Somaliland iyo Somalia

18 views
Skip to first unread message

Mustafa Dhimbil

unread,
Aug 16, 2012, 8:58:28 PM8/16/12
to gaboye

Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Dalka Pakistan C/risaaq Diinaari Oo Muqdisho Ka Dagay Sheegayna Inuu Soo Wakiishay Wasiirka Daakhliga Duur Sidii Loo Xuli Lahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya

Hargeysa (Halbeegnews)–Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay Dalka Pakistan C/risaaq Diinaari ayaa ku biiray Ergooyinka Xulaya Baarlamanka cusub ee Somaliya, waxaana la sheegay inuu kaalin weyn ku leeyahay qiimaynta Raga isu soo sharaxaya Xildhibaanada oo uu kala reebayo.
C/risaaq Diinaari ayaa la sheegay inuu ku dooday markii uu Muqdisho tegay in looga soo wakiishay Hargeysa hawlaha xulista baarlamanka beelaha dhexe ee Somaliland uga qayb gelaya, isla mar ahaantaana uu soo diray Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur, inkasta oo mar aanu Khadka Talefoonka kula xidhiidhnay uu ka gaabsaday inuu arrimahaasi ka hadlo.
C/risaaq oo sida ay Wararku sheegayaan markii uu halkaasi tegay ku Degay Guriga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliya oo beesha Galbeedka Burco ka soo jeeda, ayaa xalay markaanu la xidhiidhnay sheegay inuu ku suganyahay Dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi, halkaasoo sida uu ku dooday uu hawlo shaqo u joogo, waxaanu hadalkiisa ku soo gaabiyay “Walaal waxaan joogaa Nairobi waxaan ku jiraa shir warna kuma siin karo hada ee waa inoo mar kale”ayuu yidhi.
Dhinaca kale warar Xogogaal ah oo laga helayo Magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in Mr Diinaari saamayn badan ku yeeshay Xulista Baarlamanka cusub ee Reer Waqooyiga, isla markaana uu khadka ka saaray rag badan oo sida la sheegayo aan u qalmin xubinimada Baarlamanka cusub, taasina rag badan oo damac siyaasadeed la tegay meesha ay caqabad ku noqotay.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo aanu isku daynay inaanu warkaasi wax ka waydiino noomay suurto gelin, ka dib markii xalay mar aanu Garaacnay Telefoonkiisa gacanta uu xidhnaa.
Dhanka kale Jaamac Axmed Maxamuud (Jaamac Oday) oo dhawr bilood ka hor ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland, laakiinse iska casilay xilkaasi, ka dibna hawlo u gaar ah ugu baxay dibada ayaa bishii hore gaadhay Muqdisho, waxaanu sheegay inuu ka mid noqday Baarlamanka cusub ee Somaliya.
Jaamac Oday oo warbaahinta la hadlay ayaa
 sheegay in markii uu Hargeysa ka soo tegay ay soo balameen Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana si qurux badan looga soo amba bixiyay Hargeysa oo uu madaxweynuhu soo diray “Axmed Siilaanyo, waa nin halgamaaya waa nin wax badan Somaliland ugu dul qaatay oo maantana madaxweyne ka ah, waa nin aan saaxiibnahay soona wada shaqaynay markii aan imanaayayna waanu soo balanay, waanu isoo ambo-bixiyay, waxaanan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsantahay, waxii aad hadda nooga baahantahayna waanu kaala shaqaynaynaa adiguna umadda waxii danaheeda ah sidii aad awalba ugu taagnayd ugu taagnaw, waxii dantoodu ku jirtana ha ka ga’bane si dhaba u waajah”.
 
Mar la waydiiyay su’aal ahayd in madaxweyne Siilaanyo Ogaa inuu ku socdo baarlamaanka Somaliya iyo inuu wax xidhiidh ah la soo sameeyay intii uu muqdisho joogay, waxa uu ku jawaabay ”Maya taas kamaanu soo balamin, ee waxaan ku idhi jaamacad baan qabanayaa ee jaamacada iga bixi, waanu iga soo caawiyay, sidaas ayaanan ku soo balanay, waxii kale ee aad iiga baahatana waan kaala shaqaynayaa ayaan ku idhi, sidaas ayaanu isku soo macasalaamaynay, baarlamaanka Somaliyana markaas niyadayda kumuu jirin”.
 
Ficilada ay Magaalada Muqdisho ka wadaan Shakhsiyaadka dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ku foogan ee reer Somaliland, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ahi dhawan ka amba baxeen Hargeysa ayaa u muuqda kuwo waji kale u leexinaya wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya u socday oo ay dhawaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqday inay hakisay dhankeeda.
Bishii Feberuary ee Sanadkan wixii ka horeeyay Qofka Somaliland u dhashay ee ka qayb qaata ama aaminsan Somaliweyn siyaasiyin wuxuu ahaa qof Dambiile ah oo jabiyay Xeer Dhaqan gal ah oo dawlada uga yaalay arintaasi, hase ahaatee waxa taasi meesha ka saaray wax ka bedel xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo kaashanaysa labada Gole ee Baarlamanka Somaliland ku sameeyeen Xeerkaasi xiligii ay Xukuumaddu ka qayb gashay Wajigii koowaad ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.
Taasi waxa ay dabarka ka furtay dad badan oo aaminsanaa Siyaasada Somaliya oo Hargeysa ku sugnaa waxaanay mugdi gelisay Go’aankii shacbiga Somaliland ku doorteen inay noqdaan dawlad ka madaxbanaan somaliya, iyadoo arimaha hada socdaa sawirayaan inaanay Xukuumadda lafteedu siyasad adag iyo mawqif culus ka lahayn jiritaanka Somaliland.
 
Waxaana taasi cadayn u ah sida aanay ilaa iyo wakhtigan uga gaashaaman saamaynta uu Dastuurka Somaliya ku leeyahay Gobolada Somaliland, isla markaana Wakiiladda ugu diratay Muqdisho.
 
Waaheen
Halbeegnews, Hargeysa
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages