu u hilbasaarto.

Yaresheekaddana ila dhawra: Bareejo. "Dirqi baan ku soo baxnay!" 

Mahadsanidin,
Idiris


Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages