Somaliland

4 views
Skip to first unread message

Mustafa Dhimbil

unread,
Aug 16, 2012, 8:13:40 PM8/16/12
to gaboye

Wasiiro, Cuqaal Iyo Salaadiin Hargeysa Gudaheeda Ka Dhex Xullaya Xildhibaanadda Beelahooda U Matalaya Baarlamaanka DKMG

 

Hargeysa (Halbeegnews)– Salaadiin iyo cuqaal caan ka ah Somaliland ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey waxaa la arkaayey iyagoo ku shirinaaya isla-markaana iskugu soo habar-wacday jilibyada iyo ardaayadda ay gadh-hayeenka u yahiin olole ay ugu jireen xulista xildhibaanadda ciddii beelahooda u matali lahayd xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya.

wakhtiga fiidkii ee afurka ka dib ayaa Salaadiintaasi iyo cuqaashaasi waxay samaysteen goobo la iskugu yimaado kuwaasi oo ay iskugu keenaan cuqaasha beelahooda isla markaana waxaa lagaga hadlaa sidii loo kala reebi lahaa xubno muran dhex gallay oo doonaya inay ku biiraan baarlamaanka Soomaaliya

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray, Suldaan C/raxmaan Cabdilaahi Aw Good iyo salaadiin kale oo ka soo jeeda beriga, waqooyiga iyo koonfurta Caasimadda Hargeysa ayaa la sheegay inay yahiin kuwa sida weyn fartu ugu godantahay isla markaana aan qarsanba inay si weyn ugu lug leeyahiin xulista ka socota magaalada Muqdisho iyo inay kala dilaalayaan cidda hanan doonta hogaanka S

Dhinaca kalana Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inay qayb weyn ka cayaarayaan xulista iyo qaabka siyaasadda ee dalka Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay inay qaarkood aanay ka telefoon dhigin magaalada Muqdisho waxaana wasiiradda fartu ku gudantahay ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar, arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade, waxaa iyugna aan arrintani aan ka madhnayn mudanayaasha labada gole ee wakiiladda iyo baarlamaanka oo fadhiyadda ardaayaddaasi qayb weyn ku leh.

oomaaliya

Dhawa

an ayaanu idiin soo gudbin doona warbixin tan ka sii tafatiran la socda

Halbeegnews, Hargeysa

 

 
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages