Ugaas Shookaalli: “Dowladnimada marti ayaan ka nahay, waxaana nalagu hayaa cunsuriyad socota nus qarni”
Ugaaska beelaha Maxamed Gorgaate Ugaas Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaalli) ayaa ka dhawaajiyay in beeshooda ay marti ka yihiin dowladnimada Soomaaliya hoggaankeeda iyo inay xitaa qabtaan qeybaha maamulkeeda kala duwan.
Waxa uu sheegay Ugaas Shookaalli in muddo nus qarni ah lagu hayay beesha uu hoggaamiyo cunsuriyad qabiil oo uu sheegay in beelaha Soomaaliyeed haatan ay u qeybsan yihiin laba qeybood taasi oo uu sheegay in beelaha Soomaaliyeed ay yihiin kuwo wax takoora iyo kuwo la takooro.
“Xuquuqdeena cadaaladeed weli ma helin muddo nus qarni ah ayayna mareysaa” ayuu yiri Ugaaska beelaha Maxamed Gorgaate oo sheegay in beeshooda aanay Dowladda mucaarad ku ahayn isla markaana ay yihiin beelo xoogsato ah oo ah dowlad ku nool.
Ugaas Ibraahim Geeddi Jimcaale (Shookaalli) ayaa sheegay in odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Maxamed Gorgaate oo uu isagu hoggaaminayo ay xiriiro la sameeyeen madaxda sare ee Dowladda, isagoona sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kulankii ay ka doonayeen ay xujo kala kulmeen.
“Ra’iisal Wasaaraha ayaa noo suuragashay inaan la kulano, isagana wuxuu noo diray Wasiirka arrimaha, hase yeeshee wuu ka gaabiyay inuu ka jawaabo amarkii Ra’iisal Wasaaraha” ayuu yiri Ugaaska beelaha Maxamed Gorgaate.
Dhinaca kale Ugaas Shookaalli ayaa sheegay in beeshiisu soo dhoweyneyso isla markaana taageersan tahay shirka London ka furmaya ee looga hadlayo aayaha Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu shuruud uga dhigay in shirkaasi aanu noqon mid lagu taageerayo cunsuriyadda iyo takoorka lagu hayo beeshooda.
“Dowladnimada marti ayaan ka nahay, waxaana nalagu hayaa cunsuriyad socota nus qarni” ayuu yiri Ugaaska beelaha Maxamed Gorgaate oo ka codsaday madaxda sare ee Dowladda inay maamulkooda ku saleeyaan cadaaladda oo uu sheegay in haddii aan la helin cadaalad aanu jiri doonin sinnaan, haddii aan taa la helinna aanay jirin nabad.