somaliland

2 views
Skip to first unread message

Mustafa Dhimbil

unread,
Aug 16, 2012, 8:25:34 PM8/16/12
to gaboye

Lacago Kumanaankun Dollar Ah Oo Laga Daabulayo Hargeysa Loona Xawilayo Muqdisho Kuwaasi Oo Wasiiradda Xukuumadda Siilaanyo Qayb Weyn Ku Leeyahiin
Hargeysa (Halbeegnews)– dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyey waxaa isa soo taraayey kulano iyo olole siyaasadeed oo wasiiradda xukuumadda madaxweyne Siilaanyo aanay qarsanayninba kuwaasi oo ay ugu jiraan xubno ay isku hayb ka soo jeedaan oo xafiiltan iyo tartan ugu jira inay ka mid noqdaan golaha baarlamaanka cusub ee loo samaynayo dalka Soomaaliya.
Wasiirka daakhliga Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa isagu laf-dhabar u noqday kooxahaasi iyadoo wararka aanu sida xogogaalka ah ku hellayna noo xaqiijinayaan inuu wasiirka arrimaha gudahu uu lacago kumanaankun dollar ah oo ay xukuumadda uu ka tirsanyahay la ogtahay u xawilay dhinaca iyo magaalada Muqdisho isla markaana uu maalmahii ugu danbeeyey u diray magaalada Muqdisho xubno ay isku hayb ka soo jeedaan kuwaasi oo qayb ka qaadan doona xallinta khilaafyo soo dhex gallay xubno ku doonaya inay xildhibaano ku noqdaan magaca beelaha dhexe ee Somaliland.

Wasiir Duur oo adeegsanaya salaadiin iyo cuqaal caan hore ugu ahayd inay Xamar han iyo hunguri u doontaan marka xilalka sare loo tartamayo ayaan maalmahii ugu danbeeyey ka cag qaadin goobo qaadka habeenkii lagu ruugo oo ololaha iyo dardargelinta xubnahaasi Xamar loogu
Arrintani ayaa qayb ku leh ka dib markii Xukuumadda Siilaanyo ay sannadkani horaantiisii baabiisay xeerkii sannadkii 2000 labada gole ee Somaliland ansixiyeen ee xakamaynaayey xubnaha Xamar taga wixii laga yeelaayo, taasi oo dabarka iyo ooddaba ka qaaday kooxo iyagu xiiso u hayey Xamar oo markii hore xeerkaasi xakamo ku hayey, waxaana dadka siyaasadda odorosa tibaaxayaan in Madaxweyne Siilaanyo laftigiisu uu qayb weyn ku leeyahay ololaha ka socda magaalada Muqdisho, waxaa isagu dhawaan xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda iska casilay Boqor Jaamac Axmed Maxamuud Oday oo beesha uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeeda ka dhigtay boqorka beesha markiiba uu ka degay magaalada Muqdisho.
Dhinaca kalana 48-kii saacadood ee ugu danbeeyey waxaa magaalada Muqdisho ka degay ugu yaraan 5 xubnood oo uu ka mid yahay safiirkii Somaliland ee dalka Pakistan xukuumaddii Rayaale Diinaari oo isagu maanta warbaahinta u sheegay inuu wakiilka ka yahay wasiirka daakhliga Duur isla markaana uu Muqdisho u yimid sidii loo kala saari lahaa xildhibaanadda beelaha dhexe ee Somaliland.
 jiro kuwaasi oo laga furay gudaha caasimadda Hargeysa.
 
Halbeegnews, Hargeysa
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages