Hadaba Barnaamijkan Cusub ee "Dood Qeybsi" waxaanu barnaamijkan qeybtiisa koowaad daah fur uga dhigeyna ,dood ah "Beelaha Gabooye Daani Keebey Ugu Jirtaa ? Ma Soomaali weyn ?Ma JSomaliland ?Ma Maamulka Putland ?Ma Maamulka Galmudug state?Ma Hiiraan State " iyo meelaha kale ee la midka ahba .Halkeese Maanta Faa,iido Ku Heystaan oo Ay Ka Dhex Muuqdan Masraxa Siyaasadeed?Intaa soo meelood?
Fadlaan ,,Doodani waa mid u furaan dhamaan akhristayasha sharafta iyo qadariinta mudaan ,faadlaan ka qeyb qaado doodan adigoo adeegsanaya aqoon cilmi iyo caqli caafimaad qaba ,,
waxaanad doodan si toosa Fikirkaaga iyo Aragtidaada aad noogu soo hagaajin karta emailka hoos ku qoraan ,
kalana sooco shabakada wararka ee GabooyeLive.com ..
Fiiro Gaara Sabaabta aanu barnaamijkan u soo bandhigneyna ama aanu doodan u siiney ahmiyada kowaad beelahan gabooye dooda waa beelaha Gabooye waa beelaha kaliya ee dagaan dhamaan dhulka somaaliyeed oo dhan meelkastana laga helayo hadana tan iyo intii ay burburtey dowladii soomaaliweyn 1991 intii ka dambeysey ilaa maanta tirsaneysa ineyna marnaba ka heliin xaquuqdey dalkooda hooyo ugu lahayeen saami qeybsiga siyaasada soomaaliya kana maqaan ilaa maanta ,
maamulka shabakada waararka ee gabooyelive .com himilada iyo aragtida shabakada , waa shabad wararka ah oo madax banaan hadafkeeduna yahey sidii ay horumar ugu sameyn laheyd dhinacyada waxbarashada iyo dhanka siyaasada beelaha gabooye anagoo ka duuleyn sidii looga guudbilahaa cabashada faraha badan iyo sidii ay uga dhax muuqaan lahaayeen siyaasiyiinta dhaliinyarad gabooye anagoo had iyo jeer u muujina taageero kalsooni iyo dadaal sidey umada walalahood ee soomaaliyeed ay wax ula qeybsan lahayeen ayagoo adeegsanaya aqoontooda iyo kalsoonidooda iyo sidii aanu qeyb weyn uga qaadan laheyn ,dhanka qabyaalada ee ragaadiyey beelahan gabooye sidii loo cidhib tiri lahaa ee ay beeshan gabooye dhankeeda uga guudbi laheyd dhanka caadifada qabiilka taa soo ay lagama maar maan tahey in loo helo warbaahiin u adeeegta umada caqliga iyo cilmiga adeegsaneysa ee same ka taliska ah.waxaa markasta naga xaaraana inan ka talino wixii umada dhib iyo kala fogeyn u keeni kara inan soo bandhiigno,,waxaanu had iyo jeer ku dadaalna dhanka wanaaga inan xooga saarno waayo ,waxaa horumar iyo aayaha bulsho lagu gaara waa wanaaga iyo filicka fiicaan ee aan dhibaato hurineyneyn ,hadafka iyo aragtidayada guud waa midnimo iyo wax wada qabsi beeluhu ka simaan yihiin ,gundhigeeduna yahey sinaan iyo cadaalad in la heloo ,,,,
Maamulka Guud ee shabakada GabooyeLive.com
Barkhad Xaaji Cabdi "Mr Gaboye"
ontario canada...